SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

 


EYGOODII AYAA QANIINAY!!!

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com ama
amiinkhasaaro@yahoo.com

MAANSADII OSMAN DAHIR

HOOYAA QOYS KU DHISNAA::

Dadka Soomaaliyeed adduunka way yar tahay meel nolol wanaagsan ay ka jirto ama aysan ka jirine ee aysan ku nooleyn, dalku markii uu bur-buray dowlad dhexena la waayay waxa ay dadka Soomaaliyeed noqdeen wax dagaalladii sokeeye ka cararay, iyo kuwo kaddib nolol xumida joogtada ah iyo ammaan darrida iyagana ka cararay, lama xusi kari lamana tira koobi karo inta iyaga oo baxsad ah oo nolol tan ka wanaagsan raadinaya ku baaba’ay Badaha, ku maqan saxaraha, la waayay qaarkood jaan iyo cirib meel ay dhigeen!.

Markii ay tageen goobihii ay u cararayeen waxa ay Soomaalidu ka bilaabeen nolol, inkastoo ay yar tahay dadka Soomaalida ah ee dhinaca aqoonta ama waxbarashada xoogga saaray haddana way iska halgamaan oo nolosha ayay la tacaalaan, goobaha ay ku badan yihiin Soomaalida inta badan waa meelo isku dhow, aad bayna u yar tahay qoysas Soomaali ah oo ku libra ummadaha kale ee ay ku dhex nool yihiin, waxa ay aad u jecel yihiin in ay noqdaan dad isku dhow oo meel wada dega, taasina ma keento in cududdooda, maskaxdood, dadnimadooda iyo waxtarkooda ay isku biirsadaan, balse dhaqammadooda xun-xun oo u badan xaasidnimada iwm ayaa la arkaa in ay mar walba ku dhaqmaan hadday joogaan dalka gudihiisa iyo hadday dibadda joogaanba.

Maadaama ay ku nool yihiin wadammo dibadda ah waxaa soo if baxay dad Soomaaliyeed oo iyagu naf iyo nolol biday in ay dalalka ay ku nool yihiin u noqdaan basaasiin, wararka ka soo ururisa isla dadka Soomaalida, una gudbisa dowladaha ay ku dhex nool yihiin, badiba dadkaasi waxa ay kashifaan qaababka kala duwan ee ay dadka Soomaalida u soo galaan waddammada Yurub, u nool yihiin, lacagaha u xawishaan iwm, waayo dadka Soomaaliyeed inta badan kuma lug laha arrimaha Siyaasadda dalalka ay deggan yihiin.

Qiso la yaab leh oo dhacdooyinkan la xirirta ayaa ka dhacday dalka Finland oo wargeys weyn oo dalkaa ka soo baxa laguna magacaabo Helsinki Sanomat oo ah Wargeys maalin walba soo baxa, si aad ahna looga akhristo dalkaasi uu boggiisa hore ku soo qoray cinwaan aad u weyn oo ah “Eygoodii ayaa qaniinay” oo dhab ahaantii uu ereygaasi muuqanayo in shaqsi Soomaaliyeed uu shaqsiyaadka Soomaalida ee dalkaasi ku nool muddo fara badan sirtooda iyo xantooda gaarsiinayay dowladda dalkaasi.

Ninkan Soomaaliga ah wuxuu dalkaasi ku noolaa muddo 8-sano ah, intii uu waddanka ka bixinna waxa uu ka mid ahaan jirey ciidammadii Militeriga ee Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waxa uu ahaa Laba xiddigle, muddo sanado ah ayuuna u shaqeynayay dowladda Finland, isagoo markaa ugu shaqeynayay qaab basaasnimo ah, waxa uuna daaha ka rogay qaabka is xambaarka oo uu tilmaamay in ay Soomaalidu sameeyaan waxyaabo been abuur ah oo ay ka mid tahay in uu walaashiis ku soo kexeeyo in ay tahay xaaskiisa iwm, waxa uu farta ku fiiqi jirey waddooyinka iyo goobaha ay lacagaha Soomaalida isugu xawilaan.

Markii guud ahaan dantii laga lahaa laga gaaray, looma naxariisane si bareer ah ayaa magiciisa oo saddexan loogu soo qoray wargeyska, iyadoo la siiyey weliba cinwaanka aadka u xanuunka badan ee ah “Eygoodii ayaa qaniinay”, iyagoo tilmaamay inta sano ee uu la shaqeynayay iyo waxyaabaha guud ahaan uu bannaanka soo bandhigay, iyadoo ay yareyd ceebaha dadka Soomaalida ee la dhihi karo waa uu qariyey.

Maqaalkaasi markii uu soo baxay ayuu ninkaa Soomaaliga ah ayay noloshiisii oo dhan is beddeshay, wuxuu noqday qof xir-xiran, dadkii ayuu ka dhuuntay, gurigiisii ayuu ku haray, nasiib darrase, reerkii isaga iyo carruurtiisii ayaa isku dhacay, way wada noolaan waayeen illaa dowladdii ay kala rartay oo goob gaar ah la dejiyey.            Gole ka dhisan dalkaasi oo lagu magacaabo (Golaha Soomaalida Finland) oo arrinta ninkaasi muddaba indhaha ku hayay ayaa markii dambe u istaagay in ay xaalkiisa wax ka qabtaan, waxay ku soo biiriyeen Golaha, taas oo ay ugu dan lahaayeen in ay noloshiisii caadiga ahayd dib u soo celiyaan, ninkaasi wax yar kaddib wuxuu u soo muuqday nin caadi ah, balse guud ahaan wuxuu noqday nin calaamad weyn ay wejiga ugu qoran tahay oo wuxuu yahay la ogaaday.            Guud ahaan dadka ku dhaqma arrimaha basaasnimada ayaa inta badan adduunka u dambeysa nolol xun oo ay ugu yar tahay in inta la kashifo dadka lagu hor ceebeeyo amaba mararka qaar inta laga dhameysto danta laga leeyahay meydkiisa la waayo.

SOMALI EUROPEANS
Finnish researcher sees Somali-born young men as "first true Europeans in Finland"

Arrintan waxa ay ka dhex noqotay dalka Finland iyo weliba dalalka Scandinavian-ka mid dadka Soomaalida ah ay mar walba hadal hayaan, waxaana billowday is tuhun la xiriira dadka sida gaarka ah dowladaha dalalkaasi ugu dhow, iyadoo mar walba laga shakiyo in sidii ninkan oo kale ay u dhaqmaan.

Magaca ninkaasi iyo weliba mas’uulka qoraalkan I siiyey waxaan u soo bandhigi waayay codsi ka yimid mas’uulka Golaha Soomaalida Finland oo hadda ku sugan Magaallada Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com ama amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 19, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Soomaalida Holland iyo cunista Qaadka
Warbixintii Maxamed Xaaji...
Guji Aug


HOOYAA QOYS KU DHISNAA
Waa maanso cusub oo uu curiyey hal abuur Cusmaan Ducaalle Daahir, waxayna si weyn uga hadleysaa... Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD