SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
CILMI BAARIS::: - SUNTA SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print


Hal qof ayaa dhintay laba kalane dhaawac xoogan ayaa soo gaaray saakay kadib markii ay ku sumoobeen sunta  ay maraakiibta shisheeye ku soo daadiyeen xeebaha dalka soomaaliya gaar ahaan xeebaha gobolada  Jubooyinka 

Hadaba dadkaan maanta ay waxyelada soo gaaratay ayaa waxa ay ku sugnaayeen jasiirada Buur Gaabo oo ka mid ah jasiiradaha goblkan Jubada Hoose ayadoo  dadkaan ay aahayeen niman quusaayaal ah islamarkaana midka dhintay la oran jiray Ismaaciil Caato ayadoo xiliga ay waxyeelada soo gaaraysay ay ku guda jiray howlahooda quusidnimo taas oo markii hore lagu macneeyay in dhibaatada soo gaartay dadkaan ay sababtay qobow saa'id ah oo markaas biyaha bada ka jiray balse markii danbe la xaqiijiyay in dadkaan ay waxyeelaysay sunta baaxada leh ee lagu soo daadiyay xeebaha soomaaliya. 

Labadii qof ee kale oo ku soo dhaawacmay dhibaatadaas ayaa iyagana waxaa loola soo cararay isbitaalka guud ee magaalada kismaayo si xaaladooda caafimaad wax looga qabto loona xaqiijiyo waxyeelada soo gaartay waxa ay tahay ayadoo haatan jasiiradahaas laga soo sheegayo in ay baanaka imaadeen xayawaanaaskii ku jiray bada taasina ay sabtay sunta lagu daadshay xeebaha soomaaliya. 

Hadaba waxaa baryahaan soo shaacbaxaya dhibaatada ay dadka dagan xeebaha ay ka sheeganayaan sunta lasheegayo in lagu soo daadshay xeebaha soomaaliya ayadoo deeganadan haatan lagu arkay cuduro aan horay loogu arag oo ay ka midyahiin cudurada maqaarka, calool majiir, iyo afka iyo sanka oo qofka dhiiga, iyo waliba cudurka kaduudiyaha oo ay dhaqaatiirtu ku macneeyeen in cudurkaan uu yahay mid ay sabatay isbadalka ku yimid hawada  taasina ay sabab u tahay qashinka xad dhaafka ah ee lagu soo daadinayo xeebaha soomaaliya gaar ahaan xeebaha goblkan jubada hoose islamarkaana ay tahay arintani musiibo horleh oo soo wajacday dadka soomaaliyeed. 

Hadaba ma ahan markii ugu horaysay oo ay qaylo dhaan xoogan kasoo yeerto dadyowga ku dhaqan xeebaha gobolada jubooyinka qayla dhaantaas oo ku salaysan in wax laga qabto  maraakiibta shisheeye ee ku soo xad gudbaysa xeebaha soomaaliya islamarkaana kusoo shubaya qashinka kasoo hara nuklayerka ayadoo ay jirtay horaantii bishii aynu soo dhaafnay in sidan oo kale ay tiro dad ah ay ku waxyeeloobeen  jasiirada Koyaamo oo ayadana ka mid ah jasiiradaha gobolkaan ayadoo aysan jirin xiligan dowlad  soomaaliyeed oo kontorosha xeebaha soomaaliya waxna ka qabata maraakiibta shisheeye ee ku takri fala xeebaha soomaaliya. 

Isku soo wada duboo waxaa arintan ku saabsan  sunta lagu soo daadinayo xeebaha soomaaliya ka hadashay hay'ada qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta deegaanka ayadoo ku tilmaantay in ay caawaaqib xumo dhaxalsiinayso dadka soomaaliyeed hadii aanan laga qaban sunta lagu shubayo heebaha soomaaliya. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya

SomaliTalk.com | Kismaayo | Maarso 16, 2005
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD