|
Baaq ku wajahan Wax
doortaha iyo ladoortaha Mamul-goboledka Puntland
- Eng. Hussein
Hassan Soyan - Email:
hsoyan@hotmail.com
Former Presidential Candidate for TFSR, 2004.
Waxaan
hambalyo usoo jeedinayaa shacabka reer Puntland dadaalka dheer oo ay u soo
mareen iney gaarsiiyaan Bulshadooda heer doorasho xor ah oo qofkasta oo
mawaadin Puntland ahi uu u tartami karo Jagada sare ee maamul-goboleedka
Puntland.
Hambalyo kadib waxaan
ugu baaqayaa u tartamayasha Jagadaas iney dhawraan nadaamka ay Bulshadu
dagsatey ilaaliyaana nabadgalyada, midnimada iyo horumarka Puntland sidey
horey ugu ilaalin jireen Midnmada guud ee Somaliya.
Waxaa hubaal ah mar
hadii latartamayo in aan lawada guuleysan karin oo qofi guuleysanayo,
waxaana mudan in laxuso mar hadaad ogolaatid tartan in aad ogaatid in lagaa
guuleysankaro islamarkaana sidii aad u jeclaan laheyd markaad guuleysatid in
laguu taageero laguulana shaqeeyo ay tahay inaad ogolaatid oo taageertid
natiijada ka soo baxda tartanka oo aad lashqeysid kan kaa guuleystey,
islamarkaana aad ilaalisid midnimada iyo nabadgalyada Gobolka aad iska soo
sharaxdey.
Waxaa kaloo mudan in aan
xusno in tartanka dimuquraadiga ahi yahay aan tartanno hadii aad iga
guuleysatidna waan kula shaqenayaa kuna taageerayaa ilaalinayaana
midnimadana, hadaan kaa guuleystana itaageer ilana shaqee danta guudna aan
ka hormarino tan gaar haaneed.
Anigoo ka mid ahaa intii
ay u suurtagashey iney ka qaybqaataan Dawladii lagusoo dhisey Dalka Kenya
mudo labo sano ku dhowna goob jog ka haa sidii wax u dhacayeen lana kulmey
dad badan oo Odayaal reer Puntland ah siyaasiyiina ah dhagaystana fakarkooda
ku wajahan Puntland waxaa ay kuligood is ku raacsanyihiin in maantey loo
baahanyahay qof dadka wax u qaban kara; kor u qaadi kara adeegyada bulshada,
ilaalina kara midnimada, hadana markey hoos u daadagaan waxay xusayaan in ay
iayagu qabashada xilka Puntland xaq u leeyihiin beel ahaan, taasoo ka hor
imaaneysa aragtidii ay hore isugu raaceen.
markaa hadaad jeceshahay
in qabiilkaagu madaxtinimada waxaad u baahantahay in aad umadda wax u
qabato oo aad ka hormariso xagga Cafimadka, Waxbarashada, Dhaqaalha iyo
nabadgalyada; Waxaana aan filayaa in umaddu laqabiil noqonayso ninkii umadda
wax u qabta kana shaqeeya horumarka bulshadiisa.
Waxaan tartamayaasha
xusuusinayaa in umaddan dhibaatada faraha badani ku habsatay oo qof wax
kaqaada maahee aan wali arag qof wax kusoo celiya, iinan hadda nabadgalyey
haystaane aan intey haystaan lagala- tagin oo horumar bey u baahanyihiine
aad ka hormarisaan hadba meeshey ugu baahi badanyihiin.
hadaadse horumarka u
taqaan in bulshada wax laga qaado maahee aan wax lagu soo celin( Canshuur
aan iskuul iyo isbitaal lagu dhisin) danbi malihid ee ciddii kudooratey ayaa
danbile noqon doonta taariikhduna wey xusi dadka danta guud ka raaca tooda
gaar ahaaneed.
Parlamanka Puntland oo
beel lagusoo doortayoo horta ma is weydiisid beeshaadu maxay kaga
baahantahay? Waxaan ognahay beeli iney ka koobantahay aabe, hooyo, wiil iyo
gabar markaa Waalidkaa waxay u baahanyihiin Isbitaal, Biyo Nadiif ah iyo
Jidad fiican, Wiilka/Gabadha aad dhashey ama kula dhashayna waxbarasho,
shaqo iyo inta waalidkood rabo ayey u baahanyihiin markaa waxaa kula beel ah
ninkii intaa u qabanaya bulshada reer Puntland ee kaa dooro adigoon
beeshaada u eegin.
Waxaan aad u ga xumahay
inaan Puntland Xisbiyo siyasadeed ka jirin oo badal u noqon kara Kuwa
qabiilka ku dhisan, ayna suurtogaltahay in ay abuuraan loolan siyaasadeed oo
foolxun waxaanse shacabka reer Puntland oo ku caanbaxay nabad jeclaanta ku
boorineyaa ineysan marnaba fursad siin inta u aragta wadajirka Puntland
khalad dhacay oo horey loogaley.
Ugudanbayntii waxaan
isimada Puntland ka dalbeynaa anigoo ku hadlaya magaca inta jecel horumarka
umadda Somaliyeed gaarhaan Reer Puntland in ay xoogooda isugu geeyaan in
beel kastaaba soo xusho qof wakiil ka noqonkara shacabka reer Puntland lana
xisaabtami kara Dawladda kalana noqon kara kalsoonida hadii ay ka soo bixi
weydo mas’uuliyadda ay u qaadeen umaddooda.
Eng. Hussein
Hassan Soyan - Email:
hsoyan@hotmail.com
Former Presidential Candidate for TFSR, 2004.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004
BOOQO BOGGA:
www.somalitalk.com/samsam/
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|