DUULLAANKII
DUUMATUL-JUNDUL
Markuu Rasuulku SCW ka soo
laabtay Badartii labaad, waxaa la arkay awooddii muslimiinta,
mandiqaddiina waxa ay noqotay amni iyo nabadgelyo, cid
walbana candhuuftay dib u liqday. Hase yeeshee markii lix
bilood laga joogo Badartii labaad ayaa waxaa Rasuulka SCW
loo soo gudbiyey in qabiilooyin degganaa meesha la yiraahdo
Duumatul-Jnudul oo dhinaca Shaam xigta, loogana socod
Madiina 15 beri, ay jid gooyayaal (burcad) noqdeen oo ciddii
jidkaa martaba dhacaan isla markaasna ay isu diyaarinayaan
sidii ay duullaan Madiina ugu soo qaadi lahaayeen. Wuxuu
markaas Rasuulku SCW la baxay ciidan gaaraya 10000 nin,
wuxuuna Madiina madax uga dhigay Subaac binu Curfada,
waqtigaas oo ahaa 25kii bishii Rabbiicul-Awa, sannadkii 5ad
ee hijiriga. Intii uu jidka ku sii jirey, Rasuulku SCW wuxuu
qabtay nin reer banii Cudra ah oo la oran jirey Madkuur,
wuxuu kaxaystay si uu waddada u tusiyo.
Rasuulka SCW iyo
ciidankiisu waxa ay soconayeen habeenkii, maalinkiina way
degayeen si ay acdaa'daa Ilaahay u qabtaan iyaga oo
khabardaar ah. Hase yeeshee markii ay muslimiintu u soo dhow
yihiin ayey maqleen oo kala yaaceen. Rasuuulku SCW meeshii
ayuu gaaray oo maalmo degganaa, wuxuu dhinacyada u kala
diray ciidamo laakiinse waxba lama soo helin, ka dibna
Rasuulku SCW Madiina ayuu ku soo laabtay.
Rasuulka SCW iyo
ciidankiisii markii la arkay in ay Shaam ku duuleen oo cid
kasta o rabsho laga dareemo meesheeda loogu tegayo ayaa
qabiil walba edeb yeeshay oo aamusay, in uu hoos ka guuxo
maahee, mandiqaddiina waxay noqotay nabadgelyo iyo amaan,
waxaana fududaaday mashaakilkii muslimiinta ka heysta gudaha
iyo dibedda, munaafiqiintii muslimiinta ku dhex jirteyna way
aamuseen. Sidoo kale qabiiilkii yahuudda ahaa ee haray wuxuu
ku dadaalay ilaalintii ballantii ka dhexeysay iyaga iyo
muslimiinta. Reer baadiyihii awal Madiina ku soo
qamaamayeyna waxa ay qaateen dersi oo waa degeen. Sidoo kale
nimankii qureysh ee awal kibirka iyo isla weynidu ku
jirteyna waxa ay joojiyeen duullaamadii, muslimiintiina waxa
ay heleen fursad ay ku fidiyaan dacwadoodii islaamka,
degaankiina iyaga ayaa hogaanka u qabtay. |