SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  NAIROBI

C/LAHI YUUSUF OO MUQDISHO KA DEGI DOONA JANAAYO 2005

SomaliTalk.com | Nairobi | Oct 12, 2004

Warar laga helay diblomaasiyiin ka tirsan IGAD ayaa sheegay in madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, C/laahi Yuusuf Axmed, oo Axadii 10/10/2004 lagu doortay shirka Kenya, in uu bisha Janaayo ee sannadka soo socda ee 2005 ka degi doono magaalada caasimada u ah dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Doorashada madaxweynaha ka dib, shacabka reer Muqdisho waxay aad u sugayaan cidda uu madaxweynaha dawlada federaalka ee kumeel gaarka ahi u soo xusho ra'iisul wasaaraha, iyo sida uu ra'iisul wasaarahu u soo dhiso dawladiisa. Waxaana taas ka horeysa in si rasmi ah loo dhaarin doono madaxweynaha.

Warar kale oo u kudhow madaxweynaha cusub ayaa sheegaya in laga yaabo in safarada ugu horeeya uu ku tegi doono dalka Maraykanka magaaladiisa New York, in kasta oo aan la xaqiijin waqtiga safarkaasi ku beegan yahay.

Warbaahinta caalamka ayaa badan koodu ku tilmaamay in uu C/laahi Yuusuf yahay nin ku dhow dawladaha Addis Ababa iyo Washinton. Jariidada New York Times oo faallo ka qortay doorashada C/Laahi Yuusuf ayaa tiri : Dadka ka soo horjeeda C/laahi Yusuuf waxa ay ku tilmaamaan in uu yahay nin aan u dul qaadan karin warbaahinta xorta ah, aan jeclayn xoogga islaamiyiinta ah, aan xiriir wanaagsan la lahayn Somaliland iyo qabqablayaasha Muqdisho. Jariidada oo hadalkeeda sii wadata waxa ay qortay: dadka taageerayaasha u ah C/laahi Yuusuf waxa ay yiraahdaan in uu yahay nin karti leh, tababar milatari leh, isla mar ahaantaasna gacan saar la leh Addis Ababa iyo Washington.

Warbaahinta Dalka Koonfur Afrika ayaa ayaduna qortay in dadka Soomaaliyeed ay si taxadar leh kusoo dhoweyeen doorshada madaxweynaha Soomaaliya loo doortay C/laahi Yusuuf. Jariidada Independent Online oo kasoo baxda k/Afrika oo arintaas faahfaahineysa waxa ay qortay in: shacabka Soomaaliyeed ay madaxweynaha ku qiiman doonaan wax qabadkiisa ee aysan u eegayn qabiilka uu ka dhashay.

Xog-hayaha guud ee Qaramada midoobey, Kofi Annan, waxa uu dadka Soomaaliyeed ku amaanay sida ay u dhacday doorshadii madaxweynaha, waxana uu soo dhooweeyey madaxweynaha la doortay. Waxa kale oo C/laahi Yuusuf soo dhoweeyey madaxweynaha dalka uu hadda martida u yahay ee Kenya, kaas oo ku qaabilay guriga madaxtooyada Kenya, kaddibna ay yeesheen wadahadal albaabadu u xirnayeen.

XAMAR DAAWO DACALADA... SAWIRO....

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2004


Xaaskii Hore ee Xildhibaan Xuseen Caydiid oo Ka Hadashay Doorashada Madaxweynaha [Waraysi]

Warbixin ku saabsan Jaamacadda bariga Afrika
Yoolalka iyo Baahidda Jaamicadda...
Guji..

Waa Sidee Dareenka Muqdisho Doorashadii Cabdulaahi Yuusuf ka dib [Warbixintii Amiin]

Sidee Looga Arkay Hargeysa  Doorashadda Abdillahi Yusuf ee loo Doortay Madaxweyne [Warbixintii C/caziz]

Golaha Midowga Dadka Reer Gedo oo Baaq u Diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Soomaliya
baaq isugu jira taageero, bogaadin iyo talo soo jeedin.. 
Guji...

TAHNIYAD IYO TALO SOO JEEDIN KU AADAN M/WEYNA SOOMAALIYA Dhambaal ka yimid Boosaaso.... Guji...


C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


C/Laahi Yuusuf oo Dhoolacadaynaya kaddib markii uu ku guulaystey madaxweynanimada Soomaaliya, 10/10/2004 [sawirka AFP].. Guji...
TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..


kaah



HTML CD