SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Daabaco Boggan | Print


Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Maxamed Cali Samatar..

  • Wafti ka socda Qoyska Maxamed Cali Samatar oo Booqasho ku maraya Magaalooyin ka mid ah Maraykanka, ayagoo hadda Soo gaarey Minnesota....

Minneapolis (SomaliTalk.com : 26/12/2004): Shir ay ka soo qayb galeen odayaasha, waxgaradka, aqoonyahay iyo shacab ku dhaqan magaalada Minneapolis oo rag iyo dumarba leh ayaa xalay lagu qabtay Hoteelka Holiday In ee xaafada Cedar ee magaalada Minneapolis. Shirkaas oo lagu soo dhoweeyey wafti ka socdey qoyska reer Maxamed Cali Samatar oo booqasho ku yimid magaalada Minneapolis si ay reer Minnesota uguga xog waramaan dacwad madani ah oo ka socota Virgia, dacwadaas oo lagu soo oogey Maxamed Cali Samatar.

Waftiga ka socdey qoyska oo uu hoggaaminayey  Dr. Cali Nuur Axmed waxa kale oo la socdey wiil iyo gabar uu dhalay Maxamed Cali Samatar.

Shirkaas waxaa warqad ka soctey qoyska ka akhriyey Dr. Cali Nuur, waana kan qoraalkii laga akhriyey shirka:

Warqaddii Qoyska Reer Maxamed Cali Samatar ee uu Akhriyey Dr. Cali Nuur Axmed:::

Midig: Dr. Cali Nuur Axmed, Yuusuf Maxamed Cali Samatar , iyo Sahro Maxamed Cali Samatar

Anagoo kala ah Dr. Cali Nuur Axmed, Sahro Maxamed Cali Samatar iyo Yuusuf Maxamed Cali Samatar, kuna hadlaaya codka Qoyska Maxamed Cali Samatar, ayaan waxaan marka hore jeclahay in aan idiin soo gudbiyo salaan kal iyo laab ah, marka xiga waxaan hortiina rabaa in aan uga soo jeediyo mahad gaar ah walaalaha kala ah: Saadiq C/Raxmaan, Cumar Jamaal, C/Kariim Maxamed, Dr. Xuseen Warsame, iyo Cali C/Rashiid, sidii sharafta lahayd ee ay noogu soo dhoweeyeen magaalada Minneapolis. Waxaan kaloo mahad u naqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee maanta shirkaan nagala soo qayb gashay.

Walaalayaal: Sida aad la socotaan bishii November 11, 2004 ayaa waxaa dacwad madani ah lagu soo oogey mudane Maxamed Cali Samatar, dacwadaas oo aan ahayn mid xaq ah, oo raadkeedu yahay caddaalad darro ee ah mid looga dan leeyahay in odayga Maxamed Cali Samatar ah sumcaddiisa iyo karaamadiisa lagu dilo, loogana xayuubsado hanti wax alla iyo wixii gacantiisa ku jirta.

Walaalayaal: Anaga ma idin lihin dembiile daafaca, mana idin lihin maamulkii dalka ka jirey iyo kuwii sannadihii ka dambeeyeyba wax ay dembi oo galeen ma jirto. Hase yeeshee ma qabno in ay tahay xaq in mas'uuliyiintii dalka  Soomaaliyeed maamuleysey oday Samatar oo keliya laga soocdo, loona muujiyo dembiilaha keliya ee geystey dhammaan tacadigii dhammaan ka dhacay dalka Soomaaliya.

Ugu dambaystii, waxaan halkan idiinku nimid in aan idin soo gaarsiino dhacdadaas gardarada ah, idinkana dalabno taageero si aan isaga dafacno gardaradaas aan geedna loogu soo gaban ee xaq darrada ah.




Dr. Cali Nuur Axmed oo markii uu warqada akhriyey kaddib su'aalo la weydiiyey ayaa yiri "Albaabkii aan Soomaali ka geli lahayn waxaan u dooranay Minneapolis, waxaana noogu xigi doona Columbus, Ohio iyo London, UK" Waxana uu sheegay in asagu uu ka yimid Canada. Waxana uu Dr. Cali Nuur intaas ku daray "in reer Soomaali ah oo heshiis u ah Cali Samar aysan jirin balse waxa dacwada wadaa ay yihiin shakhsiyaad."

Shirka waxaa ka hadlay qaar kamid ah aqoon yahanada iyo odayaasha magaalada Minneapolis ayagoo shaaca ka qaaday sida ay u taageersan yihiin qoyska reer Cali Samatar. Waxaana halkaas la isku weydaarsadey aragtiyo ku aadan sidii qoyska loo taakulayn laha si ay isaga difaacaan dacwada madaniga ah ee ku furan Maxamed Cali Samatar. Waxaana goobtii lagu magcaabay guddi ka kooban shan oday iyo toddoba talo bixiyeen oo soo qaban qaabiya arimaha la xiriira taageerada qoysku weydiistey reer Minnesota.

Faadumo Hiirad oo kamid ahaayd weriyayaashii qarankii Soomaaliya ayaa tiri "Qof kasta meel ayuu mas'uul ka ahaa, haddee aniguba radio Muqdisho ayaan weriye ka ahaa, Cali Samatar wuxuu ahaa kan isku haya ciidanka, mana ahayn nin qabiil". " Haddii Somaali qadiyad leedahay Cali Samatar ayey dooran lahaayeen, dembi gooni ah ma uu gelin, ee aan difaacno Cali Samatar".

Waxaa kale oo shirka ka hadlay Cumar Jamaal oo kamid ah ahaa qaban qaabiyayaashii shirka waxana uu yiri: "Walaalkaa kurbadii haysay markaad ka qaado, ay jirtona aaminkaa ah in uu jiro Allah aduunkaaan daalaacanaya, in waxna iska dhacayn iyo la qorayo, qofku markaas wuu garanayaa in wax walba meel ku dambaynayaan, bal iska daaye in xataa neeftaada la xisaabinayo. Kurbada qofka laga qaado waa la garanayaa miisaankeeda, taasi wax yar ma ahan, marka waxaan idin ku guubaaninayaa in arintaan ka qayb qaadataan".

Dr. Xuseen oo isaguna ka hadlay shirka ayaa madasha xusuusiyey in dawladii dhacday oo ay 14 sano qaran la'aan ahay Soomaalidu. Waxana uu si xeel dheer uga waramay waxa arintani ku salaysan tahay, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay hab qabiil.

Waxaa kale oo shirka ka hadashay Sahro Maxamed Cali Samatar oo dadkii madasha isugu yimid usoo gudbisey salaan ay ka sidey aabbeheed, Maxamed Cali Samatar. Waxa ay tiri: "Ugu horayn arrintaan caawa halkan ka dhacday ma malayn karaysaan sida aan ugu faraxsanahay, haddaan ogaan lahaa in intaan oo qof ay walaalahayn yihiin, hal habeen kuma seexan lahayn xanuunkii aan ku seexday. Waxaan salaan khaas ah idiinka wadaa aabbahay. Wuuna kusii farxi doonaa markuu ogaado sida aad tixgelinta ugu haysaan." "Waxaad i tusteen in aanaan keligay ahayn, waxaan helay waalidiin, iyo walaalo iyo qaran" ayey tiri Sahro oo aad ugu qiirootay sida reer Minneapolis usoo dhoweeyeen.

Wixii ka soo baxa guddiga reer Minneapolis u asaaseen arintan iyo meesha lagala xiriir karo guddigaas, gadaal ayaan ka soo qori doonaa insha Allah.

Qoraalkan kala xiriir:
webmaster@somalitalk.com
Minneapolis, MN | SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2004

Halkan ka akhri Dacwada madaniga ah ee Maxamed Cali Samatar


DACWADA CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq


DACWAD MADANI AH:::
Maxamed Cali Samatar iyo Yusuf Abdi Ali (Tokeh) oo Dacwad Lagu Soo Oogey :  Waxaana dacwada kusoo oogay.. Guji..



HTML CD