SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  BOSASO

 


Xafladii Xil lawareegida Maamulka Dowlada Hoose Boosaaso 

Sawiradii Xafladii Maanta halkan ka daawo...

Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay July 11, 2004 lagu wareejiyay Xilkii gudoomiye ee Degmada Boosaaso Col: Cabdi Yasiin Xirsi oo horena u ahaa abaanduulaha Ciidankii GBP ee Mucaaradka ku ahaa Maamulka uu hogaamiyo Col: Cabdulaahi Yuusuf, Ciidankaas oo uu Gen: Cade Muuse hogaamin jiray, Col: Cabdi yasiin ayaa xilaka kala wareegay Gudoomiye kuxigeenka Degmada Boosaaso Axmed Qaxiye Ciise oo xilka sii hayay intii ka dambaysa Geeridii Gudoomiyihii Hore ee Degmada Maxamed Saciid (Sayruuq) Allah ha un anaxariistee.

Xilwareejintaa oo loo qabtay xaflad ay ka soo Qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Bari Ibraahin Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin), Taliyaha Qaybta Booliska Bari Ibraahin Cuuke (Afdalow), Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Boosaaso, Madaxda Ururada Haweenka Gobolka Bari iyo Bulshada kala duwan ee ku nool Boosaaso.

Xafladaa ayaa waxaa ugu horeentii ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Bosaaso Axmed qaxiye oo sheegay in uu Gudoomiyaha Degmada ee Cusub ay u taal xil aad u balaaran oo uu ka bilaabayo meel aan waxba oolin ayna ka hawl galaan Xarunta Degmada ee Dowlada Hoose 230 Shaqaale; 60 ka mida ay shaqeeyaan shaqaalaha oo dhana ay u baahan yihiin Tababar aqoontooda kor loogu qaadayo; waxaa isaga ka hadlay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Cabdi Yaasiin oo sheegay in uu isaga doontay xilkaan in loo dhiibo taasna ay ku dhalisay doonis uu doonayo in uu wax ka qabto Baahida Dowlada Hoose iyo Degmada Boosaaso loona baahan yahay Nabad galyo maadama ay tahay Boosaaso xaruntii ganacsiga ee Puntland taasna ay igu dhalisay in aan doorbido in aan wax ka qabto Nabadgalyada iyo baahida Degaan ee Bilicda Boosaaso; Bulshadana aan doonayo in ay ila shaqeeyaan Hadii Ilaahay yirahdo ayuu yiri Cabdi yaasiin.

Waxaa kadib ka hadlay halkaa gudoomiyaha Gobolka bari Ibraahin cartan (Xaaji Bakiin) oo Tilmaamay in ay Dawlada Hoose haysato hanti muuqata loona baahan yahay in ay shaqeyso; oo Maamul Gobolkana aan la shaqeeyn doono.

Waxaa isagana halkaa ka hadlay Taliyaha qaybta Booliska Bari (Afdalow) oo Boolis ahaan ka waramay in dowlada hoose ay ka dhexayso wada shaqeeyn hadana ay ka sii fiican tahay hadii madax looga soo dhigay Cabdi Yaasiin oo ah taliyahaygii Ciidanka; waxaa iyadana halkaa ka hadashay Gudoomiyaha haweenka Gobolka Bari Maryan gaduudo oo ka hadashay wada shaqeynta Gudoomiyaha iyo haweenka gobolka Bari in ay mihiim tahay diyaarna ay u yihiin; waxaa isagana halkaa ka hadlay Cabdisamad Faray oo ah Nin Ganacsade ah oo tilmaamay mihiimada Ganacsiga uu u leeyahay Maamulka Dawlada Hoose loona baahan yahay in la xoojiyo.

Gudoomiha Cusub Col: Cabdi Yaasiin ayaa ah gudoomihii Tobonaad ee soo mara Maamulka Dowlada Hoose intii la dhisay Maamulka Puntland 1998 sida ay noo sheegeen xubno ka mida shaqaalaha Dowlada Hoose Boosaaso.

waxaa isku soo dubaridey:
c/fatax jaamac | SomaliTalk | Boosaaso
Somalitalkpl@yahoo.com

Sawiradii Xafladii Maanta halkan ka daawo...

Faafin: SomaliTalk July 11, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD