SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA
 
Daabaco Boggan | Print

Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya, Mohamed Ali Samatar, oo hadda Kunool Maraykanka oo Dacwad Lagu Soo oogey
  • Waxaa dacwad taas la mid ah lagu soo oogey Yusuf Abdi Ali (oo ku magac dheer Tokeh "Tuke")

USA | November 12, 2004

ALEXANDRIA, Va. Warar ay maanta faafiyeen warbaahinta Maraykanku ayaa shaaca ka qaaday in dacwad lagu soo oogey ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Ali Samatar, oo hadda ku nool gobolka magaalada Fairfax, ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, dacwadaas oo sida warku sheegay ah mid la xiriirta 'fal-dembiyeed dagaal' [War Crime], kuwaas oo dhacay intii uu cali Samatar ahaa Wasiirka Difaaca iyo Ra'uusul wasaaraha Soomaaliya.


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Mohamed Ali Samatar waxa uu madaxweyne kuxigeen iyo wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ahaa 1980 ilaa 1987, kaddibna ra'iisul wasaare 1987  ilaa 1990, xiligaas oo ay dalka ka talineysey xukuumada maxamed Siyaad barre.

Bashe Abdi Yousuf, oo hadda ku nool Atlanta, Georgia, oo kamid ah dadka dacwada oogaya waxa uu yiri" Sannadkii 1982 ayaa la igu soo eedeeyay in aan ku kacay khiyaamo qaran [high treason] waxaana la igu xukumay 20 sano". Markii la xirayna laba jeer ayaa koronto lagu dhegiyey "electric shock" iyo in laba jeer uu miyiri beelay kadib markii inta sanka la qabtay afka biyo laga qulaamiyey, waa sida dacwada ku qorane. Waxaana uu Bashe yiri 'Waxaan rajaynaya in dacwadani [Lawsuit] ay dhambaal u dirto dadka dembiga ka galay xuquuqda aadamiga iyo in ay mas'uul k anoqdaan cawaaqibkeeda iyo in Maraykanku uusan magan gelin dadka ku kacay falal dembiyeedka dhanka ka ah xuquuqda aadamiga". Waxana uu intaas ku daray "Anigu dhibaatadaas waa ka soo badbaadey laakiin waxaa jira dad badan oo aan kasoo sabata bixin". Bashe waxa uu hadda haystaa dhalasha Maraykanka. Bashe waxa uu dacwada ku oogayaa Cali Samatar, waxaa kale oo mudiciyiinta ka mid ah ugu yaraan shan qof oo kale oo magacyadooda la qariyey.

Waxaa kale oo dacwad lagu soo oogey Yusuf Abdi Ali (oo ku magac dheer Tokeh "Tuke") oo asaguna ku nool ALEXANDRIA, VA. waxana uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidankii soomaaliya oo lagu soo eedeeyay in ciidankii uu madaxda ka ahaa ay geysteel falal ay ka mid yihiin dilal, ciqaabo iyo jir-dil ama garaacid. Taas oo warku sheegay in dadka la garaacay ay ku jirtey qof dumar ah oo uur leh oo sidii loo garaacayey ilmihii soo tuurtay, qoftaas dumarka ah oo xabsi la geliyey muddo lix sano ah ayaa kamid ah dadka hadda dacwada kusoo oogey sarkaalka.

Yusuf Cabdi Cali waxa uu ahaa taliyaah qaybta 5aad ee ciidankii Qalabka sidey ee Soomaaliya 1984 ilaa 1989.

Yusuf Cabid waxaa laga saaray Dalka Canada October 1992. Waxana uu sannadkii 1993 dalbaday deganaanshaha Maraykanka. Waa loo diidey waxana uu Kenya ku laabtay 1994. Laakiin waxaa loo ogolaaday in uu kusoo laabto USA sannadkii 1996, halkaas oo ay degan tahay xaaskiisa oo haysata dhalasho maraykan ah. Waa sida ku cad qolaalka dacwada.

Wargeyska seattlepi waxa uu sheegay  in aan looga jawaabin telefoon uu wargeysku u diray guriga Cali Samatar. Cabdi Calina waxa uu diidey in uu wargeyska war u sheego ilaa uu la hadlayo qareen, waa sida wargeysku qoraye.

Waxaa dacwadan maxkamada ka diiwaan geliyay "Center for Justice and Accountability" oo u dooda xuquuda aadamiga. Waxaana dacwada la diiwaan geliyay: 10 Nov 2004.

  • Dacwada dhanka ka ah cali Samatar: oo ka kooban 36 bog Ka akhri Halkan.. Guji.. [PDF]
  • Dacwada dhanka ka ah Yusuf Cabdi 'Tokeh' oo ka kooban 27 bog ka eeg halkan... Guji [PDF]
  • XUSUUS: Si aad qoraalada PDF-ka ah u akhridid waxaad u baahan tahay acrobat reader.. [waa haddii uusan computerkaaga horay ugu jirin Adobe Acrobat]

ISHA SAWIRADA: seattlepi | CJA

Faafin: SomaliTalk.com | 12/11/2004

WARARKA KALE EE MAANTA::

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD