SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

WARARKA SHIRKA:::

  • Dr.C/qaasim iyo Maxamad dheere oo Heshiis ku gaaray Nairobi. 

  • Maxaa lagu kala reebayaa 70-ka  musharax? Baarlamaanka oo ka Dooday Maanta arrintaas..
  • Baarlamaanka: $2000 doolar haddiii aadan dhigin madaxweyne isuma sharaxi kartid
  • iyo wararka Muqdisho.....

Dr.C/qaasim iyo Maxamad dheere oo Heshiis ku gaaray Nairobi. 

 
 
Canab Mumtaz.
Somalitalk.com | Nairobi.
 

Qaasim iyo Maxamed Dheere
Kulamo ay lahaayeen maalmihii la soo dhaafay Dr.C/qaasim oo ahaa madaxweynihii dowlada KMG ahayd ee carta iyo iyo hogaamiye kooxeedka maxamamad cumar maxamd dheere oo gacanta ku haya maamulka Jowhar ayaa qabtay kulan saxaafadeed ay ku shaacaniyeen heshiiska ay ka gaareen khilaafyadii siyaaasadeed ee u dhaxeeyay labada dhinac.
 
Kulankan oo ka dhacay hotelka uu dagan yahay Dr,C.qaasim ee Grand Regency  ayay uga hadleen labada dhinac in ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay,aragti mid ahna ay ka qaateen xasilinta caasimida,taageerida shirka dib u heshiineed ee gabagabad ah,mudo fogna ka socday dalka kenya.
 
C/qaasim salaad ayaa xusay in ujeedada shirka kenya ka socdaa ay ahayd dib u heshiisiin, kan ay gaareen isaga iyo Maxamad dheerena uu qayb ka yahay heshiisyadaas,waxaana uu intaasi ku daray in ay dhamaadeen wax walba oo ahaa khilaaf siyaasadeed oo ka dhex jiray labada dhinac.
 
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay farxad u tahay shacabka soomaaliyed iyo iyagaba, uguna  baaqay in ay soo dhaweeyaan Dowlada ka dhalan doonta shirka dib u heshiinta soomaaliyeed ee ka socda dalka kenya.
 
Maxamad Dheere oo ka hadlayay shirkaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay dhamadeen khilaayadadii siyaasadeed ee u dhaxeeyay isaga iyo C/qaasim salaad xasan,xiligana ay diyaar u yihiin ay ka wada qayb qaataan dib u dhiska dalka iyo taageerida dowlada ka dhalan doonta shirka,heshiiskana ku tilmaamay in uu yahay talaabo ku dayasho mudan si dadka soomaaliyeed ay maslaxad u helaan,shacabkana ugu baaqay in ay taageero la garab istaagaan.
 
Labadan hogaamiye waxay ka mid yihiin musharaxiinta u taratamaya Jagada madaxweye ee doorashooyinka la filayo in ay dhacaan tobanka ogtobar madasha shirka, ka sokow musharaxnimada Maxmamad dheere waxaa si aad u ah u socota ololaha doorashooyinka uu  c/qaasim wado isagoo wada hadalo la yeelanaya siyaasiyiinta,madax dhaqameedka iyo baarlamaankaba.
 
Dr.C/qaasim Salaad Xasan iyo Maxamad dheere horay ayaa waxa uu dagaal siyaasadeed ugu dhex maray magaalada mogadisho,dagaalkaas oo dhibaato u gaystay shacabka soomaaliyeed xiligii ay dowlada KMG ah  cusbayd dagaalkaas waxa uu sababay hoosna u dhigay waxqabadkii dowlada KMG ah ee C/qaasim hogaaminayay ,Maxamad dheere waxa uu ka mid ahaa xildhibaanadii Dowladii KMG ah ee Carta lagu soo dhisay,balse dib ayuu uga baxay isagoo ku biiray Ururka SRRC,kana mid noqday hogaamiyayaahii ka soo horjeeday Dowladii carta.
 
Qaar ka mid ah siyaasiyiintaas ayuu la heshiiyay c/qaasim oo ay ka mid yihiin Muuse suudi,osman caato, isagoo intii uu ku sugnaa Nairobi qayb qaatay heshiis ay wada gaareen Beelaha wada daga Marka oo dagaal ku dhex  maray shabelelada hoose, iyagoo kala saxiixday heshiis in ay ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay.

Maxaa lagu kala reebayaa 70-ka  musharax? Baarlamaanka oo ka Dooday Maanta arrintaas.

 

Sawirka kala xiriir: Ali Hassan ali19us@yahoo.com
Gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah,ku xigeenadiisa iyo xoghaynta ayaa kulankii baarlamaanka ee maanta soo hor dhigay shuruud lagu kala saarayo musharaxiinta u taagan jagada madaxweyne oo gaaraya 70 xubnood inta la hayo araajidooda illaa hadda,shuruudaas ayaa ahayd in musharax walba uu keeno 2000$,laba kun oo dolar,musharaxii dhiibi waayana uusan ka qaybgali doonin tartanka madaxweyne ee doorashada soo socota.
 
Mudanayaashi ka soo qaybgalay kulankii maanta oo gaarayay 164 mudane ayaa si weyn uga dooday arrintan iyadoo qaarkood ay soo jeediyeen in lacagtan ay tahay mid aad u yar qof walbana uu awoodo inuu keeno ee lacagta intaas laga badiyo lana gaarsiiyo in ka badan 10,000$,tobankun oo dolar,sidaasna lagu kala saaro kii keena lacagtaasna uu u gudbo tartanka doorashada kii keeni waayana laga saaro liiska musharaxiinta.
 
Doodaas kadib ayaa cod loo qaaday iyadoo tiradii ugu badnayd ay u codeeyeen in laga qaado musharax walba 2000$ laba kun oo dolar,halka 23 ka mid ah diideen waxaa ka aamusay 5 mudane,sidaas ayaana lagu ansaxiyay in musharax walba laga qaado lacagtaas.
 
Lacagta laga qaadayo musharaxiinta halka dhigayo in loo soo celinayo iyo in kale ayaa dib loogu dhigay ka doodisteeda kulanka xiga ee baarlamaanka oo dhacaya maalinta sabtida ah,waxaana ay hadda ku guda jiraan waxii laga yeeli lahaa lacagtaas.
 
Soo saarida go'aankan lagu kala reebayo mushariinta ayaa ka dhashay kadib markii ay aad u bateen musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweye,Guddiga nidaaminta doorashooyinka oo baryahaan waday qabashada araajida ayaa sheegay in tirada ay qabteen ay gaarayso todobaatan musharax,waxaana la hadal hayaan in shuruudaas ay kala reebi doonto.
 
Musharaxiinta isku taagay jagadan ayaa ku kala duwan aragti ahaan, ,marka aad u kuurgasho waxaana kuu sawirmaya in qaarkood ay dhab ka tahay doonista jagadan kuna bixiya dhaqaale maskax iyo waxyaabihii kale oo ay awoodaan,qaar waxa ay ka damacsan yihiin in ay ku helaan jagooyin hoose qiimayna lagu siiyo,halka kuwo kale ay ka tahay in ay ku galaan kaydka taariiqda magac ahaan.
 
waxaa kale oo uu baarlamaanka maanta kulamo kala yeeshay madax dhaqameedyada beelaha soomaaliyeed ee ku sugan shirka,iyagoo kala hadlay sidii ay baarlamaanka ugala shaqayn lahaayeen nidaaminta doorashooyinka,iyo guud ahaan dhismaha dowlada,odayasha dhaqanka ayaa arrintan ka aqbalay dhankooda iyagoo sheegay in ay la shaqaynayaan.
 
Madaxda dhaqanka(Ugaasyada,Suldaan,wabar IMW)ayaa maraxalo kala duwan kala kulmay shirka intii uu socday,qaarkood waxa ay dib ugu laabteen dalka,kadib markii waxqaybinta baarlamaanka ay kaalin wayn ku lahaan waayeen,halka kuwo kalena ay iska joogeen,qaarkood waxaa lagu eedeeyay in aysan ahayn ugasyada rasmiga ah ama suldaanka beesha,si kastaba ha ahaatee waxaa hadda waxaa ku sugan madash ugaayadas iyadoo qaarkood dib loo celiyay kana mid ahaa ergadii lagu celiyay soomaaliya.
 
Baarlamaanka KMG ah ayaa maanta sidoo Tacsi u diray marxuum,xildhibaan Xasan Abdulle Qalad (Allaha U naxariisto) oo shalay galab geeriyooday,una rajeeyay in uu ALLE ka waraabiyo janadii fardowsa,una diray tacsidaas dhamaan ehelkii marxuumka iyo intii kale ee uu ka tagay samir iyo iimaan ka siiyo.Aamiin.........
 
Baarlamaanka soomaaliya ee KMG ah oo taageero ka helay Wadamada.Jaamacada Carabta,Jabuti iyo talyaaniga.
 
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka prof.maxamad Cumar Dhalxa ayaa ayaa sheegay in baarlamaanka soomaaliya uu taageero rasmi ah ka helay wadamada ku jira Jaamacada Carabta,Jabuuti,iyo Talyaaniga,waxayna soo gaarsiiyeen xafiiska baarlamaanka Waraaqo ay ku cadaynayaan taageeradoodaas ugna hambalyeeyay soomaaliya ka dib mudadii uu shirka socday in ay ku guulaysteen in ay dhistaan baarlamaan KMG ah.
 
Wadamadan ayaa intaas ku daray in ay taageerayaan baarlamaanka iyo dowlada dhalan doontaba dhaqaale iyo waxii ay ugu soo baahdaan,una rajeeyay in ay xilkooda u gutaan sida sida saxda ah,si ay soomaaliya uga baxdo dowlad la'aanta.
 
Horay waxaa baarlamaanka u taageeray Qaramada Midoobay,Maraykan iyo wadamada IGAD qaarkood,iyadoo markii ugu horeysay uu baarlamaanka taageero ka helay Dowlada kenya oo martigalinaysa.
 
Dhinaca kale Wasiirada A/dibada ee IGAD oo ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay ee Newyork ayaa wadahadalo la yeelanaya mas'uuliyiinta sarre ee QM si ay  ugu raadiyaan taageero ah xag dhaqaale iyo wax qabadba.Dowalada laga filayo shirka,waxaana lagu wadaa in ay warbixin ka siiyaan QM,heerarkii uu soo maray,iyo halka uu marayo hadda oo ah heer gabagabo,caalamka oo taageera ay ku xiran tahay waxwalba.
 
lixda wasiir arrima dibadeed ee urur goboleedka IGAD waa kuwii lahaa bilowgii shirkan iyo isku keenida siyaasiyiinta soomaaliyeed,dheeraanshaha shirka waxaa qayb ka ahaa khilaaf Wadamda IGAD laftooda soo kala dhex galay oo ku saabsanaa dib u heshiinta soomaaliya,balse hadda sheegay in ay ka midaysan yihiin wax u qabashada soomaaliya,iyagoo intaasi ku daray in nabada soomaaliya ay guul u wada tahay dhamaan gobolka oo dhan.iyadoo la filayo in ay shirkas ka keeni doonaan guulo dhaxal gal ah.
 

Canab Abdalla Mahamud.

Somalitalk.com | Nairobi.
<canabmumtaz@yahoo.com>

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO MAANTA ISKU RACAY IN MUSHARAIINTA AY DHIGAAN 2000 LABO KUN OO DOOLAR

axmeddheere65@hotmail.com  Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Kulankii xilibaanada soomaaliyeed ayaa maanta si hab sami ah uga furmay madasha shirka soomaalida sidii caadada aheedna kulankaa waxaa gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka soomaalida shariif xasan shiiq adan , 

 

Gudiga dhameestirka xeer hoosaadka Baarlamaanka ayaan isagu manta ku guuleeysan in uu soo ban dhigo soo dhamees tiridii laga sugaya waxaan shir gudoonka shirku sheegay in ay soo ban dhigi doonaan ilaa iyo maalinka isniinta ah ,

 

Dhinaca kale Baarlamaanka ayaa manta isku afgartay in musharaxiinta xilka madaxwayne nimo ee soomaaliya ay dhigaan 2000 oo Doolar ,

 Iyadoo xubnaha baarlamaanku amuurtaasi si sareexad leh uga doodeen  si walba xaalka ha noqdee waxaa cod ku ansixiyay xeerkaasi 136 Cod halka 23 Xilibaan ay diideen 5 Xilibaana way iskaga aamuseen ,

 

Dhinaca kale xilibaanada Soomaaliyeed waxa ay manta isla ogolaadeen in Maalinka Talaadada ah ay Noqoto maalinka ugu danbeeya oo ay musharaxiinta soomaaliyeed soo Gudbinayaan Lacagta 2000 oo Doolarkaa ,

 

Dhab ahaantii baarlamaanka soomaaliyeed ayaa u muuqda mid heesta dariiqa baarlamaanada manta aduunka ka jira waliba ku wooda ugu macquulsan oo ay ka Jirto Dimuquraadiyada iyo aaraah dhiibashada Xorta ah , 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlanaanka ayaa u muuqda shaqsi si aada u dagan dulqaadna badan  oo aysan damqin Carada iyo Afkaaraha Xilibaanadu


WARARKA MUQDISHO::::

 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

 

akhristayaal waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa waraysi aan la yeelanay Guddoomiyaha Ururka bad-baadada Gabdhaha agoonta Soomaaliyeed ee  ku jiri-jiray xeradii afgooye Xaawo Maxamuud Cali “Xaawo-kiin” iyadoo waraysigu uu yahay mid inta badan aan uga hadleyno bal sida uu ururkaasi u argo Shirka Somalida uga socdo Wadanka Kenya,waxaana waraysiga inoo qaaday isla markaana inoo diyaariyay wariyaheena Magaalada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"

 

Waraysiga waxa uu u bilowday sedan:-

 

“Garyare” Xaawo waxaad inooga warantaa bal sida aad ka Urur ahaan u aragtaan Shirka Somalida uga socda Wadanka Kenya muda dheer ??

 

“Xaawo-kiin” marka waad mahadsan tahay Garyare marka xigta haddii aan ka hadlo sida aan u aragno ka Urur ahaan Shirka Somalida uga socda Wadanka Kenya inuu yahay mid loo baahan yahay,runtiina waxaa dhab ah in Ururkeena ah ururka kulmiya dhamaan gabdhihii agoonta ahaa ee ay gacanta ku hayn jirtay Dowladii Milatariga ahayd ay yihiin dadka ay soo gaaraan dhibaatooyinga ugu badan ee ka dhaca wadanka,taasina waxaa ay cadeynaysaa in aan u baahanahay Dowladd Soomaaliyeed oo inoo soo celisa xuquuqdii aan ku dhex-leheen bulshada Soomaaliyeed,laakiin waxaa xusid mudan in habka loo dhisay Baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu yahay mid lagu xaqiray xuquuqdii ay lahaayeen gabdhihii agoonta Soomaaliyeed ee ku jiri-jiray xeradii Afgooye,waxaana taasi u aragnaa durba in bilowgii dib u hishiisiinta Soomaaliyeed xaqiraad nala ku sameeyay.

  

“Garyare” Xaawo waxaa muuqata in aad ka maqan tihiin qolyaha ka qeyb qaadanaya Shirka Somalida mudda uga socday Wadanka Kenya,haddaba sidee ayaad ugu qanci kartaan  waxa ka soo baxa shirkaasi,iyadoo ay idinka soo yeerayaan hadalo aad ku sheegaysaan in la idin xaqiray??

 

“Xaawo-kiin” waxaa xaqiiqo ah inay xaqiraadi naga soo wajahday shirka Somalida uga socdo Magaallada Nairobi,laakiin waxaa haddana nagu qasab ah in aan u hogaansano waxa kazoo baxa Shirka Somalida,kaasoo haatan lagu dhisay baarlamaanka federaalka Somaliya,waxaana idiin sheegayaa in aan dhowri doono kadib doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya iyo dowlada soomaaliya oo dhan loo dhisi doono,taasi oo Wadanka hogaamin doonta 5-sano oo hada dhiman waxa ay ka qabato cabashadeena.

 

“Garyare” Guddoomiye Xaawo-kiin waxaa laga joogaa markii ay burburtay Dowladii dhexe ee Somaliya ka talin jirtay ee uu horumuudka u ahaa allaha u naxariistee Marxuun Gen,Maxamed Siyaad Barre 14-sano waana waqti dheer oo ay Soomaalidu isku baratay,haddaba haddii dadkii aad  intaasi ku dhex jirteen idin aqoonsan waayeen ma waxaa la idin aqoonsan doonaa 5-sano oo hadda sii dhiman??

 

Xaawo-kiin” run ahaantii Garyare arintaasi waa mid iswaydiin mudan maxaa yeelay dadka Soomaaliyeed wali isma waydiin arinta ah xagee ku danbeeyeen gabdhihii agoonta Soomaaliyeed ee ku jiri jiray xeradii Afgooye,laakiin waxaa la yaab leh inay dadka Soomaaliyeed wayneeyaan Hogaamiya kooxeedyada Soomaaliya xooga ku haysta wixii ka danbeeyay burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya ka talin jirtay bari,xitaa shirka Soomaalida ugu socda Kenya waxaa qeybtiisa lagu saleeyay 4.5 oo ah afarta beelood ee waa wayn iyo beelaha la isku yiraahdo shanta,war iyo dhamaadkiis ma muuqato aqoonsi aan ka helnay Soomaalida dhexdeeda ilaa iyo iminka Garyare.

 

“Garyare” waa tahay xaawo waqtikee is leedahay bulshada Soomaaliyeed way idin aqoonsan doonaan oo xaqiiqii waa uu soo dahirayaa haddii aad tihiin gabdhihii agoonta Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayn jirtay Dowladii Milatariga ahayd ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Gen,Maxamed Siyaad Barre??

 

“Xaawo-kiin” waxaan rajo waxayn ka qabaa mar un in bulshada Soomaaliyeed aan qeybteena ka qaadan doono dib u dhiska Wadanka Soomaaliyeed,waxaana intaasi aan kuugu darayaa Garyare in marka ay meesha ka baxdo fikradda ay qabaan inta badan Umada Soomaaliyeed ee ah Qabiilka oo ay dhamaato waqtiga loo qabtay Dowladda lagu soo dhisayo shirka Somalida uga socda Wadanka Kenya oo waxaa ku rajo waynahay in aan kaalinteena ka qaadan doono Dowladdaasi.haddii alle idmo.

 

“Garyare” Xaawo waraysi kan ka horeeyay oo ay shabakaddan kula yeelatay waxaad ku sheegtay in aad isku soo ururinaysaan dhamaan Gabdhihii agoonta Soomaaliyeed ee kala  firxaday kadib burburkii Dowladdii 21-ka sano ka talinaysay Wadanka Soomaaliya,haddaba arintaasi maxaa idiinka qabsoomay??

 

“Xaawo-kiin” walaahi garyare waxaan sameenay dadaal badan oo aanu ugu tala-galnay bal sidii aan isaga warqbi lahayn,taasi waxaa inooga suurta galay wax badan sababtoo ah waxaan nahay dad aad isku jecel,xitaa iska jecel labada wada dhalatay ee meel ku wada nool,laakiin waxaa jirtay dad aragtidoodu ay gaaban tahay oo ku fikiraya in gabdhaha agoonta Soomaaliyeed aysanba waxaba ku lahayn Wadanka,waxaana ay taasi  ku saleeyaan inaysan dadkan ahayn dad kasoo  jeeda qabiil,laakiin waxaan dadkaasi u sheegayaa in haddii loo baahdo ay dadkan noqon karaan  Qabiil.

 

“Garyare” Dadka Soomaaliyeed qaarkood waxaa ay idingu tiriyaan in aad  ka mid tihiin beelaha la isku yirahdo beesha Shanaad oo qeybtii aad dalka ku leheedeen waxaa la idiinku daray beelahaasi,arintaasi ma la idiin sheegay??

 

“Xaawo-kiin” waad mahadsan tahay Garyare waxaa cad oo ay Soomaalida wada ogtahay sida ay beesha shanaad u qeybsatay tiradii uga soo aaday baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed,waxba yaan hadalka kugu daalin  Garyare waxaa muuqata inaysan jirin wax qeyb ah oo na laga siiyay qeybtii Baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed.

 

“Garyare” Guddoomiye Xaawo Maxamuud Cali “Xaawo-kiin” waxaad la socotaa in shirkaasi Soomaalida uga socda Wadanka Kenya lagu casumay tiro kooban oo ay ugu horeeyaan Hogaamiyayaasha,laakiin waxaa ka qeyb galay intii loogu talagalay in ka badan oo xitaa haatan ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,haddaba arintaasi idinka ma isku daydeen???

 

“Xaawo-kiin” waxaa xaqiiqo ah in aan wax la wadaagno wiilashii agoonta ahaa ee ay gacanta ku hayn jirtay Dowladii Wadankan ka hayaantay sanadkii 1991,laakiin haddii aan u soo laabto muhiimada su’aasha aad iwaydiisay waxaan uu sheegayaa in arintaasi aanan sameeyn sababo jira dartood,iyadoo qolyaha aan lagu casumin ee tagay shirkaasi ay haystaan gacan kale oo gadaal ka riixaysa,hase ahaatee anaga taasi ma haysano,waxaase nahay Dad ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed oo leh heer waliba isla markaana hogaamin kara bulshada Soomaaliyeed waqti kasta.

 

“Garyare” Xaawo waxaa barya dhawayd la isla dhexmarayay warar sheegaya in aad tagayso Magaallada uu ka socda Shirka Somalida,haddaba ma waxaad u tagaysay shirkaasi arimo la xiriira Ururkiina mise waxaad u tageysay howlo kuu gaar ah ??

 

“Xaawo-kiin” Garyare waa ay jirtay in aan aadayo Magaallada Nairobi ee Caasimada u ah Wadanka aynu jaarka nahay ee Kenya,laakiin waxa aan u tagayay ma ahan arimo la xirirro Ururka ee waxay ahaayeen howlo aniga ii gaar ah.

 

“Garyare” Ugu danbeeyntii Su’aasha  aan ku waydiinayo Guddoomiyaha Ururka bad-baadada gabdhaha agoonta Soomaaliyeed ee ku jiri jiray xeradii Afgooye ee ay gacanta ku hayn jirtay Dowladdii dhexe ee ka talin jirtay Wadanka Soomaaliya bari samaadkii waxaa ay tahay,waxaad sheeganaysaan inay dhibaatooyin badan idinka soo gaareen dhinaca Bulshada Soomaaliyeed oo adeemi waayay waxa aad tihiin,iyadoo aad sidoo kale tibaaxday in shirka Soomaalida uga socda Wadanka Kenya isna la idinku xaqiray,haddaba  maxaad ugu baaqeysaa Umadda Soomaaliyeed si aad u heshaan waxa idinka maqan bulshada Soomaaliyeedna aad iskula jaanqaadaan???

 

“Xaawo-kiin” Waad mahadsan tahay Garyare waxaan ugu baaqayaa Umadda Soomaaliyeed inay meel iska dhigaan qabiil jeceelka baahay ee ay ku faanaan oo ay ka fiiriyaan qofka ay wax u dhiibanayaan inuu yahay qof wax qaban kara oo karti  u leh waxa  lagu aaminayo intaasi waxaan oranayaa bulshada Soomaaliyeed,laakiin Beesha Caalamka waxaan iyaga oran lahaa haddii ay Soomaalidii na xaqirtay idin-kana hanoola mid noqonina oo wax ka qabta dhibaatooyinga aan tabaneyno,midna waxaan oran lahaa gabdha agoonta Soomaaliyeed ee ku kala daadsan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa taasoo ah inay hurdada ka kacaan oo ay usoo jeestaan sidii ay xaqooda uga dhex-raadsan lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

 

Intaasina waxaa inoogu dhan waraysigii aan la yeelanay Guddoomiyaha Ururka bad-baadada gabdhaha agoonta Soomaaliyeed ee ku i jiray xeradii Afgooye kuwaasoo ay gacanta ku hayn jirtay Dowladii Milatariga ahayd ee uu Madaxwaynaha ka ahaa marxuum  Gen,Maxamed Siyaad Barre,taasoo lagu magacaabo Xaawo Maxamuud Cali “Xaawo-kiin”waxaana waraysiga inoo qaaday isla markaana inoo diyaariyay warihayeena Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”

 

 

Siminaar socday sadex maalmood oo ay soo qaban qaabisay hay’adda isku xirka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJON oo maanta la soo xiray.

 

Siminaarkan oo ay ka qeyb qaadanayeen 40 ka mid ah suxufiyiinta ku jira Ururkaasi Sojon ayaa waxaa looga hadlayay dhibaatooyinka ay bulshada ku hayeen miinooyinka ku aasan meelaha ay dagan yihiin,waxaana arintaasi ka hadlayay aqoonyahan Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh miinada kaasoo u sheegay suxufiyiintii ka qeyb qaadanaysay siminaarkaasi,macalinkaasi waxaa uu sheegay in dadka soomaaliyeed ay iska ilaaliyaan oo kaliya hubka banaanka yaal,laakiin waxaa uu sheegay inay jiraan qataro badan oo bulshada Soomaaliyeed ka daahsoon,taasoo ay ugu horeyso dhibaatada miinooyinka dhulka ku aasan .

 

Mas’uuliyiinta Ururka soo qaban qaabiyay siminaarkan  ayaa waxaa ay ku dheeraadeen ka hadalka waxa looga dan lahaa siminaarkan,iyagoo sheegay inuu yahay mid wax wayn ka tari kara dhibaatada miinada  ee ay sata bulshada Soomaaliyeed,waxaana ay intaasi ku dareen  in sidoo kale siminaarkaasi lagu baranayay sida uu wariya wax uga baran lahaa qeyb ka mid ah Caafimaadka.

 

Guddoomiyaha Golaha sare ee  Ururka isku xirka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJON Maxamed Barre Xaaji “Fiyoore” oo aan  waraysi la yeeshay kadib xiritaangii siminaarkaasi ayaa waxaan waydiiyay bal in uu iiga waramo sida ay uga faa’iideysteen siminaarkaasui  xubnihii ka qeyb galay waxaa uuna ku jawaabay “walaahi ma cabiri karo sida  looga faa’iideystay siminaarkaasi oo ah midkii ugu horeeyayu oo noociiso oo kale lagu qabto gudaha wadanka,waxaana cad inay jiraan ilaa iyo iminka dad ka mid ah ka qeyb galayaashii siminaarkan oo codsadey in  waqtiga loo badiyo siminaarada noocan oo kale ah”kaasina waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Golaha  sare ee Ururka Sojon Maxamed Barre Xaaji Fiyoore.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay hay’addan siminaar ku qabato Magaallada Muqdisho kaa soo loo qabanayo qaarka mid ah Suxufiyiinta ku jira Ururkaasi Sojon,iyadoo uu ururkaasi dhawaan doontay agaasimaha iyo guddoomiyaha golala sare ee Sojon,xilalkaasi oo loo kala doortay Maxamed Barre Xaaji “Fiyoore” oo ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Sojon iyo Agaasimaha oo isna loo doortay C/qaadir baange

 

 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden “Garyare”

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 1, 2004


Waraaqo uu Kujiro Hilib Doofaar oo Loo Diray Soomaalida NewZealand
Waraaqahaas oo xambaarsan nacayb iyo cabsi gelin..
Guji...
Booliska Scotland Yard ee Britain oo u kuura galay Gudniinka fircooniga ah: warbixintii Ridwaan..
C/RAXMAAN JAAMAC BARRE IYO TARTANKA  MADAXTI-NIMADA
Qaybtii 3aad ee  tartamayaasha madaxweynaha. Fahad...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD