DAGAALLADII XUNAYN IYO DAA'IF
Furashadii Makka ka dib markii uu islaamku
majaraha u qabtay Jasiiraddii Carabta, qabiilooyin badanna
ay islaamka u hoggaansameen ayaa qaar ka mid ahaa
qabiilooyinkii waaweynaa oo xoogga isbidayey isu urursadeen
sidii ay islaamka uga hortagi lahaayeen iyaga oo doonaya in
ay damiyaan nuurka islaamka ee ku fidayey caalamka.
Qabiilooyinkaas waxa ay kala ahaayeen: Hawaasin, Thaqiif,
Nasar, Jasham, iyo Sacad binu Bakar, waxaana hoggaamiye guud
u wada ahaa Maalik binu Cawf Al-Nadari.
Maalik wuxuu ciidankiisii amray in ay soo
kaxeystaan haweenka, carruurta iyo xoolaha isaga oo ay
ujeeddadiisu ahayd si aan dib loogu baqan, markii uu marayo
togga Awdhaas oo Xunayn u dhowaa, Makkana u jiray dhowr iyo
toban Mayl ayuu degay, markaas ayaa dadkii ku soo urureen si
ay ula tashadaan. Dadkaas waxaa ka mid ahaa nin oday ah oo
gaboobay oo isagu ciidanka ula socday in uu talo ku biiriyo,
markiisii horena dagaal yahan geesi ah ahaan jirey, wuxuuna
yiri "toggee baad joogtaan?", waxaa la yiri "Awdhaas", wuxuu
yiri "haa waa gows fardeed". Markaas ayuu yiri "maxaan u
maqlayaa ololka ratiga, hinraagga dameeraha, oohinta
carruurta iyo cida riyaha?", markaas ayey dheheen "Maalik
binu Cawf ayaa raggii soo raacsiiyey dumarkii, carruurtii
iyo maalkii", markaas ayuu Maalik u yeeray oo weydiiyey waxa
arrinkaa ku kallifay. Maalik wuxuu yiri "waxa aan sidaa u
yeelay in aan nin kasta gadaashiisa dhigo ehelkiisa iyo
maalkiisa si uu u dagaallamo", markaas ayuu yiri odeygii "idaha
ayaad raacdaa wallee, ma qof jabay baa shayna soo celiyaa,
haddiise aad guuleysato waxba kuu tari mayaan waxaan ka
ahayn nin seeftiisii iyo warrankiisii wata, haddii lagaa
guuleystana waxa aad fadeexadeysay ehelkaagii iyo maalkaagii.
Ka dib wuxuu wax weydiiyey qaar ka mid ahaa
madaxdii qabiillada, markaas ayuu yiri "Maalik ma
samaynaysid in aad hor marisid ukuntii Hawaasin, fardaha
dhuuntooda u celi dhulkoodii ka dibna dagaallan haddii aad
guuleysatid wixii kaa dambeeya waa kuu imaanayaan, haddiise
lagaa guulaysto waad badbaadisay ehelkaagii iyo maalkaagii".
Hase ahaatee Maalik wuu ku gacan sayray odeygii wuxuuna ku
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye in aanan yeelayn, adigu waad
duqowday, caqligaaguna wuu duqoobay. Ilaah baan ku dhaartaye
Hawaasin way i adeeci ama seeftaas ayaan ku taagsanayaa ilaa
ay dhabarkayga ka baxdo", markaas ayey dheheen "waan ku
yeelnay". Odeygii markii uu arkay meesha uu xaal marayo ayuu
yiri "kani waa maalin aanan joogin kana maqnayn (waxtarayn)
shalaytadaydee maan ahaado (nin) dhalin yaro ah oo
ruclaynaya oo hogaaminaya Faras timo dheer oo biciid oo kale
ah".
Ka dib Maalik wuxuu diray ciidan ilaalo ah hase
yeeshee waxa ay ku soo laabteen iyaga oo yaacaya oo
argagaxsan, markaas ayuu ku yiri "hoogga ee muxuu yahay
xaalkiinnu?", waxa ay dheheen "waxa aan aragnay rag cadcad
oo fardo saaran. Ilaah baan ku dhaarannaye ismaanaan ogayn
ilaa ay nagu dheceen waxaad aragto (oo argagax ah).
Dhinicii Rasuulka SCW waxaa loo soo gudbiyey
akhbaartii cadowga iyo meesha ay soo marayaan, markaas ayuu
wuxuu diray Abuu Judrud Al-aslami, wuxuuna amray in uu
ciidankooda dhex galo oo ku dhex jiro illaa uu warkooda ka
so ogaado oo u keeno, Abuu Judrudna sidii ayuu yeelay.
Rasuulku SCW wuxuu ka soo baxay Makka maalin
Sabti ah, bishii Shawaal, sannadkii 8aad ee hijriga, waxaana
la socday ciidan dhan 12,000 oo muslimiin ah waxa ayna kala
ahaayeen: 10,000 oo Rasuulka SCW Makka la soo gashay iyo
2,000 oo dadkii Makka ka soo raacay ahaa, badankooduna
islaamka ku cusbaayeen. Rasuulku SCW wuxuu ka caariyeystay
Safwaan binu Umaya 100 canbuur bireed, Makkana wuxuu madax
uga sii dhigay Cataab binu Useyd. Ka dib markii uu Rasuulku
SCW meel dhexe sii marayo ayaa waxaa u yimid nin wuxuuna ku
yiri "waxa aan buurtii hebla ku soo arkay reer Hawaasin oo
xoolohoodii wata", markaas ayaa Rasuulku SCW dhoolla
caddeeyey oo yiri "taasi waa qaniimadii muslimiinta ee
berrito haddii Alle idmo".
Intii ay Rasuulka SCW iyo ciidankiisu jidka sii
hayeen ayaa waxaa dhacday arrintaan: Sidii aan soo
sheegnayba waxa jirey dad badan oo ciidanka islaamka ka mid
ahaa, soona islaamay furashadii Makka, islaamkana aan si
fiican wax uga garanayn sidaa darteed dadkaas qaar ka mid
ahaa waxa ay arkeen geed weyn oo cagaaran oo la oran jirey
Daatu Anwaadh oo ay carabtu barakaysan jireen, ciidankooduna
uusan dhaafi jirin ilaa uu seefaha surto oo xoolaha ku qasho,
muddana ku negaado si uu cadowga uga guuleysto, waxa ayna
aamminsanaayeen ciidankii aan sidaas yeelin in laga
adkaanayo. Nimankaasi Rasuulka SCW ayey u yimaaddeen iyaga
oo xusuusinayay barakada geedkaas, waxa ayna yiraahdeen "Rasuulkii
Allow annagana noo yeel Daatu Anwaadh" hase yeeshee Nabiga
SCW markii uu maqlay kalimaddaas shirkiga ah ayuu aad u
xanaaqay, wuxuuna ku yiri "waxaad tiraahdeen sidii ay reer
banii Israa'iil Muse ku yiraahdeen oo kale "noo yeel Ilaah
sida ay Ilaahyo u leeyihiin, waa waddooyin, waa waddooyin,
waa waddooyin Ilaah baan ku dhaartaye waxa aad ku taagan
tihiin waddooyinkii dadkii idinka horreeyey oo kale".
Qisadan iyo kuwa la midka ah waxaa aan ka qaadan
karnaa sida uu Rasuulku SCW shirkiga ula dagaallami jirey,
uusanna u oggolaan jirin in dadka muslimiinta ah dhexdooda
wax yar oo shirki ahi so galo. Hase yeeshee in badan oo
maanta muslimiin sheeganaysa ayaa ku dhex jira arrinkan,
umana haystaan qabri iyo wixii kale oo la barakeysto in ay
shirki yihiin balse qaarkood waxa ayba ku jiraan shirki ka
weyn sida Ilaahay qerkiis oo la baryo ama la gargaar
weydiisto ama loo nadro ama wax loo gowraco. Arrimahaasna
waxaa keenay khalkhalka iyo inxiraafka caqiidadoodii ku
dhacay markii ay Ilaahay diintiisii ka jaahil noqdeen.
Waxaa kale o intii jidka la sii hayey dhacday in
rag ciidanka muslimiinta ka tirsanaa markii ay arkeen
ciidanka Rasuulku SCW wato tiro badnaantiisa iyo sidii ay
awal u yaraan jireen ayey dheheen "maanta nalooga qaalib
noqon maayo (tiro) yaraan" hase yeeshee Rasuulku SCW
hadalkaas ma jeclaysan.
Ciidankii muslimiintu wuxuu Xuneyn gaaray habeen
Arbaco ah, 10kii Shawaal, sannadkii 8aad ee hijriga hase
ahaatee waxaa goobta hore u sii degay ciidankii gaalada oo
uu Maalik watay.
Ciidankii muslimiintu waxa ay baryeen habeenkii,
ciidankii gaaladuna aad bay uisu dikyaarinayeen, waxa ayna
baryeen habeenkaas toggii Xuneyn. Maalik binu Cawf wuxuu
ciidankiisii amray in markii ay ciidanka musliminta arkaan
ay hal mar ku bilaabaan.
Ciidankii muslimiintu subixii ayuu soo jarmaaday
wuxuuna soo qaabbilay toggii Xunayn isaga oo aan ka war
ahayn in cadwogu uu meeshaas ku jiro. Xoogaa markii ay
toggii ku sii dhex socdeen ayaa hal mar weerar kedis ah lagu
soo qaaday, markaas ayey dhabarka jeediyeen oo yaaceen,
waxaana goobtii ku soo haray Nabiga SCW iyo koox yar,
wuxuuna Nabigu lahaa "ii kaalaya dadyahow, anigu Rasuulkii
Alle ayan ahay, Maxammed binu Cabdullaahi baan ahay",
halkaas oo laga arkayo geesinnimadii Rasuulka SCW sida isaga
oo cadowgii hor taagan oo gaaladii oo dhan ku soo ururtay,
muslimiintiina ay baqdeen in yar maahane uu haddana u
taagnaa isaga oo ay gaaladii dhawaaqiisa maqlayaan intii
aysan muslimiintu maqlin. Waxaa hadalladiisi ka mid ahaa
"aniga Nabi baan ahay aan been ahayn, anigu ina
Cabdimudhalib ayaan ahay". Abuu Sufyaan binu Xaarith binu
Cabdimudhalib oo ka mid ahaa kooxdii Rasuulka SCW ku soo
hartay wuxuu hayey hoggaanka baqashii Rasuulku SCW uu
saarnaa. Ka dib Rasuulku SCW baqashii ayuu ka soo degay
iisaga oo leh "Allahayow nasrigaagii soo deji", adeerkiis
Cabbaasna wuxuu amray in uu u dhawaaqo asxaabta, markaas
ayuu Cabbaas cod dheer ugu dhawaaqay, markaas ayey soo
laabteen asxaabtii iyaga oo shahiidnimo iyo nasri midkood
doonaya, waxa ayna muujiyeen dagaal wacdaro leh.
Rasuulku SCW ciid ayuu ku seyrayey cadowgii,
indhaha ayeyna ka wada gashay, waxa ayna jeediyeen dhabarka
iyaga oo jab iyo ba' la kulmay. reer Thaqiif keliya waxaa
laga dilay in ku dhow 70 nin, wuxuuna Ilaahay guushii iyo
nasrigii siiyey ciidankii musliminta ka dib markii uu ka
abaal mariyey is cajabintii ay tiro badnaantooda la
cajabeen. Allaah wuxuu isaga oo arrintaa ka hadlaya yiri:
((ALLE
WAXA UU IDIINKU GARGAARAY MEELO BADAN (MARAR BADAN) IYO
MAALINKII XUNAY MARKAY IDIN CAJAB GALISAY BADNAANTIINII OO
AY WAXBA IDIIN TARI WAYDAY, DHULKIINA IDINKU CIRIIRYAMAY
ISAGOO WAASAC AH KA DIBNA AAD JEESATEEN IDINKOO DHABARKA
JEEDINAYA, KA DIB ALLAAH AYAA XASILOONIDIISII KU SOO DAJIYEY
RASUULKIISA IYO MU'MINIINTA, WUXUUNA SOO DAJIYEY CIIDAMO
AYDAAN ARAG, CADAABAYNA KUWII GAALOOBAY, KAASINA WAA ABAALKA
GAALADA, KA DIB ALLE WAA KA TOWBAD AQBALAY INTAA KA DIB
CIDDII UU DOONO, WUXUUNA ALLE AHAADAY DAMBI DHAAFE
NAXARIISTA)), (Suuratu-Tawbah 25-27).
Aayaddaan waxa aynu ka qaadanaynaa in Allaah SW
uu ku jabiyey markii hore ciidankii muslimiinta cajabinta
tiro badnaantoodii taas oo weliba ku koobnayd qaar ka mid ah
hadal ay yiraahdeen oo aan sidaas u sii weyney oo ahaa
"maanta tiro yaraan loogama adkaan karo". Allaah wuxuu tusay
in aysan ahayn tirada waxa wax taraa ee ay tahay gargaarka
Alle. Sideedaba dadka dagaallama waxa ay u qaybsamaan saddex
qayboo:
1. Labo qaybood oo baadhil ku dagaallamaya oo
labaduba ay daallimiin yihiin. Waxaana labadooda guuleysta
hadba kuwii awood badan (ciidan iyo hub).
2. Laba qaybood oo midi gardarro iyo dulmi waddo,
tan kalena laga gardaran yahay, waxaana labadooda guusha
Alle siiyaa midda laga gardaran yahay inta aysan dulmi la
imaan.
3. Labo qaybood oo mid xaq ku taagan tahay tan
kalena baadhil. Labadana waxaa Alle guusha siiyaa midda xaqa
ku dagaallamaysa inta aysan macsi iyo wax Alle ka caroodo
la imaan. Allaahna baryayaan oo u tadarrucayaan. Waana kuwa
aakhirka la dhaxalsiiyo dhulka. Allaahna isaga oo arrinkaas
tilmaamaya wuxuu yiri:
((ALLE
WAXA UU U YABOOHAY KUWA MU'MINIINTA AH OO IDINKA MIDKA AH OO
CAMALKA WANAAGSAN SAMEEYEY IN UU DHULKA DHAXALSIIYO SIDUU
KUWII KA HOREEYEY U DHAXAL SIIYEY, UUNA MAKANSIIYO
DIINTOODII UU UGA RAALIGA AHAA, UUNA UGU BADALO CABSIDOODII
KA DIB AAMIN AHAANSHO, WAYNA ICAABUDAYAAN IYAGOON II
SHARIIKYEELIN, CIDDII GAALOWDA INTAA KA DIB KUWAASI WAA
FAASIQIIN)). (Suuratu-Nuur 55).
Sidoo aynu aayaddan ka arkayno wuxuu Rabbi
qoladii xaqa ku taagan u gargaariddeeda ku xiray labo
qodob:
1. In ay Ilaahay diintiisa u gargaaraan oo xumaatada
ka fogaadaan.
2. In haddii dhulka la makansiiyo oo ay qabsadaan
cibaadooyinka xoojiyaan, Xumaantadana joojiyaan, Wanaaggana
amraan taas oo ah inta ay ka kooban tahay diinta islaamku.
Laakiin haddii uu qofku markuu dhulka qabsado keenayo
fasahaad kii hore oo kale ah Alle wuu og yahay una gargaari
maayo maxaa yeelay Alle dulmi dulmi kama jecla. Allaah isaga
oo kuwa noocaas ah ka sheekaynayaa wuxuu yiri:
((DADKA
WAXAA KAMID AH MID UU KU CAJAB GALINAYA HADALKIISU ADDUNKAN,
ALLENA MARKHAATI GALIYEY WAXA QALBIGIISA KU JIRA ISAGOO DOOD
BADAN, MARKUU XUKUNKA QABSADANA UGU SOCONAYA DHULKA SI UU U
FASAHAADIYO OO BEERAHA U HALAAGO IYO NASABKA, ALLENA MA
JECLA FASAADKA, HADDII LOO YIRAAHDO (KAAS) ALLE KA BAQ WAXAA
QABANAYSA ISLA WAYNID DAMBI DARTII, WAXAA KU FILAN JAHANAMO
IYADAANA GOGOL U BAAS LAHAATAY)), (Suuratul-Baqara
204-206).
Haddii aan dib u jalleecno duullaankii Xunayn,
Alle markii uu guushii iyo nasrigii siiyey xisbigiisii, hoog
iyo jabna ku riday cadowgiisii ayey u kala firxadeen
jihooyinkii, waxaana ugu badnaa kuwii u firxaday Awdhaas,
Nakhla iyo Daa'if. Wuxuu markaas Rasuulku SCW ka daba diray
ciidammo, kuwii Awdhaas u cararay wuxuu ka daba diray ciidan
uu hoggaaminayey Abuu Caamir Al-ashcari. Ciidankaasi markii
ay ka daba tageen gaaladii waxaa dhex maray dagaal, ka dibna
gaaladii way jabeen oo carareen hase yeeshee waxaa goobtaa
ku shahiiday hoggaamiyihii ciidanka muslimiinta Abuu Caamir
Al-ashcari. Qoladii kale ee u baxsatay Nakhla waxaa laga
daba diray ciidan fardooley ah oo soo laayey, waxaana kuwan
ka mid ahaa odeygii duqa ahaa oo la oran jirey Dariid binu
Suma.
Rasuulku SCW wuxuu xoolihii qaniimada ahaa oo
dhan ku ururiyey meesha la yiraahdo Jicraana wuxuuna mas'uus
uga dhigay Mascuud binu Camar Al-qifaari, ka dibna wuxuu
kaxaystay ciidankiisii oo wuxuu ka daba tegay qaybtii 3aad
ee Dhaa'if u firxatay, ahaydna qaybtii ugu badnayd, uuna ku
jirey hoggaamiyahoodii Maalik. Rasuulka SCW iyo ciidankiisii
markii ay dhaafeen meesha la yiraahdo Qarnul-Manaasil oo ay
marayaan Liyo ayuu Rasuulku SCW arkay dhufays uu lahaa
Maalik binu Cawf oo halkaas ku yaallay, markaas ayuu amray
in la dumiyo. Ka dib waddadii ayuu sii hayey ilaa uu ka
yimid Dhaa'if oo uu dul degay, wuuna hareereeyey, wuxuuna ku
hareereysnaa 40 beri. Hareerayntan oo ahayd tii ugu dhibka
badnayd oo ay muslimiintu cid ku sameeyaan intii uu Rasuulku
SCW noolaa aad ayey u dagaallameen nimankii dhufayska ku
jirey, waxaana la yiraahdaa ilaa 12 nin oo muslimiintii ka
mid ahaa ayaa u dhimatay fallaarahoodii.
Wuxuu Rasuulku SCW markaa ku garaacay Manjaniiq,
wuxuuna xeel dagaal ahaan u amray in la jiro beerohooda
canabka si ay isu dhiibaan, markaas ayey muslimiintii si
daran u gubeen ilaa ay ka cabaadeen oo ay codsadeen in Alle
iyo riximka dartiis lagu daayo, waana la daayey. Ka dib
waxaa la ogeysiiyey qofkii dhufayska ka soo baxa oo
muslimiinta u yimaadda in uu xor yahay, markaas ayaa waxaa
soo baxay 23 nin.
Markii ay muddadii dheeraatay ayaa Rasuulku SCW
wuxuu la tashaday Nawfal binu Mucaawiya, Nawfal wuxuu yiri
"Rasuulkii Allow waa dawaco god ku jirta oo haddii aad dul
fadhidid waad qaban kartaa, haddii aad ka tagtana waxba
kaama dhibi karaan", markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu
go'aansaday in uu faraha ka qaado, wuxuuna amray in uu Cumar
binu Khadhaab ciidanka ogeysiiyo, markaas ayaa Cumar
ciidankii ogeysiiyey oo yiri "berri waan tegaynaa hadii Alle
idmo", markaas ayey asxaabtii arrinkaas dhibsadeen oo
dheheen "ma annaga oo aan furan ayaan tegaynaa?", markaas
ayuu Rasuulku SCW yiri "dagaal u kallaha", markaas ayey
subixii dagaal u jarmaadeen oo dagaallameen hase yeeshee
waxba way furan kari waayeen, waxaana soo gaaray dhaawacyo,
markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "berri waa tegaynaa", markaas
ayey ku farxee oo is diyaariyeen, maraas ayuu Rasuulku SCW
ku qoslay.
Markii ay asxaabtu is diyaariyeen oo ay baxayeen
ayaa Rasuulku SCW ku yiri "dhaha waan noqonaynaa, waan
toobad keenaynaa, waan caabudaynaa, Rabbigayo ayaan
mahadinayaa", dabadeedna waxaa Rasuulku SCW ku soo laabtay
meeshii la oran jirey Jacraana oo xoolihii qaniimada ahaa
lagu hayey. Xoolahaasi waxa ay kala ahaayeen sidan: 24,000
oo geel ah, 40,000 oo ari ah iyo 4,000 oo wiqiyadood oo
qalin ah (160,000 Dirham) iyo 6,000 oo dumar iyo carruur
ah.
Rasuulku SCW markii uu Jacraana ku laabtay waxa
uu joogay 14 habeen oo uu sugayey reer Hawaasin in ay
islaamaan oo uu siiyo xoolohooda hase yeeshee markii uu
waayey ayuu xoolihii qaybiyey isaga oo qaybinta u badinayey
odeyaashii madaxda qabiillada ahaa siiba kuwii qureysh ee
islaamka ku cusbaa si loogu soo dumo. Wuxuu Abuu Sufyaan
binu Xarbi siiyey 40 wiqiyadood iyo 100 geel ah, markaas
ayuu yiri "wiilkayga Yasiidna", markaas ayaa isagana la
siiyey intii in la mdi ah. Xakiim ibnu Xisaam waxaa isna la
siiyey 100 geel ah, markaas ayuu 100 kale weydiistay,
markaas ayaa la siiyey. Safwaan binu Umaya waxaa la siiyey
300 oo geel ah.
Xaarith binu Xaarith waxaa isna la siiyey 100 ah
sidaas oo kale ayuu boqol boqol geel ah u siiyey in badan oo
ka mid ahaa odeyaashii qureysh iyo qabaa'ilkii kaleba. Qaar
kalena wuxuu siiyey konton kontoniyo afartan afartan halaad.
Ka dib waxaa Rasuulka SCW ku soo xoonsamay in badan oo
qabaa'ilkii reer baadiyihii muslimiinta ka mid ahaa iyaga oo
maal badan ka dalbanaya ilaa ay ku ciriiriyeen geedkii uu
hoos fadhiyey oo go'ii ka jiiteen, markaas ayuu yiri "dadow
ii soo celiya go'ayga, Ilaahii nafsaddaydu gacantiisa ku
jirto ayaan ku dhaartaye haddii ay agtayda yihiin dhitra
Tuhaama tiradooda oo xoolo ah waan idiin qaybinayaa (oo
waxba idinkala hari maayo)".
Ka dib markii Rasuulku SCW dadkii islaamka ku
cusbaa iyo kuwii uu soo dumayeyba siiyey ayuu Seyd binu
Thaabit amray in uu xoolaha oo dhan keeno. Markii uu
keenayna wuu u qaybiyey oo ninkii aan faras wadan wuxuu
siiyey 4 geel ah iyo 120 ari ah. Qaybintaan Rasuulka SCW
waxaa ka dambeeyey siyaasad xakiim ah oo Alle iyo
Rasuulkiisu SCW garanayeen, taas oo keentay in madaxdii
qabiillada la siiyey xoolo badan maxaa yeelay waxa ay
ahaayeen dad islaamka ku cusub oo lasoo dumayey, bani
aadamkana waxaa ku jira kuwo calooshooda la caqli ah oo xaqa
aan ku raacin maxkaxdooda ee ku raaca calooshooda oo
qoladii calooshaas u buuxisa ayey raacayaan xaq hadii ay
wadato iyo haddii baadil wadataba, waana sida maanta kuwo
badan oo madaxda qabiillada ah ay durbaanka ugu tumayaan
ciddii wax siisa dantay doonto hawadatee, sideedana haddii
uu ninku madax soo ahaan jirey ama uu oday noqdo in yar ma
ahane xaqu uma daadego haddii uusan markii hore xaqa ku soo
barbaarin maxaa yeelay waxaa ku adag beladii uu ku soo dhex
jirey ee uu ku soo weynaaday inuu iskaga soo dhex baxo oo
Ilaahay isu dhiibo.
Rasuulku SCW xoolihii ayuu markaa qaybiyey oo
weliba qaybtii u badiyey qureysh iyo muslimiintii kale.
Muhaajiriinta wax buu ka siiyey laakiin Ansaar wuu ka
qadiyey oo waxba kama siin taas oo ahayd xikmad ay Alle iyo
Rasuulkiisu SCW garanayaan. Ansaar ayaa markaa xoogaa
dhibsatay iyaga oo aan garanayn sababta (uu Rasuulkuu sidaas
u yeelay), qaar ka mid ahi waxa ay dheheen "Rasuulku
reerkiisii buu u yimid", Sacad binu Cubaada oo ahaa odeygii
Ansaar ayaa Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri "Rasuulkii Allow
Ansaar waxa ay kuugu carootay waxaad ku samaysay xoolihii
qaniimada ahaa oo aad u qaybisay reerkaagii, aadna siisay
siismo qabiilladii carbeed iyagana aadan shey ka siin",
markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri "Sacadow adigu xaggee ka
taagan tahay arrintaa?", wuxuu yiri Sacad "Rasuulkii Allow
anigu qoomkayga ayaan wax la qabaa", markaas ayaa Rasuulku
SCW yiri "ii soo kulmi qoomkaaga", wuu baxay oo soo
kulmiyey, markaas ayaa Rasuulku SCW u yimid oo la fariistay,
kuna yiri markii uu Alle mahadiyey, ducadii iftitaaxa
ahaydna ku furfurtay ka dib "Ansaareey waa maxay hadalka iga
kiin soo gaaray iyo carada aad ii carooteen, ma waanan idiin
imaan idinka oo baadiyeysan oo Alle idinku hanuunin
sababtay, ma waanan idiin imaan idinka oo cayr ah oo Alle
idinku qaniyeyn sababtay, ma waanan idiin imaan idinka oo
col ah oo Alle iskugu kiin dumin sababtay?", waxa ay dheheen
"Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo siismo badan", markaas
ayuu Rasuulku SCW yiri "miyeydaan ii jawaabeyn Ansaareey?",
markaas ayey dheheen "maxaan kuugu jawaabnaa Rasuulkii
Allow, Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo siismo badane",
markaas ayuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad
doontaan waad dhihi karteen, run baadna ku sheegi lahaydeen,
waana la idiin rumeyn lahaa. "waad noo timid adiga oo lagu
beeniyey markaas ayaan ku rumeynay; adiga oo lagu
dulleystay, markaas ayaan kuu gargaarnay; adiga oo lagu
cayrshay, markaas ayaan ku soo dhoweynay; adiga oo cayr ah,
markaas ayaan ku hodminnay". Ansaareey ma waxaad iigu
carooteen sandarerto adduunyo oo lagu soo dumayo rag si ay u
islaamaan (ama islaamnimadoodu u wanaagsanaato), idinkana
aan idiin wakiishay islaamnimadiina. Ansaareey miyeydaan ku
raalli noqon in dadku la tagaan ari iyo awr idinkuna aad
guryihiinnii ula noqotaan Rasuulkii Alle? Allihii nafsadda
Maxammed ay gacantiisa ku jirtay baan ku dhaartaye haddii
aysan hijro jiri lahayn, waxa aan ka mid ahaan lahaa Ansaar;
haddii ay dadku waddo qaadaan, Ansaarna waddo qaaddo, waxa
aan qaadi lahaa waddada Ansaar. Allahayow u naxariiso Ansaar
iyo wiilasha Ansaar iyo wiilashooda". Markaas ayey Ansaar
wada ilmeeyeen oo dheheen "waan ku raalli noqonnay qaybinta
iyo siismada Rasuulka Alle SCW", waana lagu kala dareeray
fadhigii.
Markii dumarkii, carruurtii iyo xoolihiiba la
qaybiyey ayaa waxaa yimid wafdi ka socda reer Hawaasin oo ka
koobnaa 14 nin, uuna madax u ahaa Suher ibnu Sarad iyaga oo
soo islaamay, doonayana in xoolohoodii iyo maatadoodii loo
celiyo. Markii ay Rasuulka SCW u yimaadeen ayey ka codsadeen
in uu u celiyo maatadoodii iyo xoolohoodii, markaas ayuu
Rasuulku SCW ku yiri "waxaa ila socda duulka aad aragtaan,
waxaanna sheekada ugu jeclahay runta ee ma carruurtiinnii
iyo dumarkiinni baad jeceshihiin mise xoolihiinii?", markaas
ayey dheheen "maatada waxba bar bar dhigi mayno", wuxuu
Rasuulku SCW ku yiri "markaan duhurka tukado istaaga oo
dhaha "waxa aan Rasuulka uga kaalmo dalbaynaa mu'miniinta,
mu'miintana Rasuulka in na loo celiyo maatadayadii", markii
duhur la tukaday ayey istaageen oo sidii dheheen, markaas
ayaa Rasuulku SCW yiri "aniga iyo ilma Cabdimudhalib waxa
aan hayno idinka ayaa iska leh, dadkana (muslimiinta) waan
idiin weydiinayaa". Muhaajiriin iyo Ansaar ayaa markaa waxa
ay dheheen "annaguna waxa aan hayno Rasuulka SCW ayaan ku
wareejinnay", markaas ayaa waxaa istaagay Aqrac ibnu Xaabis
(odeygii reer Tamiim) oo yiri "aniga iyo reer Tamiim ma
bixinayno", markaas ayuu Cuyeyna ibnu Xusana (odeygii reer
Fasaara) yiri "aniga iyo reer Fasaarana ma bixinayno".
Cabbaas ibnu Murdaasna (odeygii reer Suleym) ayaa isaguna
yiri "aniga iyo reer Suleym ma bixineyno", markaas ayaa reer
Suleym hadleen oo dheheen "waxa aan annagu hayno Rasuulka
ayaan ku wareejinnay", Cabaas wuxuu yiri "waad i daciifiseen
(garabkaygaad ka baxdeen)". Rasuulku SCW wuxuu mar labaad la
hadlay dadkii oo ku yiri "nimankaani waxa ay idiin yimaadeen
iyaga oo muslimiin ah aniguna waan khiyaar geliyey, waxayna
doorteen dumarka iyo carruurta, marka qofkii wax ka haya,
naftiisuna ay raalli ku tahay in uu soo celiyo ha soo celiyo,
qofkii jecel in uu xaqqisa haystana ha u soo celiyo, waxa
ugu horreeyey ee Alle na siiyo ayaan halkii lug lix lugood
ugu beddeli doonaa", markaas ayaa ciidankii oo dhan
yiraahdeen "raalli ayaan ku nahay in aan Rasuulka SCW siinno",
markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri "ma kala ogin kan raalliga
ah iyo kan aan ahan ee laabta oo ha noo soo gudbiyaan kuwa
arrinkiinna garanaya (odeyaashiinna)", markaas ayey isku
noqdeen oo dhammaantood keeneen dumarkii iyo carruurtii.
Ka dib ciidankii Makka ayey soo aadeen
Rasuulkuna SCW wuxuu xirtay Cumro, markii uu Makka yimid oo
cumradii dhammaystayna wuxuu u gudbay Madiina, Makkana wuxuu
mas'uul uga dhigay Cataab ibnu Usayd. Wuxuuna Rasuulku SCW
Madiina ku laabtay dhor iyo tabankii bishii Dul-Qacda,
sannadkii 8aad ee hijriga. |