DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY KACBADA
Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman wakiil uga ahaa
boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada
ugu xajineyso waxaa galay maseyr markaasuu magaalada Sanca
ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carab ka
jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen.
Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer bani kinaana ah
markaasuu kaniisaddii tegey oo qibladeedii wasakheeyey.
Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka xanaaqay wuxuuna
go'aansaday inuu kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ciidan
gaadhaya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo
toban maroodi, maroodigii ugu weynaana isaga ayaa saarnaa.
Abraha iyo ciidankiisii waxay soo socdaanba markay Makka ku
soo dhow yihiin ayey geel Cabdimudhalib lahaa qabsadeen
markaasaa Cabdimudhalib ergo ugu tegey isagoo doonaya in
geeliisii loo soo daayo. Abraha wuxuu yiri: "kacbadiinnii
ayaan duminayaa, adna geel baad dooneysaa!" Cabdimudhalib
wuxuu ugu jawaabey: "geela anigaa leh, kacbadana Rabbi baa
leh isagaan kaa difaacanaya" wuxu markaa Abraha yiri "haddii
aydan ila dagaallamaynin Makka isaga baxa" qureyshna sidii
ayey yeeshay, geeliina waa loo sii daayey Cabdimudhalib.
Ka dib markuu Abraha soo gaaray togga Xasar ee Musdalifa
iyo Mina u dhexeeya ayaa maroodigii istaagey oo diiday inuu
u dhaqaaqo dhinicii kacbada, marka dhinaca kale loo
jeediyana waa ordayey. Xaaladdu markey muddo sidaa ahayd
ayaa Ilaahay markii dambe u soo diray shimbiro mid walba
waddo saddex dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo labada
lugood. Ninkii uu dhagaxaasi ku dhacana wuu googo'ayey oo
wuu dhimanayey. Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada
dhicin ee waxay ku dhacday intuu Rabbi u qaddaray, intii
kalena waa carareen iyagoo isjiiraya. Ninkii Abraha ahaa
isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca oo uu ku dhintay.
Qureysh oo markii ciidanku yimid buuraha ku kala carartay,
markeey Abraha iyo ciidankiisii waxa qabsaday arkeen ayey
guryohoodii ku soo laabteen. Qisadan waxaa ka warrantay
suuratul-Fiil waxayna dhacday sannadkii uu Rasuulku SCW
dhashay. waxaana loo bixiyay sannadkaas; sannadkii maroodiga
(Caamul fiil).