|
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka
baxaya waxuu ka kooban yahay.
- Waftigii uu Hogaaminayey
Gudoomiyaha JWXO oo soo gabagabeeyey socdaalkoodii Kanada.
Dagaalo dhex maray ciidamada
gumaysiga Itoobiya iyo ciidamada xoreeynta Ogaadeenya.
Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo
dagaal ka dhex huriyay Labada qoomiyadood ee Ogaadeenya iyo Oromada.
Xukumada Itoobiya oo kala
diraysa Baarlamaanka ismaamulka Soomaalida Ogaadeenya.
Itoobiya oo isu diyaarinaysa
dagaal ay mar kale ku qaado wadanka Eritrea.
Barnaamujkii aragtida halgamaaga
oo aanu ku soo qaadan doono qaybtii koobaad ee Goroyooy gabal kuudhac
iyo suugaan halgameed.
Waftigii uu Hogaaminayey Gudoomiyaha
JWXO oo soo gabagabeeyey socdaalkoodii Kanada.
Waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha
Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya Admiral Mohamed Omar Osman oo uu ka
mid yahay Gudoomiyaha Cilmi Baarista iyo Qorsheyta ee JWXO Dr Mohamed Siraad
Doolaal ayaa soo gaba-gabeeyey socdaalkoodii ay ku joogeen dalka kanada.
Waftiga oo yimid wadanka Kanada bishan
Dec 10, 2004 ayaa intii ay joogeen dalka Kanada kulamo la yeesheeshay
Jaalaaiyada Ogadeeniya ee iyo kuwa Soomaalida ee wadanka kanada.
Kulamadaas oo ahaa kuwo si buuxda ay
dadweynaah Soomaaliyeed ee wadanka kanada uga soo qayb galeeen,iyagoo ku
muujiyey taageerada ay u hayaan haglganka shacabka Ogaadeeniya ugu jiro aayo
ka talintiisa.
Madaxda JWXO intii ay joogeen wadanka
kanada waxay safaro ku kala bixyeen Magaalada Ottawa ee caasimada Kanada iyo
Kitchiner (Kijineer) oo ku taala agagaarka Toronto. Magaalada Kitchiner oo
uu Dr Doolaal safar ku aadey ayaa waxa uu kulamo halkaasi kula soo yeeshay
Jaaliyada Ogadeeniya ee Magaladaasi isagoo warbixin ka siiyey geedi socodka
halganka Ogadeeniya.
Dhica kale, Admiral Mohamed Omar Osman
ayaa safar gaaban ku tagey Magaalada Ottawa halkaasi oo ka qayb galay shir
ay soo agaasimeen jaaliyada Ogadeeniya ee Magaalada Ottawa, shirkaaas oo ay
ka soo qayb galeen Jaaliyada Soomalida ee Magaalada Ottawa ayaa waxa uu ku
bilowdey warbixin uu bixiyey Gudoomiyaha JWXO Admiral Mohamed Omar Osman oo
ka warbixiyey ujeedada safarkiisa iyo halganka shacabka Ogadeeniya ugu jiro
aayo ka talintiisa.
Gebagabadii waftiga JWXO intii ay
joogeen dalka Kanada waxay martiqaadyo badan ka haleen Jaaliyadaha
Soomaalida ee Magaalada Toronto, Jaaliyadahaas oo dhamaantood Madadaxda ku
martiqaadey qado sharaf ama Casho sharafayo aad loo soo agaasimey, iyagoo
Madaxada JWXO kulamo la yeeshay odey dhaqameedyada iyo aqoonyahyaniinta
Jaaliyadaha Soomalida ee Magalaada Toronto
Waftigu wuxuu caawa oo Talaada oo bisha
Dec 21, 2004 u socdaali doonaa wadanka Maraykanka,iyagoo halkaasi kulamo
kula yeelan doona Jaaliyada Ogadeeniya iyo kuwa Soomaalida eek u nool
wadanka Maraykanka.
Dagaalo dhex maray ciidamada
gumaysiga Itoobiya iyo ciidamada xoreeynta Ogaadeenya.
Sida uu noo soo tabiyay wariyaha RX ee
gobolka Nogbeed waxaa si xowli leh u socda dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaqa
ah ee ay ku hayaan Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogadenya ciidamada gumeysiga
Itoobiya ee ku sugan gobolada Ogaadeenya.
Weerar gaadmo ah oo ay 04.12.2004 ku
qaadeen ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya, ciidamo Itoobiyaan ah oo ku
sugnaa meesha lagu magacaabo Xidhyare oo ka tirsan dagmada Garbo ayaa
ciidanka naflacaariga ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 Askari waxaana
lagaga dhaawacay 8 Askari oo kale.
06.12.2004 dagaal gaadmo ah oo ay koox
ka tirsan ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidan
Itoobiyaan ah oo marayay Suryasagaaro oo ka tirsan dagmada Shilaabo ayay
ciidamada cadawga Itoobiya kaga dileen 7 Askari waxayna kaga dhaawaceen 13
Askari oo kale, dagaalkan oo kadis ahaa ayaa ciidamada Itoobiya jaha wareer
ku riday waxaana ku dhacay kala fiig ay awoodi waayeen inay aag kaliya
difaac ka galaan.
Sida oo kale dagaal 07.12.2004 ku dhex
maray ciidanka geesiga ee xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidanka gumaysiga
Itoobiya Dharkeenlay oo ka tirsan dagmada Dhagax-Buur ayaa ciidamada cadawga
wayaanaha lagaga dilay 3 Askari halka dhaawacyo halis ah loogu gaystay 7
Askari oo kale.
Isla 07.12.2004 iska hor imaad dagaal oo
ku dhex maray ciidanka xoreeynta Ogaadenya iyo ciidanka ciidanka gumaysiga
Itoobiya Qararo oo ka tirsan Dagmada Gunagado ayaa ciidanka cadawga lagaga
dilay 5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.
Karin-Barkhadle oo ka tirsan dagmada
Sagag dagaal ku dhex maray 09.12.2004 koox aad u tababaran oo ciidanka
wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ka tirsan iyo Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa
ciidamada xasuuqa ku caanbaxay ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 Askari
waxaana lagaga dhaawacay 7 Askari oo kale.
Isla 09.12.2004 Weerar gaadmo ah oo ay
koox ka tirsan ciidanka wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidamo
Itoobiyaan ah oo marayay Labiga oo aan sidaas uga fogeen magaalada
Dhagax-Buur ayaa ciidamada doolka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 13
askari halka dhaawacana la gaadhsiiyey 20 askari oo kale, dagaalkan ayaa
ciidamada Itoobiya aad loogu caydhsaday waxaana habqankoodii uruuriyay
gurmad uga yimid Magaalada Dhagax-Buur.
Ciidamada gumaysiga Itoobiya
oo dagaal ka dex huriyay Labada qoomiyadood ee Ogaadeenya iyo Oromada.
Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa
dhex maray shacabka Soomaalida Ogaadenya iyo Oromada ee ku nool dagmada
Bardoode. Dagaalkan ayaa la sheegay in ay ciidamada Itoobiya soo galeen
iyaga oo iska dhigaya shacabka Oromada, waxayna halkaas ku laayeeyn dad
badan oo shacabka Soomaalida ka mid ah.
Intii muda ahba xukumada Itoobiya ayaa
ku dadaalaysay sidii ay isaga horkeeni lahayd shacabka walaalaha ah ee
Soomaalida iyo Oromada, qowmiyadahaas oo xukuumada Itoobiya dagaal hubaysan
oo ay ku doonayaan xoriyadooda kala soo horjeeda.
Taliska Adis Ababa oo mar walba huriya
dagaalada dadka shacabka ah ee qoomiyadaha Itoobiya ku hoos nool ayaa iska
horkeenkan shacabka Soomaalida iyo Oromada ku guulaystay kadib markuu
abaabulay wax uu ku sheegay doorasho lagu kala soo cayo maamulka dagmooyinka
labada qoomiyadood xuduudkooda ku yaala. Waxgaradka qoomiyadaha Oromada iyo
soomaalida ayaa doorashadaas ku tilmaamay mid lagu minjaxaabinayay dhaqanka
iyo dariswanaaga labada qoomiyadood ka dhaxeeya, isla markaasna aan ku
habooneen xiligan in khilaaf noocan ah labada qoomiyadood la dhex dhigo.
Dhinaca kale waxay xukuumada Itoobiya
abaabushay dagaal dhex mara shacabka Soomaalida Ogaadeenya, waxayna
dagaaladaas ka abaabushay dagmooyin badan oo ay ka mid yihiin Iimay,
Abaqorow, Nusdariiqa, Miirkhaliif, Garbo, deegaanada u dhaxeeya Qabri-Bayax
iyo Dhagax-Buur iyo deegaanka faafan oo ay hada ka socdaan dagaalo uu
cadawgu ka danbeeyo oo ujeedada ka danbaysa ay tahay u kaalmeenta gumaysiga
duliga ah ee Itoobiya.
Xukumada Itoobiya oo kala diraysa
Baarlamaanka ismaamulka Soomaalida Ogaadeenya.
Shir qarsoodi ah oo ay galeen 10.12.2004
xubno ka tirsan xisbiga maqaar saarka ah ee gacanta ku haya maamulka
magaalada jigjiga iyo xubno xukuumada gumaysiga Itoobiya ka socda ayaa lagu
go,aamiyay in la kala diro xubnaha Baarlamaanka ismaamulka Soomaalida, inta
ka horeeysa doorashada la sheegayo in sanadka danbe Itoobiya laga qaban
doono.
Xubnaha xisbiga ayaa laga soo reebayaa
shan xubnood oo hawsha la sii wadi doona ninka dhawaan loo magacaabay in uu
si dadban u hogaamiyo ismaamulka Soomaalida Ogaadeenya ee maqaar saarka ah.
Shanta xubnood ee la soo reebay ayaa waxay kala yihiin, Maxamuud Dirir oo ah
madaxa Xisbiga, Cabdi Jibriil oo ah madaxa maamulka maqaar saarka ah ee
ismaamulka Soomaalida, Cali kuunay, Bashiir C/laahi iyo Daa`uud Diiriye.
Xubnahan kale ee lakala dirayo ayuu ku
eedeeyay wasiirka fadaraalak Itoobiya Abay Sehay in ay gacan saar hoose la
leeyihiin Jabhada ONLF oo dagaal hubaysan oo ay ku doonayso madax banaanida
shacabka Ogadenya kala soo horjeeda taliska gumaysiga Itoobiya.
Itoobiya oo isu diyaarinaysa
dagaal ay mar kale ku qaado wadanka Eritrea.
Warar aanu ka helay ilo la kalsoon yahay
oo ku dhadhaw xafiiska kaligii taliye Malis Senawi ayaa sheegaya, diyaar
garaw ay xukuumada Itoobiya ugu diyaar garoobayso in ay weerar mar kale ku
qaado wadanka Eritrea, oo uu dagaal lagu hoobtay ku dhexmaray deegaanka
Badame sanadihii 1998-2000.
Warkan ayaa tibaaxaya in uu Ra`iisal
wasaaraha Itoobiya Melis Sanawi uu shir u qaban doono gudoomiyayaasha
Kililada ee wadanka Itoobiya, kuwaas oo uu kala hadli doono sidii ay ciidamo
iyo saadba ugu diyaar garayn lahaayeen dagaal lagu qaado wadanka Eritrea.
Taliska Itoobiya oo ku caanbaxay
dhulbalaadhsi iyo in uu wadamada dariska ah xoog ku qabsado ayaa horay ugu
gacan saydhag go`aankii ay soo saareen gudigii Jamciyada quruumaha ka
dhaxaysa ay u xilsaareen khilaafaadka Xuduuda Eritrea iyo Itoobiya, kaas oo
tilmaamayay in ay Eritrea leedahay Tuulada Badame iyo halka uu dhacayo
xuduuda labada wadan.
21.12.2004
C/Nuur Sh.Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad
ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ,
Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004
BOOQO BOGGA:
www.somalitalk.com/samsam/
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|