SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

“Ninkii in Dhaxalka laga Qadsho ka Baqaa, Qeybintiisuu ku Waashaa”

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaan maqlaynaa in hogaamiye-kooxeedyo laga sheegayo inay rabaan in jagooyinka waddanka ugu sarreeya ceeriin ahaan loo qeybsado! Waxaa laga sheegay, Daarood iyo Hawiye wax noogu qaybiya! Kursi-jacaylka lamaba yaabbaniye waxaan la yaabay waxay isa siiyeen; yeyse ka dhaxleen? Miyesan labadan qolo ahayn kuwii laga sheeganayey ilaa iyo afartankii sano ee ugu dambeeyey? Oo ma madaxweynayaashii dowladihii rayidka ahaa iyo tii Kacaanka darteed bay dhaxal noogu yeesheen mise Salbalaar iyo Carta darteed?! 

Qolaa beri waxay wafdi ahaan usoo dirsatay nin ay ku sheegeen safiir oo u dirsan jireen boqorrada iyo qabiilooyinka kale iyagoo caqli iyo xikmad biday. Maalintii dambe ayaa nin boqor ahi ka dalbay inuu ka hadlo gammaan badan oo la horkeenay. Ninkii wuxuu u hadlay sidii isagood mooddo inuu goosan ari ah ka hadlayo. Maalintii dambe ayaa sidoo kale la horkeenay xayn ari ah oo la rabay in la qalo oo la yiri bal wax ka dheh; dabadeedna sidii isagoo gammaan fardo ah hortaagan buu u Hadley. Nin gabyaa ah oo meesha joogay baa inta la yaabay yiri: ido iyo riyana ma kala saari karo; dadna waxay is kaga soo hormariyeen safiir ahaan; taasi waa doorasho qaab daran. 

Horta labada qabiil een soo xusnay ma in mag laga qaado oo ay ka tanaasulaan jagooyinka ugu sarreeyaa mise inaan dhaxal u siinno? Haddii dadka qabiilooyinkaas iska soo hormariyeen yihiin kuwa aan wax kala saari karin waan u cududaaraynaa laakiin hadday yihiin dad waxgarad ah waxaan shaki lahayn inay inta gees u fariistaan dhihi lahaayeen: Soomaalida kalaay wax noo qeybsha. Siyaasiyiin ruug caddaa ah ayaa qaba arrintaas. Badnaan, xukun lasoo haysan jiray darteed iyo xasab midna kama shaqeeyo adduunka; diin ahaan iyo fidro ahaanba. Labo tusaale oo Soomaali badankeedu fahmayso aan soo qaadanno. 

  1. Maalmo ka hor intuusan dhiman nabi Muxamed (SCW) wuxuu saaray ciidan uu uga madax dhigay Usaama Binu Zayd (RC). Ciidankaas waxaa ku jiray Abuu Bakar iyo Cumar (RC). Dhaqankii waagaas jiray darteed xagga xasabka Usaama (RC) wuxuu ka joogay meel ka sii hoosaysa meesha Soomaalidu geyso qolyaha la yaso ama laga badan yahay ee aan hubaysnayn halka aan garanayno Abuu Bakar iyo Cumar (RC). Laakiin Islaamku wuxuu u yimid caddaalad iyo sinnaan marka dhaqannadaas ayuu la dagaalay. Islaamku waa kan Usaama (RC) ka dhigay hogaamiye amar siinaya Abuu Bakar iyo Cumar (RC) sidoo kale Islaamku waa kan Bilaabkii Xabashiga ahaa (RC) saaray Kacbada korkeeda. Dadka qaar baa wixii Carab ama Soomaali samayso la xiriiriya diinta Islaamka. Xulashadii nabiga (SCW) waxay ka caraysiisay odayaal badan oo Quraysh ahaa. Markaas ka hor waatii Nabigu (SCW) Zayd (RC) oo ahaa Usaama aabbihiis madax uga dhigay ciidan ay ku jiraan Ehlu-beydkii sida Jacfar Binu Abii Daalib (RC). Arrintaas waxay daliil u tahay in sheekada Shiicada ee Imaamnimadaa aysan wax ka jirin mar haddii Zayd (RC) uu imaam u ahaa Jacfar (RC). Nabigu waa u digay odayaashaas oo wuxuu yiri awalbaad horay aabbihiis u durteenne ka waantooba sheekadaas oo qaata amarkeyga. Ciidankii oon magaalada ka dheeraan buu nabigii (SCW) dhintay. Markii Abuu Bakar (RC) la doortay waxba kama bedelin ciidankii. Keliya wuxuu Usaama (RC) ka beryey inuu Cumar Binu Khidaab (RC) u reebo. Usaama (RC) qabiilkiisa ka sokoow wuxuu ahaa 18 jir oo keliya. Marka in madaxweynaha da’ weyni loo shardiyo waa khalad kale oo dheeraad ah. Yaan loo qaadan in arrinta Usaama la xiriirto madaxweynanimo laakiin nabiga (SCW) laftiisa ayaa qiray in aabbihiis iyo Isaguba (RC) ay u qalmeen jagadaas.
  2. Waxay ila tahay qof kasta oo Soomaaliya markuu maqlo Mele Zenawi waa la galayaa. Mele Zenawi ma wuxuu ka dhashay qabiilka ugu badan Itoobiya? Soow Oramada, Soomaalida Itoobiya ku nool, iyo qabiilooyin kale kama badna Tigreega? Marka haddii muslimkii iyo gaaladiiba saa u dhaqmayaan maxaa innaga noo keenay sheeko aan horay loo arag? Marka haddii Zenawi oo qabiilkiisu intaa le’eg yahay xukumo dhulka hadda Itoobiya lagu magacaabo oo tiro iyo balaarba la arkay intuu le’egyahay; maxaa u diidaya in qof beesha shanaad ahi madaxweyne noqdo? Ama tartankaba laga saaro? Teeda kale haddii ceeriin wax lagu qeybsanayo muxuu micno samaynayaa shirka labada sano socdaa?

Ragga hadda qeylinaya oo leh – jagooyinka ceeriin halagu qaybsado waa qolyaha la filayo inay heystaan xildhibaanno badan ooy ku moodaan wareega koowaad ee tartanka madaxweynanimada loogu jiro. Ilaahoow muu Ina Sanweyne noolaado! Sidee ka yeeli lahaa hadday sheekadan oo kale ula yimaadaan? Waxaan jeclaan lahaa inuu marsiin lahaa meeshii la mariyey mid ka mid ah labo nin oo muufo/kimis ku murantay: 

Waxaa dhacday in labo nin oo midi sahay u watay 5 xabbo oo muuffo ah midna 3 xabbo ay isa soo raaceen. Iyagoon weli wax ka cunin ayaa waxaa ku soo baxay nin kale oon wax cunto ah wadan. Ninkaan waxba wadan wuxuu degenaa magaalada labadaas nin ee kale u socdeen. Ninkii wuxuu yiri: raashinka noo qeybiya; markaan magaalada tagno ayaan idiin celinayaa muuffooyinkiinna oo dhan. Waxay isku raaceen in xabbad kasta oo muuffo ah loo kala qaybiyo seddex jab oo ninkiiba jab la siiyo. Markay raashinkii dhamaysteen ayey soo gaareen magaaladii. Ninkii wuxuu u keenay 8 xabbo oo muuffo oo yiri kala qaybsada labadiinu. Kii 5 lahaa ayaa yiri: isii 5-tadyii oo adna seddexdaadii qaado. Laakiin kii seddexda lahaa waa diiday oo wuxuu yiri si isle’eg noogu qaybi oo 4 iyo 4 noo sii. Markay is mari waayeen ayey  isula tageen qaaddi u garqaada. Qaaddigii markuu dhegaystay labadii nin buu yiri ii soo dhiiba 8-da muuffo. Kii 5-ta lahaa wuxuu siiyey toddobo xabbo; kii seddexda lahaa oo seddexda in la siiyo diideyna wuxuu siiyey hal xabbo! Qaaddigu wuu saxsanaa oo kii seddexda xabbo lahaa wuxuu soo cunay labo muuffo ah iyo labo jab (seddex xabbo oo jab la’); keliya waxaa ka maqnaa hal jab. Kii shanta lahaa wuxuu soo cunay intoo kale laakiin waxaa ka maqnaa toddobo jab, markay qaybin noqoto waa inuu helaa 7 laabka waxa kan seddexda watay helo. Waa halka Soomaalidu ka tiraahdo waxbadso waxbeel bey leedahay. Fiicnaan lahaydaa haddii maahmaahdaas loogu meel dayo dagaal-oogayaal badan oo madaxweynanimo-doon ah. Inkastooy madaxweyne-doon yihiin waxay ku fiicanyihiin in wasiirro helaan amaba bannaanka la dhigo. 

Haddii la ila tashanayo waxaan ku dadaali lahaa in raggaan leh: ceeriinka wax noogu qaybiya, aan isku dayo inaan kala haro xildhibaannada taageersan oon u sheego inaysan dhaxal nagu lahayne aan ku leennahay mag; dabadeedna ay nooga tanaasulaan jagooyinka waddanka u sarreeya. Marka sida Qur’aanku u sheegay in nabi Muxamed (SCW) noogu sugan tahay raacid; maan sidoo kale maanta madax ka dhiganno dadka laga badan yahay ama qabiil ahaan loo liido? Marka siyaasiyiinta qabta in labadan qolo tartanka laga reebo wey ku saxsan yihiin arrintaas. Marka haddaan idin ka cafinno waxaad samayseen baad buro sidaan. Marka ma aha inay waayaan madaxweynanimo oo kaliya ee waa in  sidoo kalana aysan helin jagada ra’iisulwasaaranimada. 

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalakan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2004


Dr. C/qaasim oo Qabtay shir uu kaga hadlayay Musharaxnimadiisa
"Afartii sano ee aan madaxda ka ahaa TNG waxaan ka qaatay tusaale" sidaas waxaa yiri.. Guji... Oct 2

Wakiilka Somaliland ee Sweden oo Beeniyey Warar ku soo baxay Shebekadaha K/ Somalia... [Wadadyare]

Xilibaan Yacquub: Beesha Awsaciid waxay ku sabirtay in Qaran Soomaaliyeed badbaado... [idaawaqaca]

War Saxaafadeed Ka Soo Baxay Beelaha Harti
Qoraal ku wajahan Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa...
Guji...

C/Qaasim iyo Maxamad Dheere oo Heshiis ku Gaaray Nairobi
»Khilaafaadkii siyaasadeed ee C/Qasim iyo Maxamadheere oo...
»Maxaa lagu kala reebayaa 70-ka  musharax?  Dooda barlamaanka...
»$2000 doolar haddiii aadan dhigin madaxweyne isuma sharaxi kartid
Ka Akhri halkan..... Oct 1

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
TACSI::::
Marxuum Bashiir Ducaale Saalax oo ku Geeriyoodey Pakistan::: Guji



HTML CD