OGGOLAANSHIHII JIHAADKA
Markii muslimiinta 13 sano la soo dhibayey, nooc walba oo
dhib ahna lagu sameeyey, iyagana aan Ilaahay weli u idmin
iney dagaallamaan oo raddi ficil (gacan celin) sameeyaan,
intaasna lagu boorrinayey iney ku sabraan dhibka iyo wax
walba oo gaalada ka soo gaara, ayaa markii ay Madiina
yimaaddeen, oo dad iyo degaanba ay heleen, waxaa loo idmay
jihaadkii waxaana soo degey aayadahan:
((WAXA LOO IDMAY KUWII LALA DAGAALLAMAYEY (INAY DAGAALLAMAAN)
MAXAA YEELAY WAA LA DULMIYEY, ALLENA GAR GAARKOODA WAA KARAA,
WAA KUWII GURYAHOODA LOOGA BIXIYEY XAQ DARRO IYO IN AY
YIRAAHDEEN RABBIGAAYO WAA ALLE, HADDAYSAN JIRINNA IN ALLE
DADKA QAARKIIS QAARKA KALE KU DIFAACO WAXAA LA DUMIN LAHAA
SAWAAMICDA (MEELAHA YAHUUDU KU TUKATO), BIYACA (KANIISADDA),
MEELAHA LAGU TUKADO, IYO MASAAJIDDA DHEXDEEDA LAGU XUSO
MAGACA ALLE WAX BADAN, ALLE WAA U GAR GAARAYAA CIDDII U GAR
GAARTA (DIINTIISA), ALLENA WAXA UU AHAADAY (ALLE) QOWI AH OO
CASIIS AH)), (Suuratul-Xaj 39-40).
Aayadahaas wixii ka dambeeyey waxaa si is daba joog ah u
bilaabmay isuna raacraacay aayadihii ka hadlayey jihaadka,
oo muslimiinta amrayey kuna boorrinayey iney u dagaallamaan
jidka Allaah iyo iney kalimadda Allaah noqoto midda koreysa
oo caalamka ka talisa. Waxaana uu Ilaahay u ballan qaaday
dadka mujaahidiinta ah iney leeyihiin labada wanaagsan
midkood: Shahiidnimo ama Guul. Sidaa kale wuxuu Allaah
sheegay in dadka ku dhinta jihaadka aysan dhiman balse ay
Ilaahay agtiisa ku nool yihiin.
Jihaadka qur'aanka iyo sunnaduba aad ayey uga hadleen uguna
boorriyeen muslimiinta, aayadaha iyo axaadiista ku soo
arooreyna aad ayey u badan yihiin. Jihaaddku waa waajib
marna wuxuu noqdaa fardul ceyn marna fardul kifaaya. Wuxuu
fardul ceyn noqdaa oo qof walba oo muslim ah ku waajib
noqdaa markii beled islaam ah lagu soo duulo ama ciddii uu
imaamka muslimiintu amro in ay jihaad u baxdo. Fardul
kifaayana wuxuu noqonayaa markii muslimiintu iska deggan
yihiin oo iyagu duullaanka qaadayaan, haddiise wax u quma la
waayo dhammaantood waajibkii waa saaran yahay waana
dambiilayaal oo ciqaab bay ku muteysanayaan.
Sidoo kale nusuusta islaamku waxay noo sheetay in cisiga
islaamku uu ku jiro jihaadka, markii laga tagana uu Ilaahay
dulli badayo muslimiinta. Wuxuu Rasuulku SCW yiri isagoo
arrintaa ka hadlaya: "qofkii dhinta isagoo aan duullaan
gelin (jihaad) ama aan naftiisa ugu sheekayn jihaadka wuxuu
dhintay dhimasho jaahili.
Allaahna sidoo kale isagoo mu'miniinta ku boorrinaya
jihaadka wuxuu yiri:
((ALLAAH WUXUU DADKA MU'MINIINTA AH NAFTOODA IYO MAALKOODA
UGA IIBSADAY INAY JANNO U AHOOTO, WAXAY KU DAGAALLAMAAYN
JIDKA ALLAAH, WAY LAYNAYAAN WAANA LA LAYNAYAA, WAANA YABOOH
XAQ AH OO KU SUGAN TOWREET, INJIIL IYO QUR'AANKA, YAA KA
OOFIN BADAN ALLE BALLANKIISA, KU BISHAARAYSTA (MUJAAHIDIINTOW)
BAYCIINII AAD ALLE LA GASHEEN, ARRINKAASINA WAXAA WEEYE
LIIBAAN WAYN)), (Suuratul-Tawbah 111)
Haddana wuxuu Ilaahay qur'aankiisa ku yiri:
((KUWA MU'MINIITA AHOW MA IDIN TUSIYAA TIJAARO IDINKA
KORINEYSA CADAAB DAR; WAXAAD RUMEYNEYSAAN ALLAAH IYO
RASUULKIISA, WAXAADNA KU JIHAADAYSAAN JIDKA ALLAAH NAFTINNA
IYO MAALKIINNABA, TAAS AYAANA IDIIN KHEYR BADAN HADDII AAD
WAX GARANAYSAAN)), (Suuratu-Saff 10-11).
Rasuulka SCW wuxuu jihaadka uga hadlay axaadiis tiro badan
kala duwan wuxuuna yiri: "Carraabo jidka Allaah (loo
carraabo) waxay ka khayr badan tahay adduunka iyo waxa ku
jira". Sidoo kale wuxuu Rasuulka SCW yiri "waxaa la ila soo
saaray saacadda (qiyaamaha) horteeda seef ilaa Allaah keliya
laga caabudo, resqigeygana waxaa la yeelay warankeyga
harkiisa hoostiisa, dulli iyo xaqiraadna waxaa la dul yeelay
qofkii amarkayga khilaafa, qofkii dad isu ekeysiiyana (ku
deyda) iyaguu ka mid yahay". Sidoo kale xaddiis, uu Imaam
Axmed weriyey qaybtiisa ugu dambaysa wuxuu Rasuulku SCW ku
yiri "markaad jihaadka ka tagtaan Alle wuxuu idinku ridayaa
dulli, idinkana qaadi maayo ilaa aad diintiinna u noqotaan".
Aayadaha iyo axaadiista ku soo arooray baabkan jihaadka way
tiro badan yihiin sidaan soo sheegnayba, jihaadkuna waa
waajib ka mid ah qaybaha islaamka ugu waaweyn, Rasuulku SCW
uu ku tilmaamay inuu yahay islaamka baarkiisa, qofkii
inkiraana waa gaal murtad ah oo dhiiggiisu bannaan yahay.
Waayahan dambena waxaa soo baxay kuwo murtadiin ah oo ka
shakisan islaamka qaatayna fikradihii gaalada oo dhahaya "muxuu
islaamku jihaadka u waajib yeelay?". Kuwa noocaas u
fekeraaya ma mudna in loo jawaabo maxaa yeelay waa sufaho
aan caqli lahayn oo murtadiin ah, waxayse mudan yihiin in
iyaga la weydiiyo, "haddaysan muslimiintu jihaadin ma la
nabad gelinayaa? adduunkase dad badan oo aan muslimiin ahayn
baa ku noole ma dagaallamaan miyaa?". Su'alahaas jawaabtooda
qofkii wax garad ihi waa garanayaa, jihaadkana waxaa nagu
waajibiyey Allaah SW oo naga og waxa ay maslaxadda iyo
wanaaggu noogu jiraan.
Jihaadka waajibnimadiisa waxaa ku jira xikmado iyo
faa'iidooyin aad u tiro badan oo aanan wada koobi karin,
islaamkuna wuxuu meel walba ku gaaray wuxuu ahaa jihaad.
Jihaadku wuxuu muslimiinta ka saaray dulligii iyo dulmigii
ay ku jireen saddex iyo toban sano ee Makka oo aan jihaadka
la waajib yeelin, kuwaas oo ahaa in marar badan la isku
dayey in Nabiga SCW la dilo, muslimiintana la dabar gooyo.
Jihaadku wuxuu sababay in islaamku dunida ku faafo,
adduunkuna wuxuu xasillooni iyo nabadgelyo ku noolaa markii
ay muslimiintu hoggaaminayeen. Laakiin markii ay
muslimiintii ka tageen jihaadkii, Allaah dulli ayuu baday ka
dibna waa la qabsaday oo la gumeystay lana kala qayb
qaybiyey. Adduunkiina wuxuu ilaa maanta ka bixi la'yahay xad
gudub iyo dulmi lagu hayo dadka muslimiint ah, meel walbana
lagu gawracayo, dhiiggooduna noqday wax aad raqiis u ah oo
aan labo is weydiin, qofka gaalka ihina wuxuu noqday mid aad
qaali u ah oo ummad dhan loo rogo.
Haddaba xaqiiqadu waxay tahay cisiga islaamku wuxuu ku jiraa
Aljihaad Fii Sabiilillaah. Waaggii ay muslimiintu jihaadi
jireen qof muslim ah gaal kuma xadgdubin jirin. Gabar marada
laga xayday ayaa ciidamo dhan loo diri jirey. Sideedaba
haddii uusan bani aadamku Ilaahay ka cabsanayn ama bini
aadam kale ka baqayn dhulka wuu fasahaadiyaa. Allaahna
isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:
((HADDAAN ALLAAH DADKA QAARKIIS QAARKA KALE KU REEBI LAHAYN
DHULKU WAA FASAHAADI LAHAA, LAAKIIN ALLE WA FADLI U SAAXIIB
(UGU DEEQAY)), (Suuratul-Baqara 251).
Jihaadku waqti walba waa uu soconayaa, wuxuuna ku egyahay
ilaa qiyaamuhu ka dhaco. Rasuulkuna SCW isagoo tilmaamaya
waqtiga uu jihaadku ku eg yahay waxaa uu yiri: "Jihaadku wuu
soconayaa ilaa yawmul-qiyaame". Sidoo kale Alle SW isagoo
tilmaamaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((LA DAGAALLAMA IYAGA (GAALADA) ILAA (ADDUUNKA) GAALNIMO
LAGA WAAYO OO DIINTA DHAMMAANTEED ALLE U AHAATO, HADDAY
REEBTOOMAAN (OO GAALNIMO IYO XUMAAN JOOJIYAAN) ALLE WUU
ARKAA WAXAY CAMAL SAMAYNAYAAN)), (Suuratul-Anfaal 39).
Ugu dambayntii muslimiintu baabkan jihaadka ah waa ineysan
fududeysan oo aysan hilmaamin, hurdadana ka kacaan, Ilaahay
diintiisana u dhintaan, diyaargarow iyo isticdaadna
sameeyaan, naf jeclaysigana iska daayaan kolley naftu markii
loo qoray uun ban baxaysaa kana hor mari mayso kana dib
dhici mayso. |