Sharciga (TPS) oo Loo Cusbooneysiiyey
Soomaalida ku Dhaqanka Maraykan
August 6, 2004
Waxaan halkaan ku xusuusinayaa
dadweynaha soomaaliyeed, gaar ahaan dadka heysta sharciga loo yaqaan
TPS (Temporary
Protected Status) in dowladda Maraykanka ay maanta ku
dhawaaqday in sharciga TPS dadka heysta ay dib u cusbooneysiin
karaan muddo 12 bilood oo kala.
Somalida sharcigan heysta waxay
gaaraan 324 qofood sida ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee
wasaaradda Homeland Security (HS).
Sharciga
244 INA act ayaa wuxuu Wasaaradda HS xaq u siinayaa inay
sharcigan ku meel gaarka ay siiso dadka aan laheyn waddamo nabad ah
ama dowlado ka jira ama dadka ay waddamadooda ku habsatay khatar
dagaal ama ciqaab Ilaahay oo dadka diimaha aan rumeysneyn yiraahdaan
"natural disaster".
Shuruudaha cusbooneysiinta:
1-Inaad Soomaali tahay
2-Inaad buuxiso codsi cusub
Form I-821
3-Inaad buuxiso cosiga warqadda ruqsadda shaqada (oo ah $175)
4.Inaad raaciso 2 sawir uu wejigu wada muuqdo.
5- Inaad bixiso $70 oo ah faraha [fingerprint fee].
Xareynta sharcigaasi wuxuu bilaabmayaa maanta oo ay bishu tahay
August 6,2004.
Haddii aad rabto inaan si lacag
la'aan ah lagaaga caawino xareynta sharciga TPS fadlan la soo xiriir
xafiiska Qareenada ee lacag la'aanta ah ee Legal Aid
430 1st Avenue North, Suite 300, Mpls, MN55401
Waxaadna xafiiskaas la imana karaa maalmaha soo socda:
Maalinta Saacadda
Aug.11,2004 9:00am-11:30am
Aug. 18,2004 9:00am-11:30am
Aug. 26,2004 1:00pm-4:00pm (Brian Coyle)
Sept. 8,2004 9:00am-11:30am
Sept. 15,2004 9:00am-11:30am
Waxaan xusuusinayaa in dadka Soomaalida ee sharcigan heysta ay xaq u
leeyihiin in mar labaad ay is diiwaan geliyaan muddo 60 maalmood
gudaheeda si ay sharcigan u qaataan, iyadoo laga bilaabayo maalinta
lagu dhawaaqay (Aug. 6 ilaa Oct. 5,2004).
Wixii faah faahin ah la soo xiriir
Xafiiskeena Qareenaa bilaashka ee Legal Aid. (612)332-1441.
WAXAA KALOO SHIRWEYNE BARO XUQUUQDAADA LA XIRIIRA: IMMIGRATIONKA,
FBI, POLICE IYO DOORASHADA MAREYKANKA EE NOV.2004 LAGU QABAN DOONAA
MASJIDKA UMMUTU MUHAMMADA BISHA August 21,2004 1da duhurnimo oo ay
imaan doonaan sharciyaqaano ka caawini doona TPS iyo dhalashada
Maraykanka.
AKHRI::
GALABTII "BARO
XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA MINNESOTA