SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAAFUUN
Afar bil ka hor ayaan arkay warqadan uu ku saxiixan yahay C/llaahi yuusuf ee loo diray shirkadda Hafza.
"Xildhibaanad Caasha Axmad Cabdalla oo ka hadlaysa heshiiska Hafza iyo mas'uuliyiin soomaaliyeed dhex maray"

Xildhibaanad Caasha

  • Waxaa waraysigan qaaday: Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi |


Si aan wax badan uga ogaano sheegashada shirkada Hafza ee ku saabsan lahaanshaha dhulka xaafuun muddo hal qarni ah sida ku cad qoraal ay shirkadaasi faafisay, waxaana ay shirkadaasi sheegtay in ay ku wareejiyeen dhulkaas dad mas'uuliyiin ah sida Madaxweynaha DFKMG ah ee soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmad.

Arrintan waxaan wareysi kala yeelanay Xildhibaanad Asha Axmad Abadalla oo ka mid ah baarlamaanka FKMG ah ee soomaaliya isla markaana ka mid ah ururada u dooda xuquuqul insaanka, waxaan wax ka waydiiyay ugu horeyn waxa ay kala socoto sheekada HAFZA ee lagu wareejiyay dhulka xaafuun mudada halka qarni ah.

Somalitalk:Wax Aqoon ah ma u leedahay shirkadan Hafza ee sheegatay dhulka xaafuun in lagu wareejiyay muddo hal qarni ah?

Asha: Haa waa jirtaa shirkadan waana shirkad dambiile ah oo ay raadinayaan Booliiska caalamiga ah ee Interpol-ka waxaana lagu hayaa in ay dhibaatooyin u gaysatay in ka badan 67 dal oo aduunka ah, ninkii madaxda ka ah hadda waxaa lagu sheegay in uu ku sugan yahay dalka imaaraadka carabta waxaana loo balan qaaday lacag qofkii keena ninkaas, shirkadan waa mid maafiyo ah oo qorsho qarsoon ka leh soomaaliya shirkadana maahan mid hadda ugu horeysa ee waxaa jira shirkaddo kale oo magacyo ganacsi la soo huwiyey suna ku shubay dalka soomaaliya meelo ka mid ah dantoodi markii ay ka gaareena ka tagay lakiin hadda midan waa mid cad oo soo dhaaftay qarsoodi.

Somalitalk: Goorma ayuu dhacay heshiiskan inta aad kala socoto dhex maray C/llaahi Yuusuf Maamulkii hore ee Puntland iyo shirkada Hafza?

Asha: Heshiiskan waxa uu dhacay sanadkii hore bishii ogtobar waxaana arkay warqad qoraal ah oo C/llaahi yuusuf uu shirkan u diray kuna saxiixnaa, sadex maalin ka dib markii loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ee Dalka soomaaliya, waxaana warqadaas ka horeysay mid uu soo qoray Axmad Maxamd igal bishii ogtobar 4teedi una dirayay C/llaahi Yuusuf oo xiligaas aan ahayn madaxweyne isla xiligaas waxaa isoo martay warqad ay booliiska caalamiga ah ku raadinayaan gudoomiyaha shirkada waxaa iyadana jirta warqado kale oo ay is dhaafsadeen shirkada, Madaxweynihii puntland ee hore Maxamad Abdi haashi iyo C/llaahi yuusuf oo shirkadan loogu wareejinayo Xaafuun mudadaas ku dhaw halka qarni.

Somalitalk: Arrintan waa mid qatarteeda leh hadii aad ka haysay xogtan maxaaad baarlamaanka ugu dhex sheegi waysay?

Asha: Baarlamaanka wali looma keenin mowshin ahaan laakiin way ogyihiin waana ka dhex sheegay waxaana lala sugayaa waqtigeeda, waraaqo kale ayaana maqan, kuwaas markii aan helno ayaa laga doodi doonaa, horey waxaan uga sheegay saxaafadda soomaaliyeed muddo hadda laga joogo sadex bilood, waxaana u sheegaynaa in xaafuun ay tahay dhul soomaaliyeed oo aysan shaqsiyaas iibsan karin, waa la soo dhaafay xiligii dad gaar ahi magac shirkado ganacsi dhulka soomaaliya qashinka loogu soo daadin jiray hadda dadka wax badan waa baraarugeen aduunyaduna waa ogaatay in soomaaliya sunta haraadiga nuclearka lagu shubo badaha soomaaliya haddana waan ka sii digaynaa in arrintani xooga la saaro sidii looga hortagi lahaa.

Somalitalk: Dad badan ayaa qaba in arrintan been abuurasho u muuqato waayo dowladdu wali wax war ah kama soo baxin sideed ku xaqiijin kartaa?

Asha: Anagu waxaan aragnay documen iyo saxiix kaas ayaanan ugu jawaabnay Hafza, shirkaduna waxay soo bandhigtay qoraalo saxiix leh anaguna kaas ayaan aragnay oo aan bulshadeena usoo bandhigaynaa hadda horeyna uga sii dignay warqadana waxaan arkay muddo laga joogo afar bilood isagoo uu ku saxiixan yahay C/llaahi yuusuf Axmad iyo Maaulkii hore ee Puntland taladeeda hayay waana waajib na saaran inaan daaha uga qaadno shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxii lala damacsan yahay dhulkooda ama lagu boobayoba.

Somalitalk: Wax Go'aan ah oo aad ka qaadateen illaa hadda ma jiraan Shirkadaas dhulka xaafuun ee ay sheegatay?

Asha: Waxaan wadnaa qorshe aan ku baraarujinayno dadka soomaaliyeed sidii arrintan looga hortagi lahaa baarlamaankana loo horgayn lahaa si ay uga doodaan kadibna meel loo saaro arrintan waxii ka soo baxana waa mid la ogaan doono, laakiin waxaan u sheegayaa shacabka soomaaliyeed qarni iskaba daa ee laba sano xitaa dhulka soomaaliyeed looma gacan galin karo shirkado ajaanib ah waxaana mar dhaw arrintan kala xaajoon doonaa wasiirka ganacsiga dowladda FKMG ah waxa uu ka ogyahay wasaarad ahaan waayo shirkadan waa mid ganacsi laakiin arrimo badan hoos duugan yihiin oo aan la fahmi karin waxaana og kaliya shirkada hafza iyo kuwa ka kireeyay.

Waxaa waraysigan qaaday: Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi | Kenya | Mar 6, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD