Sida aan soo marnayba Rasuulku SCW
markii uu Madiina u soo hijrooday wuxuu heshiis la saxiixday
saddexdii qabiilo ee yahuudda ahaa ee la kala oran jirey:
Banii Qaynuqaac, Banii Nadiir iyo Banii qureyda. Heshiiskaa
waxaa ka mid ahaa in Madiina nabad loogu wada noolaado oo
aan la isku xadgudbin. Sidaa darteed Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisa oo caan ku ahaa in aysan ballanta ka bixin,
haddiise looga baxo ka ficilo qaata, waxa ay siduu ahaa u
ilaaliyeen heshiiska, laakiin yahuudda oo weligeedba lagu
yaqaannay ballan darro, khiyaamo iyo dhagar, kama aysan
suulin sifadoodaas, waxayna intaas muslimiinta u maleegayeen
shirqoo iyo dhagar, iyagoo weliba dacaayado ka fidinaya
muslimiinta, tashwiishna ku furayey. Waxaana dhagartoodii ka
mid ahaa: nin la oran jirey Shaas binu Qays, oo ahaa odey
yahuudi ah, ayaa soo maray koox ansaar ah oo meel wada
fadhida, markaas ayuu ka carooday wanaagga iyo jacaylka uu
islaamku dhexdooda dhigay labadii qabiil (Aws iyo Khasraj)
oo muddo dheer cadaawad iyo dagaal ka dhexayn jirey, markaas
(ayuu) yiri "jamac baa ku kulmay magaaladaan, Ilaah baan ku
dhaartaye la joog nooma ahaanin haddii ay arrin ku kulmaan",
wuxuu markaas la hadlay wiil yar oo yahuudi ahaa oo la
socday kuna yiri "u tag nimankaas oo la fariiso, waxaadna
xusuusisaa maalintii Bucaath iyo wixii ka horreeyey, una
tiri gabayadii ay isu tirin jireen". Wiilkii meeshii ayuu
tegey sidii ayuuna sameeyey. Markaas ayaa raggii meesha
joogey sheydaan simbiririxeyey, waxaana qaadday ficiladii
qabiilka ilaa ay arrintii ka hadleen oo ka doodeen, isuguna
faanee, ayna isu istaageen laba nin oo labada qabiil kala
ahaa oo midkood kii kale ku yiri "haddii aad doontaan iyadii
(Bucaath) ayaan soo celineynaa". Dabadeedna labadii
kooxoodba way caroodeen, waxayna dheheen "ballan aanu
samaysanno". Ka dibna waala isku hub doontay.
Arrintii ayaa gaadhay Rasuulka SCW,
markaas ayuu si degdeg ah u soo baxay isaga oo ay la socdaan
koox asxaabtiisa ka mid ah, markuu u yimid raggii isku hub
doontay ayuu ku yiri "muslimiiney Allaah, (Allaah), war ma
habarwacashadii jaahiligaad (ku dhaqaaqdeen) aniga oo idin
dhex jooga, ka dib markuu Allaah idin hanuuniyey oo idin
sharfay, idinkana gooyey arrintii jaahiliga, oo idinka
koriyey gaalnimo, quluubtiinnana isku soo dumay". Markaas
ayey raggii ogaadeen in uu sheydaan simbiririxiyey oo ay
arrintaanu ahayd makrigii (dhagartii) cadowgooda. Ka dibna
way ooyeen, waana is mucaanaqeeyeen (marxabeeyeen).
Dabadeedna Rasuulka SCW ayey soo raaceen iyagoo Ilaahay ka
badbaadiyey fitnadii sheydaankii Shaas binu Qays, oo ka mid
ahayd khiddadihii ay yahuuddu muslimiinta la rabeen.
Yahuudda oo mar walba isku dayeysey
in ay qas iyo fitno ka dhex riddo muslimiinta waxay kaloo
samayn jireen in qaarkood islaamka qaataan subixii,
galabkiina ka baxaan iyagoo ujeeddadoodu tahay in ay
muslimiinta ku beeraan shaki, islaamkana laga baxo.
Arrintaasna Allaah isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:
((WAXAY DHEHEEN KOOX EHELU KITAABKA
KA MID AH "RUMEEYA KII LAGU SOO DAJIYEY KUWA (XAQA) RUMEEYEY
(QURAANKA) MAALINKA GALINKIISA HORE KUNA KUFRIYA AAKHIRKIISA,
WAXAY MUDDAN YIHIIN (HADAAD SAAS SAMAYSAAN) INAY KA NOQDAAN
(ISLAAMKEE) (AMA GAALOOBAAN)". (Suuratu Aali-Cimraan 72).
Sidoo kale waxa ay samayn jireen in
ay maciishadda ku ciriirshaan qofka islaamka qaata, oo
haddii ay deyn ku leeyihiin way ku dhibi jireen, haddii uu
deyn uga baahdana way u diidi jireen, haddii uu deyn ku
leeyahayna way u diidi jireen, waxayna ku dhihi jireen "waxaa
deyntaada guditaankeedu na saarnaa intii aad diintaadii ku
jirtey, haddii aad mar iilatay waxba naguma lihid".
Arrimahaas iyo kuwo la mid ah ayey
yahuuddu samayn jireen intii Badar ka horreysey iyagoo ku
hoos gabbanaya heshiiskii Rasuulka SCW, Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisuna intaas oo dhan waa ay sabraayeen waxa ayna ku
dadaalayeen hanuuninta yahuudda iyo in ay xaqa qaadato,
waxaa kale oo ay ilaalinayeen heshiiskii ay la galeen
yahuudda oo ahaa in Madiina nabad loogu wada noolaado.
Yahuuddu markii ay arkeen nasriga iyo guusha Ilaahay uu
muslimiinta siiyey dagaalkii Badar waxa ay bilaabeen xiqdi
iyo xaasdnimo ay ka xun yihiin guusha muslimiinta. Waxaana
saddexdii qabiil ee yahuudda ahaa ugu sii dhib badnaa reer
bani Qaynuqaac, oo ahaa nimankii ugu horreeyey ee ballanta
buriyey. Reer banuu Qaynuqaac waxay ay degganaayeen gudaha
Madiina, waxayna ku dheereeyeen sancada iyo birta oo waxay
samayn jireen hubka iyo qalabka dagaalka isla mar
ahaantaasna iyaga ayaa saddexdaas qabiil ee yahuudda ah ugu
geesisanaa. Ciidankooda dagaalku wuxuu gaarayey ilaa 700 oo
nin.
Rasuulku SCW, markii uu arkay
xadgudubka iyo qooqa ay yahuuddu waddo siiba reer banuu
Qaynuqaac, ayuu yahuuddii oo dhan ku kulmiyey suuqii reer
banuu Qaynuqaac oo ku yiri "yahuudeey islaama inta uusan
idinku dhicin waxa ku dhacay qureysh", markaas ayey dheheen
"Maxammedow yeysan naftaadu kugu kedinin diliddii aad dishay
odeyaashii qureysheed oo ahaa duqow aan dagaalka aqoonin,
haddaad annaga nala dagaashana waxa aad ogaanaysaa in aan
rag nahay, annaga oo kalena aadan hore ula kulmin". Allaah
isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:
(( WAXAAD KU TIRAAHDAA (NABIYAW)
KUWA GAALOOBAY WAA LA IDINKA QAALIB NOQON, WAXAANA LA IDIN
KU KULMIN JAHANNAMO, IYADAANA GOGOL U BAAS LAHAATAY)),
(Suuratu Aali-Cimraan 12).
Ka dib Rasuulku SCW wuu qariyey
caradiisii, wayna u sabreen isaga iyo asxaabtiisuba, laakiin
arrintaasi waxa ay reer banuu Qaynuqaac u siyaadisay dulmi,
qooq iyo in ay qasaan magaaladii Madiina.
Ibnu Hishaam wuxuu ka weriyey Abii
cawn in haweeney carab ah ay la soo gashay badeeco suuqi
reer banii Qaynuqaac, waxayna ag fariisatay nin wax u
sancaynayey. Yahuuddii waxay isku dayeen in ay haweentaa
wejiga ka feydaan, iyaduna way diiddey, markaas ayaa mid ka
mid ahaa (Yahuuda) maradeeda dacalkeeda ku xiray dhabarkeeda
iyada oo aan ogeyn. Markii ay istaagtay ayey cawradeedii
feydantay, qosol ayey iyagiina la daateen, haweentii waa ay
qaylisay. Waxaa arrintii ka xanaaqay nin muslim ah wuxuuna
dilay yahuudigii ficilkan sameeyey, yahuuddiina waxay dileen
ninkii muslimka ahaa, ka dib muslimiintii way isu
habarwacdeen.
Rasuulku SCW wuxuu la soo baxay
ciidankiisii, Madiinana wuxuu madax uga dhigay Abaa Lubaaba
binu Cabdi-mundir, calanka guud ee muslimiintana wuxuu u
dhiibey Xamsa ibnu Cabdimudhalib.
Maalin Sabti ah oo bisha Shawaal ay
kala bar ahayd, sannadkii 2aad ee hijriga, ayuu Rasuulku SCW
ciidankiisii kexeeyey ilaa uu ka gaaray degaankii reer banuu
Qaynuqaac.
Markii ay reer banuu Qaynuqaac
arkeen Rasuulka SCW iyo ciidankiisa, waxay galeen
dhufeysyadoodii. Rasuulka SCW iyo ciidankiisiina way isku
hareereeyeen. Markii 15 beri lagu hareeraysnaa oo la dul
degganaa, noloshiina ciriiri ku noqotay, quluubtoodiina uu
Ilaahay argagax ku ridey, ayey is dhiibeen.
Ka dib isagoo Rasuulku SCW doonaya
in uu reerkaas abaalkooda marsiiyo, ayaa waxaa istaagay
Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu Salool, oo munaafaqii aan ka soo
hadalnay ahaa, wuxuuna Rasuulka SCW ku ilxaaxiyey in uu
nimankaas iska daayo, wuxuuna yiri "Maxammed hagaaji
gargaarayaasheda" waayo qabiilkiisa Khasraj iyo binu
Qaynuqaac ayaa xulufo ahaa jirey islaamka ka hor. Rasuulku
SCW wuu ka jeedsaday hase yeeshee Cabdullaahi arrintii wuu
ku soo celceliyey, wuxuuna gacanta geliyey canbuur bireedka
Rasuula SCW jeebkiisa. Rasuulku SCW intuu aad u carooday oo
wejigiisii madoobaaday ayuu yiri "i sii daa, war hooggaagee
i sii daa" hase ahaatee munaafaqaasi waa diidey oo
arrintiisii buu ku adkaystay isagoo oranaya "ma jirto Ilaah
baan ku dhaartaye ku sii dayn maayo ilaa aad wanaajisid
xulafadeyda, Afar boqol oo seefle iyo Sadex boqol oo canbuur
biredle ah oo weligood iga difaaci jiray guduud iyo madow (carab
iyo cajam), miyaad maanta hal mar layneysaa. Ilaah baan ku
dhaartaye waxa aan ka baqayaa halaag". Ka dib Rasuulku SCW
wuu u sii daayey laakiin wuxuu amray in ay Madiina ka
guuraan. Markaas waxa ay u guureen dhinaca Shaam in kasta oo
qaar kamid ahaa ay khaybar u guureen, maalkoodiina waxa la
wareegay muslimiinta. Qaniimadii waxaa madax looga dhigay
Maxammed binu Maslama.