SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
Daabaco Boggan | Print

 
GARSOORAHA MAXKAMADDA BOSAASO OO BEENIYAY WARBIXIN BBC-DA IYO WARGEYSKA QARAN KALA XIGTEEN OO KU SAABSAN NAAGO ISKU GUURSADAY BOSAASO OO TOOGASHO LAGU XUKUMAY
Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Sahan Bosaaso.
Email Maxdeeq50@hotmail.com

21 Feb. 2001

Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Bosaaso Sh. Maxamed Cabdi Awaare ayaa beeniyay warbixin ku saabsan laba haween ah oo isku guursaday Bosaaso oo maxkamaddu ku xukuntay in la dilo.

Garsoore Awaare oo aan fiidnimadii 21ka bishan kula xiriiray gurigiisa ayaa ii xaqiijiyay in aan haba yaraatee waxaba ka jirin warkaas, isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd maxaa ka jira wararka sheegay in haweenka is guursaday maxkamadda la hor keenay oo aad xukunteen "Adeer arintaasi waxba kama jiraan, annagu ma arag, meel lagu hayana ma maqal, meel lagu xukumayna warkeedaba daah".

Garsooruhu waa uu sii waday hadalkiisii oo waxa uu yiri "wax daran ayaa warkaas sheegay, anagana waxaa markii noogu horaysay Taleefan nalagu soo waydiiyay anagoo maxkammadda joogna su’aalo ay ka mid ahaayeen Naagihii is guursaday ma maantaad maxkamadda saaraysaan? Maxaad ku xukumaysaan iyo kuwa la mid ah, ugu danbayntiina anaga laf ahaantayadii ayaa inta shaki na galay waxaan teleefano u dirnay dhamaan saldhigyadda magaalada, si ay noogu sheegaan haddii ay hayaan wax kiis ah oo arrintaas la xiriira, iyaguna anaga ayay nala yaabeen, marka adeer arinkaasi waa been, aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn, Ilaahaw ha inagu keenin hadana waxaas iyo wax la mid ah toona" ayuuna garsoore Awaare hadalkiisii ku soo afjaray.

Sidaas oo kale waxa aan booqday inta badan saldhigyada Magaalada isla habeenkii waxaana la kulmay qaar ka mid ah madaxda danbibaarayaasha saldhigyada Bosaaso kuwaasoo dhamaantood ii sheegay in aysan haba yaraatee hayn wax war ah oo ku saabsan naagaha la sheegay in ay isku guursadeen Bosaaso, maxkamad ay u gudbiyeena aysanba jirin.

Mursal oo ahaa danbi baaraha saldhigga Biyo kulule ayaa yiri "warkaasi waxa uu ka mid yahay warar aan sal lahayn oo ay faafiyaan dad aad xumaanta u jecel".


"habeen markaan dib u dhigay, habeen labaadna  uu ku soo celiyay C/shukuur Yuusuf Cali (Tifaftiraha Wargeys cusub oo dhawaan laga soo saaray Bosaaso oo la yiraahdo War ogaal), oo nooga soo warama Buntilaan ayaan sii daynay warkaas.
Tifaftire Nerro

Ugu danbayntiina waxaa ii suuro gashay in aan khadka isgaarsiinta Taleefanka ee Magaalada Muqdisho kula xiriiro Tifaftiraha Wargeyska Qaran ee ay BBC-du warkaas ka xigatay Qaasim Nerro, waxa aana waydiiyay sida uu warkaas beenta ahi ku helay, kuna faafiyay isaga oo taas ka jawaabayana waxa uu Tifaftire Nerro ku jawaabay "habeen markaan dib u dhigay, habeen labaadna  uu ku soo celiyay C/shukuur Yuusuf Cali (Tifaftiraha Wargeys cusub oo dhawaan laga soo saaray Bosaaso oo la yiraahdo War ogaal), oo nooga soo warama Buntilaan ayaan sii daynay warkaas, anoo rumaystay in uu yahay xaqiiqa baahday, mana rumaysnayn in nin wariyenimo rajo qabaa uu sheegi karo been taas oo kale ah, waliba si aan u dhawro amaankiisa, maadaama warkaasi ahaa mid xasaasi ah waxaan qarinay magiciisa, laakiin hadda qarin mayno, warkana cidda aan ka helnay waa cadahay" ayuu yiri Tifaftire Nerro.

Police in Puntland have denied a story widely reported in Somalia that two women were sentenced to death for being lesbians.
According to Mogadishu newspapers, the women were reported to have been found
guilty of "exercising unnatural behaviour" by having a lesbian relationship.

But police in Boosaaso, where the sentence was reported to have been passed, say the case never came before the courts.

The Qaran newspaper in Mogadishu has now printed an apology to their readers.

It had been reported that hundreds had packed the court in the northern coastal town.

But no official confirmation was ever received from the Puntland authorities.
Source: BBC Africa

Mar uu ka jawaabayay su'aal kale oo aan ku celiyay oo ku aadanayd waxa ay haatan yeelayaan waxa uu yiri "waxaa waajib nagu ah in aan akhristayaasha qaran ka raali galino warkaas aan salka lahayn isla Beritaba, go’aanka kaas xigaana waxa ka tashan doona masuuliyiinta wargeyska si wada jir ah"

BBC-da qaybteeda ururisa wararka afafka qalaad ku baxa ee la yiraahdo BBC Monitoring Service - United Kingdom; ayaa bishan Feb 20keedii 2001 shabakadda internet-ka dariishadda ay ku leedahay ku daabacday warkaas oo lagu turjumay afka Ingiriiska ciwaankiisuna ahaa Lesbians sentenced to death in Somalia (naago isku guursaday Soomaaliya oo dhimasho lagu xukumay) kaasoo ay ka soo xigatay sida ay ku muujisay qoraalkeeda dariishadda Internetka ee wargeyska Qaran caddadkiisii soo baxay isla 20kii bishaan feb 2001.

Markii dambe BBCdu waxay qortay war cinwaankiisu ahaa Somali 'lesbian sentences' denied, [eeg dhanka midig ee boggan].

Ma aha markii ugu horeysay ee ay wakaaladaha wararka ee caalamka oo dhan laga akhristaa ama laga dhageytaa ay faafiyaan warar aan sal iyo raad toona lahayn oo naxdin, ceeb iyo niyad jab ku ah, wadaniyadda, Amniga, sharafka, diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed, iyadoo markasta wararkaasi yihiin kuwo ay bixiyaan dad Soomaaliyeed oo mararka qaarkood u bareera sheegidda been ay la tahay in ay cid ku xumaynayaan ama ay ku riixayaan degaan amaba ay qaarkood ku raadinayaan in ay ku helaan dhaqaale iyo sharaf; tasoo dhanka kalana dhaawacyo waaweyn u geysata ilaha ay wararka siiyaan oo macaamiishoodu kala laabtaan kalsoonidii wareed ee ay ka qaadan jireen.

Sahan Information Center "Bosaaso, Buntilaan Soomaaliya
Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Sahan Bosaaso.
Email Maxdeeq50@hotmail.com


Feb 21, 2001


Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso
December 4, 2003

....Dhallinyaradii ayaa iyana halkaasi Erayo kasoo jeediyey waxaana Goobtaasi ka hadlay Ururka Ardada Puntland (PSA ) oo ay Baxsan xasan Maxamed ku tiiqtiiqsatay sidii Nabadu Puntland uga hirgashayna xustay iyadoo dhalliil u soo jeedisay inay BBCDu ka gaabiso War ka sheegitaanka Horumarka PL iyo guuleheeda......

Weriyaasha halkaasi soo Booqday ayaa waxaa ka mid ahaa Ninka u qaabilsan BBCDa Tababarada iyo Madaxa Laanta Afka Soomaliga Yoonis Cali Nuur iyo weriyayaasha Yuusuf Xasan iyo Axmed Kismaayo oo dhamaantood u jooga hadda Puntland Arimo la xiriira Tababaro ay bixinayso BBCdu , balse waxay weriyayaashu door bideen inay Booqdaan Dhismaha Hay'adda SOFIHA ee Nabadda ka shaqaysay kuna bixisay Billadaha .


Shacabkii ka soo qaybgalay kulankii SOFIHA


SOFIHA oo soo dhoweyseysuxufiyiinta BBCda

Shacabkii halkaasi yimid ayaa soo jeediyey Naqdin faro badan iyo eedaymo ay u soo jeediyeen BBCda oo ay sheegeen inaysan si hufan uga hadlin Wararka iyo waxqabadka Puntland , waxayna ku eedeeyeen inay u xagliso dhinacyada kale ee SOMALIYA , su'aal uu soo jeediyey C/rashiid Cali Axmed oo ahayd Maxaad dhibta Puntland ka dhacda uun u buunbuunisaan ? oo aad uga hadli weydaan Guulaha Ummadda Gobollada Puntland ku nool? Akhri Qoraalka oo dhamaystiran... Guji..

BEENTU WAA FAANKA KOOXDA CARTE IYO TAAGEERAYAASHOODA.
( waraysi aan Dr. Gaagaab kala yeelanay war been ah ee sheegayay in la afduubay isaga iyo marwada madaxweynaha Buntilaan)
Tifaftiraha sare ee xarunta wararka Sahan
Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Bosaaso - Buntilaan 7, feb, 2001
sahan@brtel.net

Update: Feb 6, 2001

Cabaar ka dib markii aan idaacadda BBC-da qaybteeda Focus in Africa aan ka dhageysanay fiidnimadii 7da bishan warar xaqiiqda ka fog oo kana beensheegaya xaaladda dhabta ah ee Buntilaan oo ay waaydan danbaba BBC-du caado ka dhigatay oo uu ka mid ahaa war ku saabsan in la afduubay Marwada Madaxweynaha BL Xaawo Cabdi Samantar (ciridyaanbo) iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ah guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Buntilaan ayaa waxa xarunta Wararka ee Sahan soo Galay Dr. Gaagaab, waxaana na dhex martay sheekadan waraysiga ah.

Oo Maxamed miyaan lagu afduubin, goormaa lagu soo daayay? Ayaan waydiinay abaara 8dii fiidnimo Mar uu Dr. Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab noogu soo galay xarunta wararka ee sahan isaga oo kaligiis ah, wuxuuna ku jawaabay;

"suuqaaan ka maqlay, in idaacada BBC-da iyo kuwa muqdisho iyo qaar ka mid tasageerayaasdha carte oo awood barabagaan ka raadinaya arintaas ay maleegeen, waxaanan xog ku helay in warkaani ka mid yahay qandaraasyo dhawr ah oo ay lacag ku bixiyeen xubno ka mid ah madaxda kooxda Carte, taasoo ujeedkeedu tahay in khalkhal nabadgelyo iyo xasilooni daro looga abuuro Buntilaan, si caalamkana loogu tuso meel fawdo ah sida Muqdisho, qandaraas qaatayaasha oo isugu jira qaar u dhashay Buntilaan iyo kuwo reer Muqdisho ah oo hirgalinta falalkaasi fure u yihiin kala qaadashada lacagtaas ayaana faafinaya beentaas iyo beena kale oo badanba. Waxaase aad ceeb iila ah oo wax laga xishoodo ah in BBC-du noqoto fuliyaha ugu weyn ee qandaraaskaas."

Marwadii madaxweynaha Buntilaan Xaawo Cabdi Samantar iyada ka waran? Ayaan iyadana Gaagaab waydiinay, wuxuuna taas kaga afceliyay "Goor dhawayd ayaan kaga imid qolka ay degan tahay, ee Hoteel huruuse, aad ayayna u qososhay markii aan u soo galay, waxayna si kaftan ah ii waydiisay in BBC-da iyo internetyada Muqdisho ay ina afduubeen" markaas ayaan ugu jawaabay "Beentu waa faanka kooxda Carte iyo taageerayaashooda"

Gaagaab mar aan waydiinay su'aal ahayd; Hadda ma jiraan wax amnidaro ah oo aad dareemaysaa? Ayaa waxa uu ku jawaabay,

"Haddaan amaandaro dareemayo ama ay ka jirto Buntilaan saacadan anoo kaligay iyo gaarigayga ah ma imaadeen xafiiskiina, iyada ayaana cadayn kuugu filan, aniguna waxa aan halkan u joogaa in aan dadka u akhrino afkaarta ay ka qabaana ka dhageysano Dastuurka cusub ee loo diyaarinayo Buntilaan, anigoo ka mid ahay guddi heer dawladeed ah oo loo xilsaaray"

Oo Gaagaab waxaa la idinku dhaliilayaa in Dastuurka aad soo qaaday macnihiisu yahay, ciyigii waa ka baryay iyo mid u dhadhamaya anaa qoraya, anaa qalaya, anaa qaybinaya, anaana doorasho raba, taas maxaad ka oranaysaa? Ayaan mar kale su'aalay

Dr. Gaabaab isaga oo taas ka jawaabayana waxa uu yiri "dastuurkani waa kii Mustaqbalka ee ma aha mid maanta kaliya lagaga tashanayo, waxaana xil ka saaran yahay sixidiisa iyo turxaan bixintiisa qof kasta oo daacad u ah jiritaanka Buntilaan, ma aha jiritaanka xukuumadda iyo dhawrkayaga nin ee gudigga ah, ma jiro qof hubba in uu noqon doono kan dastuurka wax ku hogaamin doona ee waa mid loo siman yahay. Dadaalka aan haatan wadnaana waa mid horudhac ah oo adduunka dimoqraadiga ah xataa uusan wali ku dhaqaaqin, taasoo ah in diyaarinta dastuurka oo sida caadiga ah xilkiisa la saaro koox khuburo ah oo haddii la rabo la soo ijaarto in aanaan isku koobin diyaarintiisa ee aan talada guud ee dadweynaha ku biirino taasoo ah qodob aan ku dhignayn axdiga Buntilaan ee ah go'aan guddigu gaaray si hadhow dastuurka dadka loo soo bandhigayaa u noqdo mid aragtida dadweynaha la jaanqaadi kara, dadkuna waxa ay hadda xaq u leeyihiin in ay ku daraan aragtidooda si looga saaro wixii dhan loo arki karo, hadhaw marka la dhameeyana waxay xaq u leeyihiin in ay diidaan ama ay qaataan xilliga aftida"

Warkan beenta ah iyo warar kale oo aan tiro lahayn oo been ah ayaa waxa caadaystay in ay baahiyaan qaar ka mid ah shabakadaha intrenetka ee Muqdisho laga hago, idaacadaha taageera dawladda Cusub ee ku meelgaarka ah ee Carte iyo shaqsiyaad reer Buntilaan ah oo kala saari la' dhaliilaha maamulka Buntilaan oo tiro dhaaf ah iyo jiritaanka Buntilaan iyo nabadgalyadeeda oo ah aayaha Mustaqbalka reer Buntilaan, iyo waliba gabbaadka inta ay dalka dib ugu soo laabanayso cadaaladdii oo soddomeeyo sano in ka badan ka hor ka dhooftay dalka iyo qaranimadii oo loo masaafuriyay meel aan la garanayn.

Arimaha Yaabka leh ee ay faafiyaan hay'ado ay maamulaan dad aan xilkas ahayn oo shaqada saxaafadda u qaatay hanaanka cusub ee Maleeshiyada, isbeen abuur iyo dacaayado xaqiiqda ka fog ayaa tan iyo intii la isugu tagey shirkii Carte ee lagu dhisay dawladda ku meelgaarka ah soo badanayay saacadba saacadda ka danbaysa, kuwaasoo u muuqda in loo abaabulay dano khaas ah oo aan rajo laga qabin in guul laga gaaro.

Aroornimaddii 6-da bishan ayaan markii ugu horaysay ka maqlay qof igala soo xiriirar dalka dibadiisa oo ii sheegay in uu idaacadda Horn Africa ee Muqdisho ka soo hadlayo ina waydiiyay in aan uga waramo afduubka marwada Madaxweynaha iyo xiisado kale oo ka oogan Buntilaan, waxaana u sheegay in aanan waxba ka ogeyn, aana u dhaqaaqayo in aan soo hubiyo, inyar kadibna waxa aan ka soo laabtay Hoteelka ay degan tahay Marwada Madaxweynaha BL oo la yiraahdo Huruuse Hotel kadib markii nin masuul ah oo halkaas ka shaqaynayay ii sheegay in ay qolkeeda ku jirto.

Telefoonka Dr. Gaagaab
Dr. Maxamed Cali Yuusuf waxaa lagala xiriiri karaa telefoonada: 00-25252-34744
ama
00-25252-345558
Boosaaso
Dr. Gaagaab waxa uu hadda degan yahay Hoteel Guul oo lagala xiriiri karo Taleefanka ah (002525234744) halka hoteelka kalana uu Taleefankiisu ka yahay (0025252345558)

Dhanka kalana guud ahaan amniga iyo xasiloonida magaalada Bosaaso ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu degan caalamka maanta, waxa kaliya ee ugu weyn ee la tilmaami karaana waxa weeye Maamulkii la doortay oo gudan waayay xilkii ay ummaddu ka sugaysay isuna diyaarinaysa sidii ay wax uga badali lahaayeen hanaanka siyaasadeed ee Buntilaan marka laga reebo 12 nin oo loo xiray in ay ahaayeen abaabulayaashii mudaharaad ar dhalinyaro ah oo aan wax loo dilo galabsan ay ku dhimatay xayn ciidanka Booliska ahina ay ku dhaawacmeen. Maxaabiistaas oo aan wali maxkamad la hor keenin.

Waxa kale oo intaas weheliya laba kooxood oo Dabley beeleed ah oo mid labaatan nin gaaraysaa Isbaaro dhigateen Tuulada Qayaadsame Sabtidii mudaharaadka ka danbeysay, kuwaasoo ay haatan in meesha ay ka tagaan ay ku hawlan yihiin Isimo iyo Odayaal degmada Qardho ka yimid oo uu hormuud u yahay Boqorka Daarood Boqor Maxamuud oo ay walaalo yihiin Wasiirka Gaashaandhiga ee Dawladda Carte, waxayna Isimadu ka hortageen ciidamada Buntilaan oo doonayay in ay halkaas ka sifeeyaan dableyda isbaarada Dhigatay, halka dhanka kalana odayaasha Beesha Dashiishe ay kaga qaadeen koox kale oo isbaaro dhigatay Qayaadsame oo qiyaasta 30 km u jirta Bosaaso, taasoo ay dableydu dhigteen maalin ka hor marka la qaaday.

Si kastabase ha ahaatee ma jiraan wax dhib ah oo ka danbeeyay maalinkii mudaraadka oo dhacay Buntilaan, labada kooxood ayaan midina wax dhib ah oo ay u geysteen dadka jidka marayay la soo sheegin, dadka sida is daba joogga ah u soo maraya wadada dheer ee isku xirta Bosaaso iyo Gaalkacyo ayaa sahan u sheegay in ay dableydaasi dadweynaha ka raali galinayeen joojinta ay gawaaridooda joojinayeen.

Su'aasha ugu weyn ee hadda Buntilaan Dhexdeeda la is waydiinayaana waxa weeye sababta ay u dhimatay Safiya Cabdi Axmed, oo tiro ka yar 15 ku ah dadka xabadda ugu dhintay dhulka Buntilaan sida buuxda uga taliso mudadda sadexda sano ku dhaw ee ay dhisnayd, kuwaasoo inta aan ognahay dhamaantood wixii aan ku dhiman hawgal ciidan la qabtay danbiilayaashii gaystay, marka laga reebo nin ku dhintay Garoowe sanadkii hore iyo dad Bam lagu qarxiyay iyaga oo ku tukanayay masaajid ku yaal Magaalada Burtinle.

Waxayna wali dadweynuhu ka samri la' yihiin dhimashada nafeed ama dhaawac oo loo arko in ay tahay wax qaali ah, waxaana haatan dadaaladda isbaaradda lagu qaadayo lagu soo waramayaa in ay ka qayb qaadanayaan xubno ka mid ah abaanduulayaashii mudaharaadka iyo dhalinyaro iskood isu xilqaamay, iyadoo haatan goobaha magaalada badankeed lagu hadal hayo is eedaymo la xiriira in aan cidna gacan lagu siin in ay fidmo ka holciso degaamada Buntilaan, oo intooda badani Awoodda Alle iyo Naxariistiisa kaga badbaaday dagaal sokeeye iyo Burbur gudaha ah, taasoo u muuqata mid fuli doonta, Soomaalida kalana aan la jecel nahay in ay hanaankan oo kale gaaraan.

Sahan Information Center

Qore: Maxamed-deeq Cabdulqaadir
Kala xiriir: email Maxdeeq50@hotmail.com  

Feb 2001


LIFAAQ:

HEERARKII BBC-da AF-SOOMAALIGA

  • 18kii Luuliyo, 1957kii ayaa BBC-da Afka Soomaaligu shaqadeeda bilowday, waxay waagaas hadlijirtey labajeer toddobaadkiiba oo midkiiba yahay 15daqiiqo oo qura. Xilligaan Soomaalidu waxa ay ku hoos noolayd Gumaysi. [1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan. 21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil. April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo. July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.]
  • Sebtembar 1958kii ayaa lagadhigay in ay hadasho 15daqiiqo maalinkasta, waqtigan sida kor ku cad waxaa soo dhowaadey xoriyadii Soomaaliya. [Maarso 1959: waxaa dhacday doorashadii ugu horeysey ee Soomaaliya. 83 kursi oo kamida 90 kii kursi oo loo tartamayey waxaa ku guulaystey xisbigii SYL.]
  • 1dii Luulyo, 1961-kii, waa markii halsano kasoo wareegtey xoriyadii Soomaaliya ayaa lagadhigay in ay hadasho 30-daqiiqo. [1 July 1960 waxay ahay xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur]
  • 25kii Maarso 2000-kii, waa burburkii Soomaaliya kaddib'e, waxaa waqtigii lagadhiagy 45-daqiiqo oo Sabti-Arbaca ah iyo 1-saac oo Khamiis iyo Jimce ah. [August 26, 2000 waxaa soo gabagaboobey shirkii Carta, Jabuuti]
  • Sannadka 2002 waxaa lookordhiyey waqtiga iyadoo lagusoo daray saacado dheeraad ah eeg: BBC.11:00 | BBC.14:00 | BBC.16:00 | BBC.18:00.[Waxaa markaas soo fool lahaa shirka Nairobi ee dib u heshiisiinta Soomaalida]
     

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD