SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  UK

Booliska Scotland Yard ee Britain oo u kuura galay Gudniinka fircooniga ah.
 
Ridwaan Haji
30.9.2004,  London

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen madax ka socota xarunta ugu weyn ee Booliska "Scotland Yard", oo maalin ka hor lagu qabtay London waxaa ay sheegeen in ay jiraan shaqsiyaad weli ku howlan ama ku xadgudba xuquuqda cunugooda taas oo gudniin loogu soo sameeya wadama kale oo ay ka mid tahay Sudan iyo Somaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hey'ad Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Somali Hope iyo Onkod ayaa sidoo kale waxaa halkaasi isugu yimid haween Soomaaliya oo ka sheegeynayay dhibaatooyinka uu leeyahay gudniinkan fircooniga ah.

Dhinaca kale Cabdiraxman Jabriil oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Soomaalida badankoodu aaney la'socon sharciga dalkan waxa uu ka qabo gudniinka, isagoo weliba sheegay in uu cabsiweyn ka qabo in hadii aysan dowladda iyo Boolisku aanay waxka qaban sida ugu dhaqsiyaha badan in la arki doono Soomaali badan oo xabsiyada ugu jirta falalkaasi aykula kaceen caruurtooda.

Gudniinka ayaa ah arin aad u looga soo horjeedo dalka Ingriiska waxaana qofkii ku kaca falkaasi uu mutaysanayaa xarig dhan 15-sano, hadaba kulankan ayaa u badnaa mid lagu uruurinayo xogta ay Soomaalidu ka qabaan gudniinka sharciyadiisa.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday in la'furo adeegyo lagu gudbinayo wacyigalinta dadka sida idaacadaha ama jaraa'idyada iyadoo isla markaasna loo sameynayo xafiis u howlgala arinmahaasi.

Shirkan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee ay ka soo qeybgalaan qabiiro daneynaya ka hortaga gudniinka fircooniga, waxaana ay balanqaadeen ururadii halkaasi isugu yimid iyo qabiirada u xilsaaran dhinaca Booliska dalkan la'dagaalanka gudniinka in talaabooyin waxku oola in ayka soo bixidoonaan dhawaan.


About FGM

Female genital mutilation, sometimes called female genital cutting (FGC) or female circumcision, is the cutting or removal of all or a portion of the female genitals for cultural, not medical, reasons.

FGM leads to lifelong pain and problems with sexual health and childbirth. Depending on the environment and type of the procedure, FGM can lead to serious health issues such as infection, illness and death.

Approximately 2 million girls are mutilated every year. Egypt, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Somalia, and the Sudan account for 75 percent of all cases.


The number of girls and women who have been subjected to this practice range from 115 million to 130 million worldwide and an estimated two million girls are at risk each year.

 
Ridwaan Xaaji Cabdiwali

London, UK.

ridwanhaji@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004


Waraaqo uu Kujiro Hilib Doofaar oo Loo Diray Soomaalida NewZealand
Waraaqahaas oo xambaarsan nacayb iyo cabsi gelin..
Guji...

C/RAXMAAN JAAMAC BARRE IYO TARTANKA  MADAXTI-NIMADA
Qaybtii 3aad ee  tartamayaasha madaxweynaha. Fahad...

CUSMAAN JAAMAC CALI KALUUN: HADII LA I DOORTO WAXAAN RAACAYAA TASTUURKA
"waana ka fogaanayaa nin jeclaysi, waana ku dadaalayaa midnimada umadda Soomaaliyed".. Guji

HESHIISKA BEELAHA BIYO MAAL iyo CEYR
Waraysi Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi)...
Guji...

MA AWOODAA IN AAD WIILKAN YAR U GARGAARTID... Akhri halkan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD