SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

QORAALADA LAGA QORAY CULIMADA LAGU BEEN ABUURTAY:::
  • Xan aan Xishood lahayn
  • Runsheeg Waa  Khayr Sheeg  Been Sheegana Waa Shar Sheeg
  • SIXUN WAX U SHEEG SIXIROOL WAA KA DARANYAHAY 

Xan aan Xishood lahayn

W.Q. Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com


"Waxaan halkaan ka beeninayaa in uusan warkaas aniga uu  iga soo bixin, waxna aanan ka ogayn, cidii iga sheegtayna ay allah maalinta qiyaame la soo hor istaagi doonto"  cawaale jaamac salaad oo ah weriyihii la sheegay in laga soo xigtey warka culimada laga qoray.. [hoos ka akhjri qoraalka cawaale...
Waxaa Puntland laga bilaabay lacag aruuris sida la sheegay loo aruurinayey Jaamacadda ku taal Boosaaso, arintaan oo ah wax wanaagsan oo dadka tusi kara ugu yaraan in lacagtu gondahooda taalo, haddiisa arintaas dad warxumatashiil ah ay ku been-abuurteen sheegeena in lacagtaas loo aruurinayey ummaddo kale, ay beeniyeen dadkii oo dhan..
 
Waxaa arintaas beeniyey dadkii aruurinayey, kuwii la yiri waa sheegeen warka, maamulkii Puntland, iyo dadkii deegaanka ee la socday xaalada runta ah iyo sida wax u dhaceen, haddaba miyeysan ahayn in ciddii warka marka hore qortay ay raalli galiso dadka ay ku been-abuurteen? Mise websiteyada qaarkood lama barin sida war been ah looga noqdo?
 
Cullimaddan lacagta u aruurisay Jaamacadda iyo horumarka Puntland waxay marwalba ka sharaf badanyihiin kuwa dhowaan Nairobi lacag ugu aruuriyey Cabdullaahi Caddow, nasiib darro kuwan Nairobi, oo ay waliba dadka Jaamacadda maareeya ay isku aragti-diineed yihiin (Salafiyiin) waxay garanwaayeen in lacagtaas deegaankoodu u baahanyahay...
 
Waxaan marwalba la saffanahay qolo walba oo isutaagta horumarka arimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha, xitaa haddii aan kala aragti duwanahay, waxaan soo dhoweynaa hay'ado Gaalo ah oo xitaa aragtiyadoodu dhaqan ahaan iyo diin ahaan  aan kala duwanahay, maxaad u malaysaa niman aan isku af, diin, dhaqan, deegaan nahay oo kaliya aan isku khilaafsanahay aragtiyo kale ee siyaasad u badan...

W.Q. Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com 


Runsheeg Waa  Khayr Sheeg  Been Sheegana Waa Shar Sheeg.

cawaale jaamac salaad. bosaaso, 
mobil 2525257222 ama line 2525233172  
Email: jamnaf87@hotmail.com


Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso... Guji... 

Aniga oo ah cawaale jaamac salaad oo jooga Bosaso  waxaan halkaan ka beeninayaa been abuurkii waynaa ee nafteeyda laga been sheegay ee webejyada somalida qaarkood lagu soo daabacay, kaas oo ay ku sheegeen in aan u soo tabiyay wararkii ku saabsanaa in koox culuma ahi ay lacag u aruurinayeen  nin ay ku sheegeen xasan turki iyo arimo kale.

Culumadaan oo lacag u aruurinayay jaamacada bariga afrika ee magaalada bosaso, oo ahayd arin caam ah.

Waxaan halkaan ka beeninayaa in uusan warkaas aniga uu  iga soo bixin, waxna aanan ka ogayn, cidii iga sheegtayna ay allah maalinta qiyaame la soo hor istaagi doonto,  waxaan leeyahay warkaas waa waxba kama jiraan, cida faafisayna ayaga ayeey ku egtahay ee ha u naxeen bulshadooda iyo mustaqbalka umadooda, dadkoodaba iyo diintoodaba, aflagaadana haka daayeen culumada iyo dadka u adeega danaha umada iyo mida guud ee islaamka, dacaayaadka intaas le’egna uma haboona dad islaam ah in ay isu adeegsadaan, maadama  ay keeni karto iskudhac iyo tafaraaruq wayn. 

Waxaan u sheegayaa dadka islaamka ah ee ku nool  dibada iyo dalkaba in aysan qaadan dacaayada raqiiska ah ee cidii rabto ay soo gashato intarnetka, waxaana ka cadaynayaa halkaan in uusan jirin warkaas oo uu yahay been abuur weyn, waxaan kale oo halkaan uga sheegayaa akhristayaashii akhristay qoraalkaas in uu ahaa warkaas mid la iska yiri oo aan lahayn sal iyo raad iyo cid laga soo xigtay toona, arintuna ay taas ka gadisnayd sida aan ogahay, dadka dagan deegaankaan oo dhana ay la socdaan, xataa mamulka puntland, ayna ahayd arin aad loosoo dhaweyay oo lagu farxay maadaama wax loogu qabanayay dano guud iyo arimo aqoon kororsi ku sabsanaa. 

cawaale jaamac salaad. bosaaso, 
mobil 2525257222 ama line 2525233172  
Email: jamnaf87@hotmail.com


SIXUN WAX U SHEEG SIXIROOL WAA KA DARANYAHAY 

W.Q. Axmed Sahid 
asaahid@yahoo.com

Waxaa maalmahan hawlgal wayn oo wacyi gelin ah ka waday gobollada kala duwan ee Puntland koox culumo ah oo u dhashay gobolladan kana kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddisaba, barnaamijta ay culumadaasi ka hadlayeen waxaa u badnaa:-

  1. Muxaadarooyin kala duwan oo ka dhacaysay masaajidda.
  2. Siminaaro kor loogu qaadayay aqoonta iyo wacyiga ardayda dugsiyada.
  3. Kulamo kala duwan oo ay la yeelanayeen qaybaha bulshada sida: - Maamulka dawladda, Isimada, Odayaasha, Ganacsatada, Aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada.
  4. Tabarrucaad (Fund Raising) ay ka aruurinyeen dadwaynaha degan magaalooyinka ay marayeen kaasoo ku salaysnaa baahida hadba haysata deegaankaas.

Waxaa xusid mudan in wafdiga culimadu meel kasta iyo magaalo kastaba ay kula kulmayeen maamulka dawladda laga bilaabo Madaxwayne ku xigeenka D. G. Puntland Mudane : Maxamed Cabdi Xaashi, Golaha Wasiirada qaarkood , qaybo ka mida Golaha wakiillada iyo waliba qaybaha kale ee dawladda sida: Hay’adaha amniga, Booliska,  Saraakiil ka mida Ciidamada daraawiishta, iyo maamulada dagmooyinka ay marayeen. 

Dhammaan goobahaas wax si diiran culumada ugu soo dhawaynayay madaxda kala duwan ee deegaanadaas iyagoo uga xog waramayay maamulladaas ujeedada safarkooda oo ahaa sara u qaadida wacyiga bulshada reer puntland, iyo in ay wax wada qabsadaan iskuna duubnaadaan, arrintaas oo maamulkuna la qaatay. 

Safarkii culumada ayaa markii uu soo gaaray magaalada bosaso waxa ay la kulmeen baahi wayn oo ka jirta jaamacadda Bariga Afrika oo u baahan lacag dhan $ 216, 000 oo ay ku ballaarinayaan wax qabadka jaamacadda sida dhismayaal cusub oo lagu soo kordhinayo, laboratory ay jaamaccaddu leedahay, jidad laami ah oo jaamacadda soo gala, macallimiin cusub oo dibadda laga dalbayo iyo baahiyo kale oo aad u fara badan oo jaamacaddu dabooli wayday. 

JAAMACADA BARIGA AFRIKA

Safaradii waftiga waxbarasha Buntland ay kutageen Australia sannadkii hore.. Guji

Sidaas awgeed waxay culumadu isu xilsaareen inay sameeyaan lacaga aruurin ballaaran oo ay ka qabteen goobo kala gedisan oo ka tirsan magaalada Boosaso ayna goob joog ahaayeen qaar ka mida maamulka gobolka bari. 

Ilaa hadda lacagta la yaboohiyay waxay dhantahay $100,000 taasoo aan dhammayn 50% lacagtii ay jaamacaddu ka codsatay dadwaynaha reer Punland. 

Haddaba anigoo tixraacaya maaqaal ku soo baxay bog kamid ah Internetka oo ay ka soo xigteen wariye lasheegay in uu jooga magaalada Boosaaso, kuna sheegay arrrimo aad iyo aad xaqiiqada uga fog, sawir khaldanna ka bixiyay ujeedada safarka culumadaas iyo dareenka dadka degan magaalada Boosaso labadaba.

Warbixintaan ayaa sheegaysay, in lacagtaas loo aruurinayay nin la yiraahdo Xasan Turki oo dagaallo ka sameeyay dooxada Jubba waxaa kale oo ay ku tilmaantay bulshada inay walaac ka muujiyeen lacag aruurinta ay culumada sameeyeen, dawladdana ka codsadeen inay si taxaddar leh u baarto. 

Hadaba waxaa la yaab leh horumarka itaas le’eg in laga turjumay khalad lagana baxshay sawir kale oo lid ku ah si loo lumiyo kalsoonida ay dadka deegaankan degan ku qaabileen culumaddii safarka ugu timid. 

Waxaa mucjiso in laamihii dawladda oo safarka culumada la socday ilaa maalintii ay soo galeen magaalada Laas caanood goob kasta oo ay shir iyo lacag arruurin ka qabanayaan xaadir ahaa ay cid kale oo aan alif iyo ba’ toona ahayn isu xilsaarto inay dadka iyo dawladdaba u fasirto fartana ugu fiiqdo ujeedooyinka beenta ah ee ka turjumeen safarka culumada. 

Sidoo kale waxaan layaabay sawirka laga baxyshay dareenka bulshada bixisay kuna yaboohday wixii ay hanti mid socota, mid maguurtaa iyo dahab ay lahayd ilaa ay bulshadaasi bixisay lacagtaa aan kor ku xusnay oo aanay bixin kari cid walaacsan ama shaki kalsooni xumo qabta. 

Nadwadii laga Joojiyay Gaalkacyo  July 2004

Ugu dambayntii maqaalkaas wuxuu meel uga dhacay dhammaan Wasaaradda arrimaha gudaha, hay’adaha amniga ee dawladda, Ciidamada Booliska, kuwa daraawiishta oo dhammaantood meesha joogay iyo dadwaynaha khayrka jecel ee ku nool goboladdan. 

Waxaan ku dhaleecaynayaa bogga ama websiteka soo daabacay maqaalkan aan raadka iyo salka toona lahayn inay iska soo daabaceen iyagoo aan ka fiirsan waxay qorayaan ama aan kala xiriirin jihooyinka ay khusayso.

Waxaan leeyahay in ciddii ka dambaysay ee soo daabacday iyo kuwii soo tifaftirayba lala xisaabtamo si loo ilaaliyo misdaaqiyada bogga. 

W.Q. Axmed Sahid 
asaahid@yahoo.com


Weriye Cawaale: Waa Laygu Been Abuurtay
Warkii culimada Bosaso laga sheegay wuxuu ahaa.. Guji

Nin Soomaali ah oo Lagu Dilay Belgium
Ninkaas oo 30-jir ahaa magaciis waxaa la oran jirey..
Guji..

WAXA ISKU SOO HARAY 28 MUSHARAX
kuwaas oo u tartami doona jagada madaxweynaah Soomaaliya, magacyadoodu waxay yihiin... 
Guji...


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD