SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
 
Daabaco Boggan | Print

Golaha Midowga Dadka Reer Gedo ayaa waxaa uu Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federalka Soomaliya u dirayaa baaq isugu jira taageero, bogaadin iyo talo soo jeedin.  


Ali Malaaq Ahmed, chairman

Aadan A. Colujoog, vice-chairman

Ugu horeyntii waxaana kugu hambalyayneynaa howsha culus oo loguu doortay, waxaana Ilaahay weydiisanaynaa inay dawladaadu noqodo mid dadka wada deeqda oo la mahadiyo isla markaana  salka u dhigta hanaan iyo waa cusub oo ku fadhiya sinnaan, cadaalad, wadatashi iyo awood qeybsi.

Dadka iyo dalka Soomaaliyeed  waxaa soo maray afar iyo tobon sano oo dagaal sokeeyo  iyo doonis dowladnimo. Waxaa kale oo soo maray kala qeybsanaan, qoqob siyaasadeed iyo naceyb qabiil. haseyeeshee rajada ay  shacbiga Soomaaliya ka  qabaan inay taas soo gaba gabowda ayaa waxay ku xiran tahay sida aad u wajahdid howlaha ad-adag ee ku horyaala. Si loo abuuro Soomali fiyow, mideysan, xoog iyo caafimaad leh, loona gaarsiiiyo Soomaaliya mustaqbal nuur leh, kobac dhaqaale, aqoon, iyo nabad raagta, waa in dowladaadu aamintaa kuna dhaqantaa naddaamka furfurnaanta, qarsooni la’aanta iyo, la xisaabtanka dowladda.

Waxaanu si cad oo buuxda  kaaga digeynaa inaad ka fogaatid  waxyaabihii burburiyay xukuumadihii hore Soomaaliya kuwaas oo ay ugu horeeyeen:

1. Ku dhaqan la'aanta shuruucda dalka iyo sareynta sharciga

2.
Qeexitaanka iyo isu-dheellitirla’aanta awoodda hay’addaha sare ee qaranka sida hay’adda sharci-dejinta, hay’adda fulinta iyo hay’adda garsoorka.

3. Tixgelin la'aanta xoriyadu qowlka iyo koryeelid la'aanta karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo saxaafada xort ah.

4. Tixgelin la'aanta aqoonta iyo khibraada muwaadinka

5. Ka faa'iidaysi la'aanta kheyraadaka dalka iyo horumarin la'aanta culuunta casriga ah

6. ku tagrifalka, boobka iyo dhaca hantida guud iyo midda gaar ahaaneed

7. Damaanad qaadis la’aanta lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dowrka la’aanta ganacsiga ku dhisan suuqa xorta ah.

8. Sugidda iyo taaba gelinta la’aanta xuquuqda asaasiga ah ee qofka sida hoy,  cunto, waxbarasho, iyo caafimaad.

9. Xafidid la’aanta diinta islaamka  iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed

Waxaan ognahay in habka dowlad dhexe oo awood badan la tijaabiyay isla markaana habkaas uu guuldareysaytay. Waxaa kale oo aan ognahay in habkani uu abuuray kala shake balaaran, kaasoo sababay in gobolada qaarqood gooni isu taagaan, iyadoo kuwa kalena laga yaabo inay sidaas oo kale yeelaan. Waxaan aaminsanahay in sida kaliya oo lagu soo celin karo kalsoonida shacbiga soomaaliyeed, laguna daaweyn karo dhaawaca uu abuuray nidaamka awoodda kooban uu yahay inaad ku shaqeysaa habka xukunka baahsan ama federalka oo aad gobolada u madax banaaneysaa inay amuurahooda iyagu maareeyaan maxaa yeelay waxaanu aaminsanahay in midnimada ummadda Soomaaliyeed lagu hanan karo habka noocaan oo kale ah oo aan wali la tijaabin.

Waxaanu fileynaa inaadan shacbiga Soomaaliyeed niyad jibin. Waxaanu kaa rejeynaynaa inaad si buuxda oo dhaqsiyo leh ugu hortagtid ku talaxtaga iyo xaalufinta deegaanka.  Waxaanu kaa rejeynaynaa go’aan qaadasho bartilmaameedkiisu yahay wadatashi iyo talo wadaag

1. Ali Malaaq Ahmed, chairman

2. Aadan Ahmed Colujoog, vice-chairman

Qoraalakan kala xiriir   <raamoraaxo@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2004


Culimada Boosaaso oo Lagu Been Abuurtay
» Weriye Cawaale oo Sheegay in aan warkaa laga soo xigan
» Cali-Koor oo si kulul ugu Jawaabey Websitekii warka qoray
» Axmed Sahid oo faahfaahiyey meeesha lagacta lagu bixiyey
Dhammaan ka akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


C/Laahi Yuusuf oo Dhoolacadaynaya kaddib markii uu ku guulaystey madaxweynanimada Soomaaliya, 10/10/2004 [sawirka AFP].. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

 



HTML CD