SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OGAADEENYA

 


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay 

  • Wadanka Ogadeniya oo la sheegay in ay abaari ku soo food leedahay.
  • Qaraxyo ka dhacay magaalada Addis Ababa.
  • Xasuuqii Gambela oo warbaahinta caalamku soo qaadatay
  • Bannaanbaxyo Suudaan ka dhacay oo faragelinta shisheeye lagu diiddan yahay
  • Barnaamujkii Aragtida halgamaaga iyo suugaan halgameed.

Wadanka Ogadeniya oo la sheegay in ay abaari ku soo food leedahay. 


GUJI HAALKAN...

Warbixin uu soo saaray todobaadkii hore Isku duwaha xafiiska arimaha aadamiga ee qaramada midoobay ee loo yaqaano the United Nations Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Ayuu warbixintaas ku sheegay in ay Ogadeniya abaari ku sood food leedahay.

 Warbixintu waxay intaas raacisay in uusan ka da’in 14 dagmo oo ka tirsan degaanka Ogadeniya sanadkan roobkii la filayay in uu ka da’o, taas oo keentay in ay biyaha iyo baadkuba yaraadaan.  Warbixnitan ayaa waxay cadaysay in ay dad dhan 1,3 Malyan (Hal malyan iyo sadex boqol oo kun ) oo qofi ay raashin dag dag ah u baahan yihiin.  

Haya’do kale oo inyana arimhaas warbixino ka soo saaray ayaa waxay cadeeyeen in ay aritani khatar tahay haddii aan laga hor tagin inta ay goori goor tahay. Waxa kale oo ay warbixintu intaa ku dartay in durba laga daremay Ogadeniya roobkaas gu’ga ee aan sida fiican u di’in oo ay xoolihii ka qaxeen meelihii uu roobku aadka ugu yaraa, iyadoo meelaha qaarkoodna ay ka jirto biyo la’aan.  

Dawlada Itoobiya ayaa sidii lagu yaqaanayba dawarsigeedii bilawday oo caalamka ugu baaqday in lala soo gaadho raashin dhan 16000 oo metric ton si ay u quutaan abaarahana ugaga baxaan dad dhan 7,1 Malyan oo qof ay abaari ku soo foodleedahay.

Dawlada Itoobiya ayaa abaaraha ka dhaca Ogadeniya  u isticmaasha siyaasad, si ay caalamaka uga dawarsato, kuna fushato siyaasadaheeda foosha xun.  

Qaraxyo ka dhacy magaalda Addis Ababa.  

Warar aanu ka soo xiganay wargayska The Reporter oo ka soo baxa magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya in ay laba qarax oo waawayn  ka dhaceen magaaladaasi Jimcihii la soo dhaafay ee ay taariikhdu ku beegnayd 30 July.  

Sargaal ka tirsan saldhiga Booliska ee 14aad oo aan rabin in magaciisa la sheego ayaa yidhi; ”Arintan waxay halis wayn ku haysaa nabadgalyda guud ee wadanka”  Warku waxa uu intaa raaciyay in aan wali la ogaanin khasaaraha halkaas ka dhacay inta uu la’egyahay iyo cida qaraxaas ka danbaysayba.  

Nabadgelyada magaalada Addis Ababa ayaa beryihii dambe oo dhan ka sii daraysay, iyadoo dad badani ay walwal ka qabaan ciidammada sida xad-dhaafka ah magaalada u dhex sabbaynaya oo calaamad u ah nabadgelyo xumada ka aloosan xarunta taliska xilligiisii dhammaaday ee Zenawi madaxda ka yahay, oo hadda wax walba u huraya sidii uu kursigiisa u ilaashan lahaa. 

Xasuuqii Gambela oo warbaahinta caalamku soo qaadatay. 

Reedhiyoow laga baahiyo gobolka Minnesota ee cariga Maraykanka,lagu magacaabo Minnesota Public Radio, ayaa dhawaan faallo dheer ka diyaariyay xasuuqii ay ciidammada gumaysiga Itoobiya u gaysteen dadwaynaha ku dhaqan gobolka Gambella, wuxuuna Raadyuhu tilmaamay in dunidu ay xilligan la joogo ku mashquulsan tahay dhibaatada ka dhalan karta xasuuqa ka dhacaya gobolka Darfur ee dalka Suudaan, balse ay jirto dhibaato kale oo middaas la mid ah oo ka dhalatay xasuuqii ka dhacay gobolka Gambella ee koonfurta Itoobiya. 

Raadyuhu wuxuu sheegay in koox ka mid ah dadka qoxootinimada u yimid gobolka Minnesota ay u halgamayaan sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahaayeen xasuuqa ay Itoobiya ka gaysatay gobolka Gambella, kaasoo lagu xasuuqay qiyaastii 100,000 oo qof oo u dhashay qabiilka Anuak. Dadkan, oo markoodii hore ka soo qaxay gobolka Gambella, una dhashay qabiilka Anuak, waxay ka walwalayaan nabadgelyada waalidiintood, qaraabadood iyo saaxiibadooda wali ku denbeeya dalka Itoobiya,  kuwaasoo ciidamada Itoobiya ay si nidaamsan u xasuuqayaan. 

Raadyuhu wuxuu intaas raaciyay in qabiilka Anuak uu rumaysan yahay in xukuumadda Adis-ababa ay isku dayayso inay degaankooda ka caydhiso, isla markaana ay arrintaas digniin uga dhigto kooxaha kale ee dagaalka kula jira xukuumadda Itoobiya. 

Bannaanbaxyo Suudaan ka dhacay oo faragelinta shisheeye lagu diiddan yahay. 

Dad kumayaal gaadhaya oo reer suudaan ah ayaa maalintii arbacada ahayd bannaanbax wayn ku sameeyay magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan, kuwaasoo sheegay inay diiddan yihiin faragelinta shisheeye ee lagu samaynayo dhibaatada ka oogan gobolka Darfur ee galbeedka dalka Suudaan. 

Bannaanbaxan, oo si nabadgelyo ah ku dhamaaday, waxaa soo abaabulay Urur u dhaqdhaqaaqa difaaca qaranimada Suudaan, ururro ganacsi, ururrada ardayda iyo ururrada diinta, waxayna socod ku mareen badhtamaha magaalada Khartuum, iyagoo markii denbe isugu tegay xarunta Qaramada Midoobey, oo ay u gudbiyeen warqad cabsho ah.

Ilo u warramay Wakaalada Wararka Ogadenya ayaa sheegay in warqadan cabshada ah ee Qaramada Midoobey loo gudbiyay ay bannaanbaxayaashu ku codsadeen in sida ugu dhakhsaha badan hubka looga dhigo labada kooxood ee JEM iyo SLM ee ka soo horjeeda dawlada Suudaan ee kadagaallama gobolka Darfur. 

Bannaanbaxani wuxuu ku soo hagaagay maalmo yar ka dib markii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey soo saaray qaraar dawlada Suudaan ku qasbaya inay 30 maalmood gudohood hubka kaga dhigto malleeshiyada Janjaweed, oo Qaramada Midoobey ay ku eedaynayso inay dadwayne aad u badan ku xasuuqeen gobolka Darfur. 

06 Aug. 2004

C/Nuur Sh. Mohamed 
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh Radio Xorriyo

Faafin: SomaliTalk.com | August 6, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD