Sidee Looga Arkay Hargeysa Doorashadda
Abdillahi Yusuf ee loo Doortay Madaxweyne.
Ilaa Shalay Dadweynaha Magaaladda Hargeysa
Waxa Ay Dhagta u taagayeen Idaacadaha Af-ka Somaliga ku Hadla Iyo Kuwa Afaf-ka
Qalaad-ba oo ay u Raaricnayeen Cida Ku Soo Bixi Doonta Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Fadaraaliga Ah ee Somaliya,
Jawiga Hargeysa oo ahaa Maalin Roob Aad u
weyni Da,yey oo Dadweynuhu Raxmadaa Ilaahay u Shubay Ugu Mahad Naqayey In
Somali Ilaahay U Dhiso Dawladd Soo Celisa Kala Danbayntii iyo Karaamaddii u
lahaan jiray qaran-ka Somaliyeed.
Dad-ka Intooda Badan May Seexan Xalay oo
Dhan Anigoo Tagay Goobaha la iskugu Yimaado Hargeysa Gaar Ahaan Meesha La
yidhaa Kaalinta Total oo Dadweyne Fara Badani ku soo Urureen. .waxaan
Arkaayey Dadka oo ka Sheekaysanaya. Mudane Cadow ayaa intaa helay iyo
Qaasim ayaa Tanaasulay iyo Mudane Abdillahi Yusuf Ahmed Ayaa u Dhow In uu ku
Guulaysto Kursiga Ugu Mudan Uguna Sareeya Qaranka Somaliyeed ,
Aragtidda Dad-ka Caadiga ah Ee Hargeysa
waxa Ay ahayd ..Mid Duco ah oo Sidan ah, "waxanu u Rajeynaynaa Qaran-ka
Burburay Ee Somaliya In ilaahay U soo Celiyo Sharaftiisa iyo Karaamaddii uu
ku lahaa Aduunka".. Dadka Intooda Badani waxa Ay ka Midaysnaayeen Sida Ay u
jecelyihiin Nabad Iyo dawladd Ka Dhalata Dhulka Somaliya Ee 13 ka Sano uu
Burbur-ku ka Taagnaa,
Somaliland Oo Aan Aduunka Ka helin Aqoonsi
caalamiya waxa Ay rajeynayaan Shacbigeedu In Iyana Si Uun laga Yeeli Doono
Mustaqbalka Danbe Ee Wadankooga.
..Shacbiga Somaliland Intooda Badan Markaad
Waydiiso Sababta Ay Dhagta Ugu Sii Raaricinayaan Doorashadda waxa ay ku
Odhanayaan Masiir-kayga Ayaa Ku Xidhan Inkastoo Aanu Nahay Dawladd
MadaxBanaan Si kastaba Ha Ahaato
Saacadihii Danbe ee Hargeysa oo ahayd
10:7 Daqiiqo Ayaa Koox Dad ah oo Live ula Socday Shabakadaha Internet-ka
ay Mar kaliye Ku Dhawaaqeen Madaxweynaha Somaliya waxa Loo doortay Mudane
Abdillahi Yusuf Ahmed Madaxweynihii Maamul Goboleed-ka Puntland,
Waxaa is Eeg Eegay Dadweynihii Goobtaasi
Joogay oo qof waliba Uu Go,aansaday in uu Indhihiisa Ku Soo Arko
Shabakadaha Internet-ka Ee Soo Tabinaayey Warar-ka Doorashadda,
20 Daqiiqo Dabadeed waxa Cadaatay In
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraal-ka Ah Ee Somaliya Loo Doortay Mudane
Abdillahi Yusuf Ahmed oo Dadka Reer Hargeysa Ay Aad u Garanayaan ,
Waxa Bilaabantay Faaladdii Dadku ka
Bixiyeen Doorashadda ….Yaab, Yaab, Somali Ma Tan ayey ku Arrinsatay Sidaa
waxa Yidhi Oday 60 Jir ah oo Taagnaa Goobaha Internet-ka Laga Dirsaddo Ee
Xaafadda Dunbuluq Hargeysa ..Faalo Ma leh, Tani Mar Kale Waa Sii Hadlay
Odaygaasi waxa uu Sheegay In laga Yaabo in Sidii Charles Taker-kii Liberia
Ee Madaxweynaha Loo doortay si Xal Loo helo Ay Dan Moodeen Mudanayaasha
Baarlamaanku In xal-ku Ku qurux Badan Yahay in ka Dhibaatadda Gaysta
Masuuliyadda la Saaro si Xul Dawladeed Mar kale Loogu Talaabsaddo.
Dad-ka Intooda Badan Lama Ayna Dhicin
Cabdillahi Yusuf Ahmed In la Doorto waayo?Dadweynaha Hargeysa waxa ay u
arkaan Abdilaahi Yusuf Nin ka Masuula ah Weerar-ka Lagu Soo Qaaday Dhul Ka
Mid ah Somaliland.
Gudoomiyaha SNM Mudane Hassan Essa Jama Oo
Ay Jamhuuriya Waydiisay Sida Uu U Arko Doorashaddii Ayaa Ku Jawaabay? Waa In
Marka Hore La waydiistaa Dawladda Dhalatay Ee Jamhuuriyadda Fadaraaliga
Somaliya Aqoonsi Ay u fidiso Somaliland.
Mudane Hassan Essa Jama Isagoo Sii wata
Hadal-kiisa Ayuu Yidhi Haddii Ay Diido waa In laga Diyaar Garoowbaa
Arrinkaa,
Wasiir-ka Reer Miyiga Fu,ad Aden Cadde oo
isna Isla Su,aasha La waydiiyay Ayaa ku Jawaabay ,Doorashadda Abdillahi
Yusuf waa Mid Dagaal Isaguna waxa uu doonayaa Dagaal Kolkaa Arrin kale ma
Yaal ee waa In la Diyaar Garoowbaa.
Ilaa Hadda Hadal Cadi kama Soo Bixin Guriga
Looga Taliyo Somaliland oo ku wajahan Doorashaddii Xalay ee Lagu Doortay
Madaxweynaha Cusub ee Somaliya,
Laakiin wasiir Ku xigeen Hadlay Xukumadda
isagoo Dadweyne u qudbadaynaya Magaaladda Ceergaabo Ayaa Balan ku qaaday In
Uu Difaaci Doono Madaxbanaanida Xuduudaha Somaliland, Si kastaba Ha Ahaatee
Dadweynaha Hargeysa Iyo Xukumadda Madaxweyne Reyaale waxa Ay Sugayaan
Talaabadda Ay qaado Xukumadda Cusub ee Madaxweyne Abdillahi Yusuf ahmed,
Abdiaziz.A.Musa
Hargeysa
abdiaziz2@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004
C/LAAHI YUSUF OO KU
GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa
uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka.
Guji...
TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|