SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA CISMAAN DAAHIR

Osman Dahir
Tayasir7198@yahoo.com



Cusman Ducalle Daahir
 HOOYAA QOYS KU DHISNAA

 Cusmaan Ducaalle Daahir
 Minneapolis, Minnesota, USA.

Hooyaa qoys ku dhisnaa waa maanso cusub oo aan ka tiriyey Shirweyne aad iyo aad u qiima badnaa oo ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah dumarka soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo 08/14/04 lagu Qabtay jaamacada Minnesota qolkeeda shirarka ee Coffman memorial Hall. Shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen gabdho soomaaliyeed oo Aqoonyahano ah oo ku kala takhasusay qaybaha kala duwan ee Cilmiga, sida Caafimaadka, waxbarashada, iyo arimaha bulshda. Waxaa looga hadlaayey loogana doodayey, si weyna loogu soo Bandhigay sidii dumarkeena gaar ahaan hooyooyinkeen isu Dareensiin lahaayeen dhibaatooyinka faraha badan ee qurbaha ku Haysta ubadkeenii oo ahaa wixii ugu qaalisanaa ee aynu qurbaha la Nimi, iyo burburka ku dhacay qoysaskii soomaaliyeed . Iyo doorka looga baahan yahay Hooyada iyo guud ahaan Haweenkeena oo ahaa kuwii saldhiga u ahaa sooyaalkii noloseena.

Shirkaas oo iigu muuqday bilaw aad u fiican oo muujinaya bisayl Aqooneed oo ay gaareen in badan oo ka mid ah dumarkeenu Iyadoo aan wada ognahay in ay qaarkood nolosha qurbaha iyo imaatinka wadamadan gaalad ka aaminsanaayeen fikrad Khaldan iyo iney jano cagaha soo geliyeen. Anigoo ahaa ninka keliya ee lagu casumay shirkaas oo igu abuuray Rajo iyo nayaayiro aan ka qabo mustaqbalka dadka soomaaliyeed Ee qarbiga iyo maraykan ku dhibaataysan.

Waxaan isku deyey inaan haweenkii shirkaas isugu yimi xusuusiyo Kaalintii hooyadu ku lahayd jiritaanka mujtamaceena, iyo doorka looga baahan yahay meeshan iyo marxaldan adag ee aynu joogno. Anigoo tix iyo tiraaba ugu faah faahiyey maansadan,

HOOYAA QOYS KU DHISNAA 08/14/04

  • Qiyamkii nolosheenaay .............. Saldhigii Qarankeenay

  • Quwaddii bulshadeena  ............. Qaabada tii u ahayd

  • Quruxdii sharafeena ................. Iyo qaydkii aan huwanayney

  • Qaayihii guryaheena ................ Iyo qotonkuu ku dhisnaay

  •  

  • Qodob wayga tilmaan .............. Tusaalayn qara weyn

  • Qodobna waa quman hooyo ...... Taariikhdeena qadiim ah             

  • Qaybtii ay ku lahayd ................ Qodobna waa Taladayda

  • Qasaaraa ina gaadhey ............. Iyo sidaan qiil ku helayno

  •  

  • Qodob wayga tusaal ................ Hawshii aan qorshaheeda

  • Qabanqaabo bilawga ................ Qaabkeeda aan la hagaajin

  • Qabyuun bay ku idlaan

  •   

  • Marka aadmigu qooqo ............... Qoorta uu kor u taago

  • Rabigii qiri waayo ..................... Qabar eebe xagiis ah           

  • Iyo qalad baa ku dhacaysa.

  •                 

  • Bulshadii kala qaybsanee ........... Qabiil loo kala saaro

  • Qalalaase colaad ...................... Iyagoo is qandoofa        

  • Iyo Qayladeed ma dhamaato   

  •                                                        

  • Walaalihii is qalaaya ................. Qaatiyaan kala jooga       

  • Iyagoo kala qaarma ................. Oo cadawgood u qabaana         

  • Iyo qoomamaa u danbaysa.

  •  

  • Umadaan Quwadeeda ............... Iyo quluubtoodu is haysan

  • Qayrkood ay la sinmaan . ........... Iyo qaran loogama yaabo 

  • Qaa,idkeedu ma tooso.   

  •  

  • Qormadii wadankiisa .................. Iyo qolqolkii qof ka guuray

  • Shisheeye uu ka qaloodo ............ Isagoo qadar beela 

  • Iyo qoqobnaan huri mayo.

  • Dad qaxooti noqdaana ................ Nolol ay qawedaan

  • Sharaftoo laga qaado ................. Quudhsi ay la kulmaan

  • Waqood way qayiraan .

  •  

  • Ruuxay qaaxo ku raagtey .......... Isna waa qufacaa

  • Nimuu qaamud wedkiisii ............. Qudhu ay ka baxaysona 

  • Qosol loogama yaabo.  

  •                                                                

  • Nimuu qaatay ibleys ................. Oo qoladiisa ku biiray

  • Qaalalaahu tacaala .................. Iyo qunuudi soo celin mayso

  • Quraan kaama dhegaysto.

  •                          

  • Tusaalaa qalinkayga ................. Iyo qiiradu yaanay I jiidane

  • Quruun qoonka hogaan xun ........ Iyo qoyska hooyo qaloocan

  • Iyagoo hana qaad iyo ............... Iyo qumanaan ha ka eegi

  • Oo waa kuwii qalibma.         

  •  

  • Qaadiraw ha cadaabine .............. Qodona waa quman hooyo

  • Qiimahay naga joogtey ............... Iyo waxay noo qabatay

  • Qalcadaan deganayn .................. Iyo gurigii qaydka adkaa                                                  

  • Hooyadaa qorshahooda ............... Iyo qubanaa lagu dayray

  • Qobtolkii dugsiyaayey ................. Qotonkiisa ahaydoo

  • Hooyaa qoys ku dhisnaa.

  •  

  • Gabadh qaaya wanaagsan ........... Oo rabigay qurux siiyey oo

  • Ragu qaalmaha geela .................. Qorigii faraskii iyo

  • Qaniimadiisa ka dhiibo ................. Iyo qalanjay mar ahayd

  • Marwo gaariya qaali .................... Qadaf ceeb ka xishoota 

  • Qawl ninkeeda adeecda .............. Qaderisayna ahaydoo

  • Hooya qoys ku dhisna

  •  

  • Qurbaceena dhalaanka ................ Mar ay uurka ku qaado

  • Walaca ay qayirnaatoo ................ Quudka ay dejin waydo

  • Qandho fooshiyo xanuunka ........... Oo qabriga ay ku dhowaato

  • Qoontii damqanaysa .................... Weli kaarki qaboobin

  • Horaadkaay qudh qudhsiiso ........... Iyo Qalbigay gelisaa .

  •  

  • Sidii qaariga shiikha ..................... Qul acuudu Billaah

  • Ilaahay kuma qaado .................... Qaadirkeen u bar yeyso

  • Oo hadalka qawlka wanaagsan ...... Iyo qiyamkii muslimiinta 

  • qawaaniinta baraysoo................... Ababintiisa Qalooc 

  • Iyo qalad ay tiraysoo .................. Ilaa uu ka tis qaadoo

  • Qaangaadh uu kor u dhaafo .......... Qodaxda ay ka guraysoo 

  •  Hooyaa qoys ku dhisnaa.

  •  

  • Qaniimadeena dhaqaale ................ Qawsaarkeena ilaasha

  • Iyo qasnaji bay u ahaydoo ...........  Aqalkay qalabkiisa 

  • Iyo qabya tirkiisa lahayd ............... Quudka noo karinaysoo

  • Iyadoo qatan bay ....................... Qasaalaysay dharkeena                

  • Hooyaa qoys ku dhisnaa.                

  •  

  • Qawleystii isticmaarka ................ Dagaalkii lagu qaaday

  • Iyo qumanaw calankii ................. Qorigii lagu keenay

  • Wixii dhiig qulqulaayiyo ............... Markii qayladu yeedhay  

  • Bambaday qarxinaysoo ............... Qudha oo laga gooyo

  • Iyo qisaas bay u badheedhoo ...... Dahabkii qoorta sudhnaa        

  • Iyo qadhaankay bixinasoo ........... Dhismihii qarankeena             

  • Qabri bay u gashay.

  •  

  • Dhidar iilka qodaa ...................... Qudhun buu u dhacaaye

  • Intaan qaatumo seegnee ............  Qiyamkii diinta islaamka

  • Qumaati aan uga baydhnee ......... Qalalaasaha taagan iyo

  • Sokeeyaa is qalaaya  ................. Qabiil loo kala saaree

  • Nabadii qar ka tuuree ................. Qayla dhaantu baxaysay

  • Qasaaraa ugu weyni  .................  Quman hooyo haween

  • Iyo dumarkuu  qabsadoo  ............ Hoobiyaa badhna qaatay

  • Badhna waa la qaafaashey .......... Oo qeedhiinkay ku cuneen

  •  

  • Badhna waa qaracmeenoo ............ waali bay qac yihiin

  • Badhna qoolal mareeg .................. Qoqob bay ku jiraan

  • Oo ilmii bay qarafaysi ................... Quud u raadinayeeno     

  • dilka qayb kama qaadan ...............  Ma qoor qeydan xumaane

  • Quwigoo nabad keena .................. Iyo rajo ay kama quusan                 

  •  

  • Inteenii qurbe gaalo .................... Qaaradan N /Maraykan

  • Iyo qarbigii  gacal moodney .......... Ee isku dhiibay qaxooti

  • Mahada waa la qiraaye ................ Inkastoon qarash kooban

  • Dadkeenii qaldhebaayey  .............. Qayb yar aynu daboolay

  • Qaarkeena yeeshay aqoon ...........  Culuunta qaatay digriiyo .

  •  

  • Qurus waa la helaaye .................. Qawga aynu ka duulay

  • Waxa qoomamo taagan ................ Hooyo qaaya lahayd

  • Sharafteeda qarsoontay ............... Qadar beelka haleelay

  • Qumanaw dhaqankeenii ................ Sida looga qaloocday

  • Qayla dhaanta baxaysa ................ Bal indhaa qac ku siiya.

  •  

  • Intee qoys kala daatoo ................. Usradii kala qaarmay

  • Intee baa ubad qaaq leh ............... sidii qoon naga gaara

  • Qawlkooda aan la fahmayn ............ qayirmoo naga leexday.

  • Intee qaawani doortoo .................. Waxa daad qulqulaayiyo

  • Mawjaduu qarqiyeenoo .................. Duul qalaad naga raacay.

  • Intee naag qolqol dhaaftay ............ Xayadii iska qaaday

  • Jinni qool ku kaxaystoo ................. Qiimii hooyo lahayd iyo

  • Magacii ku qasaaroo ..................... Nin aan qaadi nikaax iyo 

  • Qodob aanu u hayn  ..................... Qol intay la degtey  

  • Tidhi waa I qabaayoo .................... Ku qobeysatey ceeb.

  •                   

  • Ogaadoo qaali haweenka ............... Qalad maan wada saarin

  • Ragaba qaar ka halaabo ................ Qaribmey waa badan yihiine

  • Waxaan gaar ugu qaatay ............... Qoyska looma sinaynoo

  • Hooyadaa qudbi tiirsha  ................. Iyo qotonkiisa ahayd.

  • Nabarka qoonta dilaacday .............. Iyo qaladaa waxaa keenay,            

  •  

  • Quruun eebe rumaysan ................. Oo qirsan baynu ahayne

  • Rabi baynu qilaafnay ..................... Oo qayaali baan ku jiraayo

  • Qurbihii baan jano moodney ............ Iimaankii baa na qafiifay

  • Qabrigii la gelaayey  ...................... Iyo qiyaamii baa la ilaawey

  • Oo ruux kastaa qushigii  ................. Iyo qabkiisuu la dhaqaaqay

  • Aduunyaa na hor qaaday ................ Sidii xoolo khiyaamo

  • Qarash loo heli laayoo .................... Qani loo noqon lahaa

  • Baa qalbigeenu jiraayuu .................. Uu ku qoofalan yahay.

  •  

  • Murti baa lagu qeexay .................... Maah maaho aad u qadiim ah

  • laba qaawani aadmi  ....................... Haweenow isma qaado.

  • Biyo ruux ku qobaysteyna ............... Iskama dhawro qoyaanka.      

  • Quud xun naag karisaana ................ Iyaba way ku qadaa.

  • Qasdigaan uga jeedo .....................  Hooyadii qumanaydeey

  • Qawaamiinta ragii .......................... Qudradii Rabi siiyey

  • Dumarkii qawedeen .......................  Ee quudhsiga ay u arkeen                             

  • Qilaafka aabiyo hooyo  ................... Iyo is qiimayn li,dooda                 

  • Qasaarii laga dheefay  .................... Bal qooraansada hooga  

  • Qamta hoos ka duleeshee  ............... Dhasheenii ku qubteen 

  • Talo waa qasan tahay  ................... Qatar baanku jiraanaaye 

  • Miyeydaan qajilayn ........................ Inaba qiiro lahayn.

  •  

  • Muslinkii qatalmaa  ........................ Mar uun buu is qabtaay

  • Waxaan qiil u arkaa ....................... Qaafir oon ka baqnoo.

  • Qorshihii bedlaa   .........................  Khaas ahaan dumarku

  • Qaanac aad noqotaanoo ................ Qiiyaamaa ka baqdaan,  

  • Wixii la isla qabto  ........................  Ayaa khayr ku jiraaye. 

  • Nimankan qoor qabad taagan .......... Iyo qasab baan kugu saari

  • Qurux naag u qabtaay  ................. Qurbacii ilmahaaga  

  • Qudhaadaad haligtoo  ..................  Qoomamaad ku danbayn.  

  • Quman hooyo Gabdhaw ................. Qaladkaa iska waansha

  • Qabanqaabo shirkiina  ...................  Khibradii dumarkeena 

  • Qabuul aan ku heshiino  ................. Qaraar qoys ku dhismaa

  • Isu keen qabanaaya  ....................  Inoo raadiya qiil.

WA BILLAAHI TAWFIIQ
 Osman Dahir
Tayasir7198@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 19, 2004

 

OSMAN DAHIR -3

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

FEEDBACK | SEARCH

Allah Is Great

SOOMAALAAY IS GARO

Giraan Suugaaneed hal abuur Cusmaan Ducaalle Daahir

QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG
Ka eeg halkan....



HTML CD