SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print
SOMALITALK.COM | NAIROBI | OCTOBER 10, 2004
DOORASHADA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA:::

C/LAAHI YUSUUF AXMED, AYAA KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA::

Saacada Afrikaad bari: 10:00pm: Axad October 10, 2004

WAREEGII 3aad
Musharax Codadka
1. C/llaahi Yuusuf Axmed 189
2. C/llaahi Axmed Caddow 79

Waxaa aad loo qoslay kaddib markii guddoomiyaha baarlamaanku uu ku dhawaaqay in C/laahi Caddwo uu ku guulaystey madaxweynaha, laakiin waxa uu ula jeedey C/laahi Yusuuf, waayo xaqiiqo ahaan waxaa codadka ugu badan helay C/laahi Yuusuf Axmed (189 cod).

Waxaa baarlamaanka Soomaaliya laga dhawaaqay in C/Laahi Yuusuf Axmed uu ku guulaystey jagada madaxweynaha Soomaaliya ee shanta sano.

C/Laahi Caddow  ayaa istaagey oo gacan qaaday C/laahi Yusuuf kaddib markii lagu dhawaaqay in C/laahi Yuusuf uu ku guulaystey jagada madaxweynaha Soomaaliya.

C/laahi Yuusuf ayaa istaagey, oo kor u qaaday, dadkii oo dhan ayaa sacab ka wareegey, calanka soomaaliya ayaa la saaray, C/laahi Yusuufna waxa uu salaan ka qaatay askar Keenyaan ah, kaddib C/laahi ayaa salaamay guddoomiyaha baarlamaanka iyo dhammaan cod bixiyayaashii..

Waxaa markiiba bilowday in askar dhar cad ah oo Kenyan ah ay waardiyeeyaan C/laahi Yusuuf.

Waxaa markaas C/laahi Yuusuf la fariisiyey kursi uu hor suran yahay Calanak Soomaaliya.

Kaddib guddoomiyahay baarlamaanka ayaa C/laahi caddow ka codsaday in uu u mahad celiyo C/laahi Yusuuf isla mar ahaantaana uu la shaqeeyo.

C/laahi Caddow ayaa u mahad celiyey xubnaha baarlamaanka, iyo dhamman intii ka qayb qaadatay sheirka kenya. Waxan auu qiray in si xor ah loo doortay C/laahi Yuusuf, waxana uu ballan qaaday in uu waxkasta oo awoodiisa ah uu la garab istaagi doono madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Kaddib waxaa hadlay C/laahi Yuusuf oo u mahad celiyey IGAD iyo beesha caalamka iyo dhammaan intii ka qayb qaatay shirka kenya...

Sidaas ayuuna C/laahi Yuusuf ku noqday madaxweynaah 5ta Sano ee Soomaaliya.

Tallaabada ugu horaysa ee laga rabo madaxweynaha waa in uu soo doorto ra'iisul waraare. Ra'iisul wasaaruhuna soo dhiso dawladda.

DANDUUQII KOOWAAD WAXAA KU HOREEYA C/LAAHI YUUSUF

WAQTIGA AFRIKA BARI: 9:35pm: Waxaa dhamaaday tirintii sanduuqa koowaad, waxaana ay kala marayaan labada musharax C/Laahi Yuusuf 130+ cod iyo C/lahi Caddow 50+cod.. Waxaa la bilaabay tirinta sanduuqa labaad.. la soco natiijada kama dambaysta ah...

COD-TIRINTII WAREEGGA 3aad OO MARKALE DIB U BILAABATAY:::

WAQTIGA AFRIKADA BARI::: 9:30pm: Cod tirintii ayaa mar kale meeshiidii dib uga bilaabatay kaddib markii ay cabbaar hakatay cillad xagga korontada awgeed.


GOOBTII COD-TIRINTA OO MUQGDI NOQOTAY

Shirkii oo muddo saacad ku dhow u xayiran cillad farsamo oo xagga korontada ah::: IYO CID TIRINTII OO LA JOOJIYEY ARINTAAS AWGEED

Cillad farsamo oo la xiriirta ama loo malaynayo korontada ayaa sababtay in dib loo dhigo cod-tirinta wareega saddexaad, cilladaas oo ah korontada meesha lagu qabanayo cod bixinta ee Nairobi.  Guddoomiyiha Baarlamaanka ayaa gacmaha kor saaray sanduuqii furnaa ee ay ku jiraan waraaqaha cod tirinta, si uu u ilaalayo amaanka sanduuqaas iyo in aan codka wax laga bedelin.. Weli meeshu waa mugdi wixii kusoo kordha la soco... WELI MEESHA COD TIRINTU WAA MUGTI....... Ilaa hadda Korontadii waa ka maqan tahay goobta.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa muujiyey karti dheeraad ah asagoo aan ka ag dhaqaaqin sanduuqii furnaa ee la codadkiisa la tirinayey.

COD-TIRINTII WAREEGGA SADDEXAAD OO BILAABATAY::

WAQTIGA AFRIKADA BARI 8:30pm:: Waxaa bilaabatay cod tirintii wareega saddexaad oo ah tan lagu soo doranayo madaxweynaah 5ta sano ee Soomaaliya.

Lasoco natiijada dhowaan insha Allah... (Cabbaar markii aad joogtid guji: 'Refresh' si aad u aragtid in aan daabacnay qoraal cusub - eeg sawirka midig).

CODBIXINTII WAREEGA 3aad OO AH TII UGU DAMBEYSEY OO BILAABATAY::

WAQTIGA AFRIKADA BARI:: 8:00pm: Waxaa bilaabatay cod bixintii xubnaha baarlamaanka ee wareeggii saddexaad, taas oo lagu kala saarayo C/llaahi Yuusuf Axmed iyo C/llaahi Axmed Caddow kii noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya 5ta sano ee soo socota. .

C/LAHI YUSUF iyo C/LAHI CADDOW OO ISUGU SOO HARAY WAREEGA 3aad:::

Wareegan waxaa labada musharax lagu kala saarayaa cod dheeri kaddib marka ay xubnaha baarlamaanku markale cod bixiyaan...


C/lahi Yusuf
Da': 70 jir

C/lahi Caddow
Da': 64 jir

Wareega Saddexaad waxaa isugu soo haray C/llaahi Yuusuf Axmed iyo C/llaahi Axmed Caddow.

NATIIJADII WAREEGGA 2aad:::

WAREEGII 2aad
Musharax Codadka
1. C/llaahi Yuusuf Axmed 147
2. C/llaahi Axmed Caddow 83
3. Max’ed Qanyare Afrax 38

Labo musharax ayaa isugu soo haray wareega saddexaad, labadaas musharax oo ah:  C/llaahi Yuusuf Axmed iyo C/llaahi Axmed Caddow.

Sida uu qabo axdi qarameedku: Waxaa madaxweyne noqonaya musharaxa hela in kabaadan 2/3 codadka xildhibaanada. Laakin haddii codbixintaas ugu horeysa aan musharaxna helin in ka badan laba meelood oo kamid ah codadka oo loo qaybiyo saddex (2/3), waxaa markaa la tartansiin doonaa lixda musharax ee haysta cododka ugu badan, kuwaas oo u gudbaya wareega labaad.

Haddii markaas lixdaas xubnood aan midkoodna helin in ka badan 2/3 codadka xildhibaanada, waxaa markaas wareega saddexaad loo gudbin doonaa labada musharax ee helay codka ugu badan. Labadaas musharax oo u gudbaya wareega saddexaad ayaa cod dheeri lagu kala saari doonaa, halkaas oo uu kasoo bixi doono madaxweynaha 5ta sano ee Dawlada Dhexe ee KMG ee Soomaaliya..

Sidaas daraadeed waxaa la tartan siinayaa labo C/laahi oo isugu soo haray wareegga saddexaa.


Inta la sugayo natiijada waxaa magarafoonka lagu soo dhoweeyey Inj. Maxamed Cabdi Kulmiye iyo Bashiir maxamed Jaamac oo ka hadlay arimo la xiriira guud ahaan Soomaalida.


CODBIXINTII WAREEGA 2aad OO DHAMMAATAY:::

WAQTIGA AFRIKADA BARI:: 6:20pm:: Wareegii labaad ee doorshada waxaa codeeyey 270 xildhibaan, Waxaana ka mqan 5 xildhibaan, haddana waxaa bilaabatay cod tirintii... Boqshado maran ayaa kor loo taagey, si musharax kasta codkii uu helay loogu rido...

SADDEX MUSHARAX AYAA ISU SOO HARAY WAREEGA 2aad:::

Waqtiga Nairobi: 6:00pm: Waxaa hadda socda codbixintii wareegga labaad taas oo xildhibaanadu ay codkooda ka dhiibanayaan kii madaxweyne noqol lahaa saddexda musharax ee isu soo haray.


C/lahi Yusuf
Da': 70 jir

C/lahi Caddow
Da': 64 jir

Max'ed Qanyare
Da': 63 jir

Saddexda musharax ee isu soo haray waa: C/llaahi Yuusuf Axmed, C/llaahi Axmed Caddow iyo Max’ed Qanyare Afrax.

SADDEX MUSHARAX AYAA TANAASULEY:::


C/rxman Jama

C/Qasim Salad

Ing. Caddow

Saacada Nairobi: 5: 25pm: C/qaasim Salaad Xasan, C/raxmaan Jaamac Barre iyo Inj. Max’ed Xuseen Caddow ayaa ka tanaasuley musharnimadoodii doorshada kaddib markii ay u soo gudbeen wareega labaad...

WAREEGA 2aad OO BILOWDAY:::

Saacada Nairobi: 5:00pm:: Waxaa la isugu soo laabtay wareegii labaad ee doorshada.

Wareega labaad ee doorashada waxaa isugu soo haray lixda musharax ee sawiradoodu hoos ka muuqdaan, waxaanamar dhow bilaabmi doonta codbixinta wareegga labaad.


C/lahi Yusuf

C/lahi Caddow

Max'ed Qanyare

C/rxman Jama

C/Qasim Salad

Ing. Caddow

NATIIJADII WAREEGA 1aad:::

Saacadda Nairobi: 4:00pm: waxaa wareega 2aad u gudbey..

WAREEGII 1aad
Musharax Codadka
1. C/llaahi Yuusuf Axmed 80
2. C/llaahi Axmed Caddow 35
3. Max’ed Qanyare Afrax 33
4. C/raxmaan Jaamac Barre 18
5. C/qaasim Salaad Xasan 16
6. Inj. Max’ed Xuseen Caddow 14

Dhammaan 26ka musharax waxay cododka u kala heleen sidan::

WAREEGII 1aad
Musharax Codadka
1. C/llaahi Yuusuf Axmed 80
2. C/llaahi Axmed Caddow 35
3. Max’ed Qanyare Afrax 33
4. C/raxmaan Jaamac Barre 18
5. C/qaasim Salaad Xasan 16
6. Inj. Max’ed Xuseen Caddow 14
7. Muuse Suudi Yalaxow 13
8. Cusmaan Jaamac Cali "Kalluun" 10
9. Jeylaani Cali Kediye 9
10. Xuseen Maxamed Caydiid 9
11. Faarax Weheliye Caddow "Sendiko" 8
12. Max’ed Cumar Xabeeb "M.Dheere" 6
13. Muumin Ibraahim Isaaq 4
14. Cali Cumar Xasan Guuleed 3
15. Cabdi Guuleed Maxamed 3
16. Mahdi Abuukar Max’uud 2
17. Axmed Cabdi Xaashi "Xasharo" 2
18. Maxamed Yaasin Ismaaciil 2
19. Caasha Axmed Cabdalle 2
20. C/qaadir Suufi "Muriidi Golf" 1
21. Cabdi Cusmaan "Kabareeto" 1
22. Cabdiraxmaan Cabdi Awaare 1
23. Cusmaan Max’ed Faarax 1
24. Cali C/llaahi Maxamed 0
25. Sheekh Cumar C/qaasim 0
26. Jaamac Xassan Khaliif 0
ISKU-DARKA CODODKA 273

Labada musharax ee kala ah Maxamed Xasan Nuur "Shaati Guduud" iyo Jaamac Cali Jaamac ayaa musharaxnimdoodii ka laabteen daqiiqadii ugu dambeeyey intii aan codka wareega koowaad la bixin, sidaas ayey isugu soo hareen 26ka kor ku xusan.

Waxaa hadda la qaatay 40 daqiiqo oo biririf ah, kaddib ayaa la isugu soo laabanaya wareega labaad..

SANDUUQYADII AYAA LA FURAY:::::

Saacada Nairobi: 3:00pm: Waxaa hadda la furayaa sanduuqyada, sanduuqii labaad ayaana la furay, waxaa midmid loosoo saarayaa waraaqaha ay ku qoran yihiin magacyada musharaxa looo codeeyey, taas oo magaca warqada ku qoran kor loogu dhawaaqayo. Tirada sanduuqyada waxay dhamayd 2 sanduuq.


WAREEGII 1aad AYAA DHAMAADAY::

Waxaa hadda (qiyaastii 2:30pm ee Afrikada Bari) dhamaaday wareegii 1aad ee doorashada, waxaana la tirinayaa codadkii xildhibaanada.. Musharaxii hela 2/3 codadka ayaa noqonaya madaxweyne, haddii kale waxaa loo gudbi doona wareega 2aad.


Cabdullaahi Yuusuuf Axmed oo la taagan sarkaal kamid ah kuwa hagaya doorshada, kaddib markiii uu C/lahi Yuusuf ballan ku qaaday in uu aqbali doono natiija kasta oo ka soo baxda doorshada.

C/laahi Yuusuf waa musharaxa hoggaaminayey wareegii koowaad ee doorshada, taas oo uu helay 80 cod. [EEG SAWIRKA OO WEYN]


dhaarMusharaxiinta oo ku dhaaranaya Kitaabka, ayaagoo ku dhaartay in ay aqbali doonaan natiijada doorshada: Sawirka ka bilow bidix: Abdikasim Salat Hassan, Abdirahman Jama Bure iyoAbdulahi Ahmed Adow.


Qaabka Doorashada:::

SOOMAALIYA 2004:: QAABKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA:::
Xubnaha baarlamaanka ee codayanaya waa 275 xubnood
Wareeg 1 28 Musharax > 2/3 Cod 1 Madaxweyne
Haddii wareega 1aad aan 28ka musharax midna helin in kabadan 2/3 cod, waxaa markaas wareega 2aad u gudbaya 6da musharax ee ugu cod badan.
Wareeg 2 6 Musharax > 2/3 cod  1 madaxweyne
Haddii lixda musharax midna uusan helin in kabadan 2/3 cod, waxaa wareega 3aad u gudbaya labada musharax ee helay  cododka ugu badan
Wareeg 3 2 Musharax Cod dheeri 1 Madaxweyne

Qaabka ay doorashadu u dheceyso ayaa ah in xildhibaanadu ay codkooda si qarsoodi ah ugu ridi doonaan sanduuq. Waxaana madaxweyne noqonaya musharaxa hela in kabaadan 2/3 codadka xildhibaanada. Laakin haddii codbixintaas ugu horeysa aan musharaxna helin in ka badan laba meelood oo kamid ah codadka oo loo qaybiyo saddex (2/3), waxaa markaa la tartansiin doonaa lixda musharax ee haysta cododka ugu badan, kuwaas oo u gudbaya wareega labaad.

Haddii markaas lixdaas xubnood aan midkoodna helin in ka badan 2/3 codadka xildhibaanada, waxaa markaas wareega saddexaad loo gudbin doonaa labada musharax ee helay codka ugu badan. Labadaas musharax oo u gudbaya wareega saddexaad ayaa cod dheeri lagu kala saari doonaa, halkaas oo uu kasoo bixi doono madaxweynaha 5ta sano ee Dawlada Dhexe ee KMG ee Soomaaliya..

HEERARKII UU SOO MARAY SHIRKA NAIROBI:.. GUJI::

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2004

ISHA SAWIRKA: YAHOO SEARCH


WARQAD FURAN: Doorashada Madaxwaynaha ee Maanta
[Xasan Dhooye oo warqad u diray xildhibaanada]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

kaah



HTML CD