SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ATLANTA
Daabaco Boggan | Print


Ujeeddo : Baaq Xabad Joojin iyo Eedeyn
  • Dr. Cabdi Maxamed Gureey
    Tel 678-7793488
    Shir gudoonka shirkaasi
    Atlanta,Georgia,U.S.A
    Email: a.berkan@comcast.net

Shir ay isugu yimaadeen odayaasha iyo waxgaradka Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee ku nool gobolka Georgia ayaa lagu qabtey Magaaladda Atlanta,shirkaasi oo aad loogaga hadlay Dagaaladda Culus ee ka socda meelo ka mid ah gobolka Bay waxaa laga soo Saarey Baaq Nabadeed iyo Eedeyn, waana sidan qoraalka ka soo Baxay shirkaasi :-

Sidaad la socotaanba waxaa beryahan ka dhacayey goobo Ka tirsan Gobolka Bay dagaalo ay isku baabi’iyeen labada qabiil Ee walaalaha ah ee YINTAAR iyo Hubeyr, Dagaalkaasi oo ay Ka danbeeyaan shaqsiyo wata dano gaar ahaaneed isla markaana U adeega cadowga qowmiyadda Digil iyo Mirifle waxaa ayaan Daro ah in aysan marnaba ka hadlin wakiil isku sheegyadda Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee ku sugan Dalka Kenya gaar Ahaan Magaaladda Nayroobi taasoo ayaan daro ah waayo Dadka ay sheeganayaan inay ka wakiil yihiin oo isku laynaya Gobolka ayaa la maqal mid ka mid ah xildhibaano isku sheega Digil iyo Mirif in uu ka hadlo ama uu baaq u soo jeediyo kooxaha Dagaalamaya. Waxaa yaab ah cid aad leedahay anigaa ka wakiil Ah oo aadan dhibkoodna waxba kaaga shan iyo toban ahayn.

Hadaba anagoo ka damqaney dilka iyo dhawaca faraha badan ee Sababay dagaalkaasi ayaan waxaan baaq u soo jeedinaynaa labada Qabiil ee ku dagaalamaya goobahaasi ka tirsan gobolka Bay In si Shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalkaasi oo lagu dhameeyo wada Hadal halka xabadi lagu xalin lahaa dhibka la dhax dhigay labada Qabiil ee walaalaha ah.

Sidoo kale waxaan Canaan u soo jeedinaynaa kuwa isku sheega inay Wakiil ka yihiin Digil iyo Mirif oo ku sugan Nayroobi waxaana Leenahay war hadaad wakiil ka tihiin dadkaasi ka hadla oo wax ka Qabta dhibka iyo dabka la dhax dhigay dadka aad wakiilka ka tihiin.

Ugu danbeyn waxaan Ilaah ka baryaynaa in Dhamaan Somaalidda Nabad ku soo arooro, cadowga isku dirayana dadka walaalaha ah ee Somaaliyeed ilaah naga qabto ( Amiin ).

Baaqani waxaa idin soo diray
Dr. Cabdi Maxamed Gureey
Tel 678-7793488
Shir gudoonka shirkaasi
Atlanta,Georgia,U.S.A
Email: a.berkan@comcast.net

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2004

Ammaanka Kismaayo oo Faraha kasii Baxaya
Waxaa baaq dedged ah Kismaayo kasoo saaray dalada ku bahowdey Jubbo oo.. Guji Dec 23

Baarlamaanka Soomaaliya  oo ogolaaday in Prof Geeddi
Xildhibaanada Baarlamaanka DKM ayaa codkooda ku ansixiyey Prof. Cali Maxamed Geedi in uu noqdo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, waxayna ku ogolaadeen codad dhan Guji.. Dec 23

Wararkii Dec 22:::
Nairobi: Madaxweynaha JFS oo casumey Xildhibaanada
Berbera: Shil gaari oo ay ku dhinteen cuqaal reer Burco ah
Baydhabo: "Ciidamo ayaa weerar nagu soo haya" Saransoor
Muqdisho: Dagaalkii G/dhexe oo ku faafay kilinka shanaad
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD