SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
 
Daabaco Boggan | Print

BAAQYADA NABADA EE CULIMADA SOOMAALIYA:::

BAAQ KA SOO BAXAY  DALLADDA CULUMADA SOOMAALIYEED 

11/11/2004

Sida la wada og soon yahay waxaa baryahan danbe ku soo batay dalka falal aad ugu fool xun diinta islaamka iyo dhaqanka suubban ee ummadda soomaaliyeed, waxaana ka mid  ah dilka loo geysanayo ergooyinka nabadda, culumada, waxgaradka iyo aqoonyahanka dalka.

Falalkaas oo ay qaar ka mid ahi ka dhaceen magaalada Muqdisho iyo gobalada dhexe, ayay dalladda culumada soomaaliyeed waxay ku   baaqaysaa arrimahan  soo socda :- 

1. waxay ugu baaqaysaa dalladdu dadka ku kacaya falalka dilka xaqdarada ah in ay alle ka baqaan, joojiyaanna daadinta dhiigga dadka muslimiinta ah, maxaa yeelay diinta islaamku waxay meel adag dhigtay qofkii qof muslim ah si kas ah u dila, iyadoo sheegtay in qofkaasi la kulmi doono cadaab uu ku waaro, caro alle,  lacnadda alle oo ku dhacda( naxariista alle oo laga dheereeyo) iyo cadaab weyn oo loo diyaariyey. Sida ku cad suuradda (Annisaa") aayaddeeda 93.  

2. dalladda culumada soomaaliyeed waxay cambaareynaysaa dilkii foosha xumaa ee loo geystay jeneraal Maxamed Cabdi oo ahaa nin culumo iyo aqoonyahanba ah, kana dhintay ummadda soomaaliyeed , gaar ahaanna culumada.

Waxay dalladdu u tacsiyeynaysaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee jeneraal Maxamed Cabdi. Waxayna ku baaqeysaa in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglayaashii ka danbeeyey dilkaas foosha xun , shareecada islaamkana la hor keeno. 

3. dalladda culumada soomaaliyeed waxay ugu baaqeysaa eheladii ergadii nabadeed  ee lagu laayey Docoley in ay dul qaataan laguna dhammeeyo arrinta dhacday  sida ay qabto shareecada islaamku, lagana heshiiyo  

4. waxaa kale oo ay dalladdu aad uga xun tahay kana soo horjeeddaa weerarka xaq darrada ah ee ciidanka mareykanka iyo gaashaanbuurtoodu ku hayaan dadka walaalaheenna ah ee reer Ciraaq, gaar ahaanna magaalada Faaluuja. Waxayna ugu baaqayaan dawlada mareykanka iyo xulufadeedu in ay si deg deg ah u joojiyaan duullaanka, baabbi"inta iyo xasuuqa foosha xun ee ay ka wadaan waddanka Ciraaq.

Waxayna ugu baaqayaan dhammaan muslimiinta caalamka in ay ku garab is taagaan walaalahooda reer Ciraaq naf iyo maal iyowixii ay awoodaan.  

Ugu danbeyntii waxay dalladu ugu hanbalyaynaysaa shacabka soomaaliyeed munaasabada ciidda soonfur ee foodda nagu soo haysa waxayna ilaah uga baryaysaa in uu ku gaarsiiyo ciiddan midda xigta nabadgalyo iyo barwaaqo. 

K/XIGEENKA DALLADDA CULIMADA SOOMAALIYEED  

SH. AXMED MAXAMED SULEYMAAN

28/9/1425H , 11/11/2004

Laxiriir:
Xafiiska dacwada iyo tarbiyada

dacwah@hotmail.com  


Culimada Soomaaliyeed oo baaq samo ka talin ah u jeediyay madaxda S/land iyo P/land 

       Culimada ugu waaweyn ee ay leedahay bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibaddaba ayaa u jeediyay madaxda S/land iyo P/land baaq nabdeed oo ku aaddan dagaalladii dhawaan ku dhexmaray labada dhinac tuulada Adhicaddeeye ee degmada L/caanood. Culimadu waxay ku muujiyeen qoraalkooda tiiraanyada iyo murugada weyn ee ay ku hayso colaadda dhexmartay dadka walaalaha ah. Waxay kale oo carrabbaabeen culimadu in dhiigga xaqdarrada lagu daadiyo yahay xaaraan iyo dambi weyn, haddana ay sii dheertahay dagaalkaan oo dhacay bisha barakaysan ee Ramadaan. 

       Culimadu waxay soo jeediyeen talooyin ay tahay in lagu dhaqaaqo si loo xalliyo khilaafka ka dhex taagan labada dhinac, waxaana ka mid ah:

1- In si degdeg ah loo joojiyo xabbadda.

2- In ay labada dhinac oggolaadaan wadahadal iyo dhexdhexaadin ay sameeyaan culimada, salaadiinta iyo waxgaradka soomaaliyeed.

3- In waxyaabaha la isku hayo loo celiyo, loona bandhigo shareecada Islaamka. 

       Culimada soomaaliyeed oo ku caanbaxay heshiisiinta, walaalaynta iyo ka shaqaynta danta guud ee bulshadooda ayaa tillaabadaani tahay mid laga sugayay ayna mudnaayeen, waxaana hadlkooda ka muuqata kalsooni weyn oo ay ku qabaan madaxda ay baaqa u jeediyeen. Dadweynaha deegaanadaas oo lagu yaqaan qadarinta ay u hayaan diinta iyo culimada ayaa aad loogu rajoweyn yahay in ay u hoggaansami doonaan baaqa culimada iyo ku kala bixista Shareecada Islaamka, Rabbina waxaan ka baryaynaa in uu dhexdhigo dadkeenna nabad iyo walaalnimadooda oo ay sii adkeeyaan. 

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com  

Hoos ka Eeg baaqa culimada 

BAAQ FURAN: OO KU SOCDA MADAXDA SOMALILAND IYO PUNTLAND       

UJEEDO: SAMO KA TALIN DAGAALKA GOBOLKA SOOL 

Waxaa tiiraanyo iyo murugo u ah dadka Somaaliyeed ee jooga dibed iyo gudoba, gaar ahaana culimadda diinta ee Soomaaliyeed, guud ahaana muslimiinta oo dhan dagaalkii dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Puntland.

Iyadoo siddeeda dhiiga muslimiintu oo la daadiyaa sharci la'aan ay xaaraan iyo dembi wayn tahay waxaa ka sii xag jira waqtiga la jiro bisha Ramadaan ee barakaysan. 

Si loo xaliyo khilaafka labadda dhinac, culimadda soomaaliyeed ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin iyo in badan oo ay magacyadooda ku hadlayaan waxay madaxda Somaliland iyo Puntland ugu baaqayaan arrimaha soo socda:

1. Inay si degdeg u hirgeliyaan xabad joojin dhab ah;

2. Inay oggolaadaan wadahadal iyo dhexdhexaadinta guddi ka kooban culimo, isimo iyo waxgard Soomaaliyeed.

3. In arrimaha laysku hayo loo celiyo laguna dhammeeyo shareecadda Islaamka. 

Culimadda baaqan soo saartay: 

  • 1. Sheikh Shariif Cabdinuur Xassan           Makkah
  • 2. Sheikh Cumar Faaruuq                        Jabuuti
  • 3. Sheikh Cali Warsame                          Burco
  •  4. Sheikh Maxamed Cumar Dirir               Hargeisa
  • 5. Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax         Garoowe
  • 6. Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil             Norway
  • 7. Sheikh Maxamed Idriis Axmed              USA
  • 8. Sheikh Cabdinaasir Xaaji Axmed             Laascaanood
  • 9. Sheikh Yusuf Aadan                           Hargeisa
  • 10. Sheikh Cabdulwaaxid Xaashi               Laascaanood
  • 11. Dr. cabdulqaadir Maxamed C/laahi         Bosaso
  • 12. Sheikh Cabdullaahi Makkaawi              Hargeisa
  • 13. Sheikh Maxamuud Salaad                  Laascaanood
  • 14. Sheikh Daahir Cabdi                        Bosaso
  • 15. sheikh Maxamuud Ciise                     Makkah
  • 16. Sheikh Axmed Daahir                        Bosaso
  • 17. Sheikh Cabdiraxmaan Sh. Cumar        USA
  • 18. Sh. Maxamed Abdi Umal                  Nairobi
  • 19. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan         Bosaso
  • 20. Sh. Maxamed Sh. Cisman               Nairobi
  • 21.   Dalladda Culimadda Muqdisho        Muqdisho                 
  • 22. Sheikh Ibraahiim Sh. Maxamed         USA

WIXII FAAHFAAHIN AH KALA SOO XIRIIR: 

SH. MUXAMAD IDRIS AXMAD - IMAAMKA MASJIDKA IBNU TAIMIAH – COLOMBUS – OHIO   USA HAATANA JOOGA MAKKAH AL MUKARRAMAH

TEL: 966509596875 E-mail: Muhaajir@hotmail.com


BURCO: BAAQ NABADEED

(OO CULIMADA GOBOLKA T/DHEER AY KA SOO SAAREEN COLAADA KA OOGAN GOBOLKA SOOL 

  • KU: MADAXTOOYADA JAMHUURIYADA S/LAND

  • KU: MADAXTOOYADA MAAMUL GOBOLEEDKA P/LAND

  • KU: SEDEXDA GOLE EE J . S/LAND

  • KU: LABADA GOLE EE MAAMUL GOBOLEEDKA P/LAND

  • OG: SALAADIINTA, ISIMADA IYO INTA NABADA JECEL

  •  

Anaga oo ah culimada Gobolka T/dheer  ka dib markii aanu aragnay xaalada colaadeed ee ka aloosan gobolka sool taas oo ay isku hayaan dhinacyada Somaliland iyo puntland ,isla mar ahaantaana aanu si xeel dheer uga baaraan degnay saamaynta ay ku yeelan karto dadyawga walaalaha ah ee aan sina u kala maarmi Karin waaxaanu ugu baaqaynaa dhinacyada baaqani sida tooska ah ugu socdo ee  kor ku xusan iyo cid kasta oo nabada jecel qodobadan hoos ku qoran. 

1-   in si degdeg ah oo shuruud la,aan ah xabada loo joojiyo iyada oo la xurmaynayo dhiiga muslimiinta walaalaha ah , ee bisha barakaysan ee ramadaan ku dadanaya sababta aan sharciga ahayn. 

2-   In arimaha laysku hayo lagu dhameeyo wada hadal iyada oo la adeegsanayo caqliga iyo maskaxda fayaw lagana faa,iidaysto waaya aragnimada aynu u leenahay dagaalka sokeeye 

3-   Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan shicibka labada dhinac in ay ilaashadaan diintooda,derisnimo wanaaga aanaanay ka qayb gelin dagaalka fidmo ee taagan. 

Gabagabo: waxaanu mar labaad ku baaqaynaa in gebi ahaanba la    joojiyo colaada

Magacyada Culimada Soo Saaraty Baaqa 

  • 1.         Sh. Cali Warsame Xasan:------------------

  • 2.         Sh. Faysal Cali Faarax:---------------------

  • 3.         Sh. Cismaan Maxamed Ismaaciil:-----------

  • 4.         Sh. Cismaan Ibraahim Faarax:---------------

  • 5.         Sh. C/Laahi Daahir Jaamac:------------------

  • 6.         Sh. Iimaan Maxamuud Diiriye:--------------

  • 7.         Sh. Yuusuf Cabdi Cawad:---------------------

  • 8.         Sh. C/Rasaaq Aadam Carab:-------------------

  • 9.         Sh. C/Rasaaq Muxumed Cali Ciise:------------

  • 10.       Sh. Jaamac Cismaan Axmed:---------------

  • 11.       Sh. Maxamed Shukri Xasan:----------------

  • 12.       Sh. C/Rashiid Xaaji Aadam:-----------------

  • 13.       Sh. Ibrahim Xasan Cali:----------------------

  • 14.       Sh. Siciid Axmed Jaamac:----------------------

  • 15.       Sh. C/Li Axmed Yaasiin:------------------------

  • 16.       Sh. C/Casiis Maxamed Jaamac:---------------

  • 17.       Sh. Axmed Ismaaciil Yuusuf:-----------------

  • 18.       Sh. Mustafe Aadam Maxamed:------------------

  • 19.       Sh. Maxamed C/Laahi Cilmi:-------------------

  • 20.       Sh. Jaamac Cali Cabdile:-----------------------

  • 21.       Sh. Cumar Haybe:-------------------------------

  • 22.       Sh. Aadam Cabdi Ismaaciil:---------------------

  • 23.       Sh. Jaamac Aadam Xasan:----------------------

  • 24.       Sh. Yuusuf Jaamac Warsame:-----------------

  • 25.       Sh. Maxamed Cabdi Guray:---------------------

  • 26.       Sh. Yuusuf Maxamuud Diiriye:------------------

  • 27.       Sh.  Muuse Sahal Diiriye:------------------------

  • 28.       Sh. Deeq Ciise Maygaag:--------------------------

  • 29.       Sh. Maxame Aadam Ibraahiim:----------------------

  • 30.       Sh. Xiis Faarax ----------------------------

wixii faahfaahin ah waxaa lagala xidhiidhayaa cbaashe@hotmail.com tel:002522435012

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Baaq nabadeed ay Boosaaso ka Soo saareen Isimada, Culimada, Ganacsatada iyo Indheer-garadka Puntland

Jimce, November 05, 2004
Boosaaso

  • Ku: labada maamul ee puntland iyo soomaliland.
  • Ku: labada baarlamaan ee soomaaliland iyo puntland.
  • Og: isimada nabadoonada culumaa’udiinka, waxgaraddka umadda soomaliyeed.

 Baaq nabadeed .

Anagoo xeerinayna dhibaatadii ba’nayd ee colaadda ummadda soomaaliyeed labaataneeyihii sano ee ugu danbeeyey ay soo martay iyo waxay ku wayday oo naf maal iyo maamuusba leh, lagana soo tabar xiiso beelay colaadda.

Anoo xeerinayna in ummadda soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiintuba ay gudanayaan waajibaadka bisha ramadaan ee barakaysan aysan haboonayna in dhiig bishaas cibaadadeeda lagu dheeho.

Anagoo xeerinayna dhibaatada dagaalkaas reebi karo ee dhaqan dhaqaale, barakac iyo duuflaalka ee innaga iyo ubadkeenaba sida tooska ah u taabanaysa.

Anagoo aaminsan mar kasta o ay colaaddu sii durugto in xalku sii adkaanayo, haatan ay wax ka qabasho leedahay.

Anagoo xeerinayna islaanimada, dhalashada , dagaanka , soomalinimada.

Annagoo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ummadda naga saaran ee ah reebidda xumaha iyo faridda samaanta, walaalnimada is xiriirinta.

Annagoo ka xanuunsanyna dhiigayaga daadanaya waqti aan loo baahnayn iyo si aan loo baahnayan.

Waxaan usoo jeedinaynaa arimahan soo socda.

  • In aan loo baahnayn dagaalka ka socda degaanka sool iyo nawaaxigiisa
  • In la joojiyo dagaalka oo lagu dhawaaqo xabbad joojin labada dhinacba sida ugu dagdagta badan.
  • in shacabku ay nabada ka shaqeeyaan, maamladoodana ay ka dhaadhiciyaan baahida nabada loo qabo.
  • In la joojiyo dagaalka warbaahineed iyo dacaayadaha saxaafadda labada dhinac.
  • In colaadda looga xaalo si wada hadal iyo miyir qab ah.
  • In arintan lagu xalliyo hab shereecada islaamka waafaqsan.
  • in aan diyaar u nahay in aan ka qayb qaadanno heshiisiinta labada maamul lana shaqayno labada dhinacba, iyo sidoo kale jihadii isku hawsha nabadaynata degaanka colaadu ka socoto.

Waxaan u mahad naqaynaa culuma’udiinkii baaqa nabadeed ka soo saaray degaanka burco.
Ugu danbayntii waxaan ka codsanynaa labada maamul in ay jawaab garowshiiyo ah ka bixiyaan baaqyada waxgaradka iyo culimaudiinka ganacsatadu ay soo jeediyeen.

          Isimada.

  • Suldaan C/Salaam Sul Max,Ud
  • Beeldaaje Cali Faarax
  • Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin
  • Suldaan C/Laahi Ax-Nuur
  • Ugaas C/Qaadir Cilmi
  • Suldaan C/Laahi Carabduur
  • Garaad C/Casiis (olol)
  • Caaqil C/Wahaab Maxamud Gureey
  • Beeldaaje Salaad Cali Faarax
  • Culimada.

  • Shiikh C/Qaadir Nuur Faarax
  • Shiikh Axmed Daair
  • Shikh Daahir Aw Cabdi
  • Shiikh Bashiir Jamac Kitte
  • Shiikh Axmed Xaaji C/Raxmaan
  • Shikh C/Laahi Cali Xaashi
  • Shiih C/Naasir Xaji Axmed
  • Shiikh C/Risaaq Xuseen Ciise
  • Shiikh Maxmuud Xaaji Yuusuf
  • shiikh c/naasir xuseen cusmaan
  • Shikh C/Waaxid Xaashi
  • Shiikh Cali Maxamed Xasan (Cali Ceelaayo)
  • Shiikh Maxamed Macalin
  • Ustaad Mawliid Axmed Mataan
  • Shiikh Jaamac C/Salaam
  • Shiikh Mahad C/Laahi
  • Shiikh Xasan Xuseen
  • Ganacsatada Iyo Indheer-Garatada.

  • Gen Cali Ismaaciil
  • Col Xasan Guure
  • xaaji maxamuud aadan shiikh-doon
  • C/Ladiif Yuusuf Barre
  • Dr Maxamed C/Qaarid Maxamuud
  • Daahir Ayaanle
  • C/Naasir Maxamed Xuseen Gurey
  • Bashiir Maxamed Faarax
  • C/Raxman Maxmuud Warsame
  • Maxamed C/Raxmaan Ilaaq
  • Cismaan Shire Quud
  • Xasan Faarax Bile
  • Ismaaciill Shiikh Saalax
  • Qaasin Cali Cabaade
  • Dr Bashiir Xuseen Jibriil
  • Dr C/risaq Xirsi cisman (Baydhabo)
  • Dr Ciise Axmed ( Ciise Dheere)
  • Dr Axmed Cali Aadan
  • Maxamuud Faarax Bile
  • Xaaji Axmed Maxamed Xuuse
  • Axmed Muuse Caayib
  • Ismaaciil Siciid ( Ismaaciil Kutub)
  • Jaamac Adan Shiikh Doon (geenyo)
  • Dr Aadan Shiikh Doon
  • Dr Maxamed samantan maxamuud
  • Captain C/Rabi Aadan Galool
  • Saleebaan Maxamuud Xaashi

  • Wixii Talo, tusaalayn iyo nabad ka talin ah waxaa lagu hagaajin karaa: Xafiiska dacwada iyo tarbiyada: Email: dacwah@hotmail.com  


    Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

    Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

    © www.SomaliTalk.com

    SEARCH

    Allah Is Great
    TAARIIKHDA ISLAAMKA
    Silsiladda Taariikhda Islaamka
    Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

    Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

    Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
    Guji

    DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
    Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji


    Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
    Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
    "Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
    Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
    AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
    Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
    Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
    MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
    101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
    Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

    Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
    Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
    »Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
    »Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
    »Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
     Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

    bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
    Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
    Guji...

     



    HTML CD