SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Umad-qa’maam ah & Qabqablayaal Qayru-Masuul ah

Farxaan-ceynte
Kenya-nairobi

cayntakayare@hotmail.com

16sano kadabi aayan wali waxaan dhax maquuraneynaa dagaalo sokeeye’ oo aan laheyn dhamaad  kaas oo bara kiciyay in ku dhaw 2000’000 oo maato ah kalifayna in ay Nus malyuun ay  noqdaan qaxooti kuwaas oo dul saar ku ah dalal kale dalkoodiina uu yahy mid uu alle- u dhameeyay khayraat midka ugu fiican ee dal loo hibeeyo asigoo heesta dhul beerdaka ugu fiican ee g-Africa & xeebta 2aad ee ugu dheer Qaarada Africa walibaana uu heesto 2Wabi oo midba midkakale ugu faana Biyo badni asigoo intaas isku darsaday ayuu maanta waxa uu nasiib u yeeshay in uu noqdo wadan ay isku haystaan dad-waxmagarato ah ilaan horay ayey somalidu u tiri (Duke nasiibka uu ku helo caano wuu leeyahy lakiin xasilka uu ku cabo malahan)waa xaqiiqa jirata waan heesanaa nasiibka aan ku helanay dal alle-u nimceeyay lakiin maheesano dadkii ka faa’iideesanlahaa nimcadaan uu Rabbi noogu galadeestay aysen heysan qof-kasata

waxaa soo baxay jiil ku hana qaaday dagaal sokeeye’ aana wax kala socon qiimaha ay leedahay dowladnimadu sifiican ula qabsaday sharcilaa’aanta ka jirta dalka waliba aad moodo in uu ka doorbidayao sharcila’aanta  waxey saameen ku yeesheen kuwii fahnsanaa muhiimada ay leedahy dowladnimada qiyaas ahaan waxaa la sheegaa in ay ka tira badan yihiin kuwa ku dhashay dagaalka sokeeya 65%  sadax meelood  2meel ayey kulabao jibaarmaan kuwii wax ka ogaa dowlada qiimaheeda hadaba yaaa u maqan jiilkaan Cusub ee qamaamka ah ?misa la dhihi karaa waxa ay u baahan yihiin kuwa tiro ahaan le’ek  oo bara muhiimada ay leedahay dowladnimada ? misa baahi ma u qabaan dowlada muhiimadeeda ?sulaahaas waaye kuwa qof kasata uu isweydiinkaro

bal ayanu fiirino su’aasha koowaad oo ah (Yaa u maqan )?waxaa u maqan kuwa fahansan qiimaha ay leedahay dowlad la’aanta kuwaas oo ah qab-qablayaasha waa kuwa maanta ka dhikratay jiilka cusub kuwa Staff u ah ama (Gaandhari)oo u dhiibay jiilka cusub hub si ay ugu ilaaliyaan danaha  gaarka ah ay ayaga leeyihiin  hadii ay u maqanyihiin kuwa noocas ah umamalynaayo in uu jiilkaan cusub  noqdo kuwa ayagana fahma baahida ay leedahay dowlad la’aanta .

su’aasha 2aad oo ah( Ma u baahan yihiin kuwa tiro ahaan le’ek uu fahan siiya muhiimada ay leedahay dowladnimadu)’ aad ayey u adaktahay in la helo cadad intaas lek oo fahansan qiimaha ay leedahay qarannimadu’maxaa yeelay tiro ahaan waa ay kulabo jibaaramaan jiilkaan qamaamka jiilkii hore’sidaas daraadeed jiilkaan oo isku darsaday dhowor nasiib xumo waxa aynu leenahay waxa ay u baahanyihiin (Kaalmo Rabbi)koleey mid bani aadan lama dhihikaree

su’aasha 3aad oo ah ah (Baahi ma u qabaan horta dowlad)?Fikrad ahaan waxaan isdhihikaraa uma baahan dowlad ileen awal ayaaba aasaaskooda lagu soo barbaariyay sharci la’aan &gaandharinimo sidaas daraadeed aad ayey u adaktahay in ay u baahnaadaan dowlad ‘waxaan aasaaskooda la dhisina lama dhisikaro’

sidaasi daraadeed jiilkaan cusub waxaa ku habsatay nasiib xumo inteeda le’k waa in ay iska noqdaan kuwa ilaaliya Qabqablayaasha oo ah kuwa biday nasiib xumadaan hadiiba uu facii hore ka dhiganayo’facii danbe kuwo ilaaliya ama u noqda (Gaandhari)waxaan ku tilmaai karanaa waa nasiib xummo mida ugu xun ee ku habsat umad Muslim ah 

   waa kuwee qab-qablayasha qayru-masuulka ah

qofkasata oo goob jook ka ahaa xiligii burburka waxa uu durbaba dareemikaraa weedha-qabqable micnaha ay ximbaarsantahay weedhaas oo an sifiican u naqaano micnaheeda’

bal aan wax yar ka tilmaamno Qab-Qable waxa uu yahay?Qab-qable

waa kuwii kalifay in ay kumanaan caruuru ah ay noqdaan (Agoon)

waa kuwii kalifay in ay kumanaan qofood ay noqdaan (Qaxooti)

waa ku wii kukalifay in ay kumanaan qofood ay (Bara-kacaan)

waa kuwa wali raba in ay matalaan Umadii ay sidaas u halageen 

koleey maanlin waxaa jiri doonto uu maciin bididoono maskiinkii uu sidaas u soo hakaagay’ allena-uu ku marqaati kicidoono dhibkii ay ka galeen  shacabka ‘

hadab maxaa markasta uu noo matalaa qofki sidaas noogalay ?

dadka qaar ayaa   wali wax ay moodaan in uu ku yimid rabitaan qabiiil

waa ay iska cadahay inuusan ku imaan rabitaan qabiil ileen majiro qabiil soo dooranayo qofka intaas danbi le’ek ka galay shacabka hadii maanta afti laga qaado qabiilkasata bal in uu diyaar u yahay in uu doorto mid ka tirsan qabiilkiisa uma malynaayo in ay soo bixi doonto tageero u siiyo qab-qable beeleedkiisa  hadeey jiratana koleey waa nisbo aad u yar

qofkasata oo sifiican ula socday 16tobankii sano ee dagaalka sokeeye socday

waxa uu maanka ku hayaa in uu sidaan kukalifay qab-qablle baleed

lakiin waxaan dhihikaranaa waxa uu ku yimid rabitaanka beesha-caalmaka waxaan umalaynayaa in aad isweydiineedaan sida uu ugu yimid rabitaanka beesha caalamka

bal u fiiirso.hadii ay beesha caalamaka rabato in ay shir dib-u heeshiin ah sameeso

Mudaanta kowaad waxa ay siisaa Qab-Qablayaasha ama nimanka hubaka ku heesto wadanka ayagoo u dira casuumaada koowaad hadii aysan shirkaas ka soo qeyb-galin nimanka Qabqablayaasha ahi shirkaas lama furayo ‘

Sababtoo ah dadka larabo in la heshiisiiyo waa kuwa heesta hubka ee yaa shacab heshiiseenaa…. 

Maxaa la gud boon umadaan qa’maamka ah?

Shacabka waxa uu kabadin la’yahay in uu hadab u sacaba tumo dowladii loo oo dhoodhoobo ayna ukala baxaan kuwa Mucaarada &kuwa Muxaafad’

Waa shacab iska maskiin ah (Waxna magalaan waxana Magooyaan)

Inkastoo ay yihiin dad wax qabsan kara lakiin ayaga ayaaba isku taak-heynin

Waxaa lahubaa hadii ay noqdaan kuwa mid ah hal mowqifana leh in ay noqonkaraan qaran iskiisa isku taaga ee alle-ha isku soo duwo Quluubtooda

                        Dardaaran’ 

Ugu danbeyentii qofkasata oo soomali ah waxa uu masuul ka yahay dalkiisa meelkasat uu ka joogo hadii ay noqon laheed dalka gudihiisa &dibadiisaba’

Dan inoo mahan in aan kudul noolaano anag oo heesana dal qiimahiisa aad oktihiin

Markasatana waxaad niyada ku haysaa halkudhiga ah (Dal aadan laheyn waa Dareen ku joog)umada soomliyeed meel kasat oo ay jookaan hadii uu qofkasata uu masuul iska saaro waddankiisa uuna garto wadaninimada qiimaha ay leedahay maanta soomali meesha ay taagantaahy ma taagnaateen yuusan u heesan qofkasat in uu leeyahay meesha Uu qaxootiga ku yahay (Lama huraan waa Cowska jiilaal)

Fiiro-gaar ah maqaalkaan waxaa iska leh qoraaga ku xusun magaciisa  

Farxaan-ceynte
Kenya-nairobi

cayntakayare@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2004

LINK: http://www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD