Markaad
Geel Leedahay baa Geel-jire la Samaystaa
Cabdulwaaxid
Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Dec 21, 2004
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Mar mar waxaa la
maqlaa wasiir aan wasaarad lahayn (minister without portfolio) laakiin
yaa arkay wasiirro dowlad dhan oon wasaarado lahayn? Laga soo bilaabo
1991 ilaa 2004 imisa wasiir baa la sameeyey? Intooda badan, muddadaas,
xafiis ma gelin sidoo kalana xaashi wasaaradeed ma saxiixin! Sidaasooy
tahayna waxay “CV” ku qortaan inay wasiirro ahaan jireen?
Buug yar oo
cinwaankiisu ahaa “ Introducing Sociology” ooy qoreen Richard Osborne
iyo Borin Van Loan ayey waxay bog ka mid ku xardheen: bal suurayso
haddii cunug yar oo sabool ah weliba aan helin waxbarasho fiican uu
dhagax ku jabiyo daaqadda guriga Weber (waa nin cilmigaas ku dheereeyey);
dabadeedna Weber weydiiyo cunugaas waxa arrintaas ku kallifey oo uu
cunugu yiraahdo waan ku raaxeysanayaa. Dabadeedna Weber dhaho ma
arrintaas baa sabab u ah inaad sidaas yeesho? Oo haddana wiilku dhaho
mayee waxaan sidaas u yeelay Smith (waa nin ka shaqaysta dayactirka
daaqadaha). Maxaa yeelay lacag buu i siiyey; wuxuuna ii sheegay inaan
daaqaddaan arkaba jabiyo! Dagaal-oogayaasha aan u haysanno inay
dhibkeenna ku raaxaysanayaan waa niman Zenawi ama cadow kale dabada ka
wadaan oo sida wiilkaas yar, dan gaar ah iyo shilin raadis ah.
Waxaa la sheegay in
dekedda Xamar laga cayrshay doon wadday dhar iyo wax la mid ah.
Dagaal-oogihii arrintaas geystay markii la weydiiyey sababta uu saas u
yeelay wuxuu yiri: xaq uma leh in hal kooxi ay hantida qaranka siday
rabto ka yeesho. Ma xuma laakiin yaa khasaaraya. Keliya qolo ayuu
xooggaa ka afqabtay oo wuxuu naas-nuujiyey qolyaha leh dekedda
ceelmacaan. Laakiin haddii dharkaas laga dejin lahaa dekedda weyn ee
Xamar wuxuu suuqa ku tagi lahaa qiimo ka jaban kan marka laga dejiyo tan
ceel-macaan sababo iska cad owgood.
Maalin hore waxaan
maqlayey fannaanniin Xamar joogta oo diyaarinaya barnaamij ay ku soo
dhoweynlahaayeen “dowladda cusub”. Runtii ma hubo in barnaamijku yahay
mid waddaninimo ku saabsan iyo inuu yahay “nooloow maddaaloow”. Laakiin
waxaa noo xigtay dowladdiiba dhacday! Maba dhalane dhici ogaa? Haddii
hees laga horqaadayo “dowladda” waxay ku fiicnayd in Xasan Aadan Samatar
ka horyiraahdo:
-
Markaad geel dhaqatid baa
-
Gaawaha loo soo cushaa
-
Gacmaha yeydiin ku jira
Ma qaran-dhis
iyo dowlad-dhis baa la isku khalday
Soomaalidaa tiraahda
Ilaahoow eexna hanooga tagin; aqoon la’aanna hana cadaabin. Maaddaama
aqoontaan naqaanba tahay qabiil iyo eex waxaan Ilaah ka baryeynaa inuu
mar kasta noo dambi dhaafo. Akhristayaal anigu siyaasadda iyo culuunta
bulshada midna wax kama aqaan laakiin waxaan sheegayaa wixii laga
filayey qof kasta oo iskuul soo dhigtay ama fidrada ku taagan. Waa sidii
Soomaalidu u tiri: hadday dawo bukooto maxaa lagu dabiibaa. Marka dhib
ma leh haddii aqoonyahanno hadal loo jeediyo.
Haddii dowlad
dimuqraadi ah sida kuwa Yurubta Galbeed, Australia, Maraykan iyo kuwa
kalaba, laga guuleysto xisbigeeda talada haya waxaa dhacda in xisbiga
cusubi soo dhiso dowlad cusub. Haddaad rabto dheh gole wasiirro. Maxaa
yeelay qarankii baa dhisan. Howlihii qaranku waa socdaan inta doorashadu
socoto iyo weliba inta dowladda cusubi xukuumad dhisayso. Dowlad-dhisku
dimuqraadiyadda kaliya kuma koobna ee xitaa ninkii qaran dhisan,
dowladdiisa afgambiya, waxaa suurtogal ah inuu dowlad cusub dhiso maxaa
yeelay qaranku waa bad qabaa. Tusaale usoo qaado Kacaankii 21-ka
Oktoobar. Maxamed Siyaad si aan dhiig ku daadan buu taladii ula wareegay.
Inkastoo waddanku dambeeyey haddana waxuu gacanta ku dhigay hannaan
dowladeed oo shaqaynaya; isna halkaas buu ka miisay. Xitaa Zenawi wuxuu
dhisay dowlad maxaa yeelay burbur weyn kuma dhicin Itoobiya.
Weligiin ma aragteen
guri tarniigiis iyo alwaaxdiis oo isku dheggeni hawada ka taaganyihiin
iyadooyna jirin darbi ama wax kele oo celinaya? Kollay anigu ma arag.
Waxaan uga danleeyahay oo aan aamminsanahay in aan qaranka sida dowladda
loo dhisin. Qaranka sida haanta iyo masafta ayaa gunta laga soo bilaabaa.
Maxaa “dowladda” Soomaaliyeed ee Mbagathi loo dhahaa dib-u-dhis haddaan
dowlad-dhis ka wadno?
Wasiirka marka la
dhisayo waa in wasaarad iyo shaqaalaheedii jiraan. Bal tusaale u soo
qaado wasiirkaad rabto, dowladdii Geeddi. Markaan qof uma dan lihi
laakiin bal tusaale usoo qaaddo wasaaradaha muhiinkaa sida waxbarashada
iyo caafimaadka. Bal ka warran wasiir waxbarasho oo raba inuu huteel
dego halka iskuuladii ay xaasas iyo reero degenyihiin?! Wasiirku ma
xaasas iyo dhallaan rag buu rabaa inuu xukumo?
Ilaah baan idin ku
dhaarshe ka warrama labo “ra’iisulwasaare” oo isku heysta anaa xilka
wareejin iyo anaa wareejin?! Ma Huteelo dadoow bay dowladda ku wareejin
ileyn wasaarado jira ma ogine? Sidaan xal u arko hoos baan ku qori
doonaa haddii Ilaah idmo ee aan u galo “xildhibaannada wada xil-doonkaa”.
Sidee laga yeelaa
xildhibaannada kulligood xil-doonkaa?
Maaddaama ay
xildhibaannadu garabkeenna ka baxeen oo noo keeneen madaxweynaha aan wax
ka sheego sidii iyaga lagula xaali lahaa.
Waxaa la yiraahdaa:
seddex boqol ma lacag baa? Saajinnimo ma derejaa? Suub baleyn ma maraq
baa (Plain soup)? Waxaan kornaylka kula talin lahaa inuu yeelo sidii
makhaayadaha Xamar ee muufada laga cunijiray yeeli jireen. Waxay dabka
saari jireen fuusto gobolo biyo ka buuxaan dabadeedna waxay ku ridi
jireen lafaha geela iyo lo’da ee kawaanadu hilibka ka dhamaystaan ee
haddii kale la tuuri lahaa. Waxaa loogu roonaan jiray cusbo/milix.
Qofkii ku soo aada karka hore ee lafaha waxaa dhici kartay inuu xoogaa
dux (dhuux) ka helo laakiin ilaa habeyn-barkii, mar kasta oo maraqaas/beylkaas
sii yaraadaba waxaa lagu shubaa tanag biyo ah iyo cusbo. Marka qofkii
casho raba waa inuu gato suqaar, busteeki iyo hilib kale, moos iyo
saliid macsaro. Haddaadan intaas heli karin waa inaad muufada guriga la
aaddaa si aad shaah iyo saliid caddeey ugu cuntid laakiin suubaleyn
kaliya cidna iskuma deyi jirin. Haddii beylka laguu keenay muufada kuu
qoyn waayo waxay ku xirnayd sida aad wax u fahanto. Haddaad dhegdheer
tahay ama aad kuleylka ka heshid waxaad dalbanaysaa “maraq” kale haddii
kale oo cusbo meelaha ka agdhowdahay waxaad muufada ku qoynaysaa biyaha
caadiga ah ee hortaada yaal ilayn labada biyood kuleylkaa u dhaxeeyee;
weliba haddaad degdegsan tahay waxaa la qaataa kuwa qaboow. Habeynkaas
oo dhan, dadku wuxuu ka fulaa “maraqaas”.
Hadda waxaan
kornaylka kula talin lahaa inuu sameeyo 135 wasiir iyo 135
wasiir-ku-xigeen dabadeedna ha ugu qeybiyo 4.5. Oo ma wasaarado la’aan
baa jirta? Ma filayo. Aniga waxaan weli ii muuqan wasaarado muhiim ah
sida kuwa:
- ·
Wasaaradda la
Dagaalanka Argagixisada
- ·
Wasaaradda u Adeega
Itoobiya
- ·
Wasaaradda Meydiga
iyo Fooxa
- ·
Wasaaradda dib-u-heshiisiinta
SRRC, Samatobixinta iyo SSDF
- ·
Wasaaradda
saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Maraykanka
Shanta qof oo soo
hartana haka dhigo wasiirro-dowlayaal. Qolo kasta mid bay helaysaa ilayn
qof lama kala bari karee!
Faa’iidada arrintaas
ku jirta waa ra’iisulwasaaraha oon u baahnayn meel wasiirrada lagu
shirayo oon ka ahayn xarunta baarlamaanka ileyn kulligood waa wada
wasiirree! Markaan afarta qolo oo waaweyn midkiiba wuxuu helayaa 30
wasiir, 30 wasiir ku-xigeen iyo hal wasiir dowle. Ma filayo in dowladda
Geeddi mar dambe la hor istaagi doono haddii sidaas loo dhiso. Waqtigaan
ra’iisulwasaaruhu ma cayimayo wasaaradaha qolo kasta wasiirro looga
dhigay.
Xalka, Siday Ila
Tahay
Waxaa la sheegaa in
wiil imtixaan ku jiray oo ka qishayey gabar u dhowayd uu xitaa
magaceedii ku qortay meeshii uu magaciisa ku qori lahaa! Waxaa taas ka
dhigan haddii sidii Bush maamulkiisa u dhisay aan rabno inaan qaran u
dhisno. Sidaan horay u iri waa in qaranka hoos laga soo dhisaa. Tusaale
haddii la rabo in dekedda iyo garoonka Xamar la furo, ma wasiirka
gaadiidka cirka, dhulka iyo dekedahaa la magacaabaa? Bal suurayso wasiir
Puntland ka yimid oo jagadaas loo magacaabay; muxuu samayn karaa? Ma
iska daawanayaa?
Hadduusan ra’iisul
wasaaruhu ka fursanayn inuu gole wasiirro magacaabo waxaan ku talin
lahaa inuu qabiil kasta tirada wasiirrada ay helayaan u sheego
dabadeedna ku dhaho waa inoo markii qaranku dhismo oo aan idiin
diyaariyo wasaarado iyo shaqaale aad xukuntaan. Inta waqtigaas la
gaarayo sida dadka caadiga ah ayey dhinac ka galayaan dib-u-dhiska
waddanka. Marka markii la rabo in deked ama garoon diyaaradeed la furo
waxay ku fiicantahay in uu ra’iisul wasaaruhu xulo guddi ka kooban
odayo-dhaqameed, siyaasiyiin, culumaa’u-diin, aqoonyahanno dabadeedna
yiraahdo waxaan idin ka rabaa inaad howshaas gashaan. Mar horaba
maleeshiyooyinkii meelahaas xukumay waxay dhaheen diyaar baan u nahay
inaan wareejinno. Markay wareejiyaan, ma in wasiir la dhiso baa loo
baahanyahay? Ma filayo, ee waxaa loo baahanyahay in la qiimeeyo waxa soo
gaaray goobahaas; Imisa dhaqaale ayaa lagu dayactiri karaa? Adduunkii
isbedelye maxaa lagu kordhin karaa? Markaas ka dib waxaa la gudageli
karaa in la helo dad yaqaan shaqada dekedda iyo Garoonka sida kuwii hore
haddii cidi ka nooshahay oo ay weli shaqayn karaan: kuwii canshuuraha ku
shaqada lahaa, kuwii socdaalka, kuwii diyaaradaha iyo maraakiibta hagi
lahaa; kabtanadii diyaaradaha iyo maraakiibta, kuwii nadiifin lahaa iyo
weliba kuwii waardiyeyn lahaa. Markii guddigaasi intaas u diyaariyaan,
ra’iisul wasaaraha wuxuu samaynkaraa inuu wasiir magacaawdo ilayn
shaqaale iyo meel shaqo lagu qabto ayaa diyaar ahe.
Qolyaha cilmiga
bulshada yaqaan waxay leeyihiin geedku wuxuu u baahanyahay ciid, biyo
iyo hawo; haddii mid la waayo geedkaasi ma baxayo. Ka dhig wasiirka
geed; haddaan wasaarad (hawo) iyo shaqaale (biyo) loo hayn sidee u bixin?
Haddaad i rumaysan weydaan bal waraysta wasiirradii la dhisay intii u
dhaxaysay 1991- 2004. Imisaa baxday? Sidoo kale waa iyada la dhaho dooni
biyo la’aan ma socoto marka C/hi iyo Geeddii, wasiir aan wasaarad iyo
shaqaale heysan ma shaqeeyo.
Hadday khasab tahay
in xaaladdaan lagu jiro wasiirro la sameeyo waxaan anigu ku talin lahaa
in la sameeyo wasiirro yar oo sidii ay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno
horaba sheegeen ka yar toban. Maxaa yeelay dowladdu waxay samayn kartaa
ilaa dhowr tiir oo shub ah (wasiirro adag) oo ay taagato dabadeedna
saarato jiingad/laamiyeeri/tarniig inta dabriga iyo dabakhyada dhexe (qarankii)
la buuxinayo. Waa arrin la samayn karo haddaan laga fursanayn. Qabiil
kasta hal wasiir iyo hal kuxigeen halaga soo qaato.
Haddii taladaas la
diido waxaa dhici karta inay dhacdo sidii Yamyam jacburka ku yiri:
- ·
Kursigiisii Yaaqshid
bay niman u qaateene
- ·
Ganbar iyo ma darin
buu sitaa
- ·
Meeshu waa ebere.
Ugu dambeyntii
waxaan kula talin lahaa ciddii ra’iisul wasaare loo doorto in ay
baarlamaankooda Xamar la aadaan dabadeedna wasaarad kasta sidii aan
dekedda iyo garoonka ka niri lagu sameeyo.
Cabdulwaaxid
Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoaalkanw axaa lehqoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004