SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waxaan Akhriyey  ”The 100” ( Buug cajiib ah) 

Qore: Ilyaas Maxamud Xuseen | Ilyas_mah@hotmail.com

Qaybtii 1aad 

Hordhac 

Seddax todobaad oo fasax ayaan haystey bishii Disember 2004  oo maalmo kamid ah wadamadan reer galbeedka looga dabaaldego awgeed, sidaa daraadeed ayaan waxaan jeclaystey in aan akhristo buug ka duwan bugaagta aan wax ka barto (economics), waxaan go’aansadey in aan akhriyo buug taariikhda ka hadlaya, waxaa maskaxdayda ku soo dhacey  buug aan in mudo ahba ku fekeraayey in aan akhriyo  kaas oo ah The 100 a ranking the most influential person in history. Waa buug ka hadlaya 100-ka qofood ee saameeynta ugu weyn ku reebey nolosha bani’aadanka. Madaama buuga aan aad ulla dhacey ayaan waxaan gartey in muraajaco kooban ka siiyo Soomaalida kuwooda jecel qoraallada taariikhda ka hadla.   

Qoraaga buuga The 100  wuxuu isku soo aruurshey boqolka qofood ee taariikhda dunida wax weyn ka badaley ama saameeyn weyn ku reebey nolosha bani’aadanka. Ragga buuga lagu xusey waxay isugu jiraan Saynisyahano dunida ku soo kordhiyey aqoon ama sancad hore u jirin, siyaasiyiin iyo hogaamiyayaal dagaal, filosofiin, hogaamiyayaal diin, qoraayaal, farshaxanlayaal iyo sahanmiyeyaal (Explorers), kuwaasoo noolaa 600 sano ka hor dhalashadii nabi Ciise ilaa iyo qarnigii 20-aad. Ragga buuga ku jira waa niman  wax ka bedeley malaayiin dad ah oo dunida ku nool habka ay u noolyihiin ama u fekeraan, waa rag sabab u noqdey in ay dhismaan ama burburaan xadaarado (Civilizations) badan oo dunida soo martey ama maanta ka jira.  Buugan The 100 waxuu noqdey buug aad looga gatey dunida oo idil waxaana lagu tarjumey in ka badan 35 luqadood oo ay ka mid tahay luqada Shiineeska.    

Qoraaga Buuga 

Ninka buuga qorey waxaa la yiraah Michael H. Hart waa nin dhalashadiisu tahay  Mareykan  wuxuu haystaa sedax shahaado jaamacadeed. Hart waa (astronomer, mathematician, lawyer,  scientist) . Wuxuu u shaqeyn jirey NASA, wuxuuna wax ka dhigi jirey  jaamacada  (Maryland, USA). Waa nin noloshiisa intii badnayd ku qaatey waxbarasho.  

Qaar ka mid ah ragga buuga lagu xusey  

Buuga waxuu Dr Hart ku soo aruurshey boqolka qofood ee uu u arkey in nolosha bani’aadamka wax ka bedeleyn. Raggaas waxaa ka mid ah nabiyo sida nabi Maxmed , nabi Ciise, nabi Muuse. Saynisyahano sida Isaac Newton, Louis Pasteur, Galileo Galilei, Albert Einstein, James Watt, Michael Faraday iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo buuga lagu xusey hogaamiyayaal wadan iyo hogaamiyayaal dagaal sida Alexander the Great, Napoleon Bonaparte, Adolf Hitler, Simon Boliver, George Washington, Genghis Khan iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo buuga lagu xusey rag filosofiin ah oo dunida ku soo kordhiye aragti iyo falsafooyin cusub sida Aristotle, John Locke,  Rene Descartes iyo kuwa kaloo badan. Waxaa kaloo buuga ku xusan rag suugaanta iyo fanka casriga kor u qaadey sida Ludwig van Beethoven, William Shekespeare, Voltaire. Waxaa kaloo buuga lagu xusey rag kaloo badan oo caan ah oo taariikhda magac ku reebey kuwaasoo nolosha bani’aadamka wax weyn ka bedeley. 

DR Hart oo u doortey in uu liiskiisa hogaamiyo  nabi Maxamed (csw) 

Dr Hart  wuxuu u kala hormarshey ragga buugiisa ku xusan sida ay u kal muhiimsanyihiin, asaga oo eegayo hadba inta ay la’egtahay saameeynta ay raggaas ku sameeyeen nolosha bani’aadanka iyo inta qarni ay socotey saameyntooda. The 100  waxaa markii u horeysey la daabacey sanadkii 1978. Goortii  buuga uu soo baxey wuxuu amakaag iyo yaab ku ridey boqolal kun oo Mareykan ah kadib markii  ay arkeyn in uu nabi Maxamed yahay ninka uu Dr Hart u doortey in uu hogaamiyo liiska buugiisa. Dadweynihii Mareykanka ahaa waxey aad ulla yaabeen Xulashada Dr Hart waxayna dad badan isweydiiyeen sababta keentey  Wadanku waa  Mareykan, qoraaga waa nin Masiixi ah, dadka loogu tala galey in buuga akhristaan waa dad Mareykan ah iyada oo arimahaas oo idil jiraan ayuu hadana qoraaga buuga nabi Maxamed u doortey in uu ka dhigo qofka 1aad ee taariikh ebed soo mara ee ku reeba saameynta ugu weyn nolosha bani’aadanka.  

Dr Hart asaga oo arintaa ka hadlaya wuxuu buugiisa ku leeyahay  “My choice of Muhammad to lead the best of the world’s most influential persons may surprise some readers and may be questioned by others, but he was the only man in history who was supremely successful on both the religious and secular levels." Xulidda aan Maxamed (nabi Maxamed (csw)) u xushey in uu hogaamiyo liiska qofka dunida ugu saameeynta badan waxaa laga yabaa in dad badani ay ka yaabiso qaar kalena su’aallo isweydiiyaan, laakiin asaga (Maxamed) waa ninka keliya ee taariikhda xusto oo si heer sare ah ugu guuleystey  dhinac diin iyo mid diinta aan quseynba.  

Muxuu ku micneeyey Dr Hart xulashada nabi Maxamed 

Dr Hart sababta uu nabi Maxamed (csw) uu uga dhigey lambarka 1aad  wuxuu  ku macneeyey in nabi Maxamed (csw) dunida ku soo kordhiyey diin, diimaha dunida ka jira kuwa ugu waa weyn mid ka mid ah iyo in uu ahaa hogaamiye karti iyo aragti fog. Sedax iyo toban qarni ka dib dhimashadii nabi Maxamed (csw) in weli sii nooshahay oo awood iyo saameeyn sii leedahay diintii uu la yimid. Dr Hart wuxuu buugiisa ku sheegayaa in dadka intiisa badan ee buugiisa lagu xusey in ay helayn ama haystayn fursad qaali ah oo aan nabi Maxamed aanan helin taas oo ah in ay ku dhasheen kuna barbaareen degaano ay xadaarad (civilization)  ka jirto, leh aqoon iyo ganacsi sare iyo siyaasad degan, laakiin in nabi Maxamed (csw) uu Maka ku dhashey oo  wagaas ahayd goob aan ka jirin wax xadaarad (ilbaxnimo) ah islamarkaana ka danbeysa dunida inteeda kale dhinaca walba, kana fog wadamadii waqtigaa hogaaminayey  aqoonta, ilbaxnimada iyo ganacsiga. Nabi Maxamed (csw) lix jir ayuu ku noqdey agoon isla markaana ma uusan helin fursad uu wax ku barto, waxuuna ku weynaadey  asagoo ah (illiterate) ruux aan wax qorin waxna aqrin. Waqtigaa Carabta intii badnayd waxay ahaayeen ugaarsato iyo xoola dhaqato liita, jahligana dhinac walba ayuu ka saameeyey, waxayna caabudi jireen  sanabada mana lahayn wax aqoon iyo ilbaxnima ah,waxaana dhaxdooda mar walba ka taagnaa dagaallo ahli ah oo qabiil qabiil ayey isku leyn jireyn.. 

Bulshadii sidaa u danbeeysey oo jaahilka ahayd, kalana qaybsanayd ayuu nabi Maxamed mideeyey, kadib markii ay Islaamka qateena waxay noqdeyn bulsho xadaarad leh oo dunida hogaamisa waxayna ka adkaadeen boqortooyin awood badnaa oo mudo badan soo jirey sida midii Romaanka(Roman Empire *1), tii Faarisiinta (Sassanid dynasty *2). Carabta tira ahaan ma ahayn dad fara badan, laakiin diinta cusub ay qaateen ayaa waxay ku abuurtey hami iyo geesinimo weyn. Waxay qabsadeen oo islaamka soo geliyeen wadamo iyo dadyow ka xadaarad sareeyey oo wagaa ku hareersanaa jasiiratul carab. Waxay mudo nus qarni ka yar  qabsadeen dhulkii wagaa la’dhihi  jirey Mesopotamia, oo waqtigaa ka talin jirtey boqortooyadii xooga badneed ee Faarisiinta (Sassanid dynasty) iyo Siriya, Falastiin  oo ka talin jirtey boqortooyadii wagaa dunida ugu xooga badneed Roman Empire. 

Sanadku markuu ahaa  641 waxay ka adkaadeen oo burburiyeen boqortooyadii Faarisiinta(Persian Empire). 642  Muslimiinta waxaa qabsadeyn  Masar oo waagaa ka talin jirtey Boqortooyadii qibdhiyiinta (Byzantine Empire*3) . 711 ciidamadii Muslimiinta  waxay furteen waqooyiga Afrika, intaas kuma ekaan ee waxay qabsadeen boqortooyadii Visgothic*4 ee Spain waqtigaa ka talin jirtey. Ciidamadii muslimiinta waxay soo gaareen sanadka markuu ahaa 732 Tours bartamaha wadanka Faransiiska halkaasna waxaa ka dhacey dagaalkii caanka ahaa ee Battle of Tours*5 dagalkaasoo  lagu jabiyey ciidamadii Muslimiinta laguna hakiyey dhul balaarsigoodi. 

In Carabtii ku nooleyd Jasiirad carab qabsadaan dhul sidaa u weyn kana adkaadaan ummad sidaa u badan oo ka xadaarad sareysa marnaba ma suurtagasheen hadii Carabtu qaadan lahayn diinta  nabi Maxamed la yimid. Carabtii waqtigaa waxaa awooda u yeeley isla markaana mideeyey oo dad xadaarad leh  ka dhigey waa diinta ay qaateen. Waxaa taariikhda dunida soo marey rag badan oo ummadaha ay la noolaayeen dhaqankooda ama noloshooda wax ka bedeley, ama  ka xureeyey  gumeeysi xoog ku haystey sida Simon Boliver oo ahaa ninkii la dagaalamey gumeeystihii Spain ee xooga ku haystey koonfur Amerika , hase’yeeshe  Koonfur Ameerika mar walba waa ka xuroobi lahayd dowladii Spain xataa haduusan jiri lahayn Simon Boliver oo ma sii socon karin gumeeysigii boqortooyadii Spain. Sidoo kale haduusan Gugliemo Marconi alifi lahayn Raadiyaha, qof kale ayaa soo saari lahaa ama alifi lahaa  Radiye oo aqoon lagu soo saari karey dunida wagaa wey jirtey,  laakiin arinta Maxamed (nabi Maxamed csw) waa mid ka duwan. Ummadii Carbeed ee qarnigaa nooleed abid kama adkaateen boqortooyinkii ku heeraarsanaa, mana qabsateen dhul sidaa u balaaran, hadii  Maxamed  ummadaas ka dhalan, horeyna uma dhicin mana jiraan astaamo muujin kara in ay dhici kartey. Carabtu waxaa awooda u yeeley isla markaana mideeyey oo dad xadaarad leh waa  ka dhigey waa diinta ay qaateen. 

Mudo ka yar hal qarni ayaa diinta Islaamka ku fidey qaarada Afrika, Aasiya, iyo Yurub. Diinta Islaamka waxay mideysey dadyow kala qoomiyada ah, kalana dhaqan iyo luqad duwan. Ummad badan oo Carab ahayn ayey Carab ka dhigtey ka dib markii ay qaateen diinta Islaamka. Geeridii Maxamed( nabi Maxamed swc) waxaa ka soo wareegtey 13 qarni, welina diintii uu la yimid  sidii bey awood iyo saameeyn u leedahay. Waa arin aan taariikhda hore u soo marin in hal nin uu bedelo qaabka ay u noolyihiin ummad idil saameeyna ku yeesho ummado kale oo ka dhaqan iyo luqad duwan oo weliba saameyntiisu ay sii socoto qarniyaal sidaa u badan. Sababahaas aan kor ku soo xusey ayaa igu kalifey in Maxamed aan ka dhigo ninka koowaad ee taariikhda bani’aadamka ebid soo mara oo la yimaada ama kasbada saameeyn ugu weyn (the most influential person in history).   

Sababta aan Maxmed ((nabi maxamed (csw)) aan uga hor mariyey Ciise (nabi Ciise csw) waa Maxamed diinta uu la yimid cid kale saameeyn iyo faragelin kuma yeelan laakiin diinta uu Ciise la yimid oo maanta aamminsanyihiin dadka Misiixiga ah waxaa saameeyn weyn ku yeeshey S.Paul oo ah ninka faafiyey caqiidada maanta ay aamminsanyihiin dadka misiixiinta ah taas oo ah in Ciise uusan ahayn nabi keliya ee uu ahaa  wiilka Ilaah, waana qoraaga qorey inta badan kitaabada diinta Kirishtanka (New Testament) ee maanta ay aamminsanyihiin Misiixiyinta dunida ku nool. Ciise wax qoraallo ah lagama qorin intuu nolaa isla markaana afkiisa lagama maqlin asaga oo sheegaya in uu yahay wiilka Ilaah ama Ilaahnimo. 

Maxamed diinta uu la yimid iyo kitaabka Qu’raanka cidna kuma sameeyn faro gelin. Qur’aankana Maxamed intii uu noolaa ayaa gebi ahaanba la aruurshey sidaa darteed diinta Islaamka asagaa mas’uul ka ahaa caqiidada ay xanbaarsan tahay iyo hirgilinteedaba. Tan Kirishtaankase waxaa  la qorey oo la soo aruurshey sanooyin kadib markuu Ciise geeriyoodey,waxaana faragelin ku sameeyey S.Paul sababbahan awgood ayaan Maxamed uga hor mariyey Ciise. 

Muhammad played a far more important role in the development of Islam than Jesus did in the development of Christianity. Although Jesus was responsible for the main ethical and moral precepts of Christianity, St. Paul was the main developer of Christian theology, its principal proselytizer, and the author of a large portion of the New Testament.  

Muhammad, however, was responsible for both the theology of Islam and its main ethical and moral principles. In addition, he played the key role in proselytizing the new faith, and in establishing the religious practices of Islam.  The influence of Muhammed through the medium of the Koran has been enormous It is probable that the relative influence of Muhammad on Islam has been larger than the combined influence of Jesus Christ and St. Paul on Christianity. On the purely religious level, then, it seems likely that Muhammad has been as influential in human history. 

*********************************** 

Sharaxaad taariikheed kooban 

*1. Roman Empire: Boqortooyadii Roomaanka waxay ahayd boqortooyo aad u awood badan kana talin jirtey dhul aad u balaaran. Dhulka boqortooyadaa ka talin jirtey wuxuu ka soo bilaabmey Bartamaha dhulka maanta loo yaqaan Great Britain ilaa iyo dhulka maanta loo yaqaan Siiriya iyo Falastiin iyo qayb weyn oo ka mid ah dhulka Masaarida iyo qayb ka mid ah waqooyiga Afrika (eeg sawirka hoose). Waqtigii ay dhismatey oo dhab ah  boqortooyadii Roomaanka lama hubo, dadka taariikhda wax ka qorana waa isku khilaafsanyihiin laakiin waxaa loo badiyaa in boqortooyadaa dhismatey  markey taariikhdu ahayd 753 dhalashadii nabi Ciise ka hor. 

 

*2  Sassanid dynasty:  Waxay ahayd boqortooyo aad u awood badan oo ay hogaamin jireen  Faarisiinta (Persians) waxayna ka talin jireen dhul aad u balaaran, dhulka maanta loo yaqaan  Turkey, Iran , Iraq, Azerbaijan, Armenia, Georgia iyo qayb weyn oo ka mid ah India,  Pakistan iyo Afganistan  (eeg qaaridada hoose). Boqortooyada Faarisiinta (Sassanid dynasty) waxay dhismatey sanadku markuu ahaa 228. Roman Empire iyo Sassanid dynasty waxay ahaayeen labada boqortooyo ee dunida ugu awooda badnaa qarnigii 2aad ilaa iyo kii todobaad dhalashadii nabi Ciise (csw) ka dib, waxaana mar walba ka dhaxeen jirey dagaallo joogta ah. Boqortooyadaa Faarisiinta waxay inteeda badneed burburtey sanadka markuu ahaa 641 goortaa oo ciidankii muslimiintu ka qabsadeen dhulkii Faarisiinta ka talinjireen  oo ku jirto magaallo madaxdii boqortooyadii Faarisiinta Madaa’in. Waqtigaa waxaa muslimiinta xukumi jirey Cumar Bin khidhaab,hase’yeshee boqortooyadii Faarisinta dhulka ay ka talin jirtey waxaa gebi ahaan la qabtey waqtigii muslimiinta uu hogaaminayey Cusmaan bin Cafaan 651.  

 

*3 Byzantine Empire: Boqortooyadii Roomaanka waxay u qaybsantey laba qayb sanadku markuu ahaa (284-305). Qaybintaa waxaa ka danbeeyey boqorkii waqtigaa awooda hayey Diocletianus. Boqor Diocletianus wuxuu dareemey in ay adag tahay in boqortooyadiisa  hal meel looga taliyo madaama dhul balaaran gacanta ku hayeen, sidaa darteed ayuu boqortooyadi u qaybshey qayb galbeed iyo qayb bari. Qaybta galbeed wuxuu awooda u dhiibey Maximian oo ahaa ku xigeynkiisa. Sidaas ayey ku dhismatey boqortooyadii Byzantine oo noqotey qaybta bari ee boqortooyadii Romaanka. Mudo qarniyaal ahna waxay ka talin jirtey koonfurta iyo bariga qaarada Yurub iyo dhulka maanta loo yaqaan Falastiin iyo Siiriya, waxay kaloo  gacanta ku hayeen qayb ka mid ah dhulka Masaarida iyo qayb ka mid ah waqooyiga Afrika. Sanadku markuu ahaa 306 waxaa awooda Boqortooyada Romaanka dhinaceeda bari la wareegey Constantine the Great, wuxuuna magaallo madax ka dhigtey magaallada Istanbul oo waagaa dadka Gariiga ah u yaqaaney Byzantine,wuxuuna ka soo wareejiyey magaallada Rom. Magacii Byzantine waxaa loo bedeley  “Constantinople”. Costantine the Great ayaa magaallada loogu magac darey, hase’ahaate boqortooyadii waxay qaadatey magicii magaallada Byzantine, sidaas ayeyna  ku sameysmatey boqortooyadii Byzantine Empire, waxayna awooda boqortooyadaa jirtey mudo 1000 sano ku dhow 306 ilaa iyo 1453, goortaas oo boqortooyadii Cismaaniyiinta jibisey boqortooyadii Byzantine,  gacanta u gashey magaalladii Kostantinaboli ( oo maanta loo yaqaan Istanbuul). 

*4 Visigothic:  Goortii ay burburtey qaybta waqooyi ee boqortooyadii Roomaanka 418  ayaa dhowr qabiillo oo asal ahaan ka soo jeedey Jarmal qabsadeen  koonfurta Faransiiska. Sanadku markuu ahaana 429 waxay qabsadeen dhulka maanta loo yaqaan Spain halkaas oo ay ka dhisen boqortooyo la magac baxdey Visigothic, waxayna boqortooyadaa dhulkaa ka talisey mudo ku dhow 250 sano. sanadka markuu ahaa 711 ayaa  ciidamadii Islaamka burburiyeen boqortooyadaa markii ay  qabsadeen Spain.

*5 Battle of Tours: Waa dagaal si aad ah  u xusto taariikhda wadamada reer galbeedka waa dagaalkii lagu jebiyey laguna hor istaagey dhul balaarsigii ciidamadii Muslimiinta . Dagaalkaa waxuu dhacey sanadka markuu ahaa 732 wuxuuna ka dhacey bartamaha dhulka Faransiiska  wuxuuna ka dhacey magaallada Tours halkaa waxaa lagu diley hogaamiyihii ciidanka Muslimiinta Amiir Cabdiraxmaan. Dadka wax ka qora taariikhda reer galbeedka waxay yiraahdaan hadii dagaalkan Muslimiinta ka guuleeysan lahaayeen ciidamadii Fransiiska oo uu hogaaminayey  Charles Martel waxaa halis geli lahayd jiritaanka diinta Kirishtanka mana jirin ciidan kale oo reer galbeed ah oo hor istaagi karey ciidamadii Muslimiinta.  

 

La soco qaybta 2aad oo aan ku soo qaadan doono ragga kale ee buuga lagu xusey 

 Ilyaas Maxamuud Xuseen
(Gothenburg, Sweden)
 Ilyas_mah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2005

Sawirada: Google | Yahoo Search


Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD