SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 


SHIRKA EMBIGATHI UMA DHAWA INUU GUULAYSANAAYO

Waa Dhambaal si gaar ah ugu socda Soomaaliya

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com
 
pop E-mail: diridhaba@myfastmail.com
 


GUJI HALKAN...

Waxaan ahay shakhsiga ama Muwaadinka Somalilanderka ah ee malaha ugu jecel inuu arko Soomaaliya oo nabad iyo xornimo ka bikaacday, Malaha waxaan ahay Shakhsi ka jecel kuwa embigathi jooga Walaalaha Soomaliya oo gacmaha isqabsada, seddex iyo tobanka gobol ee Soomaaliyana laga arko xornimo, wanaag, nabad, iyo caano ka bildhaama, Malaha waxaan ahay ka qalbigiisu kaga dareen badanyahay shacabka Soomaaliyeed ee lagu xasuuqaayo maalin iyo habeen muqdisho iyo magaalooyinka Soomaaliya ee ku xeeran ka Embigathi jooga ee u heelan inuu noqdo wasiir ama madaxweyne.

Akhriste!! akhriste!!! inyar isii dareenkaga guud, Ma shallay ayeynu joogna mise Maanta, Ma shacabka Soomaalida ayaan u ogayn sidaan tallow wax u dareensanahay mise "Cadan ayaa laga heesaya" Shallay waxaa si fiican aynu u ogayn sidii ay wax u dhaceen, waxaa la iskugu tagay xeebta waqooyi ee Jamhuuriyadda Jibouti, waxaa halkaa la is jilba dhigay muddo aad u dheer waxaana muddooyin badan naacawda bedda cas ee jamhuuriyadda Jibouti dhexdeeda la iskugu beer laxawsanaayey waxaynu ogayn halkay martay, Akhristow si fiican ma u xasuusata maalintii uu cabdiqaasim Salaad Xasan ka dagay magaalada Muqdisho, Mase xasuusata ilmadii ka da'aysay dumarkii ku soo uruuray shiraacii sida quruxda badan loogu sooryey Soomaalidii meesha isku timid, Ma xasuusata Madadaalooyinkii lagu baraarujinayey Ergo ku sheegii iskugu yimid Carta, Mase Xaruusataan Birma gaydada Soomaaliyeedey wixii hadallo iyo halku dhigyo ahaa ee kala lahjad ahaa (different somali accents) ee sida kala duwan looga soo tabinaayey goobtii uu shirkaasi ka socday, ma xasuusata dareenkii uu ka muuqday haykalka dawladeed (governmental characters) ee maalintii doorashada madaxtinimo ku sheega ay ku dhaqmayeen shantii nin ee saarna goobtii baratakoolka ee shirka magaalada Carta, akhristow aan idin yar celiyo eh waxaan arkaayey goor fiid ah aniga oo si dareen leh u daawanaaya/fiirinaaya televisionka laga soo tabinaayey shirkaasi ninkii gudoomayaha ka ahaa shirka oo si hufan ugu sheegaya cali khaliif galaydh inuu joojiyo dhaq dhaqaaqa "musharax cali khaliif jooji soc socodka haddii kale shirka waa laga saaraya" sidaasi ayuu ahaa hadalka aad ka dheehan kartid baratakoolka iyo kala danbayntu.

ma jeclayn inaan maskaxdiina ku celiyo afar sanno ka hor, laga yaabe inaad isweydiisaan maxaa u diiday qoraaga inuu wajaho mustaqbalka waa runtiin saaxiibayaal/akhristayaal, balse ma isweydiiseen Mar qudha Maxaa la seegay maalintaasi? akhristaha qiimaha mudanlow, Soomaaliga xalaashow Maxaa aad filayseen shirkaasi halkaa ka dhacay ka dib?.

Hadaba aan mustaqbalka diiradda saaro u jiheeyo qoraalkaygan kooban dulucdiisa iyo dareenkiisa u xanbaarsanyahay, Mid ayaan jecelahay in taariikhda la iigu daro.

1. Inta xaqiiqda la dafiraayo ee beenta la iskaga iibinaayo Embigathi Walle iyo bille inaan dawlad Soomaaliyeed dhisitaankeed loo dhawayn waxbana yaan umadda soomaaliyeed taasi lagu beer laxawsan.

2. Inta la dafiraayo jiritaanka iyo qaranimada iyo xornimada Walaalaha Somaliland walle dawladnimo,  naacaw iyo nabad gelyo ka fog Soomaaliya

3. Inta ay ka dhex muuqdaan danbilayaashii/Gacan ku dhiiglayaashii/xasuuqayaashii/danaystayaashii, Umaddaha Somaliland iyo Somalia ka gallay dunuubta Ilaahayban ku dhaarte ka durugsan Soomaliya dawladnimo iyo wanaag iyo sharaf.

4. Waxaan qaba Maanta waxa nairobi ka socda, wixii carta ka socday, kuwii ka horeeyey ee lagu qabtay cairo, addis ababa, iyo kuwa noocaasi oo kale ah oo mustaqbalka la qaban doonaaba inaanu najaxi doonin.

5. Inta Siyaasiga/qabqablaha ama kuwa la halmaala haba noqdo mutacalim maskaxdiisu tahay ku qabso ku qadi mayside uu yahay jago u carar aan jihaysnayn oo aan dhinac loogu soo hagaago la garanayn oo salka ku haya qabiil iyo qudhun waxaan ku kalsoonahay inaan Soomaaliya dawlad aanay yeelanayn.

Waar Nimanyahow ilaahayban idinku dhaarshaye ma ragga maanta dal shisheeye oo aan dalkoogii ahayn, lagu shirsiinaayo ee aan qodha iyo xero ka xishoonayn dawladn dalkooga ka jirta ee ku muransan, annaga oo daarood ah nalama siin waxaanu xaq u lahayn iyo annaga oo hawiya ah waanala quudhsiyey iyo annaga oo reer kale ah sidaasi ayaa naloo gallay ayey ayaad ilaahban idinku dhaarshe ka sugaysaan dawladnimo.

Hadaba Soomaaliga xalaashow waxaan doonaya inaan ku su'aalo dhawrkan su'aalood?

1. Adiga oo ah Hawiye/Daarood/Digil iyo midhifleh/ iyo dhammaan qabaa'ilka sharafta leh ee Soomaaliyeed intaan halkaa ku xariiqay iyo inta kalaba ayaad ilaahayban idinku dhaarshe ragga halkaa jooga (embigathi) u dhiibateen kalsoonidii iyo qaranimadii dhulkiina hooyo (Soomaaliya)?

2. Adiga oo ah Muwaadinka Soomaaliyeed Ma filaysa inuu rajo iyo dawladnimo kuu dheefi karo hogaamiye kooxeedkii shallay uun gumaadaayey adeerka/aabaha/hooyada/walaasha iyo ehelkaa ee aan u miidaan dayayn?

3. Ma kula tahay Jaahilkii shallay garan waayey macnaha xornimada iyo nabadda, macnaha iyo miisaanka dhiiga Soomalinimada ayaa maanta caqli kale ku yeelan doona Embigathi?

4. Ma kula tahay qab qablaha shallay garan waayey miisaanka dhulkiisa ee sabab u noqday in maatadida Soomaaliyeed ka qadaan masagada iyo burka laga beero Soomaliya inuu maanta garan karo qawaaniinta iyo dastuurka dal leeyahay?

5. Soomaaliyow ma ka fikirtay maalin qudha sida xal waara loogu heli karo dalkaaga hooyo, ma is tidhi Somaliland siday wax qabsatay, ma isweydiisay maxaa Somaliland usuuro geliyey inay dhulkooga hooyo wax ku qabsadaan iyagoon wax taageero ah cidna ka helin?

Su'aalahaasi waa qaar aan isweydiiyey Soomaali kuna weydiiyey Muwaadinka Soomaaliga ahow.

Balse aan ku soo gunaanado dhambaalkaygani tixdii salaan carrabay

  • Hadaad dhimato Geeridu marbay Nolosha Dhaantaaye
  • Dhaqashiyo Marbay kaa yahiin Dheregu Xaarane
  • Dhadhan Malaha Aadmigu Wuxuu kugu dhaliilaaye
  • Nin dhirbaaxo Quudheed Dugsaday dhaqayadeed Maalye
  • Dhashaaday sugtaa Xajadaad Dhawrata Abade

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan

diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 6, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD