SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

Waxaa isku soo dubaridey: Ismail Ali
ismmsha@hotmail.com
Dubai, United Arab Emirates


QEEXID KOOBAN OO KU SAABSAN ISLAAMKA

salat

Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI..

Allah baa mahad iska leh allahaasoo ah barbaariyaha uunka oo dhan (kawnka), naxariis iyo nabad galyana rususha imaamkoodii korkiisa ha ahaato oo ah nabigeenii Maxamed iyo eheladiisii iyo asxaabtiisa dhammaantoodba, intaas kadib:

Islaamku waa in la qiro inuusan jirin ku xaq lagu caabudo oo aan Allaah ahayn, maxamedna uu yahay rasuul Alle soo diray, qiridaasna qalbiga lagu gunto carabkana lagaga dhawaaqo xubnahana laga sameeyo waxa ay keenayso qiridaasu, wuxuuna iimaanku kulansadaa in la rumeeyo lixdii tiir ee iimaanka lana sameeyo shantii tiir ee islaamka, qofkuna uu aad isaga hagaajiyo arrimahaas. Islaamku waa kii lagu ebyay (khatimay) risaalooyinka alle kaasoo alle ku soo dejiyay kii lagu ebyay (khatimay) ambiyada iyo rususha oo ah maxamed cabdullaahi (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ahaatee). Islaamku waa diinka xaqa ah oo uusan alle ka aqbalaynin ruuxna diin kale, sida xaqiiqda ah allaah wuxuu ka yeelay islaamka diin fudud oo sahlan, culeys iyo dhibaatana aan lahayn, kumana waajib yeelin dadka haysta islaamka waxaysan awoodin, kumana uusan kalifin waxayna karaynin, waana diin asaaskiisu uu yahay alle in lakali yeelo, runtuna ay tahay tilmaantiis, cadaaladuna ay tahay meesha uu ku wareegayo, xaqana uu yahay midka uu ku taagan yahay, naxariistana ay tahay dhuuxiisa, waana diinka wayn oo ku hagaajiya adoomada amar kastoo anfacaya diintooda iyo adduunkoodaba, ugana digaya wax kasta oo dhibaya diintooda iyo noloshooda, waana diinkii uu alle ku hagaajiyay caqiidooyinka iyo akhlaaqdaba, kuna hagaajiyay nolosha aduunka iyo aakharaba, isuguna soo dumay quluubtii kala tagsanayda iyo hawooyinkii kala duwanaa, uuna kaga saaray mugdiyadii baadilka, kuna tusay xaqa, kuna hanuuniyay jidka toosan, waana diinka toosan oo la sugay sugitaankii ugu sareeyay, dhanka wararkiisa oo idil iyo axkaamtiisa dhammaanteed, islaamku muusan sheegin run iyo xaq mooyaane, kumana uusan xukumin khayr iyo cadaalad mooyaane, taasoo ka ahaatay caqiidooyinka saxda ah iyo acmaasha toosan iyo akhlaaqda wanaaga badan iyo dhaqamada sareeya, hadafka risaalada islaamka waa inuu xaqiijiyo waxa soo socda:-

Inuu u qeexo dadka rabigooda iyo abuurahooda uguna qeexo magacyadiisa wanaagsan ee uu la kaliga yahay iyo tilmaamihiisa sareeya ee aanay jirin wax kula mid ah iyo ficiladiisa xikmada leh ee aan lala wadaagin iyo mudnaanshada uu cibaadada mudan yahay oo aan wax kula mid ah jirin.

Iyo inuu ugu yeero adoomada inay caabudaan alle kaligii iyagoon waxba la wadaajinaynin una hogaansamaan wuxuu alle u jideeyay oo amarro iyo ka reebis ah kaasoo wanaaagooda iyo liibaantooda ku jiro aduunkooda iyo aakhiradoodaba.

Iyo inuu xasuusiyo xaaladooda iyo meeshay ku dambayn doonaan geeridooda dabadeed iyo waxay kula kulmi doonaan qabriyadooda, iyo marka la soo saarayo, oo la xisaabinaaya iyo meesha ay ku dambayn oo ama jano ah ama naar ah, hadba acmaasho siday tahay, haddii ay khayr tahay khayrbaa lagu abaal marin haddii ay shar tahayna shar.

Waxaana suurtagal ah inaan ku soo koobno islaamka qaacidooyinkiisa ugu muhiimsan dhibcahaan soo socda:-

MIDA KOOBAAD: - WAA TIIRARKA RUMAYNTA.

TIIRKA KOOWAAD: -

Waa alle oo la rumeeyo wuxuuna kulansanayaa arrimaha soo socda:-

サ  rumaynta la rumeeyo rabinimada Alle kor ahaayee ooy macnaheedu tahay inaad rumayso Alle inuu yahay barbaariyaha, abuuraha, boqorka, iyo ka dabara arimaha uunkiisa oo idil isla mar ahaataana ku tasarufa.

サ  rumayn la rumeeyo Allanimada alle kor ahaayee ooy macnaheedu tahay inaan rumayno Alle inuu yahay ka la caabudo ee xaqa ah wax kasta oo la caabudo oon isaga ahayna uu yahay baadil.

サ  rumeynta la rumeeyo magacyadiisa iyo tilmaamihiisa ooy macnaheedu tahay inaan rumayno alle inuu leeyahay magacyo aad u wanaagsan iyo tilmaamo buuxa oo sareeya sida ku soo aroortay kitaabkiisa iyo sunada rusuulkiisa nabadgalyo iyo naxriis korkiisa ha ahaatee.

TIIRKA LABAAD:

Waa malaa段gta oo la rumeeyo, malaa段gtuna waa adoomo la karaameeyay oo uu alle abuuray kor ahaayee, waxayna u istaageen caabuuditaankiisa una hogaansameen adeecitaankiisa, wuxuuna alle ku kalifay shaqooyin kala duwan, malaa段gtana waxaa ka mid ah:

Jibriil: oo uu alle u xil saaray waxyiga isagoo kasoo dajinaya alle agtiisa kuna dajinaya ruuxuu alle doono oo ka mid ah nabiyadiisa iyo rusuuladiisa, waxaa kaloo ka mid ah malaa段gta:

Miikaa段il: oo uu alle u xil saaray Roobka iyo dhirta, waxaa kaloo ka mid ah:

Israafiil: oo uu alle u xil saaray afuufida buunka wakhtiga suuxida iyo soo saarida, waxaa kaloo ka mid ah:

Malakumawd: oo loo xil saaray ruuxda qabashadeeda wakhtiga geerida.

TIIRKA SADEXAAD:-

Waa kutubta oo la rumeeyo. Alle waynaayo wuxuu ku soo dajiyay rusushiisa kutub ay dhexdeeda ahaatay hanuun, kheyr iyo wanaag, kutubtaasna waxaan ka naqaanaa:-

Tawraad: oo uu alle kor ahaayee ku soo dajiyay Muuse naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waana tii ugu waynayd kutubta reer banii israa段il.

Injiil: oo uu alle kor ahaayee ku soo dajiyay Ciise nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Subuur oo uu alle kor ahaaye u siiyay Daa置ud nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Suxuftii Ibraahiim nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Qur誕anka wayn ee uu alle kor ahaayee ku soo dejiyay Nabigiisa Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ahna nabiyadiisa kii lagu ebyay (khatimay), wuxuuna alle ku tirtiray quraanka kutubtii horeysay oo idil, wuxuuna kafaala qaaday ilaalintiisa, maxaa yeelay xujo ayuu ku ahaanayaa khalqiga dhamaantii ilaa maalinta qiyaamaha.

TIIRKA AFARAAD:-

Waa rususha oo la rumeeyo. Alle kor ahaayee wuxuu u soo diray khalqigiisa ergo (rusul) waxaana ugu horeeyay Nuux nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaana oogu dambeeyay Maxamed rususha dhamaantoodna naxariis korkooda ha ahaatee, waa bashar la abuuray ,waxyaabaha rabinimada u gaarka ahna waxba uguma sugnaanin, waana adoomo ka mid ah adoomada Alle oo uu alle kor ahaayee ku karaameeyay risaalada, wuxuu alle ku dhamaystiray risaalooyinka risaalada nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, wuxuuna u diray dadka oo idil nabina kama dambeeyo.

TIIRKA SHANAAD:-

Waa maalinta dambaysa oo la rumeeyo waana maalinta qiyaamada ee uusan maali ka dambaynin wakhtigaasoo uu alle ka soo saarayo dadka xabaalahooda iyagoo nool si ay ugu nagaadaan daarta raaxada (janada) dhexdeeda ama daarta cadaabka kulul (naarta) dhexdeeda. Rumaynta maalinka dambeeyana wuxuu yahay: in la rumeeyo wax kastoo ahaanaya geerida dabadeed ooy ka mid yihiin fidna qabriga, raaxadiisa, cadaabkiisa iyo waxa ahaanaya intaa dabadeed sida soo saarida, nooleynta, xisaabka iyo intaas ooy gadaasheed ahaan jano iyo naar.

TIIRKA LIXAAD:-

Waa qadarka oo la rumeeyo. Qadarka waxaa weeye in la rumeeyo alle inuu qadaray waxyaabaha ahaaday, uuna ahaysiiyay waxyaabaha uu abuuray aqoontiisu siday ku hormartay si la mida, xikmadiisuna ay keentay umuurta dhamaanteed. Alle kor ahaayee wuu ogyahay agtiisa ayayna ku qoran tahay allana dhab ahaan buu u doonay wuuna abuuray.

MIDA LABAAD: WAA TIIRARKA ISLAAMKA:-

Islaamku wuxuu ku dhisan yahay shan tiir, ruuxna ma ahaanayo muslin xaq ah ilaa uu ka rumeeyo shantaa tiir oo u guto waxayna kala yihiin:-

TIIRKA KOOWAAD:-

Waa Shahaadada oo ah qirid la qiro inuusan jirin wax xaq lagu caabudo Allaah mooyee Maxamedna uu yahay rasuulkii Alle, shahaadadaasna waa furaha islaamka iyo asaaskiisa lagu kor dhiso.

Macnaha Shahaadaduna waa:- wax xaq lagu caabudo ma jiro Allaah kaligii mooyee, waana Alaha xaqa ah, Alla kasta oon isaga ahayna waa baadil, macnaha Allana waa ka la caabudo.

Macnaha qiritaanka Maxamed inuu rasuulkii alle yahayna waa:- rumayn la rumeeyo wuxuu ka waramay iyo adeecid la adeeco wuxuu amray (faray) iyo fogaansho laga fogaado wuxuu reebay, iyo inaan alle lagu caabudin wuxuu sharciyeeyay waxaan ka ahayn.

TIIRKA LABAAD:-

Waa Salaada waana shan salaadood oo shan waqti ah maalintii iyo habeenkii, Alle ayaana sharciyeeyay si ay u ahaato guditaan lagudo xaq alle ee uu ku leeyahay adoomihiisa, iyo mahadnaq loogu mahadnaqo nicmooyinkiisa, iyo xidhiidh u dhexeeya qofka muslimka iyo rabigiisa oo uu kula faqo dhexdeeda kuna baryo, iyo si ay u ahaato mid ka reebta qofka muslimka waxyaalaha xun xun., waxayna sabab u tahay khayr diineed iyo iimaanka oo hagaaga, iyo abaalmarinta alle teeda soo degdegta iyo kuu dib u dhigay, wuxuuna ka helayaa adoonku salaadaa xaga raaxada nafta iyo jidhkaba, wax faraxa galiya aduun iyo aakharaba.

TIIRKA SADDEXAAD: -

Waa Zakada waana sadaqo uu bixinayo ninkay ku waajibto sanad kasta, kuna bixinayo dadka mutaystay ee dadka baahin ah iyo dadka kale eey u banaan tahay sakada in la siiyo. Sakada kuma waajinto nin baahan oo aan haysanin xoolo sako gaadha, ee waxay ku waajibtaa dadka hodonka ah si loogu dhamaystiro diintooda iyo islaamkooda iyo si loogu kordhiyo xaaladahooda iyo dabeecadahooda iyo si loogaga celiyo dhibaatooyinka iyaga iyo xoolahoodaba iyo si loogaga nadiifiyo xumaantooda iyo si loogu xidhiidhiyo kuwooda baahan iyo kuwooda aan waxba haysanin iyo si loogu istaago danahooda oo dhan, sakaduna intaa la jirankeed waa wax aad u yar marka loo eego wuxuu alle siiyay ee xoolo iyo risiq ah.

TIIRKA AFARAAD:-

Waa Soonka waana bisha ramadaan ee barakaysan oo la soomo, ahna bisha sagaalaad ee bilaha dayaxa, waxaana ku kulmaya bishaas muslimiinta oo idil, waxayna ka tagayaan shahwadooda asalka ah oo ah cunto, cabid iyo galmo, maalinkii laga bilaabo dilaaca waaga ilaa qoraxdu ka dhacdo, wuxuuna oogu badalayaa alle arinkaa (wanaagiisa iyo fadligiisa dartii) iimaankooda iyo diintooda oo uu dhamaystiro iyo xumaatooyinkooda oo uu dhaafo iyo darajadooda oo uu kor yeelo iyo waxyaabaha kale ee laga helo soonka oo khayr wayn ah adduunka iyo aakharaba.

TIIRKA SHANAAD: -

Waa Xajka waa in kacbada Alle la aado si loo guto cibaado gaar ah wakhti gaar ah, wuxuuna alle ku waajib yeelay ruuxii awooda mar qudha cimrigiisa.

Xajka dhexdiisa waxay ku kulmaan muslimiinta (meel kasta ay ka yimaadaanba), dhulka meeshii ugu khayr badnayd, iyagoo caabudaya rabi kali ah, xidhana dhar isu eg, farqina u dhaxaynin nin wax xukuma iyo mid la xukumo, mid hodana iyo mid caydha, mid cad iyo mid madow, markaasay gudanayaan camal xadidan (kooban) oo uu ugu wayn yahay istaag carafo iyo wareeg lagu wareego la sharfay ee ah qiblada muslimiinta iyo orod la ordo buurta safa iyo marwa dhexdooda, xajka dhexdiisana waxaa ah manfacooyinka badan ee diinta iyo aduunkaba, waxaan la tirin karin lana soo koobin karin.

MIDA SADEXAAD: IXSAANKA

Ixsaanku waa in aad Alle ku caabudo iimaanka iyo islaamka sida adigoo arkaya, haddii aadan arkaynina Alle asaga ayaa ku arkaya, macnaheeduna yahay in aad dareensanaanto arrinkaas uguna dhaqanto si sunnada rasuulka Alle Maxamed 渡adabgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee waafaqsan adoon khilaafaynin.

Diinta islaamkana waxaa ku gudajira waxa aan soo sheegnay oo dhan.

Waxaana la og yahay inuu islaamka habeeyay nolosha dadka raacsan kali-kali iyo koox-kooxba oo uuna ku habeeyay si ay ku gaaraayaan liiban adduunyo iyo mid aakhira, markaasuu u baneeyay guurka kuna booriyay kana xarimay sinada (dhilaynimada) iyo daba isaga taga iyo wixii xun oo idil, wuxuuna waajin ka dhigay xidhiidhka riximka iyo in loo naxariisto dadka baahan iyo masaakiinta oo la ilaaliyo, sidoo kale wuxuu waajib ka dhigay kuna boooriyay dabeecad kasta oo wanaagsan, wuxuuna xaaraam yeelay dabeecad kasta oo xun, wuxuuna u baneeyay kasabka wanaagsan ee tijaaro dhexdii ah ama kiro iyo wixii la mid ah, wuxuuna xaaraam yeelay ribada iyo tijaaro kasta oon banaanayn iyo wax kastooy ku jirto khayaano ama kado.

Sidoo kale islaamku wuxuu fiiriyay kala duwanaanta dadka xaga ku toosnaanta dariiqa iyo ilaalinta xaquuqda dadka kale, markaasuu wuxuu shaciyeeyay cuquubooyinka reebaya xadgudubyaalka badankood ee la xiriira xuquuqda rabi sida ridada (Islaamka oo laga baxo), sinada, cabida khamriga iyo wixii la mid ah, sidoo kale wuxuu sharciyeeyay cuquubooyin reebaya dhamaan xadgudubyada xuquuqda dadka, sida dilka, tuugada, qadafka iyo xadgudub loogu gaysto qofka dhib ama garaacid, waana cuquubooyin u dhigma dambigaas, iyadoon lagana badinaynin lagana yaraynaynin sidoo kale wuxuu hagaajiyay xidhiidhka u dhaxeeya dadwaynaha iyo madaxdoodaba, wuxuuna ku waajib yeelay dadwaynaha adeecitaan waxaan ka ahayn macsiyada Alle, wuxuuna ka xaaraamyeelay inay ka baxaan adeecitaankaas waxa ka dhalanaya arrinkaa darteed ee ah fasaadka guud iyo ka gaarka ahba.

Waxaa suurtagal ah ugu dambayntii inaan dhahno islaamku wuxuu damaana qaaday dhismaha iyo samaynta xidhiidhka wanaagsan iyo camalfalka suuban ee u dhaxeeya adoonka iyo rabigii, iyo ka u dhexeeya ruuxa iyo mujtamaciisa. Haddaba ma jiro wanaag dabeecada ka mid ah ama dhaqanka haddii uu jiro wuu ku hanuuniyay umadda wanaagaas kuna booriyay, sharna ma jiro dabeecada ka mid ah ama dhaqanka haddii uu jiro wuu ooga digay umadda waana ka reebay, arrinkaasoo ku tusinaya dhamaystirka diintan iyo wanaagiisa dhan kastaba.

Alle baana mahad iska leh ee barbaariya caalamka (koonka).

Ismail Ali
ismmsha@hotmail.com
Dubai, United Arab Emirates

Somalitalk.com

  Faafin: SomaliTalk.com | August 7, 2004

Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD