SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

FAALLO: SOMALILAND DAL DHISAN IYO DAD JIHAYSAN

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907


E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

Ilaahay ayaa Mahadleh, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato nebigeena Suuban maxamed (C.S.W).

Marka xigta waxaan ka xumahay inaan arko rag macnaha xorriyada iyo madaxbanaanida si qalafsan u fahmay, kollayna waxaan aaminsanahay inaanay Somaliland ku burburi doonin shan daba-dhilif oo ka qayb gallay shir aan shacabkoogu ka raali ahayn, shantaasi daba dhilifna kow kama aha oo laba kama aha oo Seddex kama ah inay khiyaameyaan shacabkooda, 300 dollar oo afka si saqajaanimo ah loogu qabto waa mid ay ab iyo isir u lahaayeen.

CUSMAAN JAAMAC CALI KALUUN: HADII LA I DOORTO WAXAAN RAACAYAA TASTUURKA
"
waana ka fogaanayaa nin jeclaysi, waana ku dadaalayaa midnimada umadda Soomaaliyed".. Guji

Waraysi: Ismaaciil Buubaa
..Aniga waxaan ka mid ahay inta qabta midnimadii dalka soomaaliyeed iyo in sina aanu dalku u kala go'i karin Guji

Somaliland iyo jiritaankeedu dabcan maaha wax gorgortan la gelinaayo oo cid lagala hadlaayo, Somaliland qaranimadeedu waxay la mid tahay mid ay malaayiin qof u dhinteen, maaliyiin hooyoyinna ay u goblomeen, Somaliland waa fikrad xor ah oo nadiif ah oo ku dhisan caqli iyo aqoon  la darsay lagana munaqashooday, Bishii May sannadkii 1991, markii ay beelaha iyo waxgaradka somaliland ku arrinsanayeen magaalada Burco hal dollar beesha caalamku waxba kuma ay tarin qaranimada Somaliland, hogaamiyayaashii usoo jihaaday xornimada iyo hogaamiyayaashii Beelaha Somaliland-na kuma ay ceeboobin adduunka oo inta boqolaal hudheel looga kireeyey magaalooyinka adduunka kuma ay khasaarin ee geed hoostii ayey ku gooyeen, shacabkooduna waa ayideen, taasi oo kale ayaa loogu mahad naqa Ilaahay subxanahu watacalaya (Alxamdulilah), dabcan waa ta ka dhigtay shacabka Somaliland qaar xor ah oo ka xaaran ah xaasidnimo iyo calool xumo.

hadaba akhristow Tee ayaa u eg Mansab faqiir ah (poor Decisions) laga soo bilaabo 1990-kii boqolaal calooshooda u shaqaystayaal ah, Boqolaal waxma garato iyo hogaamiye Kooxeed iskugu jira boqolaal caydh qatayaal ah oo europe iyo north america soo tureen ayaa ugu yaraan tobanaan shir loogu qabtay Nairobi, Cairo, Addis ababa, Soodare, Carta, Djibouti, Tripoli, Sanca, waxaasi oo dhami waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay, kursi u carar, jahli iyo aqoon xumo waa ta hadhaysay Soomaaliya, maatidoodii iyo caruurtoodii ayaa habeen iyo maalin u magan ah Somaliland, Masab Faqiir ah waxa weeyaan ta lagu kala saari waayey qiimaha dhiigga qofka iyo xayawaanka ee habeen iyo maalin dadka aan waxba galabsan loogu dilaayo garoowe, boosaaso, muqdisho, baydhabo iyo magaalooyinka la midka ah, caqli faqiir ah (poor idea) waa ta habeen iyo maalin kursiga la iskugu haysto ee beesha caalamku khaatiyaan ka istaagtay xalkooga, ayaandarrada iyo fikradda qaloocani waa ta ay hogaamiye kooxeedkooda iyo kuwooga siyaasaddu habeen iyo maalin gacmaha hoos haystaan dawlada adduunka, hadaba qoraalkaygani ayaan jecelahay inaan laba dhinac u kala qaado oo aan ugu jawaabayo laba nin oo aan ka adkaysan waayey waxshinimad iyo fikradooda ay ku dhisantahay xasadka iyo qabiil u cararku, ma jecli inaan magacyadooda sheego balse mid kasta qoraalkiisa ayaan hoos ku qoraya aniga oo jawaab ka bixinaya

HIMILADA HARGEYSA WAA HILACAYSA

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..

Hargeysa waa xudunta xornimada, ilbaxnimada, ifafalaha, xorriyadda, qaranimada, aqoonyahanka, xilkasnimada, iyo wax isku sheega, Hargeysa waa xarunta is dhegaysiga is qadarinta, isfahamka, iyo himilooyinka, Hargeysa waa xarunta aqoonta iyo aasaska jiritaanka Mujtmaca, Hargeysa waa xarun ku sifoowday eexasho la'aan, nabadgelyo, iyo qadarinta beelaha wada dege Somaliland, Hargeysa dabcan waa halbawlaha kulmiye qaranimada Somaliland, waana xarunta Jamhuuriyadda Somaliland, hargeysa waxay ku caano maashay dimuqraadiyad iyo sinaan ay ugu yaboohdo shacabka Somaliland galbeed ilaa beri, Sool ilaa Awdal, Togdheer ilaa Saaxiil, Sanaag iyo ilaa Buhoodleh.

Somaliland dawladeedu waa mid shacabkeeda dhegaysata haba dhaliilan eh, waa mid garwaaqsata halka sartu ka qudhuntay waa mid adeegsata taloooyin iyo firkadaha dadkeeda, waa mid aan awood u lahayn inay ku dhaqaaqdo wixii mansabka dadkeeda ka hor imanaya, haddii aan salka u dego gobolada beriga Somaliland waa mid ka go'an shacab iyo dawlad sidii xukuumadda loo gaadhsiin lahaa wax kasta oo ay Somaliland ku qaadataba, waanu ognahay walaalahayo reer Laas Canood sida loola dhaqmo waanu soo socona waxaa walaalayaal la ina dhex dhigay waa colaad, laakiin waa inaga dhex bixi doonan waxaasi oo dhami, Somaliland waa dad og kalitalinimada khibrado badanna ka haysata 30 sanadood oo Siyaad barre ka talinaayey dalka Somaliland, kali talnimada Cabdilaahi Yuusuf-na dabcan noqon mayso mid sii shaqaysa haddii ay guulaysan waydo diblomaasiyaddu waa ogyahay cabdilaahi yey halkuu uu maray saaxiibkii Ina barre.

Cabdilaahi Yey ama ha adeegsado argagixiso calooshooda u shaqaystayaal ah oo uu isku dayo inuu ku khal-khal geliyo Madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland ama ha isku dayo inuu adeegsado beer laxawsi iyo inaga isku ah (Harti) waxaa la soo gaadhay wakhti aanay waxaasi oo dhami socon doonin, ninkii rag ahaa wuxuu yidhi

Daanyeerku laan buu
Weli dacalka haystaa
Bahal ceedhin deyn waa
Anna waxa la ii diray
Daaraanta godobtoo
Nabarrada damqanayaan
Hadba dacar ku noolayn
Ilaa daayin abidkay
Dawankaan ruxruxayaa
Falla waan ku darayaa
Marka doobi buuxsamo

Gaariyow afkaaga caano lagu qabay, waxaa la soo gaadhay xilligii beenta meel la dhigi lahaa runta la isku sheegi lahaa, Beesha Caalamku waa ka dheragtay beenta  la iska iibinayo, waxaa hubaal ah oo aan cidna ka qarsoonayn waxa shirka lagu sheegay ee lagu dhoob dhoobaayo Tuulada Embigathi inaanay waxba ka duwanaan doonin kuwii hore ee cairo, Soo-Dare, Jibouti, Carta, Tripoli, Sanca, I.W.M

Somaliland waa dal dhisan dadkeedu gaadhsiiyeen horumarka, maaha meel beenta la iskaga iibiyo, qabyaaladana la isku beer laxawsado, Somaliland waa hoy diiran oo ninkii ayaanleh ilaahay hibo uga dhigo.

Aan ku soo gunaanado uguna baaqo Saaxiibkayga muraayada Madaw isku dahaadhayow kuwii horaan uga taag la'ayne bahasha iska bixiyo oo bal dhinacyadaada eeg!!!!!

Wax la yidhi nin dooloo

Beryo dibada meeroo
Dani baajin weydaa
Caal waa dib ugu kacay
Degelkuu cid ku ogaa
Fadalkiyo durduradii
Wuxuu dacal ka soo galay
Dooryaanle waagii
Didibkii la oollaa
Daaqsin buu ka halacsaday
Dayr-dhaaf nin jiilaal
Shitay dogobbo waaweyn
Waxa duunka hoosiyo
Damaciisu kula faqay
Ninkaas daartay xaabada
Wax u dagamsan baa jira

Lugihii degdegayuu
U duwadey dhankiisii
Isla doonasho Illaah
Doobku waa walaakii
Waa ninkuu dad iyo maal
Dummaddiisa kaga tegey
 

SOMALILAND WAA DAL KA ONKAMAY XORRIYADA IYO MADAXBANAANI FIKRAD WAADAXA IYO QAWL TUJAARI AH

»Somaliland : The poor idea
 
[Free Awdal Forum | Dr. Dahir]

Somaliland waa dal dadkiisu halkaasi gaadhsiiyeen, horumar, ilbaxnimo, isqadarin, aqoon iyo hufnaan waa Somaliland mid ay ku caano maashay, Somaliland runtii waa mid ka yakh-yakhsiyoota fikradaha faqriga ah ee ka jira Soomaliya, waana mid ka weyn kana hanweyn wax loogu yeedho "midnimo", dabcan kelmadda Midnimo waa mid lagu dagay shacabka Reer Somaliland, balse waxay Shacabka Somaliland leeyahiin "Mar i dage alla ha dego mar labaad i dagase anaa is dagay" oo macnaheedu tahay 1960-kii haddii aan midnimo ku yaboohay aniga is dagay maantase baabacada cad ee bini-aadmiga ku taal oo timo lagu arko weeyi Somaliland oo midnimo danbe la gasha cidhif ka tirsan dawladaha berig africa.

boqolaal aqoonyahan, boqolaal waxgarad, boqolaal suldaan, boqolaal wadaad iyo diin yaqaan, boqolaal indheer garad ayaa sannadkii 1991 garwaaqsaday xornimada iyo madaxbanaanida Somaliland, Somaliland waxgaradkeedu adduunka kuma uu ceeboobin iskugumuu dhiibin caruurtooda qoryo, Nairobi iyo carta iyo qaahira muu tegin kamana uu dawarsan shilimaad gacanta loo saaro, waxgaradka Somaliland muu badin dadkiisa in wax soo saarkooda dabiiciga ah uu ka qado oo uu ka ag bakhtiyo, Somaliland waa dal iska daa qofka afka soomaliga ku hadla eh ay ku hammiyaan dadka aan jinsi iyo midab aanay wadaagin.

sannadahii u dhexeeyey 1969 ilaa 1990-kii cidhiidhigii la baday Somaliland, boqolaalkii dhalinyaro ee guryaha lagala baxay ee inta gacmaha iyo lugaha la isku xidhay lagu xasuuqay, diyaaraddii intay Hargeysa ka kacdo ila dib u rushaynaysay, waxaasi oo dhan shacabka Somaliland intay meel iska dhigeen ayey bilaabeen sidii ay dalkooda u dhisanlahayeen mawqifkoodana u xijisan lahayeen, waxaan aaminsanahay maanta ninkii Muqdisho wax ka galeen ayaa ayaan darran oo aan ku tilmaami karaa (poor Idea), bal u fiirso inta wacad ee ay dadkooda ku fureen, weli lama arag hogaamiye siyaasadeed oo reer Somaliland oo kitaab ugu dhaartay dalkiisa oo ku wacad furay, laakiin taasi waxay ka dhacday Soomaaliya (that is the biggest poor idea),

MAXAAN KU TILMAAMI KARA POOR IDEA

Sawirka hoos ku yaalla waa Hooyo Soomaaliya ah oo degen jubbooyinka oo gaajo macaluulaysa wiilkeedii yaraana dhinac ka quudinaysa


this is the biggest poor Idea
 

MAXAAN KU TILMAAMI KARA HORUMAR IYO XORNIMO

duleedka hargeysa iyo beeraha ay muwaadiniinta somaliland dhulkeeda ka beeranayaan iyo quruxda ka hilaacaysa oo soo jiitay safiirka ingiriiska u fadhiya addis ababa.


this is the real worth idea

mid ka mid ah shaqaalaha Somaliland oo nabadda iyo naacawda geed hoostii ku quracanaya.


amoud university libraries, this is the real and big idea and best integrity a nation reaches
.
 

 sawirada  kor ku xusan ayaa runtii si waadax u kala saari kara waa maxay fikradda fayaw iyo ta gaajoonaysa aan kusoo gunaanado una sheego ninka lagu magacaabo Dr. Dahir Haji Nuur Somaliland waxaa ka mid ahaa qodobadii loo sameeyey.

1. In xornimada iyo Madaxbanaanida shacabka iyaga dib loogu celiyo.

2. Somaliland shacabkeedu iyaga ayaa masayrkeeda gooyey waxaanay %97 ugu codeeyeen in aanay gorgortan gelinayn xornimadooda (somaliland integrity will not be negotiated in any manner)

3. Somaliland burburkii ka gaadhay gacantii keli talisnimo inaan cidna loo qaadin ciddii ka hor timaadana loo aqoonsado Khaayimul qaran sida adiga oo kale.

4. Somaliland kuma dhisna awood cid gaar ah ay gacanta ku hayso ee awooddu waa mid dhex taal u ah shacabka, shacabkuna ugu doortaan si dimuqraadiyad ah (centralized authority and elected the leaders for one man one vote)

5. awoodda ciidmadeed iyo dhaqaale ee Somaliland waxaa gacanta ugu haya waa xukuumadda ay doorteen (the authority of financial and militery are the hands of their elected government)

6. Somaliland shacabkeedu sida Soomaliya kama baqdaan hogaamiye kooxeed ee iyaga ayey hogaamiyayaashooda siyaasaddu ka baqdaan, hogaamiye siyaasadeed oo loo doorto si dimuqraadi ahina kuma dhici karo inuu ka talaabsado wuxuu dastuurku u dhigayo.

gunta iyo gebo-gebada ayaa ninkii noola waxaa laga haya:-


Wuxu yidhi " degmadayadu

Dareen way ka siman tahay
Doogna way gudboon tahay
Doorna waw midowdaa
Libna way ku dirirtaa
Xilla way daryeeshaa
Daba gelisyadiisiyo
Dad-qal way ka adag tahay

Danna way wadaagtaa
Duddadaa u kala rogan
Mana kala dab qaataan
Dadab baa ku kala xidhan
Kala durugsanaantiyo
Digadana nin baa shiday
Dawaduu ku huriyaa
Rag inay ku damiyaan
Dannigoodu farayaa
Gaas bay ku darayaan
Meel daad u baahnayd"

Waxes jira Duleedow
Dibirrooti kulul baa
Dingaraaradiisii
Xaska lagula daatee
Dakharrada la geystoo
Waa daanno culusoo
Rag iskaga danbeeyaa"
Malaa wayla durugtee
Aan soo dabbaalee
Tartan laba ku dirireen
Dahab loogu beretamey
In la seexsho dacawada
Danta laga lahaa waa
Inuu diinku guul helo
Dulmarkiyo ujeeddadu
Dadka waxay baraysaa
In dedaalku wacan yahay
Dhanna dulucda sheekada
Duur-xul baa ku yara jira
Iyo dala'si laga wado
Duqu inaanu dheerayn
Sida loogu daran yahay
Iyadoo ka diimmoon
Dayo moog habaarkaas
Awgiis ma daaree
Isna duubka hibada ah
Doomaarta cawskiyo
Daristuu ka jecel yahay.
Doqonniimo lama dhayo!!!
Hedna lama daweyn karo!!!

waa dhab inaan doqonimo la dawayn karin

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
Mobile: 00-92-300-2600907

diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 3, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan


»Xil ma dhibe mise Xil-dhibaan? [M.Xirsi]
»
Ninkii in Dhaxalka laga Qadsho ka Baqaa, Qeybintiisuu ku Waashaa
»C/Lahi Yusuf vs C/Lahi Caddow: Yaa ku haboon m/weyne [M.A.]
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?.
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..

»Somaliland : The poor idea [Free Awdal Forum | Dr. Dahir]
»Cabdullaahi Dagaal Oogis Miyaadan Ka Daaleyn! [Suudi]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
RIYAALE vs SAXAAFADDD::: GUJI
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare
Doodii Dadweynaha ee 2001

 



HTML CD