Soomaaligii ugu Horeeyey ee Ku Ka Mid Noqday
"Amway"....
SomaliTalk.com oo sii wada xog raadintii arrintan, ayaa la kulantay oday Soomaaliyeed oo aan magaciisa kusoo koobeyno
SHABEEL.
Waakan SHABEEL oo ka war bixinaya wixii uu kala
kulmay "Amway".
Waxaan ahaa Soomaalidii ugu horeeysey ee ku biirtay
"Quixtar", haddiiba aanan ahayn Soomaaligii ugu horeeyey. Waxaana xilligaas la oran jiray "Amway".
Sannadkii 1997kii ayaa xaaskaygii oo dukaan iibineysa waxaa u yimid rag ka socdey "Amway", waxana ay u akhriyeen sida fudud ee ay u taajireyso haddii ay sida ay u sheegaan ay yeesho.
Xaaskii ayaa nimankii waxay ku tiri odayga ayaan idiin ballaminayaa ee dukaanka maalin heblaayo iimada. Sidaas ayaan meeshii ku tegey kulana
waxaan la yeeshay rag kasocdey "Amway".
Lix Lugood yeelo....
Shabeel oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri: Qolyihii aan la kulanay waxa ay i tuseen shax muujineysa jaranjarooyin kala sareeya, oo ku qoran Af-Ingiriisi. Waxaan nimankii u sheegay
in haddii ay rabaan in nidaamkaan ay Soomaalidu fahamto ay Af-Soomaali ku turjumaan, waxana ay markaas yiraahdeen adigu noo tarjum. Waxana ay igu siiyeen tarjumidii shaxda lacag khidmad ah oo dhan $300.
Shaxda aan tarjumey waxaa ku qornaa: in qofka xubinta ah laga rabo in uu keeno shan qof, taas oo marka qofkaas lagu daro ay noqonayaan LIX. Waxaana habkaas loo yaqaan LIX LUGOOD ayaad yeelaneysaa.
Waxaa shaxdaas ku qoran in shanta qof oo aad soo
"isboonsartay" ay tahay in mid kasta uu keeno shan qof oo kale. Mid kasta oo shantaas cusub oo la keenayna uu keeno shan
kale, isku darka waxaa la rabaa in aad keentaan 255 qof iyo adiga
oo markaas tiradu noqon doonto 256 qof. (Taasi waa qiyaas).
Waxaa markaas qof kasta laga qaadayaa $100 oo
ah diiwaan gelinta, taas oo noqoneysaa 256 x 100 = $25,600 (Shan-iyo-Labaatan kun iyo lix-boqol oo doolar).
Halkaas marka la joogo waa in 256-ka qof ay bil kasta
"Amway" ka iibsado alaab qiimeheedu dhan tahay $100, taas oo ah ($25,600).
Marka ay tiradaasi buuxsanto waxaa halkaas ka soo baxaya in
"Amway" la siinayo $25,000 (khidmad) + $25,600 (badeeco laga iibsadey),isku darkuna = $51,200.
Intaas marka aad soo xero gelisey waxaa laguu ballan qaadayaa in lagu siindoono
lacag dhan qiyaastii $4,000.
Markii aan tegey shirarka "Quixtar" oo markaas
ahayd "Amway", oo aan u dhabo galay, waxaa iiga soo baxay in aysan macquul ahayn in wax lacag ah kaa soo gasho meeshaas. Waa nidaam u degsan in dadka laga dhigto shaqaale aan wax lacag ah kaga baxayn qofkii shaqaaleeyey, si fududna badeecad looga iibsanayo.
Intii aan ku jirey arrintaas oo ahayd laba sano ku dhowaad (1997-1998) waxa lacag ah igama soo gein, aan ka ahayd saddexdii boqol ee aan turjumaanimada uga qaatay, taas oo xitaa aan $100 u siiyey xubin ka noqoshadooda ama diiwaan gelinta. Waxaa intaas ii dheer in aan anigu qado ka bixiyey mid ka mid ah ragga sheeganey in ay meeshaas xubno sare ka yihiin, oo intaan geeyey makhaayad Soomaaliyeed aan qadadii jeebkayga ka bixiyey. Marka
intii aan Turjumaanimada uga qaatayba waa la igala noqday. Waxaase ii sii dheera shirarka aan aadayey oo aan anigu gaaska gaariga jeebkayga kala baxayey. Sidaas daraadeed hal-bini meeshaas igama soo gelin, waqti iyo maskax ayaase igaga baxday.
Intii aan arrintaas ka daba laabaneyey, waxaan xitaa ka qayb galay labo shir oo ah shirarka sannad laha ee ugu weyn - waa kal fadhiga sannadka ee la isugu keenayo dhammaan
inta ku lug leh arrinta. Labadaas shir waxaa lagu soo bandhigay waxyaabaha lagu gado "Amway" iyo sida alaabadaas loo iibsan karo.
Shirarka aan tegayey dadka imaney waxay isugu jireen quruun kasta, sida dadka u dhashay Woqooyiga Ameerika, Hindi, Filibiiniyiin, iyo dad ka yimid meelo kale. Xilligaas Soomaalidu aad ayey ugu yarayd.
Shabeel oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri: Shirkii iigu dambeeyey ee aan ka qayb galo ayaa waxaa la keenay nin markaas ku cusbaa meesha oo Soomaali ah, waa ninka hadda loo yaqaan Faataadhugle.
Waxaan maalmo ka dib arkay kii oo aad moodid in uu meesha weligiis xubin ka ahaa,
oo dadka hadal waxba kama jiraan ah ku afuufaya.
Waxaa iigu yaabka badnaa in aan arkay Faataadhugle
oo inta uu xusay Gobol Soomaaliya ka mid ah, waxaa uu yiri: Gobol Heblaayo waxaa
Luqada Af-Igriisiga lagaga hadli doonaa muddo lix bilood ah, waayo waxa aan
geynayaa barnaamijkaan, waana lagu taajirayaa. Hadalkaas waa la yaabay, waayo
maxaa iskaga xiran barashada Luqad iyo Taajirnimada adigoo jooga dalkaagii
oo dadku ay ku wada hadlayaan hal luqad... Waa arrin aan layaabay, oo aan ilaa
hadda is weydiiyo waxa uu ula jeedey, arrintaasna dhegahayga ayaan kaga maqlay
Faataadhugle oo dhehaya.
Sidaas ayaan uga haray "Amway" aniga oo aan waxba ka
faa'iidin, laakiin waqti igaga lumay.
Sida aan qaybtii hore kusoo xusnay, waxaa la isku raacay
in dumarka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ugu badan ee sida gaar ah loo rabo inay
ku biiraan barnaamijka "Quixtar". Hadaba SomaliTalk.com waxa ay la kulmeen gabar
Soomaaliyeed oo aan magaceeda kusoo koobeyno RUMAAN, si aan magaceeda saxda ah u
xafidno.
Hadaba waatan RUMAAN oo ka sheegayneysa sidii ay
ku tagtay shir ka mid shirarka "Amway"...
RUMAAN waxa ay hadalkii ku bilowday:
Maalin ayaa waxaa ii imaaday wiil u dhashay Qaarada Aasiya oo aan meel ka wadda shaqeyn jirnay.
Isaga iyo
xaaskiisa ayaa waxa ay i baryaayeen muddo aad u dheer. Waxaan la yaabay dadkaan
sidda ba'an ay isugu kay mashquulinaayaan. Waxay iga codsadeen in aan raaco
caawa kana qeyb galo shir lagu qaban doono Hoteel. Waxan aay yiraahdeen: "Haddii
aad dhageestid waxyaabaha laga soo jeedinayo
shirkaas oo markaas aad ka heli weydo barnaamij ku qanciya, dib dabe ha noo raacin".
Waxay
kaloo ii raaciyeen in aan ku taajiri doono muddo yar gudahooda.
Aniga
oo la yaaban waxa ay sheegayaan, oo aan qaati billaahi ka taaganahay war kooda, ayey
waxay igu dhaheen anagaa ku qaadeena. Waan ka diiday, waxaan iri
isiiya cinwaanka goobta kulanka aniga ayaa isa soo tahbiibayee. Waxay i siiyeen
cinwaanka hoteel ku yaalo magaalada bartameheeda.
Meeshu waa suuqii Caanaha....
Kolkaan tagay ayaa waxaan ku arkay Soomaali badan
oo aan wajiyadoodu igu cusbeyn, waa igu soo ordeen sidii huun-feydii. Dhawr qof
oo aan bar garanaayey ayaan ku iri ninkaan ayaa iga codsaday in aan halkaan imaado.
Waxay i xasuusiyeen suuqii caanaha lagu kala gadan jiray, kaalay iga gado aniga iyo kaalay aniga iga gado IWM. Qof walbaa waxuu rabaa in uu
kugu daro kooxdiisa uu soo xero galiyey ama soo "isboonsaray."
Habeenkii markaan goobta tagay waxaad moodaa
dadka in laga casumay Aroos, abamaba Qaarkood ay yahiin Aroos, waxaana u badnaa dadka halkaa joogay
Aasiyada-Fog, Soomaali, Hindi,
Pakistaniyaal iyo laba diir cad oo aanan garanayn wax alle iyo waxa ay yahiin.
Muddo kaddib baa Aasiyaankii isoo casumey oo rooraya ii yimid, waxa
uu igu dhahay: "waxaad keentaa hal-doolar". Muxuu ka dhigan
yahay dollarkaas baan ku iri. Waxa uu igu dhahay "waxaa lagu siinayaa warqad ku qoran magacaaga."
Waxaan ku iri goobtaan waxaan u imaaday in aan
taajiri doono waqti dhow, sidee u baxiyaa dollar aan aniga leeyahay. Waxaan kuu sheegayaa in aan lacag helo baan u imid
ee in aan anigu lacag tayda
bixiyo uma imaan.
Waxa uu iga bixiyey dollarkii, isaga oo
yaaban!!
Waxaan dhageystay khudbadii oo aad u macaan oo runtii qofkastaa oo
maqlaa jeclaan lahaa in uu gaaro rajadaas dhalan-teedka ah. Aniguse waxaan aaminsanaa dadkaas
khudbada
jeedinaayey in nimcadaas ay sheegayaan aysan ka muuqan. Waxayse iila muuqdeen kuwa ku nool dhalanteed.
Markii shirkii dhammaaday ayaa ninkii
Aasiyaanka ahaa waxa uu i weediiyey misna lacag dhan $100 dollar. Waxaan ku iri oo maxay ka walax tahay
boqolka doolar. Waxa uu igu dhahay "waxaa laguugu sameynayaa "membership".
Mayoooooy.... MAYA .. MAYA, ayaan dhawr jeer iri, waxaana u raaciyey: Waxbaan ku weydiinayaa ee imaqal: Waxan ma idinkaa
iska leh. Wexee ayuu yiri. Waxa la rabo in laga gado dadkaan ma qoyskiinaa iska leh baan ku iri.
Maya ayuu iyiri. Waxaan ku iri: waxaan kuu sheegayaa meeshaan kama aad taajireesidee yeysan kaa
taajirin adiga, ee waxaad ogaataa caawa waa idinka
yeelay baryadiinii tirada badneed, una malayn maayo in aan ku soo
laaban doono goobtaan.
Waa uu is-galay sidii anigoo wax ka dhacay.....
LAYAAB!!!
Xiligii aan
u malaynayey in la kala hoyanaayo ayaa la isku soo wada baxay.
Waxaaba la iib sanayaa casho. Halkaas oo aan kula casheeyey gabdho Soomaali
ah oo aan Aqaanay, iyagaana lacagtii bixiyeen. Aniga ujeedadaydu waxa ay
ahayd in aan taajiro ee umaan imaan in aan lacag tayda isticmaalo oo Hoteelada
cunto kaga cuno. Xaqiiiqdii
waan ka naxsanaa dadkani halka ay wax u wadaan iyo sidda ay u aamin sanyihiin, hadana waxaan is iri:
Waa dad aan wax camal ah hayn oo waqtiga
ku dhuminaayo meelahaan oo kale.
Aniga oo caga jiidaya ayaan isaga soo baxay
goobtii habeenkaas oo aan la yaabanaa waxa khalqi isugu yimid, sanadkaasi
waxa uu ahaa 1999. Sanadkii ku xigay waxaa
misna arkay wiil Soomaaliyeed oo aad mooddid in uu fudud yahay, oo isna wada hadaladiii kii
Aasiyaanka oo kale. Waxaan ku iri: hortaa-jiraa i-kari
waayey ee maandhooow shaqo tan ka khayr badan oo manaaafacaad leh Ilaahay
ha kuu sahlo. Waana iga tagay isaga oo caga jiidaya.
Sanadkii 2001-da ayaa waxaa isoo wacday gabar aan saaxiib nahay iyadoo ku daba daboolan gabar ay
is yaqaaniin waxayna ii sheegtay in ay gabadhaani rabto in ay Ila hadasho,
salaan dabadeed ayaa gabdhii waxa ay ii gashay ammaan. Ammaantiina sidatan bay u
dhacday !!!: (Gabadhaas oo aan ugu magac daray CUUD-DOON).
CUUD-DOON waxa ay igu tiri: Walaalay waxaad tahay qof garasho dheer oo
dad-nimo badan, waxaan kuu hayaa arrin aad iyo aad kuu cajab galin doonta,
waana ogahay haddii aad waqti siiso in aad ku najixi doontid oo waliba aad
noqon doontid dadka ugu taajirsan Soomaalida. Haye baan ku iri, aniga kama
aan waalin, waxaan si dagan uga dhuraayey warkeeda. Waxay ii raacisay: waxaan kuu sheegayaa dadka adiga oo kale ah in ay muddo yar gudahooda ku gaari
doonaan yoolka aan higsanaayo, maxaa yeelay waxaad tahay Qof aad u fur furan oo
aad u caqli badan oo waliba ku wacan dadka la dhaqan kiisa.
Mahadsanid
Amaantaada ayaan ku celiyey. Waxa ay ii raacisay: walaal waxaan kuu hayaa
Shaqo aan Horjooge (supervisor) lahayn oo aad madax banaani ku shaqaysanayso adiga oo
aan kalihin iyo waliba lacag aan caqliga galayn haddii aad u soo jeesato in aad
sameeso shaqadaan. Waxaad shaqadaan qabaneysaa adiga oo gurigaaga
jooga. Waxay ii raacisay in ay ka sameeso lacag caqliga diidayo. Waxa ay ii raacisay: waa
shirkadda loo yaqaan "Amway", oo ay tahay in loo gad-gado
alaabo, oo wax alle iyo waxaad gadid waxaad ku leedahay lacag bay igu tiri.
Laba
su'aal ma iiga jawaab kartaa walaashay ayaan ku iri. Waxay tiri haa..
Waxaan ku iri: yaa shaqada i siinaya, ma Qolada
shirkada lehbaa mise dadka u shaqeeyo, mase isiinayaan wax
qoraal cadeyn ah oo ay ileeyihiin hadii aad intaas gado amaba aad "DHEEMAN" noqotid waad taajiraysaa. Anigu qoraal baan ku Qancayaa baan ku iri.
Tan labaad
ma i tusi kartaa Lacagta kaa soo gasha oo aad ka sameesay mudadii aad ka
daba laabanaysay.
Waxa ay igu jawaabtay: cid wax Qoraala ku siinayso ma
jiraan. Mareekana yaa is-tusa lacagaha la sameeya.
Waxaan ugu jawaabay:
walaasheey waxaad Ila jeclaatay in aan kula sameeyo lacagta mala-Awaalka ah ee aad
sameyso, maxaase diiday hadii aad ii sheegtay in aad i tustid. Aniga kutusimaayo ee hadaad rabto soo gal oo adiguba ka wardoon bay igu
dhahday. Waxaan u raaciyey walaal aniga waxaan ka shaqeeyaa laba shaqo -
sida ay ogtahay gabadha saaxiibtay ah ee igu kaa soo xirtay - marka
walaalay waxaan u maleenayaa tan aad ii sheegayso in ay ku fiican tahay dadka
aan lacagtu soo gelin oo wax camal ah hayn si ay ugu mashquulaan ayaan ugu jawaabay, iyada oo xanaaq yara muujinaysa ayey igu tiri kolay anigu mar
dhaw baa la ii shaqeyn doonaa.
Waxaad haysaa, baan ku iri, riyo soo jeed ah, ILAAHAY se kuuguma qadiyo ayaan ku iri. Walaalay su'aal baa iigu kaa dhiman baan
ku iri, i weedii bay igu dhahday, waxaan ku weediinayaa:
sanadkee baad u maleenaysaa in aad arrintan ka taajiri doonto. Waxay igu tiri ugu danbeen
2004-ka. Waxaan ku iri hadaba Aniga waan xamaashaa oo xoogaygaan
maalaa, lacagta aan xoogayga ka xamaasho iyo taada ayaan inoo balan ah sanadkaas
hadii Ilaahay nafta inoo daayo in aan is barbar dhigno. Waayahay bay igu tiri.
Markey taariikhdu ahayd Bishii Febraayo ee
sannadkii 2005 ayaan damcay in aan la xiriiiro CUUD-DOON, maadaama ay hal sano
markaas ka soo wareegtey xilligii ay tiri waan taajirayaa. Waa ii suurta gali
waydey in aan helo. Markale ayaan Bishii Maarso ee 2006 waxaan weydiiyey
gabadhii markii hore telefoonka igu soo xirtay oo ah ISMALURA in ay war ka
keento CUUD-DOON bal in loo shaqeeyo hadda oo ay ka taajirtey "Quixtar".
ISMALURA markii ay u tagtay CUUD-DOON waxaa
dhex maray hadaladan.
ISMALURA: ka warran arrintii "Quixtar" ee aad
kujirtey.
CUUD-DOON: Meel fiican ayaan marinayaa, oo weli
xubin ayaan ka ahay
ISMALURA: oo waxaan maqlay in
TV-ga NBC uu
sannadkii 2004 ka diyaariyey barnaamij uu ku ku fashiliyey sir qarsoonayd ee la
xiriirta "Quixtar". Sidoo kale waxaan maqlay in Soomaali farabadan ay ka baxeen
markii ay ka waayeen faa'iidadii ay ka filayeen.
CUUD-DOON: Dadka aad ka hadleysid waa dad si
khaldan wax u sheegaya. Weli waan kujiraa "Quixtar". Waan ka taajirayaa. Marka aan
ka taajirona adiga ayaa gurigayga shaqaale iiga noqon doona.
ISMALURA: oo waxaan maqlay in ninkii madaxda
idiin ahaa ee ahaa Faataadhugle uusan waxba faraha kuhayn oo uu hadda Cedar ka
bilaabay shaqo garab rarato ah, ee ka waran? [Cedar waa xaafad Soomaalidu ay u
badan yihiin oo ku taal magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka].
CUUD-DOON: Aniguba waan shaqaystaa ee maxaa ku
jaban.
ISMALURA: laga hadli maayo shaqada ee waxaan
kugu tusaalaynayaa in aad sheegteen in aad taajireysaan sanadihii la soo dhaafay,
welina waxba idiinma kordhin.
CUUD-DOON: Sidaan kuu shegay adiga ayaa
shaqaale ii noqon doona marka aan ka taajiro "Quixtar"...
Ismalura oo warkaas ii sheegyey ayaa tiri:
Cuud-Doon waxa ay u muuqatey mid aan faraha waxba ku hayn, laakiin madaxa ciida
ka ceshaneysa.
Carruurtayda waxaan ug ategi jirey Cidla si aan
Shirar uga Qayb Galo..
Waxaa kale oo aan arrimaha "Quixtar" wax ka
weydiiyey gabar kale oo muddo arrimahaas kusoo jirtey, oo aan magaceeda
kusoo koobayo SARMAAN, waana tan ayadoo arrintaas ka hadleysa.
SARMAAN: Waxa aan "Quixtar" ku jirey muddo laba
sano ah. Waxaan kala kulmay arrintan:
Waxaan ka qayb geli jirey shirarka "Quixtar".
Waxaan u safri jirey meelo fogfog. Waxaan cidla ama baylah uga tegi jirey
carruurtayda. Xilli dambe oo habeen bar ah ayaan iman jirey gurigeyga. Waxaan
gaarey heer anigoo daalan aan subaxdiina shaqo u kalahayo.
Laba sanadood markii aan sidaas ku jirey,
waxaan arkay aniga oo shilin uu shilin ii gaari la'yahay, gaaskii gaarigayga aan
ka deyn sanayo deriskaya, waayo waxaan ku dadaali jirey in aan wixii i soo gala
kaga adeegto "Quixtar" si derejooyin la ii siiyo, wixii halkaas ka soo harana
waxaan ku bixin jirey safarka aan u safrayo hoteelada ay ka socdeen shirarka.
Aad ayaan u yaabay, waxaan garan waayey meesha
la iga haysto. Habeen ayaan fekerey oo xisaabtamay. Waxaan markaas ii soo baxday in aan khasaarayo oo wax aan taajir noqdo ha joogtee in shilinkii
isoo gala uu ku leexanayo ka adeegashada "Quixtar" iyo safaradeeda. Habeenkaas
ayaan go'aansaday in aan joojiyo aaditaanka shirarka iyo ka adeegashada "Quixtar".
Waxaan SARMAAN weydiiyey, maxaad arrintaas ugu
sheegi weydey CUUD-DOON, ilaa waad is ganeysaane?
SARMAAN waxa ay tiri: Qoftaasi weli waxa ay
leedahay waan taajireyaa kana hari maayo meeshaas, fikradeeduna waxa ay taagan
tahay sidii aan ahaa laba sano ka hor, oo xilligaas cid kasta oo i tiraahda
meeshaan kafiirso waxaan u arkaayey in ay iga hor taagan yihiin Taajirnimo
kaabada ama xatabada ii soo istaagtey. Waxaanse la yaabanahay in ay meeshaas
xubin ka ahayd ilaa 1999 oo aysan weli ku cibro qaadan in aan waxba ka soo gelin,
waqti iyo lacag iyada kaga baxdo mooyee.
Sidaas ayey hadalkii kusoo gabagabaysey
RUMAAN oo ka sheekayneysey waxyaabihii ay dumarka Soomaaliyeed kala kulmeen
arrinta la xiriirta "Amway" iyo "Quixtar".
Talo:
Anigoo kaashanaya khibradda aan u leeyahay arrintan aan ka soo hadlay, haddii qof kuu yimaado oo ku yiraahdo waan taajireynaa haddaad kusoo biirtid mashruuc noocaan oo kale ah,
waxaa haboon in marka hore aad qofkaas baaritaan ku samaysid, si aad u ogaatid qorshihiis,
isla mar ahaantaasna ogaatid waxa arrintan ku kallifaya, iyo waxa uu isagu ka faa'iidey. Sidoo kale si madax bannaan baaritaan ugu samee mashruuca laguu soo bandhigay.
Tan kale waxaa muhiim ah in aad ogaatid in waqtigu uu ka qaalisan yahay wax kasta, ee yaan waqtiga lagaaga lumin arrin aan waxba ka soo baxayn.
Waxaa kale oo aad muhiim u ah in lagu
baraarugo in Teleshanka caanka ah ee NBC uu barnaamij dheer ka diyaariyey
"Amway" iyo "Quixtar", barnaamijkaas oo iftiimiyey qaabka ay u shaqeeyaan,
soona bandhigay sir qarsoonayd. [Barnaamijkii NBC ka eeg
halkan...].
Sidaas ayuu hadalkii kusoo xiray HAREERI oo
qoraalkiisa aan kusoo aragnay qormadii hore.
Geelle iyo Xaaskiisa iyo Quixtar
Wixii Kala Gaarey.... (QUIXTAR
OO GURIGAYAGII BURBURIN GAADHAY)
###
Wixii talo iyo tusaalayn ah ee la xiriira arrintan
waxaad kusoo hagaajin kartaan:
Email: webmaster@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | Axad Abriil 2, 2006
Isha Sawirada: Qaar kamid ah Google Images.