SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI

20,Agosto 2004, Hargeysa


"Aniga Iyo Siilaanyo waxba iskuma Hayno, Ixtiraam Ayaan u hayaa"
 Waraysi Saleebaan-Gaal.. Musharax  Gudoomiyaha Guurtidda

Waxaa waraysiga qaaday:
Abdiaziz.A.Musa Iyo Mohamed "ilkaCase" 

Markey taariikhdu ahayd 18-ka August  2004  ayaa waraysi Dheer oo iskugu Jira  Taariikhdii Siyaasadeed Iyo Nidaamayadda dastuuriga ah ee  lagu gali karo Golaha Guurtidda iyo arrimo kalaba  ayuu Mudane: Saleeban Maxamuud Aden "Saleeban-Gaal" uga Xogg-waramay Abdiaziz.A.Musa Iyo Mohamed "ilkaCase" oo ka tirsan Suxufiyiinta Madaxabanaan ee  "Somaliland Internet News Center"

Waxaanu waraysigaasi  u Dhacay Sidan….. 

Su,aal :- Saleebaan Adigu Sideed ku soo Gashay Golaha Guurtidda ? 

Jawaab:- Adeer waxaan ku Soo Galay Sifo Dastuuri ah Taas oo ahayd, Mudane ka Tirsan Golaha Guurtidda Magaciisana La Yidhaahddo. <Maxamed Diiriye Farax > oo ka Soo Jeedda Beeshayadda  ayaa iskii U Baneeyay  Boos-ka, Dabadeed ..taas ayaa Sababtay inaan Buuxiyo Jagadaasi Banaanatay, 

Su,aal:- Dad Badan oo ah Beesha Aad ka Soo Jeedo , Kana Tirsan Xisbigga Siyaasigga Ah ee KULMIYE  ayaa Aaminsan In boos-kan uu xisbiga  UDUB uu kuugu Ololeynayo inaad Hanato Ee Gudd/G/ Guurtidda Ay Tahay Sidii Kalsoonidda Balaadhan ee Uu Mudane Siilaanyo ka Haysto Beesha ..Aad uga Maroorsan lahaydd ..Maadama Jagadani Mudnaanteedda Leedahay oo ay Tahay Awooda Labaad ee Dalka Maamusha ..Hadaba  Arrintaa Maxaad ka Leedahay? 

Jawaab:-  Waxa Weeye Somaliland Dimuqiraadiyadd Ayaa ka Hana qaaday, Doorashooyin ayaa la Galay  Xisbi ayaa ku Soo Baxay  Meeshana Ma Jirto Beel la Kala Maroorsanayaa. <ee Laba Qof oo walaalo ah ayaa u kala Codaynaya Laba Xisbi oo kala Duwan >  Aniga iyo Siilaanyo wax Xumaan ah oo shakhsiyan Naga Dhaxeeyaa ma Jirto  waxaan ka Ahayn Tartan-kaa Ay Somaliland Ku Caana Maashay …Siilaanyo iyo Anigu laba  Nin  oo Tola Ayaanu Nahay .  Ixtiraamna waan u hayaa ..waana Abtigay 

Su,aal:- Kalsooni Intee Leeg  baad ka haystaa Golaha Guurtidda   iyo gaar ahaanba Beeshadda Sidii aad jagadan u hanan Lahaydd? 

Jawaab:- Anigu  Aad baan ugu kalsoonahay  inaan ku Guulaysan Doono Jagadaasi  iyadda ah insha Alle . Taageero buuxdana waan ka haystaa  Beeshaydda iyo Somaliland oo dhanba? 

Su,aal:- Saleebaan  Haddii Aanu nahay Labadayaddan Suxufi Ee reer Hindiya   oo  Software Developer and Designer ah oo Dadka Reer Somaliland ee dibadda u Dhisay Shabakaddo badan oo warar-ka ah ..aadna Noogu xidhan Maxaad u soo jeedin lahaydd? 

 Su,aal:- Anigu waxaan odhan lahaa   ha jiifina  oo jaamacadaha Gala wax barta kana faa,idaysta waqtiga  ileyn dalka Kaalin Muhiima ayaad kaga Jirtaane. 

Waraysigaa ka Dib Mudane Saleeban  Maxamuud Aaden <Saleeban-Gaal>  waxa uu noo saxay Taariikhdiisa Siyaasadeed iyo Tii wax barasho ee uu Soo maray.. 

Waa Kuma Saleeban Maxamuud Aaden "Saleeban Gaal" 

Saleeban Maxamuud aaden Saleeban Gaal waa Siyaasi Caan ah  Muddo Dheerna ku soo jiray Siyaasadda Dalweynihii Hore la iskugu Odhan Jiray Somaliya iyo Somalilandba  

Waxbarashadiisii Sare waxa uu ku Soo qaatay Dalka Ingriis-ka Gaar ahaan  Jaamacadda  Leeds  University isagoo ku diyaariyay  Shahaadad "B.A" History And Political science. 

Saleeban maxamuud Aaden Shaqdiisii Ugu Horeysay Ee uu  Qabtaa waxa ay ahaydd Macalinimo isla Markaana waxa Uu soo qabtay xilal kala Ah . Maamule  dugsi oo meelo kala Duwan ah  Saleeban Maxamuud Aaden waxa kale oo uu Noqoday  Madaxii Manaahjita Dawladdii  Hore ee Dalweynihii la isku Odhan Jiray Somaliya . 

Waxa kale oo uu Somaliya ka Soo qabtay Jagooyin wasiir ku xigeena Ah  oo fara badan . oo ay ka Mid ahaayeen , wasaaradda Tacliinta, Qorshaynta Qaran-ka ,Kaluumaysigga , 

Saleebaan Maxamuud Aadan waxa  kale oo uu ka mid ahaa Raggii ka qayb qaatay  Aasaas-kii Urur-ka SNM ..isagoo ahaa Raggii Joogay Gudaha Somaliya ..oo . Saleeban Si Dadban oo Siyaasiyana u Fuliyay Hawla Badan oo SNM uga qabsoomay Gudaha Somaliya.. 

Saleeban Maxamuud Aaden waxa uu si Toosa ah  Ugu biiray Urur-ka SNM  Sanad-kii 1990-kii  isagoo Markaa Noqoday Xoghayihii Arrimaha Dibadda Ee SNM. 

Saleebaan Maxamuud aaden  waxa  uu ka mid Noqoday Dawladdii ugu Horeysay ee  Marxuum Abdiraxmaan  Ahmed Ali <Tuur> Madaxweynaha  ka ahaa  Wasiir-ka Arrimaha Gudaha Ee Somaliland  

Saleebaan Maxamuud Aaden Mar kale Ayuu  Dawladdii  Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ee lagu Soo Dhisay Boorame ka Noqoday  Wasiir-ka waxbarshadda  iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.  Waxa kale oo uu Noqoday  mar kale Sanaddii 1995-kii  Wasiir-ka Maaliyadda Qaran-ka Jamhuuriyadda Somaliland. 

Saleeban Maxamuud Aaden waxa uu mar kale Dawladdii Maxamed Ibraahim Cigaal loo Magacaabay Wasiir-ka Arrimaha Dibaddda iyo qorshaynta Qaran-ka oo xiligaa Wasaaradd kaliya isku ahaa . 

Saleeban Maxamuud Aaden <Saleeban-Gaal> waxa uu Noqoday Musharax  Madaxweyne Sanaddii 1997 Xilligaas oo Uu Taageero weyn ka Helay in badan oo ka Mida Shacbiga Somaliland Taas oo Sababtay in uu iska Casilo xillika Wasiir-ka   Arrimaha Dibadda  iyo qorshaynta qaran-ka Si uu   ula Tartamo Marxuum Maxamed xaaji ibraahim Cigaal taas oo akhir-kii sababtay in si adag lagag Guulaysto kursiga Ugu mudan Dalka..  

Saleeban Maxamuud Aden <Saleebaan-Gaal>  waxa uu aqbalay Natiijadda Doorashadda Taas oo kor u qaaday Magacii uu ku laha Bulshadda Dhexdeeda,

Saleebaan Maxamuud Aden <saleebaan-Gaal> waxa   uu Aasaasay Xisbi Siyaasiya oo la Yidhaa <ASAD> Taas oo Aakhirkii  ku Hadhay Dawladaha Hoose ..kuna Biiray Xisbiga UDUB.  

Maanta waxa uu Saleebaan ka Mid Noqoday Golaha Guurtidda Somaliland ..waxaanu u Sharaxan Yahay Gudoomiyaha Guurtidda Somaliland oo ah Haayadda Ugu Sareysa Dalka . 

Abdiaziz.A.Musa Iyo Mohamed <ilkaCase>

abdiaziz2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 20, 2004

WARARKII KALE EE MAANTA... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

FEEDBACK | SEARCH

Allah Is Great
 

 



HTML CD