Puntland oo Markale Lagu
kala Baayacayo Suuqyada Australia...
"Shirkada Consort" oo Saami
ahaan 50.1% Khayraadka Puntland ka Iibisey "Shirkada Range
Resources", taas oo yeelanaysa xuquuqda gebi ahaan
Khayraadka ku jira Puntland.....
- "Shirkada Consort"
oo ay Yeesheen Madaxda Puntland, iyo Khayraadka
Soomaaliya oo lagu kala baayacayo Australia iyadoo DFKMG
ay gabtay Hawsheedii Arrintaas kaga aadanayd....
October 7, 2005: Waxaa maalmahan suuq-geyn
xooggan iyo baayacaad dalka Australia ka wadey "shirkada
Consort" oo sida hadda soo shaacbaxaday ah shirkad ay qayb
ku leeyihiin madaxda Dawlad Goboleedka Puntland,
baayacaadaas oo la baayacayo khayraadka qayb kamid ah dhulka
Soomaaliyeed.
Laba beri ka hor ayey ahayd markii ay "Consort" heshiis la
gashay "shirkad" kale oo magaceeda la yiraahda "Range
Resources". Heshiiskaas oo ah in 'shirkadan cusub' ee
"Range" laga iibinayo saamiga boqolkiiba 50.1% kaas oo
xuquuq u siinaya gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee
dhul baaxadiisu dhan tahay 212,000km2, oo lagu sheegay in ay
tahay dhulka ay ku fadhido Puntland.
Heshiiskaasi markii uu
dhacay waxa qoraal soo saartay "shirkada Range Resources" ay
ku sheegtay in ay hor maris ahaan u siineyso "Consort" lacag
dhan $US1.5 million ($2 million Australian), oo ay ka
siineyso saamiga, kaas oo ay tiri waxay markaas "Range"
yeelaneysaa xuquuq aan cidina kula tartami karin
khayraadka dabiiciga ah ee Puntland - saami ahaan 50.1% oo
dulsaar ah.
Waxaana ay 'shirkadaasi' si bareer ah u daah furtay arrintii
ay madaxda Puntland daaha saarayeen oo ahayd in 'Shirkada
Consort' ay madaxdeeda qayb ka yihiin wasiirada Puntland,
ayna tahay mid aan wax
miisaaniyad ah lahayn, waxaana taas
caddeeyey hadalka agaasimaha guud ee "shirkadan Range" oo
magaciisa la yiraahdo Mr Marinis waxana uu sheegay in uu wax
yar ka ogyahay "Consort", laakiin waxa uu si cad u sheegay
"in agaasimayaasheeda ay ka mid yihiin wasiiro ka mid ah
dawlada" (Puntland), arrintaas waxa uu maanta (October 7, 2005) u sheegay
jariidad ka soo baxda dalka Australia, waxana uu ka
gaabsaday in uu madaxdaas magacaabo, taas isagoo ka
hadlayana waxa uu yiri "ma aqaan
kuwa ay yihiin agaasimayaashu".
Waxaa durbadiiba halkaas ka
soo baxay in 'shirkada Consort' ee shacabka Puntland
madaxdoodu ugu sheegeen in ay dalka shidaal ka baareyso ay
durbadiiba hoos ugu dhacday saami ahaan in ay leedahay
49.9%, waana daliil cad in ujeedadu markii horeba ahayd in la
iib geeyo saxiixa madaxda Puntland, shacabkana loo sheego
khiyaali oo lagu maaweeliyo khayraadka dhulkiina ayaa la idinka hor taagan yahay
iyo digaag ayey keeneysaa shirkadani -
waxaase arrinta caddeyey dad aan Soomaali u dhalan oo iyagu
dantooda fiirsanaya. Warbaahinta Australia waxay maanta
cadaysay in arrinta shirkadani ay ka soo asaasantay urur
lagu sheegay samafal oo magaciisa la yiraahdo Kids in Need
kaas oo
qayb ka ah World Vision.
"Shirkadan Range' qoraal ay
soo saartay October 5, 2005 waxaa ku cad in shuruud lagu
xiray shirkadan ay dhiseen madaxda Puntland ee 'Consort', in
lacagta $US1.5 million la siinayo wixii loo gaaro October 20keeda, lacagtaas oo ah celis haddii shuruudaha laga soo bixi
waayo.
Tankale waxay 'shirkadaas
Range' cadaysay in muddo 17 bilood ah ay bixineyso $200,000
bishiiba lacagtaas oo bilaabaneysa 15ka November 2005.Taasi
waa daliil kale oo ah in "Consort" aysan haysan dakhligii ay
madaxda Puntland hore u sheegeen in ay bixineyso "Consort".
Waxaa kale oo xusid mudan in xitaa 'shirkadan cusub' marka
laga hadlayey uu maanta joornaalka Australian qoray sidan "Shirkada
'Range' oo shalay ay
saamiyadeeda lagu iibinayey 3c (saddex senti)".
'Shirkada
Range' waxa ay samaysatay khariidad muujineysa inta ay iyada "Keliya" xaq u
leedahay dhammaan waxa khayrad ah ee ku jira dhulka
hoostiisa ee saamigaas kor ku xusan, dhulkaas khariidada ku
xusana uu yahay gobolada xiga dhanka Woqooyi Bari iyo
Woqooyi galbeed ee Soomaaliya. Waxaana cad in arrintaas
looga gol leeyahay iska hor keen beelaha Soomaaliyeed ee aan
haba yaraatee lagala tashan raadka ay arrintani yeelan karto.
Arrinta kale oo la yaabka
leh waxa ay tahay sida ay "Shirkadaahani' u rabaan in dhulka
Soomaaliya uu colaad ku jiro si ay danahoodu ugu hir galaan,
waxaana arrintaas daliil cad u ah hadalka agaasimaha guud ee 'shirkada
Range' oo sida qoraalka aan soo tarjumeny ee hoos ku qoran
ku cad, uu
yiri "Range" wax welwel ah kama qabto (wax
dan ah kama leh) in ay Soomaaliya hagaagto,
oo yeelato dawlad baa'bin karta go'aanka
maamulka Puntland. "Taasi waxay qaadan
doontaa sanado badan - waxaana inaga xiga
sanado aad iyo aad u badan".
Dhanka kale Dawlada
Federaalka Kumeelgaarka ah ayaan ilaa hadda laga hayn war
sugan oo shacabka ku hagaya xaqiiqada heshiisyadan ay
Puntland la geleyso shirkado shisheeye. Warkii ugu dambeeyey
ee DFKMG laga maqlo waxa uu ahaa Madaxweynaha DFKMG iyo ra'iisul wasaaraha
oo diidanaa in Dawlad Goboleedka Puntland geli
karto heshiis caalami ah iyadoo aan ogolaansho ka haysan
DFKMG, waxaase hadda arrintii mareysaa in
Soomaaliya lagu kala gadanayo sayladaha saamiyada Australia
iyadoo laga boodey dawladii dhexe.
Waxaa taas dheer in
heshiiskan dambe uu dhacay xilli ay DFKMG magaalada Jawhar
wada xaajood ugu yimaadeen guddi ay soo dirtay DGPL oo
halkaas u yimid arrimaha heshiiska shirkadii hore ee
"Consort". Haddana iyadoo sida wararka Jawhar ka imanaya ay
sheegayaan aan tii hore heshiis laga gaarin ayaa maantana
tani (shirkada Range Resource) soo shaac baxday.
###
Warkan hoose waxaan ka soo
tarjumney jariidada News Australia qaybta Ganacsiga,
cadadkeedii maanta (Oct 7, 2005)..
Consort oo
Dadka Ugu Gacan Haadineysa Afrika
Kumanaalka
shirkadood oo qaabilsan qodista shidaalka ee
ka jira adduunka, kuwo waaweyn iyo kuwo
yaryar, ayaa "Range Resources" waxaa
laga taabtay garabka si ay u maamusho
batroolka, gaaska iyo khayraadka dabiiciga
ah ee aan weli la ogeyn ee Puntland.
Waxay
arrintu u muuqataa sidii magac Australia oo
dhallin yaro ah oo day-dayeya gobolka qayb
ahaan madaxa bannaan ee ku yaal woqooyiga
Soomaaliya, gobolkaas oo isku deyaya in uu
isagu is xakumo, soona celiyo dhaqaalihii uu
sanadkii hore saamaysay badgariirkii
Tsunami.
Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi
iyo dawladiisu uma xiisa qabaan in ay
noqdaan dawlad madax bannaan, laakiin waxay
rabaan in ay qayb ka noqdaan dawlada
federaalka Soomaaliaya haddiiba weligeed
amarka iyo kala dambayntu ay kusoo laabtaan
koonfurta Soomaaliya, iyo gaar ahaan
caasimada Muqdisho.
Masaaridii
hore waxay dhulka Punt ugu yeerijireen halka
hadda loo yaqaan Soomaaliya. Sheekada
maalgashiga "Range" ma ahan sheeko xiiso yar.
Agaasimaheeda guud oo magaciisa la yiraahdo
Jim Marinis ma hubo in la xushay Range, ama
in ay ahayd xulashadii koowaad.
Arrintan
waxaa markii hore loo sii maray urur samafal
ah oo lagu magacaabo Kids in Need (oo
qayb ka ah World Vision), kaas oo
isku deyayey in uu Puntland ka caawiyo in ay
bilowdo qadar xarakaad dhaqaale. Mr Marinis
waxa uu yiri "macaarifo" ayaa wada xiriirka
waxay la soo yeesheen "Range" , waxaana
heshiiskaas gorgortankiisa loo sii maray
qareeno jooga Australia iyo England.
Laakiin
weligeen xiriir toos ah lama yeelan shirkada
ay dhiseen maamulka Puntland si ay u xukunto
dhulka keyraadkiisa, waxana Mr Marinis uu
sheegay in uu wax yar ka ogyahay "Consort",
oo aan ka ahayn in agaasimayaasheeda ay ka
mid yihiin wasiiro ka mid ah dawlada "ma
aqaan kuwa ay yihiin agaasimayaashu" (ayuu yiri).
"Range"
waxay boqolkiiba 50.1% oo dulsaarka ah ka
qaadan doontaa "Consort", waana dhammaan wax
kasta oo ay ku jiraan Haydarojiin iyo
kaarboon (hydrocarbon) iyo khayraadka
dabiiciga ee dhulka baaxadiisu tahay
212,000sqkm ee ay ka hoggaamiso magaalada
Garowe.
"Range"
waxay bilow ahaan siineysaa "Consort" lacag
dhan $US1.5 million ($2 million Australian)
oo ay ka siineyso dulsaarka boqolkiiba
50.1%, taas oo ay lacag kale ugu sii dari
doonto, lacag taas oo isku darkeedu noqonayo
$4.4 million, taas oo "Range" ay yeelaneyso
saamiyo dhan 85 million.
Mr Marinis
waxa uu yiri "Range" hawsha ay arrintaas ku
leedahay waxa weeye in ay qiimeyso
baaritaanka Puntland laga baarayo shidaalka,
taas oo ay rabto in ay noqon karta shirkado
weyn oo baara Batroolka.
Sidaas
daraadeed "Range", taas oo shalay ay
saamiyadeeda lagu iibinayey 3c (saddex senti),
waxay rajeyneysaa in ay si degdeg ah miiska
wada xaajoodka ula fariisan doonto Shell,
Conoco iyo Phillips Oil.
Waxa uu
yiri "Range" wax welwel ah kama qabto (wax
dan ah kama leh) in ay Soomaaliya hagaagto,
oo yeelato dawlad baa'bin karta go'aanka
maamulka Puntland. "Taasi waxay qaadan
doontaa sanado badan - waxaana inaga xiga
sanado aad iyo aad u badan".
Jariidada
Australian oo hadalkeedii sii wadata waxay
tiri: Rajo fiican ayaa meesha ka jirta. Agip,
Shell, Amoco iyo kuwo kale ayaa baaritaan ku
sameeyey Geeska Afrika, laakiin badanaa
xogtii iyo macluumaadkii waa la burbuririyey.
Laakiin waxaa lagu ogyahay iron, manganese,
tin, lead-zinc iyo copper. "Shikada Range"
waxa ka shaqayneysaa in ay miisaaniyad
samaysato si ay arrinta Puntland u
dhaqaajiso "Waxaan aadeynaa halkaas si aan u
samayno tijaabooyin Joqraafi ah" ayuu yiri
Mr Marinis, ayey warkeedii ku soo gabagebsey
jariidada The Australian. Hoos ka akhri
qoraalkii Jariidada oo English ah.
Out of
Africa, a come-hither from Consort
By
Robin Bromby
October 07, 2005
OF all the
thousands of mining exploration companies in
all the world, big and small, Range
Resources has been tapped on the shoulder to
control the as-yet unknown oil, gas and
mining resources of Puntland.
It sounds like
an apt name for the Australian junior to go
looking in - a semi-autonomous state in
northeastern Somalia, which is trying to
govern itself and restore an economy badly
affected by last year's tsunami.
Puntland
President Mohamud Muse Hirsa and his
Government have no aspirations towards
independence, but seek to be part of a
federal Somali state if law and order ever
return to the south of the country - and, in
particular, the capital Mogadishu.
Ancient
Egyptians told of a Land of Punt in the area
now known as Somalia. The story of Range's
involvement is no less fascinating.
Executive director Jim Marinis said he was
not sure why Range was chosen, or even
whether it was the first choice.
The initial
feeler was through the humanitarian
organisation, Kids in Need (part of World
Vision), that was trying to help Puntland
get some economic activity started. Mr
Marinis said contact was made with Range
through "connections" and the deal
negotiated through lawyers in Australia and
England.
Yet Range
has never had direct dealings with the
company set up by Puntland authorities to
control the territory's resources, and Mr
Marinis said he knew little about Consort
Private apart from the fact that its
directors included government ministers. "I
don't know who the directors are."
Range will
take a 50.1 per cent interest from Consort
in all the hydrocarbon and mineral resources
of the 212,000sqkm territory controlled from
the town of Garowe.
Range will
pay Consort an initial $US1.5 million ($2
million) for the 50.1 per cent interest,
with further payments totalling $4.4
million, along with 85 million Range shares
and options.
Mr Marinis
said Range's role would be to assess the
exploration potential of Puntland and then
farm out prospects to large mining and oil
companies.
So Range,
whose shares were selling at 3c yesterday,
expects to be soon sitting across the
negotiating table from the likes of Shell,
Conoco and Phillips Oil.
He said
Range was not concerned about Somalia
getting its house in order, adopting a
national government that could overrule
decisions made by the Puntland authorities.
"That will take many years to come - it's
many, many years away."
The
potential is promising. Agip, Shell, Amoco
and others have drilled around the Horn of
Africa but most data had been destroyed, the
company said. But there's known iron,
manganese, tin, lead-zinc and copper
deposits. Range is working on a capital
raising to get people on the ground in
Puntland. "We need to go there and start
geological testing," Mr Marinis said.
ISHA:
http://finance.news.com.au/story/0,10166,16838847-462,00.html
Bal eeg websiteka 'shirkadan
cusub ee Range"
www.rangeresources.com.au
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 7, 2005
C/llaahi Yuusuf oo u kala
dab qaadaya Ra段sul wasaare Geedi iyo..
W/D
AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Oct 5,
2005
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa shalay iyo doraadba waxa uu ku kala dhex
jiray ama uu u kala dab qaadayay Ra段sul wasaare Cali Max弾d
Geedi iyo xubnihii wasiirada ahaa ee ka socday maamul
gobaleedka Puntland kaddib markii ay cirka isku shareertay
arrimihii laga wada hadlayay, iyadoo xubnihii maamul
Gobaleedka Puntland ka socday ay ku adkeysteen in Ra段sul
wasaaruhu uu ansixiyo warqado qoraal ah oo ay wateen
xubnahaasi, hase yeeshee Ra段sul Geedi waxa uu xubnihii
Puntland ku wargeliyay in Jowhar loogu keeno mas置uliyiinta
shirkadaha heshiiska lala galayo si meel fagaaro ah loogu
wada saxiixiyo ayna u ogaadaan shacabka Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogaan, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa isagu
kulan gaar ah la yeeshay wasiiradii ka socday Puntland oo ka
codsaday in ay dabacsani la yimaadaan si loo qanciyo wax uu
ugu yeeray Dowladda Dhexe, waxaana la sheegay in wada
hadalkaasi aysan ka soo bixin wax natiijo ah, iyadoo
xubnihii wasiirada ahaa ee ka socday Puntland ay sheegeen in
ay dib ula laabanayaan heshiiskooda si ay la tashi ula soo
sameeyaan Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Gen. Cadde
Muuse.
Warar ayaa waxay sheegayaan
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed in uu xubnaha wasiirada u
sheegay in uu booqasho deg deg ah ku yimaado Magaalada
Jowhar Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Gen. Cadde
Muuse. Wareysi uu Ra段sul wasaare Cali Max弾d Geedi horey u
bixiyay ayaa waxa uu ku sheegay in maamul gobaleed uusan wax
heshiis ah la geli Karin shirkado shisheeye IWM, iyadoon aan
fasax laga haysan Dowladda Dhexe, wada hadalada u dhexeeyay
labada dhinac oo haatan maraya meel xasaasi ah ayaa warar
aanu helnay waxay sheegayaan in ay qarka u saaran yihiin in
ay burburaan wada hadalka u dhexeeya Ra段sul wasaare Cali
Max弾d Geedi iyo xubnaha wasiirada ah oo muddo todobo
maalmood ah ku sugnaa Magaalada Jowhar oo xarun ku meel
gaara u ah qayb ka mid ah Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha maamul gobaleedka
Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa waxaaa la sheegay in uu ku
sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta waxaa kalloo halkaas
iyana ku sugan mas置uliyiinta shirkadaha heshiiska lala
galayo oo iyagu ka war dhowraya wada hadalka u dhexeeya
Dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedka Puntland.
Heerarkii ay soo mareen
Shirkadaha shidalka ka baaraya Soomaaliya hoos ka akhri:::
  December
2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland
iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr.
Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la
yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale
Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii
Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi
Farah (Malow). [Eeg halkan]
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen
in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha
Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham
Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie
Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey
dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u
yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay
dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
  May
2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul
wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la
yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah.
Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka
Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna
lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida
Shiidaalka.
 June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
 Waftigii
Puntland, Markii
ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala
xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib
markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg
halkan]
August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii
Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland,
noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war
ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August 29, 2005:
ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga
ee DGPuntland. [Eeg halkan]
 August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September 10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. [Eeg
halkan] |
 |
 |
|