SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


HAL-KA-HALEEL

Faalladii Rashiid Sh. C/laahi X. Axmed 

Waxaa qoray Maxamed Baashe Xaaji Xasan;
Waa saddex boqol iyo afar bog oo ay ku jiraan sawirro;
Waxa uu leeyahay hal-ku-dhig baadi-sooc ah oo ah
Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa
Waxaa laga soo saaray Bashe publications, lana soo saaray 2004.

* * * * * *

Hal-ka-haleel waa buug uu qoray, soona saaray Maxamed Baashe Xaaji Xasan; waana buug ku saabsan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Qof ahaan, suugaan ahaan iyo fikir ahaanba. Nuqul hadiyad ah ayaa i soo gaadhay oo aan akhriyey, ka dibna waxay ila noqotay fikradahan oo ah kuwii u horreeyey ee igu dhashay, in aan soo hor-mariyo oo halkan ku soo gudbiyo.

Magaca buugga hal-ku-dhigga u ah oo ah Hal-Ka-Haleel sansaankiisu wuxuu ku xusuusinayaa Hal-karaan, diiwaan maanseedkii Hadraawi ee caan-baxay. Hadraawi, malaha magaca Hal-karaan wuxuu uga socday macnaha garo oo intii qof karo; Maxamed Baashena waxa uu uga jeedaa magaca buuggiisa intii uu ka haleeley mowduuca uu dersayey; waa sida aan u maleeyey, si kalena way noqon kartaa. Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin saamaynta weyn ee uu Hadraawi ku leeyahay Maxamed Baashe.

Markaan akhriyey buugga waxaa, hummaag ahaan i hor-yimid oo xusuustayda dib ugu soo dhacay shakhsiyaddii Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ay muddo, malaha, toddoba iyo toban sannadood ahi isugu kaayo dambaysay. Maxamed Baashe waqtigaas wuxuu ahaa nin dhallin-yaro ah; jabhad dagaalyahan ah oo dhimbiilo dab ahi ka kacakayaan, nin mabda’iisa iyo mowqifkiisa ku adag oo aan laga loodin karin; wuxuu ahaa nin yar oo aad u dhiirran. Waa nin aan is-weydiinayo, haddii uu sii joogi lahaa goobihii halganka hubaysani ka socday tolow maanta ifka ma joogi lahaa oo buuggan hadda i hor-yaallaa ma qormi lahaa? Sifo kale oo waqtigaa aad uga muuqatay waxay ahayd jacaylka cilmiga iyo aqoonta; waana ta labadayada sida gaarka ah noo xidhiidhisay.

Maxamed weli waa jabhadkii, waase asagii oo aan dagaalkii hubaysnaa ku jirin, waayeelnimo iyo waaayo-aragnimona u kordheen.

Hadraawi, fikir, maanso iyo qof ahaanna, waa bad-weyn mug iyo baxaadba aad u ballaadhan, ha-yeeshee Maxamed geesinnimadii aan ku aqiin buu ugu badheedhay oo uu ugu babac-dhigay tiisana kaga yool-gaadhay. Badweyntaas ayuu in uu dabbaal kaga gudbo doonay, kuna dhaqaaqay. Haddii aanu kaga gudbin ma jiro qof kale oo keli baddaas dabbaal kaga bixi kara, mana jiri doono. Qof waliba waa ilaa halka uu gaadhi karo. Boqollaal iyo kumannaan sannadood oo soo socda suugaanta Hadraawi, hadday dunidu sii oolsho, waa laga hadli doonaa, mana jiri doono qof ereygii u dambeeyey ee Hadraawi laga odhan lahaa sheegta. Qof kastaa, koox kastaa iyo fac kastaaba tiisa ayuu odhan doonaa, runta buuxda ee aan dhibici ka maqnaynina Allay la taallaa; qof aadami ahise inta uu ka haleelaa waa ku-dhawaanshaheeda. Intee tolow Maxamed Baashe u jirsaday runta shakhsiyadda, fikirka iyo suugaanta Hadraawi? Jawaabtan lafteedu waxay furaysaa dood aan go'aynin.

Waxa uu Maxamed Baashe maansada Hadraawi ka abbaarayaa gees aan weli cidi ka marin, marka laga reebo muxaadarooyin Hadraawi leeyahay oo ku saabsan maansooyinkiisa dambe qaarkood; waa fasiraadda maansada lafteeda. Waxa uu Maxamed Baashe si weyn isugu hawlay oo uu meel wacan ka gaadhay, in uu tuducyada maansooyinka uu doortay fasiro oo uu macneeyo. Ha-yeeshee maansada Hadraawi waa tu ka duwan maanso kasta oo kale oo ay soomaaliyi tirisay. Waayo maansada Hadraawi kama timaaddo oo qudha shucuurta, ladhka dareenka laabta iyo qalbiga; waxaa Hadraawi intaaba u dheer oo maansadiisu walwaalaysaa fikir iyo falsafo gaar ah oo aad ka soo tuujiso, soona debed-dhigtaa aanay ahayn wax fudud. Taas ayuu Maxamed Baashe geesinnimo ugu badheedhay meel-durugsanna ka gaadhay. Nacam; Geesinnimo weyn baa ku jirta in qofnaba ku dhiirradu sharaxa iyo faaqidaadda maansooyinka dambe ee Hadraawi, kuwaas oo qaddiyadaha fikriga iyo caqiidadu u sal yahiin.

Tixaha qaybta buugga ee uu Maxamed Baashe ula baxay MAANSADA RUN KU SII DURUGGA AH, kuwa uu ka soo qaadanayo waxaa ka mid, AF-KU -SIRAN iyo HAL IYO HALKIIS; waa laba tixood oo Hadraawi si weyn ugu talax-tagayo fikirka, qiyamta guud-marka lama-taabtaanka ah iyo weliba arrimaha towxiidka ee rumaynta qalbiga oo qudh ah lagu la xidhiidho, aanayse qawaaniinta caqliga aadamigu tiigsan karin. Malahayga, tixahan oo kale waxaa Hadraawi mushkilad ku noqotay oo ay hawl aad u culusi ka qabsatay in uu arrimaha baaxaddaas leh u helo luqo maanseed uu ku soo gudbiyo; waxay gayeysiisay - gaar ahaan tixda HAL IYO HALKIIS - in uu luqada lafteeda jajabsado oo uu baguugaha ka dhigo. Maxamed Baashena xilka uu isa saaray ee u babac-dhigay waa in uu jajabka dib isugu keeno, isuguna kabo si kale oo aynu Hadraawi ku fahmi karno. Intee bay isu jiraan sharaxa uu Maxmed Baashe inaga siiyey tixda HAL IYO HALKIIS iyo luqada uu Hadraawi inoogu soo gudbiyey? Waa su'aal iyaba dooddeeda yeelan doonta

Maxaa tallow intaas ka badan, oo aan hadda ka idhaahdaa buugga Hal-ka- Haleel? Wax badan oo iigu hadhay way jiraan; waase inoo waqti haddii Eebbe idmo.

Qallinkii: Rashiid Sh Cabdillaahi X Axmed

Qoraalkan kla xiriir:
Yaasiin-Suldaan
aftahanc@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004

BOOQO BOGGA: www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD