SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR

  • Ururuka DDP oo Taageeray Dawlada Cusud
  • Beesha Cabdi Koombe (Jambeel) oo Taageeray Madaxweynaha Cusub
  • Jaaliyaad Soomaalida Mayasia oo Taageeray Madaxweynaha Cusub
  • Jaaliayada Soomaalida London, Canada oo Taageeray Dawlaad Cusub
  • Kulan taageero ah Dawlada cusub ah oo lagu qaban doono Minneapolis

Maxamed Xasan Maxamud "Abgaalow": Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.

URURKA DDP OO TAAGEERO IYO HAMBALYO U DIRAY MADAXWYNAAH CUSUB:::

Oct 13, 2004

Maxamed Xasan Maxamud "Abgaalow"
Guddoomiyaha xisbiga DDP
Minneapolis, MN, USA
E-mailka:
abgaalow56@hotmail.com

Anigoo kuhadlaya magacayga iyo magaca ururka DDP waxaan hambalyo u direynaa madaxweynaha Cusub ee la doortay, Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Waxaan kugu bogaadineynaa in aad ummadda wax u qabatid, midnimadeedana soo celisid, sidaas oo keliya ayaad magac iyo maamuus ku heli kartaa.

Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.

Maxamed Xasan Maxamud 'Abgaalow"
Guddoomiyaha xisbiga DDP
Minneapolis, MN, USA
E-mailka:
abgaalow56@hotmail.com


BEESHA CABDI KOOMBE (JAMBEEL) OO TAAGEERO IYO HAMBALYO U DIRAY MADAXWEYNAHA CUSUB:::

Taariikh: Octoobar  13, 2004

Bootaan Barre Samanter
Afhayeenka Beesha Abdi Koombe(jambeel)

Nairobi, Kenya
Email: cabdikoombe@yahoo.com
 

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Beesha Cabdi Koombe (Jambeel Koombe) waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin iyo taageero uga dirayaa madaxweynaha Axadii 10/10/2004 lloo dortay jamhuuriyada Soomaaliya, C/Laahi Yuusuf Axmed.

Soomaaliya maanta waxa ay u baahan tahay qof si xeel dheer oo miisaaman  wax uga qabta, si caadil ah ugu garsoora, ka fogaada nin jeclaysiga iyo eexda, dadka u muujiya in uu u siman yahay, taas ayaa maanta laga sugaya madaxweynaha..

Beesha Cabdi Koombe waxay dawlada la garab taagan tahay taageero inta ay dawladaasi u caddaalad faleyso shacabka oo dhan.

Taageerada iyo hambalyada madaxweyne waxaan kuugu dareynaa duco..

Bootaan Barre Samanter
Afhayeenka Beesha Abdi Koombe(jambeel)

Nairobi, Kenya
Email:
cabdikoombe@yahoo.com
 


 

JAALAYADAHA SOOMAALIDA MALAYSIYA iyo LONDON, ONTARIO OO TAHNIYAD IYO TAAGEERO MADAXWEYNAHA DFKMG

TAHNIYAD IYO TAAGEERO

TAARIIKH: 13/10/2004

KUALA LUMPUR, MALAYSIA

Dr. Hersi Labagarre labagarre@hotmail.com

ANNAGA OO KU HADLAYNA MAGACA AQOONYAHANNADA, CULAMAA'UDDIINKA, ARDAYDA, IYO JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KU NOOL DALKA MALAYSIA AYAAN HALKAN TAHNIYAD IYO TAAGEERO UGU SOO GUDBINAYNAA GUUD AHAAN UMMADDA SOOMAALIYEED, GAAR AHAANNA MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA EE DHAWAAN LA DOORTAY MUDANE CABDULLAAHI YUUSUF AXMAD.

AQOONYAHANNADA, CULUMAA'UDDIINKA, ARDAYDA IYO JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KU NOOL DALKAASI MALAYSIA WAXAY U REJAYNAYAAN MADAXWAYNAHA IYO UMMADDA SOOMAALIYEEDBA IN UU MAAMULKA CUSUB EE MADAXWAYNE CABDULLAAHI NOQDO MID MIDOW IYO ISRAAC U HORSEEDA BULSHADA SOOMAALIYEED KANA BAXSHA DHIBAATADII SOO TAAGNAYD MUDDADII DAGAALKA SOKEEYE SOCDAY.

ANNAGA OO KU HADLAYNA MAGACA AQOONYAHANNADA, CULAMAA'UDDIINKA, ARDAYDA, IYO JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE KU NOOL DALKA MALAYSIA, WAXAAN OGAYSIINAYNAA MAAMULKA CUSUB EE MADAXWAYNE CABDULLAAHI IN AAN TAAGEERO BUUXDA LA GARABTAAGANNAHAY AADNA UGU HANWAYNNAHAY IN UU NOQDO MADAXWAYNE MADAXBANNAAN, SOONA CELIYO SHARFTII UMMADDA SOOMAALIYEED, XAG SIYAASADEED, XAG BULSHO IYO XAG DHAQAALEBA.

WAXAA QORAY:

  • DR. HERSI AW MAXAMAD (LABAGARRE)
  • DR. ABDI OMAR SHUURIYE
  • DR. MAXAMAD CABDULLAAHI NUUR
  • MR. XASSAN SH. CALI NUUR (IMAAM)
  • MR. ABDIRAZAAQ CABDULLAAHI XAASHI
  • MR. CABDULLAAHI FAARAX AXMAD
  • MR. IBRAAHIM SHEEKH CABDULQAADIR
  • MR. CABDULLAAHI SIRAAD KILUE

Laxiriir:: Dr. Hersi Labagarre <labagarre@hotmail.com>


TAAGEERO KA TIMID SOOMAALIDA LONDON, ONTARIO, CANADA:::


YUSUF OSAMAN
yusufkenadid@hotmail.com

YUSUF OSAMAN.
London, Ontario, Canada..
<yusufkenadid@hotmail.com>

Jaaliyadda Soomaalida ee London On, waxay u tahniyadeyneysaa Madaxweyne Cabdilahi Ahmed Yusuf. Waxayna ku soo dhaweeyeen Niyad Wanaagsan Damaashaad iyo Farxad Balaaran.

Waxay leeyihiin noqo kii NOO HAGAAGOO NOQO LOO HANWEYNYAHAY.

YUSUF OSAMAN.
<yusufkenadid@hotmail.com>


HODMAN RELIEF & DEVELOPMENT ORGANISATION
BOSASO, PUNTLAND STATE OF SOMALIA.
TELL: 252-523-6967/252-5824705/252-5728210/727290.
 
 
 
Assalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakaatu.
 
Aniga oo ku hadlaya magaca Ururka Hodman Relief  & Development Organisation waxaan halkan tahniyad ugu diraynaa Madaxweynaha Dowlada Federlalka Somaliya, Mudane, C/laahi Yusuf Axmed, allana waxaanu ugu baryaynaa inuu u fududeeyo masuuliyada weyn uu qaaday & howlaha sugaya in wax laga  qabto, waxaan rajaynaynaa in dowlada cusub wax badan ka qabato dib u dhiska dalka & dib u heshiisinta, bulsha weynta soomaliyeedna waxaan ugu baaqaynaa in ay gacan siyaan dowlada cusub lana shaqeyaan si markaas loo gaaro, nabad, horumar & barwaaqo.
 
waxaan halkan sidoo kale mahad usoo jeedinaynaa dowladaha IGAD oo qeyb lixaad leh ka qaatay dhismaha dowlada, gaar ahaan waxaa mahad gaar ah usoo jeedinaynaa dowlada kenya oo marti gelisay shirkii mudada labada sano loogu dhisayay dowlad Somalya.
 
Gudoomiyaha Ururka Hodman Relief & Development Organisation.
                  Mahado Shiikh Axmed C/lle habarwaa
                  Bosaso, Somaaliya
EMAIL: hodmanngo@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2004



Ali Malaaq Ahmed, chairman

Aadan A. Colujoog, vice-chairman

Golaha Midowga Dadka Reer Gedo ayaa waxaa uu Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federalka Soomaliya u dirayaa baaq isugu jira taageero, bogaadin iyo talo soo jeedin.  

Ugu horeyntii waxaana kugu hambalyayneynaa howsha culus oo loguu doortay, waxaana Ilaahay weydiisanaynaa inay dawladaadu noqodo mid dadka wada deeqda oo la mahadiyo isla markaana  salka u dhigta hanaan iyo waa cusub oo ku fadhiya sinnaan, cadaalad, wadatashi iyo awood qeybsi. Guji...


BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM                     13/10/2004


                                      SOOMAALIYA HA NOOLAATO

     KU- DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED EE KU NOOL MINNESOTA -MINNEAPOLIS

     Ujeeddo:- Duco iyo Taageero Ku wajahan Dawladda Cusub ee u Dhalatay Umaadda

                                                  Soomaaliyeed Maanta.


                                                Mudanayaal iyo Marwooyin.


        Idinka oo Mahadasan,aan ka soo wada qayb galano,Munaasabadda Xafladda Balaaran oo lagu
  taageerayo isla markaasna loogu ducaynayo  "Dowladda Maanta Ummadda Soomaaliyeed u curatay,
                                                Xafladdan oo ka Dhici Doonta.

                                     Goobta:Minneapolis Convention Center

                                                1301 Second  Avenue South
                                                         Mineapolis,MN
                                       Saacadda:-   5:00PM---11:PM

                                       Waxaa soo Qabanqaabiyey Xafladaan

                                      #-African Community ag Minneasota           
                                      #-Somali  American Friendship of Minnesta.              612-558-5105
                                      #-Somali  Mai   Community.                                   612-296-1027
                                      #-Somali  Community of Minnesota.                        612-871-6786
                                      #-Somali Benadiri Community.                                612-879-4326
                                      #-Confederation of Somali Community in Minnesota.  612-338-5282
                                      #-Somali Wamen Of Minneapoli(SWIM)                    612-874-8343


       Laxiriir::
abdibarre ahmed jabriil62@hotmail.com


bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL... Guji...

»SPORTS: Waaberi Stars Jiddah oo ku Guuleysatay koobkii sannadlaha

C/Lahi Yusuf oo Muqdisho Ka Degi Doona Jaanayo 2005
Madaxweynaha DFKMG ayaa la sheegay in uu... Guji.. Oct 12

Xaaskii Hore ee Xildhibaan Xuseen Caydiid oo Ka Hadashay Doorashada Madaxweynaha [Waraysi]

Warbixin ku saabsan Jaamacadda bariga Afrika
Yoolalka iyo Baahidda Jaamicadda...
Guji..

Waa Sidee Dareenka Muqdisho Doorashadii Cabdulaahi Yuusuf ka dib [Warbixintii Amiin]

Sidee Looga Arkay Hargeysa  Doorashadda Abdillahi Yusuf ee loo Doortay Madaxweyne [Warbixintii C/caziz]

TAHNIYAD IYO TALO SOO JEEDIN KU AADAN M/WEYNA SOOMAALIYA Dhambaal ka yimid Boosaaso.... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
kaah



HTML CD