Isla maalinkii Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka soo
laabteen Axsaab oo ay guryahoodii yimaadeen ayaa Malaku
Jabriil u yimid Rasuulka SCW oo ku qubeysanaya gurigiisii
Ummu Salama. Jibriil ayaa markaas ku yiri "hubkiinnii miyaad
dhigteen, malaa'igtu weli hubkoodii ma dhigine?", waxaanna
hadda u soo laabtay raadin aan raadinayo ee u soo baxa adiga
iyo wixii kula socda reer banuu Qureyda, aniguna waan kaa
sii hormarayaa oo waxaan quluubtooda ku ridayaa argagax,
waxaanna gilgilayaa dhufeyskooda". Wuxuu markaa Rasuulku SCW
amar ku bixiyey in si degdeg ah loogu baxo reer banii
Qureyda, wuxuu yiri "qofkii Alle iyo malaalinka aakhiro
rumeeyey yuusan casarka ku tukan meel aan reer banii Qureyda
ahayn, calankii muslimiintana wuxuu u dhiibay Cali binuu
Abii-dhaalib oo faray in uu sii hormaro, Madiinana wuxuu u
xilsaaray Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.
Ciidankii muslimiinta oo (hal bil) dhufeys ku jirey ayna
ka muuqato daal, gaajo iyo rafaad, markaasna guryahoodii
yimid oo aan weli nasan, ayaa markii ay maqleen dhawaqii
jihaadka iyo amarkii Rasuulka SCW hal mar yaacay, iyaga oo
aan u aabba yeelin dhib kasta oo ay ku jireen, dantoodii
khaaska ahaydna ka doortay dantii guud ee islaamka. Taasina
waxay ku tusineysaa sida iimaanku quluubtooda u buuxiyey,
har iyo habeenna ay heegan ugu ahaayeen uguna taagnaayeen
diita Rabbi iyo u jihaadka kalimaddiisa in ay kor noqoto.
Asxaabtii markii ay bexeen oo ay dhex sii marayaan, iyaga
oo aan weli reer banuu Qureyda gaarin ayaa salaaddii Casar u
soo gashay, markaas ayaa qaarkood dheheen "aan tukano",
qaarkii kalena yiri "tukan mayno ilaa aan gaarno reer banii
Qureyda maxaa yeelay Rasuulku SCW wuxuu na amray in aannaan
ku tukan meel ka sokeysa reer banuu Qureyda guryohooda".
Markaas ayey kuwii hore dheheen "Rasuulku SCW ulama jeedin
arrinka sidaas ee wuxuu ula jeeday in aan degdeg ku baxno".
Sidaas ayey markaa isku khilaafeen oo qolona dhexda ugu
tukatay, qoladii kalena tukadeen markii ay gaareen meeshii
reer banuu Qureyda. Rasuulkuna SCW markii loo sheegay
labadii qolo midna wax ma dhihin oo wuxuu u sugay in ay
labaduba sax yihiin maxaa yeelay mid walbaba wuxuu fuliyey
sidii uu amarkii Rasuulka SCW ka fahmay.
Culimada fuqahadu waxay ka hadlaan Labada qolo kii sii
saxsanaa, qolo waxay tiri "waxaa sii saxsanaa kuwii
salaadda dib dhigay maxaa yeelay amarkii Rasuulka SCW ayuu
siduu u ahaa u fuliyeen ta ta'wiilkiina way iska daayeen",
qoloda kalena waxay tiri "kuwii dariiqa ku tukaday ayaa sii
saxsanaa maxaa yeelay salaaddii ayey wakhtigeedii ku
tukadeen amarkii Rasuulka SCW ee bixitaanka ahaana way
fuliyeen sidii uu Rasuulku SCW ula jeeday ayeyna u fahmeen,
kuwaanaana faqiihsanaa, labadii ajarna way wada kulan sadeen".
Calaa kuli xaal labada qoloba waa sax siduu Rusuulku SCW u
sugay. Arrintaani waxay ka mid tahay meelaha laga qaato
khilaafka furuuciga ah ee culimadu isku khilaafaan in uusan
dhib lahayn haddii aan nas cad la khilaafayn, Rasuulkuna SCW
wuxuu xadiis ku yiri "haddii ninka xaakimka ihi dadaalo oo
uu asiibo labo ajar ayuu leeyahay, haddii uu gefana hal
ajar".
Ciidankii ugu horreeyey ee gaara degaankii reer banuu
Qureyda waxaa ka mid ahaa Cali Abii-dhaalib, oo waday
calankii muslimiinta, Rasuulkuna SCW hore usii direy. Markii
uu Cali meeshii tegey ayuu maqlay cay daran oo ay yahuuddu
caayayaan Rasuulka SCW, markaas ayuu u adkeysan waayey oo
meeshii ka soo noqday, wuxuuna ka hor yimid Rasuulka SCW oo
la socda ciidankii dambe, markaas ayuu ku yiri "Rasuulku
Allow ha tegin meeshaas way caytamayaane". Rasuulku SCW
wuxuu yiri "iska daa haddii aan u tago ma caytami doonaane",
markii uu u tegey oo ay arkeen ayey caydii joojiyeen oo
baryootameen. Rasuulku SCW ciidankii uu watay wuxuu ahaa
3,000, waxayna wateen 30 faras. Wuxuu Rasuulku SCW
hareereeyey yahuuddii, iyagiina waxay galeen dhufeysyadoodii.
Muddo markii ay ku jireen oo ay rafaadeen ayaa ninkii
madaxda u ahaa oo la oran jirey Kacab binu Asay wuxuu u soo
jeediyey dadkiisii saddex fikradood:
Arrinta koowaad wuxuu yiri "Islaama oo gala diinta
Maxammed, dhiiggiina, maalkiinna, carruurtiinna iyo
dumarkiinnuba aammin bay noqonayaane, Ilaah baan ku
dhaartaye way idiin caddahay in uu yahay nabi la soo direy,
waana kii aad ka helayseen (ku yaalay) kitaabkiinna
dhexdiisa". Waxay dheheen "Tawreet ka tegi mayn".
Wuxuu markaas yiri "haddii aad taas diiddeen laaya
carruurtiinna iyo dumarkiinna, ka dibna idinka oo
seefihiinna keliya wata dagaalka gala ilaa aad kan idiinku
dambeeyaa uu dhinto, haddii la idinka guuleysto dumar iyo
carruur aad u baqaysaan oo la idinka helayo ma jiraan,
haddii aad guuleysataanna dumar iyo carruur waayi meysaan".
Waxay dheheen "ma dumarkayaga iyo carruurtayada ayaan
gacantayada ku dilnaa, ma jirto taasi".
Wuxuu ugu dambayntii ku yiri "haddii aad taasna diiddeen
berri waa Sabti, Maxammed iyo asxaabtiisuna way is
dhiganayaan oo waxay og yihiin in aannaan Sabtida
dagaallamin, marka aan weerar ku qaadno", waxay dheheen "ma
Sabti baannu dagaallanaa?, yeeli mayno".
Kacab binu Asad markii uu saddexdaa talo keenay oo ay ku
diideen ayuu isaga oo careysan wuxuu ku yiri "nin idinka mid
ihi ma baryin habeen samanka ka mid ah isaga oo go'aan leh,
laga soo bilaabo markii ay hooyadiis dhashay".
Muddo markii ay yahuuddii meeshii ku jireen oo ay ku
rafaadeen, kana bixi waayeen ayey Rasuulka SCW u soo fareen
in uu u soo diro Abaa Lubaaba si ay ula tashadaan maxaa
yeelay Abaa Lubaaba xiliif ayuu la ahaa, wuxuuna degganaa
aaggooda. Rasuulka SCW wuu ka yeelay oo wuu u diray Abaa
Lubaaba. Markii uu Abaa Lubaaba u tegey ayaa raggii u
istaageen, dumarkii iyo carruurtiina ku soo yaaceen iyaga oo
ku hor ooyaya, waxayna dheheen Abaa Lubaaba "ma aragtaa in
aan isu dhiibno xukunka Maxammed?", wuxuu yiri "haah", waxay
dheheen muxuu nagu samaynayaa, wuxuu gacantiisa ku ishaaray
dhuuntiisa oo u sheegay in la gowracayo, markaas ayuu
xasuustay in uu Alle iyo Rasuulkiisii khayaanay oo bixiyey
sirtii muslimiinta. Orad ayuu markaa is xaabiyey oo
Rasuulkii SCW iyo muslimiintii kuma uusan leexane wuxuu toos
u tegey masaajidkii Rasuulka SCW, wuxuuna isku xirey tiir ka
mid ahaa tiirarka masaajidka, wuxuuna ku dhaartay in uusan
iska fureynin ilaa uu Rasuulku SCW gacantiisa uga furo,
sidoo kale wuxuu ku dhaartay dhulkii reer banuu Qureyda oo
dambigaasu uga dhacay in uusan dib dambe u tegin.
Markii Rasuulka SCW loo sheegay arrinkii Abaa Lubaaba
wuxuu yiri "haddii uu ii imaan lahaa waan u dembi dhaaf
weydiin lahaa, laakiin haddii uu isagu sidaa isku sameeyey
ka furi maayo ilaa Ilaahay uu ka toobad aqbalo". Arrinkaan
iyo kuwo la mid ah waxaa laga qaadanayaa sida asxaabtii
Rasuulka SCW haddii uu gef ka dhaco uu dhulku ugu
ciriiriyoon jirey, Rusuulka SCW wuxuu xadiis ku caddeeyey in
haddii qofka mu'minka ah gef ka dhaco uu buur ku soo
dhacaysa kala weyn yahay, laakiin haddii uu munaafaqa dambi
ka dhaco uu diqsi hortiisa maray kala fudud yahay.
Nimankii reer banuu Qureyda wuxuu Ilaahay ku riday cabsi
iyo argagax, Allaahna garabkooda ayuu ka baxay, ciddii
Allaah garabkooda ka baxana wax u gargaari kara ma jiraan.
Reer banuu Qureyda iyaga oo awooday in ay muddo dheer
dhufeyska ku jiraan ama ay dagaallamaan oo ciidan iyo hubba
heystey, ayaa Alle ku riday cabsi iyo badin waxayna isu
dhiibeen xukunka Alle iyo Rasuulkiisa SCW.
Rasuulku SCW markii ay is dhiibeen wuxuu amray in
raggooda la xirxiro, dumarkoda iyo carruurtoodana laga
fogeeyo goobta. Raggii iyaga oo xirxiran ayaa guri lagu
xareeeyey, waxaa markaa Rasuulka SCW u yimid rag asxaabta ka
mid ah oo u dhashay reer Aws, oo ay reer banuu Qureyda
xulufo ahaan jireen (islaamka ka hor) waxayna Rasuulka SCW
ku dheheen "Rasuulkii Allow yahuuddii hore ee reer Qaynuqaac
waa tii aad iska deysey markii ay walaalahaya Khasraj oo ay
xulufo ahaan jireen kaala hadleen, annagana (Aws) kuwan baa
xulufadayada ahaan jirey ee wanaaji", wuxuu Rasuulku SCW
yiri "ma ku raalli noqoneysaan in uu xukumo nin idinka mid
ah (Aws)?", waxay dheheen "waa ku raalli noqoneynaa", wuxuu
yiri "waa Sacad binu Mucaad", waxay dheheen "raalli baanu ku
nahay".
Wuxuu markaa Rasuulku SCW u cid diray Sacad binu Mucaad,
dameer ayaa markaas la soo saaray Sacad. Markii la keenay
ayaa rag reer Aws ihi dhinacyada ka galeen iyaga oo leh "Sacadow
wanaaji xulufadaadii, Rasuulku SCW wuxuu kaaga xaakim yeelay
in aad wanaajiso", hase yeeshee Sacad uma jawaabin laakiin
markii ay hadalkii ka badiyeen ayuu ku yiri "Alle dartiis
uga biqi maayo nin dagaallamaya dagaalkiis". Ka dib markii
Sacad soo gaaray meeshii uu Rasuulku SCW joogey ayaa
Rasuulku SCW yiri "u istaaga sayidkiinna", dabadeed markii
dameerkii laga soo dejiyey ayaa lagu yiri "Sacad kuwani waxa
ay sugayaan xukunkaaga", markaas ayuu yiri "xukunkeygu ma ku
fulayaa?", waxa la yiri "haa", wuxuu yiri "muslimiintuna ma
fulinayaan?", waxay dheheen "haa", markaas ayuu haddana
tilmaamay Rasuulka SCW in uu fulinayo, Rasuulkuna SCW "haa"
ayuu yiri. Sacad ayaa markaa xukumay, wuxuuna ku xukumay in
raggooda la laayo, maatadooda iyo maalkoodana lala wareego.
Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri "Waxaad ku xukuntay
xukunkii uu Alle ku xukumay".
Sacad binu Mucaad wuxuu acdaa'daa Alle ku xukumay
xukunkaas aadka u wanaagsan oo caddaaladda badan, kaas oo
waafaqay kii Alle, waxaana acdaa'daa la mariyey abaalkoodii
maxaa yeelay waxa ay xiqdi iyo xaasidnimo darteed u
beeniyeen Rasuulkii Alle SCW iyaga oo og, kitaabkoodana
loogu sheegay, waxayna la dhinactameen Alle iyo Rasuulkiisa
SCW, waxayna ka bexeen ballantii Alle iyo Rasuulkiisa SCW ay
la galeen weliba markii ugu xumeyd iyaga oo caddeystay
dagaal oo rabay in Ilaahay nuurkiisa ay damiyaan. Waxay
intaas islaamka iyo muslimiinta u maleegayeen makri, waxayna
muslimiinta u diyaarsadeen hub gaaray 1,500 oo seefood,
2,000 oo waran, 300 oo canbuur bireed iyo 500 oo gaashaan.
Hubkaas iyo xoolohooddii oo dhanba wuxuu Alle ku wareejiyey
Rasuulkiisa SCW.
Markii la xukumay ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in
raggooda lagu xereeyo daar lahayd haween reer banii Najaar
ah, suuqii Madiina agtiisa waxaa looga qoday godad, ka dibna
inta la soo bixiyo oo goddadka la dul geeyo ayaa qoorta loo
dheereynayey. Markii shaqadii iyo dilkii lagu bilaabay ayey
odeygoodii Kacab binu Asad ku dheheen "xaggee na loo wadaa?",
markaas ayuu ku yiri "weli wax ma fahmaysaan miyaa,
miyeydaan u jeedn qofkii lala baxo in uusan soo laabanayn,
Ilaah baan ku dhaartaye waa dilniin".
Waxaa raggaas reer banuu Qureyda ee la leynayey ku jirey
sheydaankii reer banuu Nadiir oo ahaa ninkii ka dambeeyey
soona abaabulay duullaankii Axsaab, lana oran jirey Xuyey
binu Akhdhab, wuxuuna ninkaasi dhalay gabar Rasuulka SCW
xaaskiisa ka mid ahayd oo la oran jirey Safiya bintu Xuyey
oo uu guursaday sannadkii 7aad ee hijriga. Wuxuuna ninkaas
Xuyey dhufeyska kula jirey reer banuu Qureyda maxaa yeelay
waa tuu awal ballanta ku qaaday in uu Kacab dhufeyska la
geli doono haddii ay Qureysh iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo
aan Rasuulka SCW waxba gaarsiin. Sidaa darteed isaga oo
fulinaya ballantaas ayuu dhufeyska la galay. Markii la soo
bixiyey isaga oo qaba jaakad uu meel walba ka jeex jeexay si
aan muslimiintu ugu intifaacin, gamihiisa iyo qoortiisuna
isku xiray yihiin, ayuu Rasuulka SCW la hadlay oo ku yiri "Alle
ayaan ku dhaartaye naftayda kuma dagaalayo la colleytankaaga,
laakiin qofkii Alle guusha siiyo ayaa guuleysanaya", wuxuu
misna la hadlay dadkii oo ku yiri "dadow dhib ma leh amarka
Alle, waana qoraal iyo qaddar iyo imtixaan uu Alle u qoray
reer banii Israa'iil". Ka dib quu fadhiistay oo qoorta ayaa
loo dheereeyey, sidaas ayaana loo wada laayey raggii reer
banuu Qureyda, waxayna tiradoodu u dhexeysay 600 ilaa 700
oo nin oo ahaa raggii qaangaaray, wuxuuna Rasuulku SCW amray
in la dilo wiilkii ay timaha hoose u soo bexeen, kii aysan u
soo bixinna la iska daayo. Waxaana raggii aysan u soo bixin
oo la iska daayey ka mid ahaa Cadiyatul Quradi oo ka dib soo
islaamay. Dumarkii reer banuu Qureyda waxaa laga diley hal
naag, iyadana waxaa loo qisaasay nin muslimiinta ka mid ahaa
oo ay dhagax ku soo duurtay ka dibna dhintay. Ninkaas waxaa
la oran jirey Khilaad binu Suweyd.
Waxaa reer banuu Qureyda ka islaamay intii aysan is
dhiibin koox, kuwaas oo loo daayey maalkoodii iyo
carruurtoodii. Sidoo kale waxaa habeenkii ka baxay nin la
oran jirey Camar oo ahaa nin aan ka qayb gelin dhagartii iyo
ballan jebintii yahuudda, markaas ayaa waxaa arkay Maxammed
binu Maslama oo Rasuulku SCW madax uga dhigay ciidankii
ilaalinayey markaas ayuu iska daayey meel uu ninkaasi
aadeyna lama yaqaan.
Rasuulku SCW intaa ka dib maalkoodii ayuu asxaabtii u
qaybiyey markii uu ka bixiyey Khumuskii, wuxuuna u kala
siiyey sidan: ninkii faras watey saddex saami ayuu siiyey,
kii aan wadanna hal saami ayuu siiyey. Arrinkaasna xikmadda
ku jirta waxay ahayd dhiirrigelin lagu dhiirrigelinayo in ay
fardo gataan si ay ugu xoogeystaan jihaadka maxaa yeelay
waxa ay farduhu waagaasi joogeen booska ay maanta
diyaaraduhu u joogaan ciidammada. Rasuulku SCW wuxuu
maatadoodii u dhiibay koox uu madax u yahay Sacad binu Seyd
Al-ansaari si uu u geeyo dhulka Najdi oo uu ugu soo beddelo
fardo iyo hub.
Duullaanka reer banuu Qureyda waxaa muslimiinta uga
dhintay oo ay yahuuddu dileen ninkii ay haweeneydu ka dishay.
Waxa kale oo muslimiinta intii ay ku hareereysnaayeen banuu
Qureyda ka dhintay nin la oran jirey abuu Sinaan binu Muxsin.
Markii arrintii reer banuu Qureyda ay dhammaatay oo
Madiina lagu laabtay ayaa Sacad binu Mucaad dhaawicii ku soo
kacay, Rasuulkuna SCW Khaymad ayuu masaajidka dhexdiisa uga
dhisay si uu had iyo jeer u soo booqdo, ka dibna dhiiggii
ayaa burqaday ilaa uu ka dhintay. Sacad Alle wuxuu u aqbalay
ducadiisii uu ka baryey markii nabarku ku dhacay. Sacad oo
ahaa nin islaamka boos weyn u joogay waxa ay saxiixaynku ka
weriyey Jaabir ibnu Cabdullaahi in Rasuulku SCW yiri "Carshigii
Raxmaanka ayaa u ruxmay geerida Sacad binu Mucaad". Sidoo
kale Tarmadi wuxuu weriyey in Anas binu Maalik yiri "markii
la qaaday janaasadii Sacad binu Mucaad ayey munaafiqiintii
dheheen "maxaa fududeeyey janaasadiisa?" markaas ayuu
Rasuulku SCW yiri "malaa'igta ayaa xambaarsanayd".
Ninkii ahaa Abaa Lubaaba wuxuu tiirkii masaajidka ku
xirnaa lix habeen, xaaskisa ayaana cuntada u keneysey, una
fureysay salaadaha iyo bannaankaba. Markii Rasuulku SCW soo
laabtay ayaa waqtiga suxuurta Ilaahay tawbaddiisii ku soo
dejiyey Rasuulka SCW oo jooga guriga xaaskiisa Ummu Salama,
markaas ayey Ummu Salama qowladdeedii horteedii inta ay
istaagtay tiri "Abaa Lubaabow bishaareyso Ilaah waa kaa
tawbad aqbalaye". Asxaabtii masaajidka joogtay ayaa ku
yaacay si ay xariga uga furaan hase yeeshee wuu diidey in
cid aan Rasuulka SCW ahayn furto". Markii uu Rasuulku SCW
salaaddi subax yimid ayuu ka furay.
Duullaankan reer banuu Qureyda wuxuu dhacay bishii
Dulqacda, sannadkii 5aad ee hijriga, waxaana la dul deggenaa
oo lagu hareereysnaa 25 habeen. Allaahna isaga oo si kooban
uga hadlaya qisadan reer banuu Qureyda wuxuu qur'aankiisa ku
yiri:
((KUWII U KAALMEEYEY (GAALADA) EE EHELU KITAABKA AHAA,
WUXUU KASOO DAJIYEY (KASOO SAARAY) DHUFEYSYADOODII, WUXUUNA
QULUUBTOODA KU RIDAY ARGAGAX, QAARNA WAAD DISHEEN QAARNA
WAAD QAFAALATEEN, WUXUUNA IDIN DHAXALSIIYEY DHULKOODII,
GURYAHOODII, MAALKOODII IYO DHUL AYDAAN TAGIN, ALLENA WAXA
UU AHAADAY SHAY WALBA KII AWOODA)), (Suuratul-Axsaab 26-27).