SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MALAYSIA

waxaa isku soo dubaridey:
c/fatax jaamac | SomaliTalk | Boosaaso
Somalitalkpl@yahoo.com


Aqoon iswaydaarsi loo Qabtay Ururada Dhalinyarada Puntland.

 

Sawirada Aqoon isweydaarsiga halkan ka daawo

 

Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay Jun 24 2004 lagu soo Gabagabeeyay Aqoon iswaydaarsi ku saabsan Wacyi galinta Nabada sidii loo sii xoojin lahaa oo loo Qabtay Ururada Dhalinyarada Magaalada Boosaaso, Aqoon iswaydaarsigaa ayaa waxa uu Socday Muddo labo casho ah, waxaana lagu qabtay Xarunta Cilmi barista ee OTP/SOCDA ee magaalada Boosaaso waxaa Aqoon iswaydaarsigaa Fulinayay Dalada INXA/OTP waxaa ugu horeentii Furay oo halkaa ka hadlay Madaxa Xarunta Cilmi barista OTP/SOCDA Khadro Faarax Cigaal oo ka soo jeedisay kalmad soo dhaweena waxaa iyadana halkaa ka hadashay Madaxa Arimaha Raga iyo Dumarka ee Hay,ada OTP Saciido Xuseen Cali oo ahayd Xiriiriyaha Aqoon iswaydaarsiga iyadana halkaa ka sheegtay Mihiimada Aqoon iswaydaarsiga.

 

Waxaa isagana ka hadlay Madaxa Hay,ada OTP Maxamed Maxamuud Maxamed (Qulxiya) oo isagana ka hadlay ka Faa,iidaysashada Aqoon iswaydaarsiga, waxaa kale oo isaga halkaa ka hadlay oo lagu sharfay in uu Furo Aqoon iswaydaarsiga Gudoomiyaha Dalada Talowadaag Ing: Cabdiraxmaan Saciid galayr oo isagu ka hadlay mihiimada Nabada iyo intay burburtay sida Cidwalba ku nooshahay oo ah Nolashii oo xumaatay.

 

Waxaa ka dib Furitaankii lagudo galay Doodihii Qodabadii Aqoon iswaydaarsiga oo ah Tobon qodob oo Mihiim u ah kuwaasoo aasaas u noqonkara Xoojinta Nabada ka jirta Puntland Doodo Dhaadheer oo ay kooxo kooxo uga Doodayeen kadibna ay soo qoraayeen sidii looga gudbi lahaa, qodobadii halkaa looga doodayay ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha keena Iskudhaca ama Iska Horimaadka oo hada jira Qodobkaas oo aad looga dooday ayaa lagu soo Qaaday in ay iska hor,imaad ka qayb qaataan Rag iyo Dumar Yar iyo Way taasna ay keentay qilaaf daba dheeraada.

 

Mar aan wax ka waydiiyay Xiriiriyaha Aqooniswaydaarsiga Saciiido Xuseen cali in Aqoon iswaydaarsigaa loo Qabto Dhalinyarada oo aysan Bulshda inteeda kale ka soo Qaybgalin ayay ii sheegtay in Dhalinyarada ay Tahay Xooga la Adeegsado taasna ay keentay in Aqoon iswaydaarsigaan wacyigalintaa Nabadaa loo Qabto, Gabagabadii aqoon iswaydaarsigaa ayaa Ururadii waxaa ay soo saareen Baaq ay ugu magic Dareen Baaq Xoojin Nabadeed oo u Qoran sidaan

 

Baaq Xoojin Nabadeed

 

Kadib markii aan aragnay :-

 

  1. Siyaasada cakiran ee Xiligaan
  2. Koox Dhalinyaro ah ee Magacyada qalafsan la baxday kuna kacda Arbushaad iyo sal kicinta nabada, qaskana ku haya Magaalooyinka.
  3. Koox caadeysatey isku qabsiga bogcadaha taas oo ay ka isku dhac Beeleed.
  4. Markii Cabooshooyin ka soo baxeen dadkii ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee nabada biday Gobolada Puntland kana Cabanaya in haweenkooda la fara xumeeyo hantidoodana la dhaco si ula kac ah.
  5. Markaan aragnay iskaashiga la,aanta Bulshada ee Horumarinta Nabada.

Waxaan ku Baaqaynaa anogoo ah Ururada Dhalinyarada ee Puntland Qodobada soo socda:-

 

  1. in xubnaha Dowlada ay xoojiyaan Nabada Illaahay ku manaystay kana shaqeeyaan danaha shacabka iyo danaha Guud.
  2. In Maamulka jira aan laka Dirin ilaa inta  laga gaarayo natiijada ka soo baxaysa shirka Soomaalida ee ka socda Dalka Kenya.
  3. Waxaan soo jeedinaynaa in lagu Dhaqmo xikmada oranaysa ( Miro Gunta kuugu jira Miro Geed saran looma Daadiyo).
  4. Waalidiinta dhalay ubadka caadada ka dhigtay shaqaaqooyinka iyo sal kicinta Nabada inay Ubadkooda ka qabtaan Bulshada kuna tarbiyeeyaan Diinta Islaamka iy Dhaqanka Suuban.
  5. Waxaan ka codsanaynaa dhalinta ku kaca Falalka Xun,Xun inay ka waantoobaan oo aay mustaqbalkooda dhisaan.
  6. Waxaan ugu baaqaynaa dadka isku haya Dhulalka Banaan inay ka waantoobaan adeegsiga awoodaha Hubaysan oo ay ku xaliyaan wada hadal.
  7. Waxaan Bulshada u soo jeedinaynaa inay Alle dartii ugu midoobaan Nabada danaha guudna kawada Shaqeeyaan.
  8. Waxaan ka Codsanaynaa Labada maamul ee Puntland iyo Somaliland inay Khilaafka arimaha Xuduudka ku xaliyaan si Nabada.

Mahadsanidiin

 

Waxaan si gaargaar ah uga hadlay Gabagabadii Aqoon iswaydaarsiga Xubno matalaya kasoo Qayb galayaashii  Burhaan oo ka mida Ururka Ardayda Puntland oo u hadlaayay kasoo Qaybgalayaasha Raga ayaa tilmaamay in Fahamka Diinta Islaamka ay xalinayso qilaaf oo dhan dhanka Dumarka oo ay u hadlaysay Idil oo ka mida Ururka Horamarinta Gabdhaha ayaa tilmaantay in ragu ka waantoobo Kufsashada iyo waxyeelida Dumarka fahmaana in ay la dhalatay Dhashayna Gabadhu.

 

Gabagabadii ayaa waxaa halakaa ka hadlay madaxa hay,ada OTP Maxamed Maxamud Maxamaed (Qulxiaya) oo ku Booriyay Dhalinyarada in ay halkaa kaga tagin arimihii Nabada ee Aqoon iswaydaarsiga ee ay baraan Dhalinyarada la midka ah ee aan u helin fursadaan inay kasoo Qaybgalaan.

c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2004

Sawirada Deegaanka la xaalufiyey... Daawo...

Maalintii Degaanka Adduunka oo Looga Dabaal Degay Bosaso Si Murugo leh
»Soomaalida oo gacmohooda ku xaalufiyey degaankoodii
»Maraakiibta Ajnabiga oo guranaya khayraadka Soomaaliya
»Qashinka ay soo tuuraan maraakiibtu oo halis ku ah degaanka
Dhammaan ka akhri warbixintii C/Fatax Jamac June 8

Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2004

DHISMAHA QOYSKA MUSLIMKA AH.... GUJI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

SHIFO

BARNAAMIJKA CAAFIMAADKA... GUJI  

Sarrifka Lacagaha Adduunka
Waa meeqa sarifku maanta
Guji


FAAQIDAADA CIYAARAHA
AXAD | TALAADA | KHAMIIS


Habeenkii Ardayga Soomaaliyeed ee reer Malaysia
Xafladan oo loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo ardayda sanadkan la aqbalay jaamacadaha Malaysia ayaa Guji


Sawirada Deegaanka la xaalufiyey...

 



HTML CD