Waxaa mahad leh Allaha maamulka koonkani
gacantiisa ku jirto, waxaan rabaa inaan xoogaa ka qoro
Qowmiyada Gypsiga markii aan akhriyey qoraalo badan oo
dadkan laga qoray aana garowsaday inay qabaan mid la mid
ah ka ay qabaan qowmiyada Midgaha Soomaaliya.
Sida ku xusan buugga uu qoray ninka la
yiraahdo (Angus Fraser) 1992, buugaas oo la yiraahdo
(THE GYPSIES) waxuu sheegayaa in dadka aan ka hadlaynaa
uu asalkoodu yahay dad ka yimi Hindiya ka dibna dunida
dacaladeeda aad ugu faafay, waxuu qoraagu xusay in
dadkan qarnigii 16aad lagu arkay England iyagoo loo
malaynaayo inay ka soo haajireen wadanka Masar.
Dadkani markii ay yurub soo galeen
waxay ka muteen dulmi la mid ah kii ay qabeen dadka
madow ee maraykanka markii uu socday ganacsigii dadka ,dadkan
looma ogolayn inay galaan meelaha qaarkood ,meelahaa
waxaa la suri jiray astaan ay ku aqoonsadaan inaan loo
ogolay oo ah looma ogola gypsi (NO GYPSIES) waa astaan takoor,
dadkani waa dad xirfadlayaal ah sida gabooyaha
Soomaaliya, waxaana quursaday dadkii ay wadamadooda u
soo qaxeen ,ka waran ka lagu quursaday dalkii uu lahaa?!!.
Qoraagu waxuu xusay inay dadkan ka
dhinteen dad badan waqtiyadii dagaaladii dunida halka
gabooyahu ay maalin walba u dhintaan cida ay yahiin
darteed, ila xasuuso jariimada ka dhacday sanadkan
Hargeysa markii wiil gabooye ah lagu gubay gurigiisii
goor habeen ah isagoo hurda uuna sidaas ku qur baxay iyo
waxa ay ka qabatay xukuumada riyaale dembiilayaashii..
Dadka Gypsigu waxay mar walba qaataan
diimaha looga dhaqmo meelaha ay joogaan,waxaa jira Gypsy
Catholic, kuwo Protestans ah,kuwo Orthodox ah , iyo kuwo
muslim ah oo ku nool dunida Islaamka siiba koonfur bari
yurub.
Bal ila akhri qisadan oo ah ta igu
khasabtay inaan dadkan wax iska weydiiyo.
Akhristow aan su,aal ku weydiiyee
sidee noqdaa dareenka koox Aji ah marka qof midgaan ahi
la soo istaago?, hadii aad ka warwareegtid jawaabta anaa
ku baraaya ee ila soco:
Waxay ahayd goob shaqo waxaa yimi nin
da'adiisu dhexdhexaad tahay oo ah Boosniyaanka dadka la
yiraaahdo, waxaa i soo jeedisay gabar aan isla shaqayno
intay ninkii daymo yasmo ku jirto ku fiirisay ayey tiri
waa Gypsi waa dad xun, waxay ii raacisay magacaas waa ka
xanaaqaan ha ku dhihin iimana sheegin sabab aan ku qanco.
Maalin ka dib ayaan arkay wiil dadkan ah oo ku faanaayaa
cida uu yahay, arintani waxay i soo xasuusisay sheeko ku
qoran buuga la yiraahdo (African Warrior) oo sidan oo
kale nin turjumaan ahi ku yiri midgahu magacooda ma
jecla in lagala hadlo, ana waa igu sharaf dhac haddii
aan midgaan kula raadiyo waxaa midgaan in la tuso
codsaday qoraaga buuga waxaana arin loogu soo
gebagebeeyey inaan midgaan la tusi kari, ugu dambayntii
qoraagii ayaa iskii u raadsay waxuu la kulmay nin
ganacsade ah oo ku dadka ah kuna faanaaya, taasi waxay
kuu cadanaysaa in dadka la dulmo mar walba laga been
sheego.
Gebagebadii labadan qowmiyadood waxaa
loo diiday in loola dhaqmo sida bini,aadanku u dhaqmo,
ka waran sheekada soomaaliya caanka ka ah ee( 4.5) afar
qayboob iyo qayb barkeed,yaa qadi lahaa haddii la dhihi
lahaa (5 )shan qaybood.
Baro gypsigu waa dad aad isku dhibaato
tihiine, Gypsiga ugu badani waxuu ku nool yahay yurub,
gaar ahaan Yogoslaafiya, Romaaniya ,Spain iyo Bulgaariya.