SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


JENERAL CADDE MUSE MA MUDANYAHAY MADAXWEYNE PUNTLAND [MAYA].

Sida lawada ogsoonyahay waxaa horaanta bisha janaayo hadii ALLE idmo laqorsheeyay in doorasho ka dhacdo gobolada puntland, runtii doorashadaas waa mid siweyn ay dadka reer puntland uwada sugayaan aadna loo hadal hayo inkastoo koox isku xiran oo ka ribxay dhaqaalaha puntland intii la aasaasay maamulkaasi 1998 ay rabeen inay kusii dhaganaadaan xukunka kuwaasoo ubartay boobka dhaqaalaha umada ka dhexeeyay waase noqonweeyday sidii ay rabeen, kooxdan iyada ahi wax lasheego oo ay kaqabteen arimaha bulshada reer puntland majirto waxay dadka goboladaasi daga oo ay kusoo kordhiyeen waxay tahay inay bulshadaasi walaalaha ahi dhexdhigaan isnacayb, kala shaki, musuqmaasuq, eex, qof jecleeysi iyo nabadgalyo xumo si ay usii seetadheereeysatan xukunkooda waxaase arin laga xishooda ah in raggasi ay wali uhalgamayaan in dib loogu doorto mar kale xukunka puntland waa su'aale maxay soo kordhinkaraan oo cusub oo ay bulshada uhayaan hadiiba ladoorto waa waxba.

Hadaba waxaa jira rag kaloo siyaasada puntland horay ugu jiray wax xil weyn oo lasheegi karana aan kahayn hadana wax wanaagsan uqabtay bulshada puntland oo ay kuqadariyaan wax qabadkooda iyo kuwa siyaasada puntland ku cusub oo daaqada kasoo galay aqoona aan dadku ulahayn fursadna uhelay inay madax lasoo kacaan waxaan raggasi kasoo qaadanyaa jeneraal cadde muuse xirsi boqor, hadaba jeneraalku mayahay ninkii mudnaa inuu maanta Puntland hogaamiyo ninba waa fikirkii dadka intiisa badan waxay qabaan inuusan mudneyn kana bixi karin hawshaas culeeyska badan sabbahan soosocda awgood.

1-isagoon lahayn xirfad iyo aqoon maamulnimo.

2-isagoon waxba kala socon mushaakilada puntland kajira dhexdana kaga soo dhacay siyaasada kuna soo badgalay GBP.

3-isagoo ah nimaan miisaaneyn xag aqooneed, waaya argnimo, dabeecad iyo dulqaad bulsho lagu wadana aan lahayn.

4-isagoo ah nin aad ufudud waxba aan hubsan maskax dad kalena ku shaqeeya.

5-isa sharaxaadiisu maaha mid katimi maskaxdiisa laakiin waxaa soo abaabulay rag maafiya ah oo isku xiran oo hore looga ceyrsaday badaha puntland.

6-isagoo aad ugu dheereeya xigaaleeysiga iyo musuqmaasuqa ahna nimaanba cadaalad lagu barbarin isna diyaar u ahayn inuu cadaalad sameeye, waxaa taasi daliil kuu ah heshiiskii uu lagalay madaxweeyne c/llahi yusuf inuu kaga faa'iideeystay danahiisa iyo tan reerkiisaba wuxuu shaqsiyan uhelay lacago farabadan isagoo maanta hanti farabadan kuyeeshay dalka ZAMBIA, wuxuu jagooyinkii ugu dhaqaalaha badnaa kuwada qoray jifida hoose ee reerkiisa sida gudoomiyaha maxkamadaha, kuxigeenka PISta, mamulka dekeda qaybta lacagta adag iyo kuwa kaloo dhawr ah islamrkasna uu madaxweeyne c/llaahi kacodsaday in nimay jifo hoose yihiin looga dhigo wasiirka maaliyada ee soomaaliya nasiib wanagse ninkiibaan baarlamanka soo galin.

7- Waxaaba intaasi kasii daran isagooba ciilqaba ayna ka go'antahay inuu ka aarsado qabiiladii isubahaystay intuu dagaalka waday oo uu si aada ugu sii ciilqabo wuxuuna ku iloobi karin maalintuu dhuudo kacararay cayrsigii iyo kala haridii qorigii BMka taas oo uu mararbadan kacadeyey fagare aan fadhiyay taasoo dadkii meesha joogay intooda badneyd ay kula yaabeen una sheegeen maahmahdii ahayd doqoni meel lagu dagaleey ogeeyd meel lagu heshiiyay ma ogeeyn.

Hadaba iskusoo wada duuboo dadka reer Puntland waxay ubaahanyihiin hogaan adag, daacad ah, iskuhaya, hantidooda u ilaasha, ciil iyo aarsiba aan qalbigiisa kujirin, kana warqaba axwaashooda lana soo qariibayoo intii balaayadu socotayna kudhexjiray, waxaa laga hayaa cadde doorashadii gudoomiyanimadii SSDF ee QARDHO 1994kii inuu u ahaa kooxdii kasoo horjeeday in c/llahi yusuf ladoorto markaasaa oday ay isku reer yihiin waydiiyay su'aal oo yiri cadoow ARBACADII xagee jirtay markaasu yiri JABBUTI aan taraansit ku ahaa hadaba ninkii garan wayay ujeedada suaashaasi magaran kara waxa dadka reer Puntland ubaahanyihiin jawaabta idinkeey idiin taalaa.

Hadaba soomaalida waxa kumaahmaahdaa nin kuu digay kuma diline idiin digaye reer pintlandiyoow tashada, war ninka anaguu naga dhashooy naqaane yaan masiirka umada lagu aaminin ayaan idinleeyah cadde waxba kuma ah inuu yiraahdo sool iyo sanaag waa soomaliland hana biciidsanina arinkaas waa mid inagu soo fool leh qorshooyin hoose oo aan dadka intiisa badan kawarqabin ayaa jira kuna saabsan aayaha sool iyo sanag waana mid shaki weyn kujirta xiriirka sokeeye ee uu laleeyahay reer soomaliland.

liibaan siciid shabac
liibaanshabac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2004

Warsaxaafadeed: Gen. Cadde Muuse
Galkacyo: Waxana uu soo bandhigay
Barnaamijkiisa siyaasadeed oo ka kooban lix qodob... Guji...

LINK: http://www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD