SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 


Dhaartii Baarlamaanka oo Dib u Dhac ku yimid
  • Waxaa mar kale dib loo dhigay ilaa Agoosto 21keeda.
Waxaa diyaarisay Canab Mumtaz.
 
 
Waxaa si wayn loo wada sugayay in maalinta khamiista ah la dhaariyo xubnaha baarlamaanka oo marar badan horay u baaqday sababo la xiriira khilaafka beelaha oo wali aan soo afjarmin awgiis.
 
War ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee guddiga fuddeybta IGAD maanta ayaa lagu sheegay in dhaarta baarlamaanka ee mudadaas loo qabtay aysan qabsoomi qarin sababo jira awgood.
 
Sababahaas oo ay ka mid yihiin in wali aan la helin tirada baarlamaanka oo dhamaystiran isla markaana uu wali taagan yahay khilaafkii beelaha qaar ka dhex jiray iyo cabashooyinka oo soo badanaya ayaa keentay in dhaarta baarlamaanka uu dib dhacan ku yimaado.
 
Dhaarta baarlamaanka oo ay ka soo qaybgalayaan wasiirada arrimaha dibada ee urur goboleedka IGAD ayaa la qaban doonaa 21 ka bishan ilaa 22 ka iyadoo waqti la siinayo beelaha dhiman sidii ay u soo gudbin lahaayeen xubnaha ka maqan ee uga qayb galaya baarlamaanka.
 

suldaan hurre

MAALINTII XUSUUSTA - SULDAAN HURRE & GEESIYADII KALE

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa si wayn uga cabanaya eedaymo ka soo kala gaaraya beelaha qaarkood maalin walba iyagoo ka cabanaya in si qaldan wax loo qaybiyay ilaa hadana ay hayaan liisas kala duwan oo is khilaafsan taasna ay tahay dhibaatada ugu wayn ee ku ah caqabada adag howlaha guddiga xalinta khilaafaadka iyo dhisida baarlamaankaba.
 
Hogaamiyayaasha siyaasada iyo madaxda dhaqanka ayaa iyagana waxaa ka jira khilaaf ka dhashay soo xulida baarlamaanka iyadoo siyaasiyiintu ay rabaan in ay la wareegaan awooda qaybinta baarlamaanka waana arrimaha kale ee dib u dhigay soo gudbinta baarlamaanka.
 
Danjiraha dowlada kenya u qaabislan arrimaha soomaaliya Mr.affey ayaa dhawaan sheegay in hayaan liis ku filan oo ka qayb gali kara kulanka ugu horeeya ee ay yeelanayaan baarlamaanka hadii ay dhacdo in lagu soo gudbin waayo balanta ugu dambaysa ee loo qabto beelaha.
 
Ergada ku sugan madasha shirka oo kor u dhaafaya 500 ilaa 600 iyo kuwo kale oo meelo kala duwan ka yimid ayaa mid walba waxa uu dadaaal ugu jiraa sidii uga mid noqon lahaa xubnaha baarlamaanka. Mid ka mid ah ergadii ku sugnayd mudada uu bilowday shirka illaa hadda ayaa ii sheegay in ay xaq u leeyihiin dadkii waqtiga badan ku lumiyay shirkan.
 
Eragada ku sugan madasha shirka iyo kuwa dagan hotelada ayaa soo maray marxalado kala duwan qaarkood waxaa laga xiray raashinkii iyo jiifkii halka qaar kale ay dhib badan u muteen sidii ay ku heli lahaayeen liiska erganimo oo muddo ku qaatay qaar kale waxay ku waayeen naftooda intii ay ku sugnaayeen goobaha shirarka.

Xubnaha la rabo in qabaa'ilada Soomaaliyed qaybsadaan waa 275 xubnood kuwaas oo afar beelood middiiba loo qoondeeyey 61, halka beesha loo bixiyey 'NUS' loo qorsheeyey 31 xubnood. Waxaana jira warar sheegaya in ila hadda la soo gudbiyey magacyada 110 xubnood ayna dhiman yihiin in la soo gudbiyo 165-ka haray.

Waxay ahayd horraantii bishan Agoosto markii dhaarinta xubnaha barlaamaanka dib loogudhigay Agoosto 19keeda, waxaa taas ka horeysey in bishii hore ee July 19keedii ay IGAD sheegeen in xubnaha baarlamaanka la dhamaystiri doono doono 30kii July , oo markaas la dhaarin doono, waxaase taas dib loogu dhigay Agoosto 4, dabcan taasina ma qabsoomin.

Marka la dhaariyo xubnaha baarlamaanka, waxa ay xubnahaasi soo dooran doonaan madaxweynaha kumeel-gaarka ah oo la qorsheeyey in uu dalka maamulo muddo shan sano ah oo dalka lagu gaarsiinayo doorsho lagu soo doorto madaxweyne rasmi ah. Eeg sidii ay xubnihii baarlamaankii Carta u doorteen C/Qaasim iyo sidii la isu reebreebay.

Shirkan hadda socda waxaa isku soo agaasimey IGAD oo ka kooban dalalka Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Sudan & Uganda, waxaana uu markii hore (October 2002) ka bilowday magaalada Eldoret, kaddibna bishii Febraayo ee 2003 ayaa loo soo raray Mbagathi, Nairobi oo uu hadda kasii socdo - ilaa muddo aan la aqoon waayo labo sano ayaa waxaa uga dhiman labo bilood. (Soomaaliya waxay xubin ka tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay markale dawlad noqoto).

 canabmumtaz@yahoo.com 

 Faafin: SomaliTalk.com | August 17, 2004


Soomaalida Holland iyo cunista Qaadka
Warbixintii Maxamed Xaaji... Guji Aug 17

MAGACYADA XILDHIBAANADA BEELAHA ISAAQ OO DHAMAYSTIRAN
liiska magacyada xildhibaanada beelaha Isaaq ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa... Guji... Aug 17

Gudoomiyaha JWXO iyo wafti uu hogaaminyo oo booqasho ku tagay  K/Afrika
iyo Sanad guurada 20aad ee ka soo wareegtay aas aaskii JWXO... ka akhri wararkii Ogaadeenya Aug 17

Soomaalida Holland iyo cunista Qaadka
Warbixintii Maxamed Xaaji... Guji Aug 17

WAX QAYBSIGII HARTI OO LA ISKU MARI LA YAHAY
Nairobi:: Waxay arrintu cirka isku sii shareertay markii ay Isimadii iyo hogaamiyaashii siyaasaduna tiraba. Guji... Aug 16

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD