SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

waxaa isku soo dubaridey:
c/fatax jaamac | SomaliTalk | Boosaaso
Somalitalkpl@yahoo.com


Shil aad u Naxdin Badan oo ka Dhacay Boosaaso.

Waxaa Maanta oo Talaado ah Jun 28 2004 lagu dilay magaalaada Boosaaso meel fagaara ah oo ku taal Faras magaalaha Gudoomiyihii Degmada Boosaaso Marxuun Maxamed Saciid Cabdi (Sayruuq) iyo Taliyiihii Ciidanka Canshuuraha Dowlada Hoose ee Kontaroolka Boosaaso Marxuun Cali Xusseen Geesood, Waxaa isagana Dhaawac aad u culus ka soo gaaray Xoghayihii Dowlada Hoose Boosaaso Maxamed Muuse Maxamuud (Xooli) oo sadexdoodaa lagu soo weeraray Gaariga ay wateen oo noociisa yahay Markat II, waxaa dhaawac isagana ka soo gaaray Wiil dhalinyara ah oo wadada maraayay oo iyagu lagu daaweynayo Hosbitaalaka Magaalada Boosaaso.

Falka weerarkaa ayaa waxaa geestay Rag tiradooda lagu sheegay sadex oo watay gaari Market II kuna hubaysanaayeen Qoryaha Darandooriga u Dhaca, Gacan ku dhiiglayaashaa ayaa Boolisku aysan gacanta ku soo dhigin. Taliyaha Saldhiga Bartamaha Dhame: Mursal Cabdulaahi Cali oo isaga aan kula kulmay meeshii dilku ka dhacay ayaa ii shegay in lagu Raad joogo Dadkii falkaa Geestay lana soo qaban doono.

Baryahaan ayaa waxaa isasoo taraayay Nabadgalayo xumo soo wajahday Gobolada Puntland Guud ahaan ayadoo ay ka dhacaayeen dilal kala duwan iyo isku qabsashada Gobolada Sool iyo Sanaag ee ka dhexeeya Labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland, inta badan ayaa Dadka u kuur gala arimaha Nabadgalyada waxa ay ku tilmaamaan arimahaan kasoo cusboonaanaya ee Nabadgalyo Daro in ay Salka ku hayso Awood raadinta Siyaasiyiinta ah iyo mid Qabaa,il, waxaa aad arkaysaa Shacab hubaysan oo magaalooyinka kudhex wata Qoryaha darandooriga u dhaca taas oo aan hore loo arag intii ay Puntland heshay Maamulka, Nabadgalyo darada ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ay ka dhalatay hay,adihii u qaabilsanaa ay la soo gudboonaatay Dhaqaale daro Culus taas oo ay kamid tahay Mushaaro la,aan ilaa mudo Lix Bilooda ugu yaraan.

Shacabka kunool Goboldaan Puntlanad Qaarkood ayaa ka muujiyay Nabadgalyo daradaan soo cusboonaatay in ay keeni karto Barakac iyo Noloshii oo istaagta ayadoo Puntland lagu joogay Nabadgalyada lakiin aysan ka jirin Dhaqdhaqaayadii kale ee Bulsho Qaarkood kuwii ugu waaweeynaa.

c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2004

Aqoon iswaydaarsi loo Qabtay Ururada Dhalinyarada Puntland
Ururka dhallinta PL oo soo jeediyey in lagu Dhaqmo xikmada oranaysa "
Miro Gunta kuugu jira Miro Geed saran looma Daadiyo"  Guji 25/6

Sawirada Deegaanka la xaalufiyey... Daawo...

Maalintii Degaanka Adduunka oo Looga Dabaal Degay Bosaso Si Murugo leh
»Soomaalida oo gacmohooda ku xaalufiyey degaankoodii
»Maraakiibta Ajnabiga oo guranaya khayraadka Soomaaliya
»Qashinka ay soo tuuraan maraakiibtu oo halis ku ah degaanka
Dhammaan ka akhri warbixintii C/Fatax Jamac June 8

DHISMAHA QOYSKA MUSLIMKA AH.... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

SHIFO

BARNAAMIJKA CAAFIMAADKA... GUJI  

Sarrifka Lacagaha Adduunka
Waa meeqa sarifku maanta
Guji


FAAQIDAADA CIYAARAHA
AXAD | TALAADA | KHAMIIS


Habeenkii Ardayga Soomaaliyeed ee reer Malaysia
Xafladan oo loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo ardayda sanadkan la aqbalay jaamacadaha Malaysia ayaa Guji


Sawirada Deegaanka la xaalufiyey...

 



HTML CD