SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAALLO

 


ISLAAN U DHALATAY DALKA RUUSHKA OO GAAJO AWGEED U DISHAY CUNUG AY DHASHAY
 
Isha: Mosco, Asharqal Awsat

Maxkamada ku taalla dalka Ruushka ayaa xarig 14-sano ah ku xukuntay Hooyo dishay wiil ay dhashay oo 5-sano jir ah, sidoo kale Maxkamaddu waxay xarig 9-sano ah ku xukuntay inankaas yarka ah ayeeyadii oo lagu magacaabo Yalina Baranova oo 42-jir ah.

Sidoo kale, waxaa isna 14-sano oo xarig ah lagu xukmay wiilka abbihiis oo lagu magacaabo Alexandar Baranov oo 45-jir ah, hooyada oo iyadana lagu magacaabo Yolina Kebaryanov oo 22-jir ah ayaa la sheegay inay inankeeda ku xirtay silsilad illaa 2-mitir ah si uusan marnaba u gaarin meel cunno ka dhawdahay, ugu dambeyntiina waxay ugu dhaqaaqday garaacis illaa laftii uu qaado ay jabiso, markii uu dhintayna waxay isku dayday inay isbitaalka ka hesho warqad ay ku aasayso inankeeda, balse baaristii ugu horreysay ee dhaqaatiirta ayaa soo saaray in inankaas yarka ah loo gaystay dil ee uusan caadi u dhiman.

Markii ay baaristu billaabatay ayaa waxaa soo baxay in reerkii ay billaabeen inuu qofba midka kale ku eedeeyo inuu dambiga isaga gaystay, taasoo keentay in ugu dambeyntii ay muujiyaan in hooyadu ahayd qofkii garaaca ku dilay inanka, balse maxkamaddu markii ay aragtay in dhammaantood ay doonayeen inay inanka iska qaarijiyaan keentay in ay isku dambi noqdaan oo hooyada iyo aabaha lagu xukumo min 14-sano oo xarig ah, halka ayeeyada lagu xukumay 9-sano.

Garyaqaankii reerkaas ayaa dhacdadaas mas’uuliyaddeeda dusha uga riday dowladda isagoo sheegay in hay’adaha ku shuqul leh arrimaha ilaalinta bulshada aysan u shaqeysan sidii loo baahnaa.  


 
Qorigii lagu dilay Benito Mussolini oo laga helay Albania  

Isha: Tirana , Reuters

Falter Adisio oo ahaa ninkii dilay Diktatoorkii Talyaaniga ahaa ee Benito Mussolini sannadkii 1945-kii ayaa la sheegay in markii ay ka cilladoobeen laba bistoolad oo talyaaniga lagu sameeyay uu dilka Mussolini u adeegsaday qori yar oo lagu sameeyay dalka Faransiiska.

Qorigaas ayaa 47-kii sano ee la soo dhaafay ka maqnaa madxad ku yaallay caasimadda dalka Albania ee Tirana, qorigaasoo ay hadiyad ayaan u heleen madaxdii kooxihii la oran jiray Stalion oo ka dhisnaa dalka Albania, isagoo uu guddoonsiiyay ninkii dilay Mussolini oo ay markaasi wehlisay gabar ay is jeclaayeen iyagoo doonayay inay ka gudbaan buuraha loo yaqaan Alba.

Maalinnimadii dorraad ahayd ayaa weriye Wakaaladda wararka ee Reuters u jooga magalaada Tirana ee dalka Albania lagu tusay madxafka magaaladaasi, markaan oo ahayd markii ugu horreysay oo si muuqata loo soo bandhigo qorigaasi kaddib markii uu burburay nidaamkii shuuciga ahaa ee ka jiri jiray sannadkii 1991-kii.

Qorigaas wuxuu leeyahay fadhi yar oo qori ka sameysan midabna leh, xarig maqaar ka sameysan oo gaaban, waxaa la sameeyay sannadkii 1938-kii, noociisana waxaa lagu magacaabi jiray MIS, wuxuuna sitay lambar taxane ah oo ah IF-20830.

Mas’uul xiriirka dadweynaha u qaabilsan xukuumadda Albania ayaa wuxuu sheegay in ninkaas lagu magacaabo Adisio uu qorigaasi hadiyad ahaan ugu soo diray xukuumaddii shuuciga ahayd ee uu hoggaaminayay diktartoorkii Anwar Khoja, Adisio wuxuu ka mid ahaa 8-nin oo loo xilsaaray dilka Mussolini.

Warqad uu u qoray Adisio Dowladda Albania xilligaasi ayuu ku yiri: “Waxaan idiin soo diray hadiyaddan oo ah qorigii aan ku dilay Mussolini oo ahaa mujrim dhinaca dagaalka ah anigoo fulinaya awaamiirta madaxda sare ee ciidammada xoogga dalka Talyaaniga 28-kii April 1945-kii”.

Adisio shan rasaas oo is-daba joog ah ayuu Mussolini ku riday, kaddib markii ay ka cilladoobeen laba bistooladood oo uu sitay, sidoo kalena, waxaa goobtaa ku dhintay saaxiibkii Mussolini oo aan loogu talo gelin in la dilo, hase ahaatee ay xabbadihii haleeleen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | August 9, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD