SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

 


WARARKA MAANTA:: August 5, 2004
  • WARARKII UGU DAMBEEYAY SHIRKA DIB U HESHIISIINTA …
  • C/LAAHI YUUSUF OO XALAY LOO GUDBIYAY WARQAD QORAAL AH…
  • BEESHA SARUUR OO SHEEGTAY IN AYSAN  MAGACYO LOO GUDBIYEY GUDIGA FUDUDEYNTA …
  • Maleeshiyooyinka Max’ed Qanyare iyo Indho-cadde oo ku dagaalamey agagaarka jidka warshadaha..
  • MAXKAMDA IFKA XALANE OO BAABI’ISAY DACWAD LIDI KU AHAYD SADDEX HAWEEN AH…
  • CARWADII LABAAD EE SIMAD OO  FURANTAY…

WARARKII UGU DAMBEEYAY SHIRKA DIB U HESHIISIINTA …

Waxaa wali madasha shirka dib u heshiisiinta ee Mbagathi ka socda shirkii dib u heshiisiinta waxaana haatan uu galay marxalad adag oo la dhihi karo waa marxaladihii ugu adkaa ee uu soo maro shirka tan iyo markii uu bilowday gaar ahaan sanadkii 2002-dii bishii October, waxaana taasi keenay markii ergooyinka ka qaybgalaya shirka ay go’aansadeen in wax lagu qaybsado qaab qabiil.

Xafiiiska gudiga fududaynta ee shirka dib u heshiisiinta waxaa malin walba la keenaa liis cusub oo la sheegay inay soo gudbinayaan beelaha Soomaaliyeed taasoo ay ku wareereen gudiga fududaynta, shalay ayaa la filayay in xubnaha baarlamaanka lagu hor dhaariyo wasiirada arimaha dibada ee IGAD hase yeeshee taasi ma qabsoomin kaddib markii la waayay xubnaha baarlamaanka ee rasmiga ah ee ka qayb galaya shirka, inkastoo wali uu socdo shirka wasiirada arimaha dibada ee IGAD ayaa hadana mas’uul ka tirsan IGAD waxa uu sheegay in rajo wanaagsan laga (qabo) in maalmaha soo socdo uu buuxsamo fooramkii uu ku ansixmi laha kalfadhiga koowaad ee golaha Baarlamaanka, hase yeeshee siyaasiyiinta soomaaliyeed waxay sheegeen in dhowr maalmood ay suurto gal tahay in uu dib u dhac ku yimaado kalfadhigaasi, waxayna sheegeen in jufooyinka beelaha Soomaaliyeed ay isku haystaan labo labo, iyadoo ergooyinkii ka socday Puntland oo uu horkacayo C/laahi Yuusuf ay warqad qoraal ah u gudbiyeen gudiga fududaynta ayay waxay ku dalbadeen inay la tashi u aadaan magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland kaddib markii shir ay shalay yeesheen golaha wasiirada ee maamulkaasi ay sheegeen in loo baahan yahay in ergada Puntland ay ku soo laabato magaalda Garoowe, shirka wasiirada arimaha dibada ee IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in maanta la dhaarin doono wixii xubno baarlamaan ah oo ay soo xusheen beelaha Soomaaliyeed.

Saaka ayaa wasiirada IGAD waxay kulumo gooni gooni ah la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta  beelaha soomaaliyeed waxay kulumadooda kaga arrin sadeen sidii beelaha u soo magacaaban lahaayeen xubnaha baarlamaanka

 C/LAAHI YUUSUF OO XALAY LOO GUDBIYAY WARQAD QORAAL AH…

Warar xalay aan helnay waxay sheegayaan in wasiirada arimaha dibada ay warqad qoraal ah u gudbiyeen C/laahi Yuusuf Axmed oo ay ugu sheegayaan inuusan ka bixi karin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaa lagu yiri “shirka wuxuu marayaa meel xasaasi ah loomana baahna waqtigaan in laga baxo shirka”.

C/laahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu hal maalin ka maqnaan doono shirka dib u heshiisiinta si wada tashi ula soo sameeyo golihiisa wasiirada.

Dhawaan ayaa C/laahi Yusuf waxa uu damcay in uu ka baxo shirka hase yeeshee waxaa is hortaagay gudiga fududaynta, balse murun dheer kaddib waxaa la go’aamiyay in C/laahi Yuusuf uu u ambabaxo maamul goboleedka Puntland.

Maalmahaan digniinaha ay soo saarayaan wadamada IGAD ayay u daran yihiin waxay dhawaan isku raaceen in cunaqabateen la saaro hogaa-miye kooxeedka Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) iyadoo shalay shirka ay shalay lahaayeen wasiirada arimaha dibada ee IGAD ay soo dhaweeyeen cuna qabatayntii lagu soo rogay Gen. Ma’ed Saciid Xirsi Moorgan, dhawaan ayaa hay’ada Amnesty ayaa waxa ay sheegtay in loo baahanyahay in maxkamad la soo taago shaqsiyaadkii xadgudubyada ka gaystay dalka Somalia.

BEESHA SARUUR OO SHEEGTAY IN AYSAN  MAGACYO LOO GUDBIYEY GUDIGA FUDUDEYNTA …

Qoraal ay na soo gaarsiiyeen waxgaradka culumaa’udiinka, nabaddoonada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada ee beesha Saruur ayaa lagu sheegay in aysan jirin warar ay shalay faafiyeen Saxaafada oo ahaa in beesha Saruur ay gudbisay xubnaheeda Baarlam-aanka. “wali waxaa beesha Saruur u socda wada tashi iyo kulamo oo ay uga tashanayaan cida loo magacaabi doono saddexda xubnood ee beesha Saruur uga soo aaday xubnaha Baarlamaanka” ayay ku yiraahd-een qoraalkooda, waxay intaa raaciyeen “Beesha Habargidir hal haween ah ayaa laga doonayaa oo ka mid noqota xubnaha baarlamaanka waxaa talo ku soo jeedinaynaa in beesha ay u qori tuurato xubintaas ama beesha ay ka dhalatay gabadhaas waa in ay u qoondeeyaan xubintooda baarlamaanka”.

Beesha Saruur oo kaliya ma aha beelaha uu wada tashiga u socdo ee waxaa ka mid ah beesha Cayr iyo Sulaymaan oo la sheegay in aysan weli gudbin xubnahooda baarlamaanka

Maleeshiyooyinka Max’ed Qanyare iyo Indho-cadde oo ku dagaalamey agagaarka jidka warshadaha..

Maleeshiyooyin kala taageersan Maxamed Qanyare Afrax iyo Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde) ayaa xalay dagaal culus ku dhex maray duleedka Jidka Warshadaha, waxaana dagaalkan la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, iyadoo illaa iyo haatanna aan la faah-faahin sababihii uu ku billowday dagaalkan oo la sheegay in dhowr qof ay waxyeello ku soo gaartay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ibraahim Shaaweeye ayaa la sheegay in uu xalay oo dhan kula dhex jirey dhex-dhexaadin maleeshiyooyinka dagaallamaya, waxaana uu ku guuleystey in xabadda la joojiyo, xalay ayaana la arkayay dadweyne fara badan oo ka qaxaya deegaannadaasi, iyadoo ciidammada Maxkamaduhuna ay dhinacooda dadaal ka wadeen.

MAXKAMDA IFKA XALANE OO BAABI’ISAY …

Warqad qoraal ah oo ay na soo gaarsiisay maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka Xalane lagu cadeeyay in la baabi’iyay dacwad lidi ku ahayd saddex haween ah oo walaalo ah oo lagu kala magacaabo Madiino Abuukar Axmed, Caasha Abuukar Axmed iyo Saynab Abuukar Axmed, waxayna maxkamadu sheegtay in dacwadaan ay ka timid wakiilka Sh.Axmed Sadiiq oo ku beegnayd taariikhdu markay ahayd 27-07-2004-ta, waxayna maxkamdu sheegtay in dacwadaas ay tahay mid been abuur ah oo waqtigaas lagu faafiyay warbaahinta.

“hadii aan nahay maxkamda islaamiga Ifka Xalane waxaan cadeyneynaa in aysan jirin dacwadaasi isla markaana ay tahay qalad naga dhacay waxaana si walaaltinimo leh uga raali galinaynaa dadkii dacwadaasi loo haystay waana mid aan loo noqon doonin” ayaa lagu yiri qoraalkaasi oo ku saxiixnaa garsoore Sh.Ma’ed Macali Xuseen (Qayliye)

CARWADII LABAAD EE SIMAD OO  FURANTAY…


GUJI HALKAN......

Saaka  ayaa  Machadka SIMAD  ka furantay carwadii labaad ee SIMAD waxaana ka qaybgalay sodon iyo shan shirkadood kuwaasoo saaka  ku  soo bandhigeen waxyaabaha ay ka ganacsadaan. Guud ahaan shirkadaha ayaa loo dhamaystiray waxyaabihii ay u baahnaayeen iyadoo carwadaani ay ku timid dalab ka yimid bulshada Soomaaliyeed, waxaana la filayaa  saaka ka soo qaybgalay dadwayne ku nool gobolka Banaadir iyo hareerihiisa, waxyaabaha lagu soo bandhigiay ayaa noqon doona kuwo qiimahooda aad u jaban yahay sidoo kale waxaa jiri doono qaybo dhinaca madadaalada ah iyo weliba qaybo loogu tala galay soo dhawaynta dadweynaha u soo daawasho tagaya oo u badnaan doona baarar waawayn oo dadka wax ka cuni karaan.

Carwadaan ayaa  ujeedada loo qabanayo ay tahay iyadoo la doonayo in bulshada caalamka la tuso in Somalia ay weli nooshahay oo ay iskeed wax u qabsan karto gaar ahaan dhinaca ganacsiga

Waxaa furay gudoomiyaha Machadka Simad Xasan Shiikh oo isagu u mahad celiyey intii soo qabanqaabisay, waxaayaabihii ugu yaabka badnaa ee la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa Maro kaneecooyin ay farsameeyeen cuuryaamiintii ku waxyeelowdey dagaalkii 77 ee Itoobiya  iyo Soomaaliya waxaa markiiba shan  boqol oo xabo ka iibsadey Hayadda Mulimiinta Ifriiqiya

SPORTS: Wafdi iyo ciyaartooy Soomaaliyeed oo u  ambabaxay  Athens, Gariiga

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Bosaso: Maxay tahay Xaqiiqda Dhabta ah ee ka danbaysay Xariga 2da nin ee kongaliiska ah ?

Faafin: SomaliTalk.com | August 5, 2004


WARARKII AGOOSTO 4
»Nairobi: Kulankii 9aad ee W/Arimaha Dibada IGAD oo Furmay
»
Nairobi: Magcaabid Xildhibaanada Beesha cali Salebaan
»Suudaan: Dibadbax Ka Dhacay Khartuum
»Qardho: Siminaar Aqoon kororsi oo loo xiray 200 oo arday
»Holland: Ciyaaraha Soomaalida Yurub oo ku soo gaba gaboobay
»Kenya: Agabgurashada Ardeyda Jaamacadaaha Kenya..
Dhammaan ka akhri halkan...Guji

WARARKII AGOOSTO 3:::
»Seminaaro ku saabsan dacwada oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo 
»Wadankee ugu nolol wanaagsan aduunka?
»
Dagaallo gobolka Doollo ku dhexmaray shacab reer Ogaadeenya ah
Dhammaan ka akhri halkan...

WARARKII AGOOSTO 2:::
»CIRAAQ: Ninkii Soomaaliyeed ee Lagu Heystay Ciraaq oo lasiidaynayo
»
NAIROBI:: Bootaan Barre: Kablalax waa shan Beelood
»CANADA:  Beesha Nuux Max'ud  oo Ka jawaabtey Qoraalkii Tooxow
Dhammaan ka akhri halkan....

WARARKII AGOOSTO 1:::
»HARGEYSA:: Wariye Abdiaziz Ahmed oo ka Dagey Hargeysa
»
GEDO:: Warsaxaafadeed: Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gedo
»MUQDISHO:: Dibadbax lagu xusay geeridii caydiid oo ...
»MORGAN cunaqabataynta halaga qaado, waa dadaalka ay..
»
NAIROBI::  Harti, Absame iyo Dir oo Qaadici doona Shirka haddii..
»IGAD:: Waa in 2da-Agoosto  lasoo gudbiyo magacyada xubnaha...
»NAIROBI: Beesha Cabdi Koombe oo Baaq Kale u Dirtay IGAD
iyo Warar kale oo Goos Goos ah....

WARARKII JULY 31:::
»Ciraaqiyiinta Jooga Soomaaliya oo Loogu Hanjabay qoor gooyo..
»C/Qaasim oo reer Ciraaq ka codsaday in ay siidaayaan Soomaaliga..
»Beeralayda Deegaanka Garoowe oo loo Qaybiyay 24 Matoor.
»Shirkii  Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD oo dib loodhigay
»Diidmada Culumada Soomaaliyeed ee Shirka Kenya
iyo Warar kale oo Goos Goos ah.... July 31

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD