Waxaan soo marnay inuu Rasuulku SCW
muddo hal sano ku dhow uu ciidamo dirayey isagoo rabay inuu
qureysh dhaqaaleheeda curyaamiyo oo ka gooyo jidka
ganacsigoodu ku xiran yahay maddaama ay xoolihii muslimiinta
dheceen, kana soo saareen guryahoodii, maalkoodii iyo
ehelkoodii, ayna tahay qureyshi codowga ugu daran islaamka
iyo muslimiinta intaasna soo dhibayey. Muslimiinta iyagoo ka
jawaabaya falalkaas xun xun ee qureysh waxay ka joojiyeen
safaradii u kala socday Shaam iyo Makka oo dhaqaalahoodu ku
xirnaa. Qureyshi aad ayey arrintaa uga xumaatay, jidkiina
ciriiri ayuu ku noqday ilaa ay ku kalliftay inay maraan
badda xeebteeda oo halkaasna looga daba tegey. Waxaa kaloo
qureysh ka sii xanaajiyey in Makka duleedkeeda safarradoodii
laga ugaarsado.
Haddaba waxaan soo marnay in
Rasuulka SCW iyo ciidan u hoggaaminayo ay bishii Jamaadul
Uulaa ku bexeen safar ay qureysh ledahay oo Makka ka tegey
Shaamna u sii jeeda, hase yeeshee Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisu waa soo wayeen safarkaas, dabadeedna waxay
dhowrayeen soo noqodkiisa dambe. Labo bilood ka dib markii
la is yiri safarkaasi waa soo gaddoomay ayaa Rasuulku SCW
wuxuu diray laba nin oo kala ahaa: Dalxa ibnu Cubeydillaah
iyo Saciid ibnu Seyd wuxuuna ku yiri "socda oo baadi gooba
soona ogaada meesha ay soo maraayaan iyo waqtiga ay ku soo
aaddan yihiin". labadii nin way baxeen dabadeedna waxay
gaareen meesha la yiraahdo Xuura, halkaas markay ayaamo
joogeen ayaa waxaa soo maray safarkii qureysh oo tijaaro iyo
alaab fara badan wada, kana koobnaa kun rati oo ay wadeen 40
nin, uuna madax u ahaa abuu Sufyaan ibnu Xarbi. Si degdeg ah
ayay markaa labadii nin u soo noqdeen khabarkii oo dhanna
Rasuuka SCW ugu soo gudbiyeen.
Rasuulku SCW wuxuu Madiina ka soo
baxay bishii Ramadaan sannadkii 2aad ee hijriga, wuxuuna
Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum hase
yeeshee markuu marayo Rawxaa' ayaa (rasuulku scw) direy abaa
lubaaba oo ku yiri "Madiina madax ka noqo, Cabdullaahina
salaadda ha tujiyo". Calanka guud ee muslimiinta wuxuu
Rasuulku SCW u dhiibay Muscab ibnu Cumayr, wuxuuna Rasuulku
SCW ciidanka u qeybiyey labo qaybood: Muhaajiriin iyo Ansaar.
Qaybta Muhaajiriinta wuxuu calankooda u dhiibay Cali binu
Abii-dhaalib, qaybta Ansaarna Sacad binu Mucaad. Habka
duullaanka ciidanka wuxuu Rasuulku SCW u qeybiyey shan
qaybood oo waagaas ciidanka loo qaybin jirey: Midig, bidix,
horey, gadaal iyo dhexda. Dhinaca midig wuxuu madax uga
dhigay Subeyr binu Cawaam, dhinaca bidixna Miqdaad
ibnu-Aswad waana labadii nin oo labada faras ka watay
ciidanka. Dhinaca gadaale wuxuu madax uga dhigay Qeys ibnu
abii Sacsac.
Rasuulka SCW iyo ciidankiisii way
dhaqaaqeen waxayna qaadeen waddadii Makka aadi jirtey hase
yeeshee markay u dhow yihiiin ceelka Badar oo ay marayaan
meesha la yiraahdo Rawxa' ayey dhinaca midig u leexdeen ka
dibna way sii socdeen markay u dhow yihiin meesha la
yiraahdo Safraa' ayaa Rasuulku SCW wuxuu ceelkii Badar u
diray laba nin oo sahan ah oo la kala oran jirey Basbas ibnu
Cumar Aljuhani iyo Cadiyi ibnu Saqbaa Aljuhani, si ay u soo
ogaadaan safarkii qureysh iyo meesha uu marayo.
Dhinacii kale ninkii la oran jiray
Abuu Sufyaan ibnu Xarbi, oo ahaa ninkii madaxda u ahaa
safarkii qureyshee, oo aad u digtoon, ogna waddada uu hayo
oo Badar sii martaa ineysan aamin ahayn wuxuu galay wareysi
uu wareysanayo cid aala cidduu arko oo uu ku leeyahay "Madiina
maxaad wax war aha ka haysaa?", markaasaa ugu dambeyntii
waxaa loo sheegay in Nabi Maxammed SCW iyo asxaabtiisii ka
soo baxeen Madiina iyagoo raadinaya safarkiisa. Abuu Sufyaan
markuu arrintaas maqlay wuxuu ogaaday inuu halis ku jiro
sidaa daraaddeed degdeg ayuu Makka ugu diray qaylo dhaamis,
wuxuuna diray nin la oran Damdam ibnu Camar Alqafaari. Abuu
Sufyaanna safarkii ayuu ka hormaray oo wuxu tegey ceelkii
Badar wuxuuna ugu tegay ceelka nin la oran jirey Majdi ibnu
Camar, wuxuuna weydiiyey inuu war ka hayo ciidankii Madiina.
Majdi wuxuu yiri "cid aan garan waayo ma aanan arag aan ka
ahayn laba nin oo neef geel ah watey oo neefkoodii halkaas
arumiyey, ceelkana biyo ka dhaansaday dabadeedna iska tegey.
Abuu Sufyan wuxuu tegey meeshii
neefka geela ah la arumiyey markaasuu saaladii neefka qaatey
oo burburiyey, wuxuuna ka helay laf timireed markaasuu yiri
"Ilaah baan ku dhaartaye waa daaqii Madiina", dabadeedna
intuu si degdeg ah ugu laabtay safarkii ayuu ka leexiyey
waddadii oo dhinaca badda mariyey. Ninkii uu u direy Makka
oo Damdam la oran jirey isagoo ordaya oo qeylo dhaamis ah
ayuu Makka galay, wuxuuna sameeyey calaamooyin lagu yaqaanno
qofka dareenka wada oo qamiiskiisii ayuu jeexay, ratiguu
fuushanaana sanka ayuu gooyey, reeryadii ratiga saarnaydna
dhinaca kale ayuu u wareejiyey, qeylana afkuu ku shubtay
isagoo leh "qureysheey dharbaaxo dharbaaxo, xoolihiinnii
Abuu Sufyaan waday Maxammed baa asxaabtiisii ku soo bixiyey
una malayn maayo inaad gaaraysaan ee gargaar gargaar".
Qureysh iyagoo awalba u ciil qabay
Nabiga SCW iyo asxaabtiisa ayaa markii ay maqleen qeyladaas
si degdeg ah u soo baxeen iyagoo faanaya oo leh "Maxammed
iyo asxaabtiisu ma waxay u maleeyeen in safarkani yahay
safarkii ibnu Xadrami oo kale, ma jirto arrintaasi, Ilaah
baan ku dhaarranaye way ogaan doonaan si aan sidaas ahayn".
Odeyaashii qureysh madaxda u ahaa Abuu Lahab oo keliya ayaa
ka haray isaguna wuxuu u haray xanuun, beddelkiisiina wuxuu
diray nin uu deyn ku lahaa oo uu u cafiyey, raggii reer
makkana ninkaan bixin beddelkiisii ayuu dirayey. Waxaa Makka
ka soo baxay ciidan gaaraya 1300 oo nin oo wata 100 faras
iyo 600 oo canbuur bireed iyo awr aad u tiro badan.
Ammaanduulaha guud ee ciidanka qureysh wuxuu ahaa Abii Jahal,
xagga maamulka iyo raashinka waxaa u qaabbilsanaa 9 nin,
maalinkii waxay qalan jireen 9 ama 10 geeel ah.
Ciidankaasi waxay soo baxeen iyagoo
uu ka muuqdo kibir iyo is qaad qaad iyo is tus tus siduu
Allaahba uu ug caddeeyey aayadan:
((HA NOQONNINA KUWII UGA SOO BAXAY
GURYAHOODA KIBIR IYO DADKA IN LA IS TUSO, JIDKA ALLENA LA
XIRO, ALLAAHNA WIXII AY CAMAL SAMAYNAYEEN WAA MID KOOBAYA)),
(Suuratul-Anfaal 47).
Qureysh waxaa intaa u sii dheerayd
caro iyo xiqdi ay u qabeen Nabiga SCW iyo asxaabtiisa iyaga
oo rabay iney dabar gooyaan.
Waxay Qureyshi u soo dhaqaaqeen
dhinaca Badar, markii ay dhaafeen togga la yiraahdo Casafaan
oo ay marayaan Juxfa ayaa waxaa u timid waraaq uu soo direy
Abuu Sufyaan oo uu ku leeyahay "waxaad u soo baxdeen inaad
badbaadisaan safarkiina, Allaahna waa idiin badbaadiyey
raggiinnii iyo maalkiinnii ee soo laabta". Hase yeeshee Abuu
Jahal oo ahaa hoggaamiyihii ciidanka wuu diidey warkaas
waraaqda ku qornaa wuxuuna yiri "Ilaah baan ku dhaartaye
noqon mayn ilaa aan Badar tagno oo aan saddex beri joogno,
geelana ku qalanno, cuntadanaku cunno, khamradana ku cabno,
haweenkuna noogu heesaan, carabna ay maqasho socodkayaga iyo
awooddayada si aan dib dambe naloogu haweysan". Abii Jahal
markuu hadalladaas yiri ayaa waxaa hadlay Akhnas ibnu Sureyq
oo madax u ahaa reer banuu Suhra, wuxuuna yiri "haddii uu
safarkii nabad galay aan laabanno", markii laga diideyna
ciidankii qabiilkiisa oo 300 gaarayey ayuu la laabtay,
markii qureysh jabtayna qabiilkiisu aad ayey uga dambayn
jireen, wayna jeclaayeen go'aankiisa. Sidoo kale waxa damcay
iney laabtaan laftii uu Rasuulku SCW ka dhashay oo awalba
aan dagaal dooneyn ee lagu soo khasbay hase yeeshee Abii
Jahal ayaa u diidey oo yiri "kooxdani nama cidlaynayso".
Dhinaca ciidankii muslimiinta waxaa
loo soo gudbiyey in safarkii fakaday, ciidan aad u xoog
badan oo Makka ka yimidna uu yimid isla markaasna aan laga
fursan doonin in foodda la is daro, sidaa darteed koox
ciidankii muslimiinta ka mid ahayd way dhibsatay xaaladdaas
adag maxaa yeelay ciidanka muslimiintu hub sidaa ah ma wadan,
dagaalna kuma soo talo gelin, Madiinana rag badan bay uga
soo tageen, ujeeddada ay u soo baxeenna waxay ahayd iney soo
qabtaan safarkaas qureysh. Kooxdaas siday u kahanaysayna
Allaah ayaa qur'aanka ku sheegay oo wuxuu yiri:
(( SIDUU RABBIGAA KAAGA BIXIYEY
GURIGAAGA XAQNIMO, KOOX MU'MINIINTA KA MID AHI WAA
KAHANAYEEN, XAQA AYEYNA KUGULA DOODAYAAN MARKUU CADDAADEY KA
DIB, WAABA IYAGOO DHIMASHO LOO WADO OO FIIRINAYA)), (Suuratul-Anfaal
5-6).
Rasuulku SCW markii uu arkay
xaaladdu meesha ay marayso iyo wadciga taagan wuxuu arrintii
u bandhigay oo la tashaday asxaabtiisii si ay afkaartooda
uga dhiibtaan arrintaas cusub. Abuubakar ayaa markaas
istaagay oo si fiican u hadlay, ka dib Cumar binu Khadhaab
ayaa hadlay oo bartii loo baahnaa taabtay. Miqdaad ibnu
Camar ayaa isaguna hadlay oo yiri "Rasuulkii Allow ku soco
waxa Rabbi ku tusay, annaguna waan kula jirnaaye. Ilaahay
baan ku dhaartaye kugu dhihi mayno hadalkii ay reer banuu
Israa'iil Muuse ku yiraahdeen oo kale, kaas oo ahaa "soco
adiga iyo Rabbigaa oo dagaallama, annaguna halkan baan sii
fadhiyeynaaye", laakiin waxa aan ku leennahay "soco adiga
iyo Rabbigaa oo dagaaallama, annaguna la jirkiinna ayaannu
dagaallmaynaaye. Allihii xaq kugu soo saaray baan ku
dhaartaye haddii aad nala socotid ilaa aad ku gaartid
Barkul-Qamaad, waan kula soconayna oo kula jiraynaa waxa ka
sokeeya ilaa aad ka gaartid".
Rasuulku SCW wuu ku farxay hadalkaas
wanaagsan ee ay soo jeediyeen saddexdaas nin ee Muhaajiriin
kamid ahaa hase yeeshee wuxuu jeclaystay in uu Ansaarna
go'aan kooda wax ka maqlo maxaa yeelay ciidanku Ansaar ayuu
u badnaa isla markaasna heshiiskii ay Rasuulka SCW la soo
galeen ee Baycatu-Caqabadii 2aad kuma jirin duullaan
dibadeed ee wuxuu ahaa difaacid cid kasta oo soo weerarta
Nabiga SCW iyo muslimiinta. Rasuulku SCW wuxuu yiri "dadyahow
ii ishaara" oo uu ula jeeday hadla oo talo keena. Waxaa
markaa fahmay hoggaamiyihii Ansaar calan koodana waday,
Sacad binu Mucaad, wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaa la
arkaa in aad annaga (Ansaar) noo jeedid?", markaas ayuu
Rasuulku SCW yiri "haa". Sacad ayaa yiri "waan ku rumaysan
nahay waxaa aannu ka markhaati kacnay in uu xaq yahay waxa
aad la timid, waxa aan ku siinnay ballantayadii in aan ku
maqalno oo ku adeecno. Ku soco Rasuulkii Allow wixii aad
doontid, Allihii xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye
haddii aad badda nala aaddo oo aad dabbaalatid waan kula
dabaalanaynaa, nin annaga naga mid ahina ka dib dhici maayo,
mana kahanayo in aad nala kulansiisid cadowgayaga berri,
waan ku sabirnaa dagaalka, waannuna ka run sheegnaa la
kulanka, waxaana la arkaa in Allaah uu naga kaa tusiyo wax
ay ishaadu ku qabowsato ee ku soco barakada Allaah".
Riwaayad kale waxa ay ahayd in uu
Sacad yiri "waxaa la arkaa in aad ka baqdid in Ansaari u
aragto in aadan xaq ugu lahayn gargaar guryahooda
difaacidooda maahane, waxaanse leeyahay, aniga oo Ansaar u
hadlaya "meeshii aad doontid noo hogaaami, ciddii aad
doontid xariggeeda xiriiri oo heshiis la samayso, ciddii aad
doontid xariggeeda goo, wixii aad doontid maalkayaga ka
qaado, wixii aad doontid nasii, waxa aad naga qaadato ayaan
ka jecel nahay waxa aad nooga tagtid, amarkayaguna amarkaaga
ayuu raacayaa. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad socotid
ilaa aad ka gaartid Qamdaan waan kula soconayanaa, Ilaah
baan ku dhaartaye haddii aad badda noo bandhigtid oo aad
gashid waan kula gelaynaa".
Rasuulku SCW markii uu hadalladaas
iimaanku ka buuxo Sacad ka maqlay wuu ku farxay, waxa ayna
ku dhalisay firfircooni, wuxuuna yiri "socda oo bishaaraysta,
Allaah SW wuxuu ii ballan qaaday labo arrin midkood in aan
ku guuleysanno (Safarka ama dagaalka). Ilaah baan ku
dhaartaye waaba aniga oo hadda eegaya meelihii ragga (gaalada)
meydkooda la dhig lahaa". Allaah wuxuu qur'aankiisa ku yiri:
((XUSUUSO MARKUU ALLE IDIIN YABOOHAY
IN AY IDIIN SUGNAATAY (AAD KU GUULAYSANAYSAAN) LABADII
KOOXOOD (CIIDANKII AMA SAFARKII) MIDDOOD, WAXAADSE
JECLAYDEEN IN AY IDIIN AHAATO MIDDA DHIBTA YAR, ALLESE WAXA
UU DOONAYAA IN UU XAQA KU SUGO KALIMADDIISA OO GOOYO CIRIBTA
GALADA)), (Suuratul-Alfaan 7).
Rasuulku SCW ciidankii wuu ka raray
meeshii uu deggenaa oo ahayd Dafraan, wuxuuna u kexeeyey
Badar. Markii la marayo meel la yiraahdo Diyah oo Badar
qarkeeda ah ayaa ciidanki degey. Rasuulka SCW iyo Abuubakar
ayaa ka dib sahay u baxay, markii ay dhexda sii marayaan
ayey la kulmeen odey dadkii baadiyahaas degganaa ka mid ah.
Rasuulka SCW ayaa su'aal weydiiyey oo ku yiri "maxaad war ka
haysaa dhinaca qureysh iyo dhinaca Maxammed SCW iyo
asxaabtiisa?" hase yeeshee odeygii wuxuu yiri "idiin warami
maayo ilaa aad isku kay sheegtaan", Rasuulku SCW wuxuu ku
yiri "waan isku kaa sheegaynayaa haddii aad noo warrantid".
Odeygii wuxuu markaas yiri "waxaa i soo gaartay in Maxammed
iyo asxaabtiisii ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa,
haddii uu qofka warkaas ii sheegay run sheegay, maanta
halkaas ayey joogaan. Qureyshna waxaa iga soo gaartay in ay
soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu run sheegay
qofkii warkan ii soo sheegay, maanta iyaguna halkaas ayey
deggan yihiin". Odeygu wuxuu labada ciidanba ku sheegay
goobihii ay kala degeen, markii uu hadalkii dhammaystayna
wuxuu weydiiyey arrinkii uu sugayey oo ahayd in ay isku
sheegaan cidda ay yihiin. Rasuulku SCW wuu u sarbeebay oo
wuxuu yiri "biyo ayaan ka nimid" oo uu ula jeeday biyo ayaa
nalaga abuuray, ka dibna way iska dhaqaaqeen isaga iyo
Abuubakr, odeygiina wuxuu lahaa "biyehee? ma biyihii Ciraaq?"
oo wuxuu u qaatay dhul webi leh sida Ciraaq.