SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TALO
 
Daabaco Boggan | Print

TAHNIYAD IYO TALO SOO JEEDIN KU AADAN M/WEYNA SOOMAALIYA

Maxamed C/raxmaan Ducaale
Bosaaso


C/Qadir Suufi (Muriidi Golf) ookor u qaaday gacanta C/lahi Yuusuf markii lagu dhawaaqay doorshada madaxweynaha...
[Sawirka AP]


C/laahi Yusuf oo xildhibaanada la hadlayeye markii la doortay Axad 10/10/2004 [Sawirka AFP]


Asalaamucalaykum waraxmatullaahi warakaatuhu 

Salaanta islaamka ee kor ku qoran kadib, Aniga oo ku hadlaya magaca maamulka, macalimiinta, shaqaalaha iyo ardayda Jaamacadda bariga Afrika ee fadhigeedu yahay Boosaaso.waxaan halkan uga soo jeedinayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasibada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada faderaalka ee Soomaaliya, Mudane, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.Waxaana leeyahay xil culus baad qaaday ee ilaahay ha kuu fududeeyo hana kula garabgalo, Aamiin. 

Talo SOO JEEDIN. 

Mudane, Madaxweyne.

Sida muuqata waxaa laguu dhiibay adna aad aqbashay hogaaminta wadan uu halakeeyey dagaal sokeeye, mudo ka badan rubuc qarni, kaas oo galaaftay dhammaan kabayaashii uu lahaa wadanka, waxaad qaaday mas'uuliyada wadan ka bur-buray dhinac kasta oo aaney jirin meel u bedqabta oo fayow. 

Intaa waxaa dheer caqabado farabadan oo ka dhashay dagaalka sokeeye ee uu wadanku soo maray mudadaa, mudane madaxweyne, Waxaa kaa horeeya oo larabaa in aad ka gudubto jid dheer oo ragaad badan qodxana daadsan yihiin,haddaba,si looga gudbo caqadabadaas waxay u baahan tahay karti iyo dulqaad dheeri ah, waxay u baahan tahay in meelo badan wax laga eego oo talada la rog-rogo, Soomaalidu waxay tidhaahdaa haddaan la rog-rogin rag baan helin. 

Waxaa muuqata in maanta aan si sahlan  looga dejin karin dawladda caasimadii qaranka, waayo waxay hoy u tahay kooxo hubaysan oo kala gedisan fikir ahaan, oo aaney suurta gal tahay in ay si fudud u soo dhoweeyaan dawladda.Haddaba, si looga gudbo loogana guulaysto dhammaan caqabadahaas waxaan soo jeedinayaa kuna talinayaa, in aad yeeshid Mudane Madaxweyne sidan:- 

1:- Waa in aan  dawlada la geyn gudaha wadanka ilaa hogaamiyayaasha kooxaha hubaysan ee ay dhici karto in ay ka horyimaadan dawlada curdanka,haddana ku sugan madasha shirka lala gaadho is faham iyo wadashaqayn buuxda intooda badan. 

2:- In marka wadanka la tago caasimadda si ku meel-gaadh ah looga dhigo Baydhabo, taas oo fududaynaysa in ay si diiran u soo dhoweeyaan dawladda dadka degan goboladda Bay, Bakool,Gedo iyo Hiiraan, halkaas dawladu waxay ka helaysaa taageero rasmi afarta gobol ee aan kor ku soo sheegay iyo shanta gobol ee uu ka kooban yahay maamul-gobileeda Puntland. 

Marka sidaa la yeelo waxaa si fudud iyana gacanta dawladda u soo geli doona goboladda Jubbada hoose iyo dhexe, oo dadkoodu haddaba dawladda u hayo taageero badan, marka laga reebo hogaamiyayaasha siyaasada, waxaa kale oo aan  si weyn u rajaynayaa in ay dawladdu soo dhoweyn weyn ka heli doonto gobolka Sh/ dhexe ee uu gacanta ku hayo mudane Maxamed Cumar Xabeeb,uuna kajiro maamul iyo kala danbayn, sidaa waxay dawladu ku hanatay  iyadoo aaney wax dhiig ah ku daadan,12 gobol oo kamid ah 18 kii gobol ee Soomaaliya. 

3:- Arrinta goboladda waqooyi ee Soomaaliya,waxaan u arkaa in ay muhiimadeeda leedahay,waxaan dareensanay in goboladda Togdheer iyo Awdal 80% dadku taageersan yihiin dawlad dhexe oo uu  yeesho wadanka Soomaaliya, halka uu gobolka waqooyi galbeed shacabkiisu ka taageersanyahay in ka badan 50%, Haddaba waxaan soo jeedinyaa in il gaar ah lagu eego gobolada waqooyi, dawladdana laga siiyo qayb libaax, weliba dawlada lagu soo daro rag miisaan ku leh gudaha wadanka isla markaana taageerada dadkiisa, sida aan ka warqabno gobolada waqooyi waxay tirsanayaa tacadi iyo cadaalad daro ay kala kulmeen maamuladii hore,taasna waa in aaney dib u dhicin, tanaasul iyo is facisna laysu sameeyo labada dhinacba. 

Marka aan ka hadlayno gobolada waqooyi waa in lagala hadlo Dawladaha jaarka sida Jabuuti iyo Itoobiya sidii ay wadashayn fiican u dhexmari lahayd dawlada cusub, taas oo culays siyaasaded iyo mid dhaqaaleba ku noqonaysa madaxda siyaasadeed ee gobolada Waqooyi Soomaaliya,hadday madax adayg la yimaadaan. 

4:- Waa in ay dawladdu ciyaartaa door dublamaasiyadeed oo ku aadan kooxaha laga yaabo inaaney soo dhoweyn dawladda, oo aaney ku deg-degin hawl-galo milateri ilaa laga fursan waayo mooyaane. 

5:- Mudane Masaxweyne waxaan kugula talinayaa in aad inoo xushaan adiga iyo raysalwasaaraha aad inoo magaacibi doonto haddii Allaah idmo, raggii ka samatabixin lahaa wadanka marxaladda uu hadda marayo, iyadoo laga dheeraanayo nin jeclaysi, kooxaysi iyo wixii lamid ah   laguna xulo karti. aqoon, wadaniyada iyo miisaanka siyaasadeed ee uu ku soo kordhin karo dawladda shakhsigaasi. 

6:- Muqdisho, waxaan filayaa markaa ay dawladdu intaa fuliso, dibadana ay ka hesho aqoonsi caalami ah, iyo kaalmo dhaqaale oo wax ku ool ah, islamarkaana ay dawladu  kari karto in ay waxka qabato adeegyada ay dawladi u qabato shacabkeeda, ayna yeelato Baasaboor la aqoonsan yahay oo bedela kan hadda jira, isla markaana ay bedesho lacagta hadda socota, xidhiidho badanna lala sameeyo wax garadka kala duwan ee reer Muqdisho ayna arkaan dawladii oo shaqaynaysa oo dhaqaaqday, waxaan filayaa in aaney tareenka ka hadhi doonin reer Muqdisho, oo ay walaalahood gacmaha qabsan doonaan. 

Wabillaahi Tawfiiq 

Maxamed C/raxmaan Ducaale
golisbos@hotmail.com
Bosaaso

Puntland State of Somalia

Qoraalkan kala xiriir: odaymaax@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004


Warbixin ku saabsan Jaamacadda bariga Afrika
Yoolalka iyo Baahidda Jaamicadda...
Guji..

Waa Sidee Dareenka Muqdisho Doorashadii Cabdulaahi Yuusuf ka dib [Warbixintii Amiin]

Sidee Looga Arkay Hargeysa  Doorashadda Abdillahi Yusuf ee loo Doortay Madaxweyne [Warbixintii C/caziz]

Golaha Midowga Dadka Reer Gedo oo Baaq u Diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Soomaliya
baaq isugu jira taageero, bogaadin iyo talo soo jeedin.. 
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


C/Laahi Yuusuf oo Dhoolacadaynaya kaddib markii uu ku guulaystey madaxweynanimada Soomaaliya, 10/10/2004 [sawirka AFP].. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

 



HTML CD