Banaan bax ay
sameeyeen maanta qaar ka mid ah ergada shirka
Qaar ka mid ah ergada ku suga madasha
shirka ee Mbagthati ayaa maanta isku soo bax ka sameeyay xarunta uu ka
socdo shirka dib u dib u heshiinta soomaaliya ee Mbagathi.
Ergadan oo u badan kuwii hore ayaa ka
cabanaya qaabka loo xulayo baarlamaanka kuna tilmaamay in ay tahay mid
aan xaq ahayn una baahan in cadaalada la mariyo sida ay hadalka u
dhigeen iyagoo ku tilmaamay in ergadii mudnayd xubnaha baarlamaanka aan
la siinin iyadoo aysan jirin illaa hadda wax soo hadal qaaday
cabashadoodaas.
Waxaa kale oo ay banaan baxayaashu ka
doodayeen in guddiga xalinta khilaafaadka loo gudbiyo waxii khilaaf ah
ee ka jira beelaha dhexdooda iyagoo cabirayay in ay jiraan khilaafyo ka
dhashay magacyada la gudbiyo mar walba oo badankood la isku haysto waana
midka ugu badan ee ay beelaha isla wada qabaan marka loo fiiriyo si guud
waxaana ugu wacan iyadoo marka la gudbiyo magacyada xubnaha ay kada
imaanayaan kuwo hor leh oo ay soo gudbinayaan isla jufada kuwaas oo inta
badan dhaliya khilaafyada beelaha waqtigii la rabayna dib uga dhaca.
Madax dhaqameed maanta halkii
ay daganaayeen laga saaray.
In ka badan 16 oday
dhaqameed oo ka mid ahaa kuwii horey ugu sugnaa hotel wax yar u jira
xarunta shirka ayaa maanta banaaanka loo soo saaray kadib markii ay in
muddo ah halkaasi raashin la'aan ku ahaayen.
Qaar ka mid ah odayaashaas ayaa horay
iskood uga guuray kadib markii ay sheegeen in aysan jirin wax daryeel ah
sida ay u dhigeen hadalka oo ay ku haystaan halka ay dagan yihiin
waxaana ku haray tiradan oo ah intii ku hartay iyadoo maanta
boorsooyinkoodi banaanka loo soo saaray.
Sababta keentay in xiligan oo uu shirku
gabagabo yahay odayaashan ay dhacdadan la kulmaan ayaa ka dhalatay
xagga qarashka oo ay maamulka shirka ka bixin waayeen dadkan sidaasna ay
ku saareen iyagoo sheegay in lacag badan ay ku leeyihiin sidaas awgeedna
aysan u dulqaadan karin wax kale.illaa hadda ma jirto meel loo
qoondeeyay in ay dagaan madax dhaqameedkan.
Maamulka IGAD ayaa dhowr jeer soo saaray
qoraalo ay ku sheegayaan in qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka la reebi
doono ka dib markii lagu wareeray kan saxda ah iyo kan aan saxda ahayn
ee aan matalin beesha ama aan ahayn ugaas rasmi ah sida ay sheegeen.
Xubanaha baarlamaanka lagu wado
in la dhaariyo bari oo dhan 235.
Tirada xildhibaanada oo ah 275 ayaa waxaa
ka jiray dhibaato sidii loo dhamaystiri lahaa ama loo heli lahaa tiro
buuxin karta kulanka ugu horeeya ee gollaha baarlamaanka uu yeelan doono
dhaarinta ka dib.
Waxaa maanta soo gaaray xafiiska IGAD 30
xubnood oo cusub kuwaas oo ka dhigaya tiradii horay u liisgareysnayd 235
xubnood iyadoo la filayo in la dhaariyo bari subax iyadoo ay dhan yihiin
marka la isku wada daro 235 xubnood, guddiga fududeynta shirka ayaa
sheegaya in ay buuxin karaan dhaarta isla markaana uu qabsoomayo shirka
ugu horeeya ee ay yeeshaan baarlamaanka KMG ee soomaaliya. [Wararka
kale ee arinta shirka ku saabsan warbixinada hoose]
Wasiirka Arrimaha dibada
jabuuti oo maanta soo gaaray madasha shirka.
Dhinaca kale waxaa madasha shirka soo
gaaray maanta wasiirka arrimaha dibada ee Dowlada Jabuuti Cali Cabdi
Faarax kana mid ah wasiirada arrimaha dibada ee urur goboleedka IGAD.
waxaa la filayaa wasiirada kale in ay dhawaan soo gaaraan shirka si ay
dhaarta baarlamaanka iyo saxiixaba goob joog uga noqdaan.
Kulankan wasiirada ay la yeelanayaan
baarlamaanka kadib dhaarta ayaa la filayaa in uu dhaco 23 bishan warar
dheeraad ah ayaa sheegaya in baarlamaanka cusub la dagin doono meel ka
baxsan goobaha shirarka si ay ugu helaan waqti qaabka loo maarayn karo
in soomaaliya ay uga howl gasho dowladda ay dhisayaan ka did doorashada
madaxweynaha somaliya ay yeelan doonto shanta sano ee socota.
Iyadoo dhinaca kalena ay soo gaareen
magaalada Nairobi wafdigii xaqiiqa raadinta ahaa oo meelo ka mid ah
somaliya socodka ku marayayay si ay ugu kuurgalaan qaabka ciidamo loo
gayn karo somaliya iyo sidii ay u heli lahayeen dad ku gacan qabta
ciidamadaas howlgaladoodaas si ay ugu fududaato hub ka dhigitooda ayaa
la fialayaa in kulamo la yeeshan wasiirada IGAD iyo deeq bixiyayaasha
waxyaabihii ay kala soo kulmeen safaradoodi.
Canab maxa'ud Cabdulle.
Somalitalk.com | Nairobi, Kenya
canabmumtaz@yahoo.com
<><><>
Warbixinadii
Abdikarim Aden
Hussein
Somalitalk.com | Nairobi, Kenya
Dhaarinta
Xildhibanaha Barlamaanka Soomaalida ee
Shirka Nabada oo markale la filayo in dib
loo dhigo 24-Agosto ........
Shirka Nabada
Soomaalida ee ka socda dalka Kenya muddo
23-bilood ah ayaa maraya wajigii ugu
danbeeyey ee dhisida Baarlamaan KMG iyo
Dawlada KMG ah Muddo 5-sanno ah lagu waddo
in lagu dhaqo Soomaaliya oo 14-kii sanno ee
ugu danbeeyey aan yeelan dawlada ama maamul
la isu wada raacsan yahay marka laga reebo
maamullo Goboleed oo xitaa iyaga dood daba
taagan tahay.
19kii-bishan
ayaa lagu waday in la dhaariyo
275-xildhibaan oo ka socda Beelaha
Soomaalida oo wax ku qaysadey qaabka 4.5 ee
qabiilada soomaalida sida lagu qorey
qoraalka
Buuga Axdiga iyo Dastuurka
ee shirka
nabada Soomaalida kuna heshiiyeey beelaha
soomaalida ee ka qaybgalaya shirka Nabada
soomaalida ee ka socda Mbagathi.
Maalmaham
ayaa madasaha shirka iyo magaalada Nairobi
hotelada ay degan yihiin ergada Soomaalida looga
doodayaa shaqsiyaadka beeshu u dooraneyso
in ay uga mid noqoto baarlamaanka. si
kastaba ha ahaatee Igad iyo Beesha caalamaka
ayaa waxaa loo wada gudbiyey min laba liis ee
magacyada xildhibaanada, IGAD ayaa ciddina
wali liis ku celin oo siyaasigii keena ama
odey dhaqameedkii keenaa liis ka qabata,
waxay Igad walaac iyo wareer ka muujineysaa
liiska saxda ee beesha leedahay kuna
qanacsan tahay.
Hogaamiyayaasha Siyaasada ee shirka nabada
ayaa Awooda 1-aad iska leh halka Odoyaasha
dhaqanku ansixinayaan ama kala talinayaan
hogaamiyayaasha liiska ay soo qoraan.
Haddaba waxaa jira khilaaf ka taagan labada
hogaamiye ee siyaasada iyo dhaqanka
beeshaasi oo ayan isu aragti ka aheyn shaqsiyaadka
beesha u dooraneyso kuraasta baarlaamka
beesha qayb u heshay. khilaafkan ayaa ah
sababta dib u dhigista dhaarinta xubnaha
baarlamaanka ee shirka nabada Soomaalida.
Waxaa kaloo
jira siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo
iyagu aan ku jirin laba-labada liis oo
iyagana ku doodaya waxaan nahay ergada
rasmiga aheyd ee shirka Nabada Joogay tan
iyo 15-kii bisha
October
2002 ,oo ka mid ahaa 6-dii guddi
oo qortey buugaagtii wajiga 2-aad ee shirka.
Berrito ayaa la filayaa in ay magaalada
Nairobi ku kulmaan golaha Wasiirada ee urur
goboleed IGAD,ka dibna lagu hordhaariyo
xubnaha baarlamaanka ee hadda diyaarka ah ,waloow
ilaa iyo maanta IGAD loo gudbiyey tirada
gaareysa ilaa 235-xildhibaan. Beesha aan
wali soo gudbin magacyada xidhibaandooda
ayaa ah beesha Mareexaan oo kaliya .
Dhinaca
kale xubnaha la soo gudbiyey magacyadooda
ayaan ku jiran wax haween ah, marka laga
reebo kuwo fara ku tiris ah oo beeshaasi
markii horeba hogaamiye siyaasadeed u ahaa.
Warar ku
dhaw dhaw IGAD oo laga soo xigtay ilo lagu
kalsoon yahay ayaa sheegaya in wasiirada
IGAD marka ay Nairobi ku kulmaan berrito (Agoosto
21, 2004), ay sheegi doonaan maalinta
dhaarta xildhibaanda oo la filayo in laga dhigi
doonaan 24-Agosto,04.
Shaxda
Kuraasta Xildhibaanada ee Beesha Harti
Daarood.
Guuda ahaan
:- 27- Xidhibaan.
Majeerteen
--------- 12 - Xildhibaan.
Dhulbahante ---------- 8 - Xidhibaan.
Warsangali ----------- 5 - Xildhibaan.
Nuux Maxamuud ------ 1 -Xidhibaan.
Nuux Saleymaan ------ 1- Xidhibaan.
Majeerteen
Guud ahaan 12-Xidhibaan waxay u qaybsadeen
sidan:-
Cumar maxamuuud - 2- Xildhibaan.
Cismaan Maxamuud - 2- Xidhibaan.
Ciise Maxamuud - 2- Xildhibaan.
Dashiishe -2- Xidhibaan.
Sawaaqroon -1- Xidhibaan.
Cabdiraxiin Saleymaan -1-Xildhibaan.
Cali Saleymaan -1-Xidhibaan.
Beciidyahan -1- Xildhibaan.
----------------------
12-Xidhibaan
Eeg: warqad loo
gudbiyey IGAD oo saxiixan
Beesha Saruur
:-Daawada Hadey Bukooto Maxaa lagu daweeyaa.....
Caasha
Xaaji Cilmi Xildhibaan saruur leeyahay
faraha hakala Baxdo , Walaasheen beesheeda
ha u doonato Kursi.
Qoraal ay u
qeybiyeen saxaafadada Gudaha iyo Dibada ayaa
Beesha Saruur ku cadeeyey 3-xil dhibaan ee
qayb ahaan uga soo aadey qaybta guud ee
Habar gidir ee 12-xildhibaan in hal
xildhibaad beesha Saruur basar iyo xeelada
ay ku qaadatey Caasha Xaaji Cilmi oo ka mid
ah Guddoomiyaaha guddiga Khilaafaad ee Beel
weynta hawiye,iyadoo ku andacooneysa in
xubinta gabarta ee beesha habar gidir laga
qaadayo beesha saruur iyadana qaadaneyso.
Qoraalka
beesha saruur oo la soo koobey ayaa u qornaa
sidan:-
Anagoo ah
Beesha Saruur ee ka mida ah Beelaha habar
gidir ee ka qayb galaya shirka Nabada ayaa
halkan waxaan idinku soo gudbineyna Qaybta
guud ahaan habar gidir heshay iyo sida ay u
qaybsadeen:-
1-Sacad---------- 3- Xildhibaan.
2-Saleebaan ----- 3- Xildhibaan.
3-cayr -----3- Xildhibaan.
4- Saruur ------3- Xildhibaan.
Qaybta kor ku
xusan waxaa ansixiyey dhamaan odoyaasha
dhaqan ,waxaana saxiixay hogaamiyayaasha
siyaasada ee Habr Gidir.
Waxaa warqada
qaybtaasi ku qoran tahay loo gudbiyey Igad
iyo safiirada dawlaha safka hore,intaasi waa
faahfaahinta guud ee habar gidir wax u
qaybsatey.
Ka dib maxaa
dhacey !!!!!!!!!!!!!
Caasha xaaji
cilmi waa gabar Saleebaan ah kamid ah
Guddiga khilaafaadka beesha habar gidir ,waxayna
tahay gudoomiyaha khilaafaadka hawiye si ay
u qayb qaadato dhameynta khilaafaadka guud
ahaan beesha hawiye gaar ahaan habar gidir.
Hadaba hadii
ay daawada bukootay maxaa lagu daweeyaa
!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Walaasheen
Caasha iyadoo adeegsaneyseysa saameynta ay
ku leedahay Guddiga IGAD iyo ka khilaafaadka
beesha hawiye,isla markaana sabab ka
dhigeysa in gabar laga rabo habar gidir ay
go'aansatey in kursigii ay ka weyday
jufadeeda ay xeelad iyo basar uga dhacdo
Beesha Saruur.
Hadaba
waxaan ogeysiineynaa dhamaan hogaamiyayaasha
dhaqan ,Siyaasadda, Ergada beeslaha Hawiye ,
Guud ahaan beelaha Soomaliya ee ka
qaybqaadanayo shirka Nabada ,Dhamaan Xubnaha
IGAD iyo Wakiilada Beesha Caalamka in la
digtoonaado,lagana Fogaado faragalinta
3-Muddane Baarlamaan ee Beesha Saruur oo ay
qaybteeda iyo maamulkeeda xaq u leedahay
Beesha Saruur.
dhamaad.
Qoraalka ayaa
waxaa ku saxiixnaa
Guddiga Beesha
Saruur ee shirka Nabada.
Waxaana lagala xiriiri karaa ergada Beesha
Saruur ee shirka Nabda.
Dhamaad .
Abdikarim Aden
Hussein.
Xubnaha la rabo in qabaa'ilada
Soomaaliyed qaybsadaan waa 275
xubnood kuwaas oo afar beelood
middiiba loo qoondeeyey 61, halka
beesha loo bixiyey 'NUS' loo
qorsheeyey 31 xubnood. Waxaana jira
warar sheegaya in ila hadda la soo
gudbiyey magacyada 110 xubnood ayna
dhiman yihiin in la soo gudbiyo
165-ka haray.
Waxay
ahayd horraantii bishan Agoosto
markii dhaarinta xubnaha
barlaamaanka dib loogudhigay
Agoosto 19keeda, waxaa taas ka
horeysey in bishii hore ee July 19keedii
ay IGAD sheegeen in xubnaha
baarlamaanka la dhamaystiri doono
doono 30kii July , oo markaas la
dhaarin doono, waxaase taas dib
loogu dhigay Agoosto 4, dabcan
taasina ma qabsoomin.
Marka la dhaariyo xubnaha
baarlamaanka, waxa ay xubnahaasi soo
dooran doonaan madaxweynaha
kumeel-gaarka ah oo la qorsheeyey in
uu dalka maamulo muddo shan sano ah
oo dalka lagu gaarsiinayo doorsho
lagu soo doorto madaxweyne rasmi ah.
Eeg sidii ay xubnihii baarlamaankii
Carta u doorteen C/Qaasim iyo sidii
la isu reebreebay.
Shirkan hadda socda waxaa isku soo
agaasimey IGAD oo ka kooban dalalka
Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya,
Sudan & Uganda, waxaana uu markii
hore (October
2002) ka bilowday magaalada
Eldoret, kaddibna bishii Febraayo ee
2003 ayaa loo soo raray Mbagathi,
Nairobi oo uu hadda kasii socdo -
ilaa muddo aan la aqoon waayo labo
sano ayaa waxaa uga dhiman labo
bilood. (Soomaaliya waxay xubin ka
tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu
ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay
markale dawlad noqoto).
|
|