Duqowdii qureysheed markay arkeen xaaladdu meesha ay ka sii
degeneyso iyo ineysan waxba ku joojin karin dagaal iyo
xumaan ayey beddeleen go'aankoodii ahaa in Rasuulka SCW la
dilo, waxayna bilaabeen iney tartiib iyo wada hadallo ku
wadaan hawsha sidaa darteed ninkii la oran jirey Cutba binu
abii Rabbiica, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii qureysh ayaa
ku yiri odeyaashii "ka warrama haddaan Maxammed u tago
ooarrimo u bandhigo, waxa la arkaa inuu naga aqbalee",
odeyaashii waa ku farxeen waxayna dhaheen waa yahay.
Cutba wuxuu u tegey Rasuulka SCW wuxuuna ku yiri "i
dhegeyso wiilkaan adeerka u ahaayow, waad la socotaa
sharafta iyo wanaagga aad tolkaa ku lahayd iyo meeshaad ka
joogtay, sidaad sidaa u ahayd waxaad la timid arrin weyn oo
is haysigii tolkaa kala geeyey, caqligoodiina waa durtay,
ilaahyaashoodiina waad ceebaysey, aabbayaashoodii tegeyna
waad baadiyeysey, haddaba dhowr arrimod baan kuu soo
bandhigayaaye dhegeyso" Rasuulka SCW wuxuu yiri "dheh Abaa
Waliid, waan ku dhegeysanayaaye" wuxuu yiri Cutba "wiilkaan
adeerka u ahaayow haddaad arrinkaan u samaynaysid maal
badsasho, maal ayaan kuu ururineynaa ilaa aad ka noqoto kan
noogu xoolo badan, haddaad dooneyso sharafna sayid baan kaa
dhiganaynaa, haddaad boqornimo dooneyso boqor ayaan kaa
dhiganaynaa, haddii waxa kuu imaanaya uu yahay jinni oo aad
jirran tahay dhakhtar ayaan kuu geynaynaa, maalkaygana waa
kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo".
Rasuulka SCW wuxuu ku yiri "ma dhammaysatay abaa Waliid?",
wuxuu yiri "haa", markaasuu Rasuulka SCW yiri "anna bal i
dhegayso" markaasaa Rasuulka SCW bilaabay oo ku dul akhriyey
suuatu Fusilat. Cutba markuu qur'aankii dhegaystay ayuu aad
ugu khushuucay ka dibna wuxuu yiri "iga jooji". Rasuulku SCW
markuu aayaatkii dhammeeyey odeyaashii ayuu ku laabtay
isagoo beddelan. Odeyaashii markay arkeen Cutba oo cagajiid
ah oo soo laabtay ayey isu dheheen "Ilaah ayaan ku
dhaaranaye, wejigii uu idin kala tegey weji aan ahayn ayuu
la soo socdaa". Ka dib markuu yimid ayaa la yiri "maxaad
waddaa?" wuxuu ku jawaabay waxaan soo maqlay hadal aanan
weligey maqal isagoo kale, Ilaah baan ku dhaartaye inuusan
ahayn sixir, mana ahan curraafinnimo, ee nimanyohow maanta
hadalka igu raaca oo ninkaas iyo arrintuu wato faraha ka
qaada, waxa uu akharinayana wuxuu la imaan doonaa sha'ni
weyn, ninkaasna faraha ka qaada oo isu daaya isaga iyo
carabta kale oo hadday dilaan oo ay idinka kaafiyaan waa
sidaad rabteen, haduu isagu guuleystana boqortooyadiisu waa
tiinna, cissigiisuna waa cissigiinna oo idinkaa iska leh,
waxaadna noqon doontaan kuwa dadka ugu nasiib badan".
Odeyaashii qureysh oo ahaa niman aan Ilaahay xaqa la
doonin si walba oo wax loo tusaaleeyana aan ku qancayn, wax
walbana ka hor keenaya madax adayg iyo caniidnimo markay
dhagaysteen fikraddaas wanaagsan ee ninkaa odeyga ihi u soo
jeediyey waxay dheheen "wuu ku soo sixray oo carrabku kugu
soo sixray". Cutba wuxuu yiri "waa taas aniga taladaydii ee
waxaad doontaad sameeya".